Monday 28 April 2025
Qoraalkani waa soo-koobid laga soo tarjumay warqad ballaadhan oo af Ingiriisi ku qoran looguna tala-galay aqoon-is-weydaarsi lagu magacaabay "Power, Marginality and Oral Literature" oo uu qabanqaabiyaya Dugsiga Darsidda Bariga iyo Africa (School of Oriental and African Studies) ee Jaamacadda London, Jeenawari 1991. Warqaddu waxay ka hadlaysaa maansada dumarka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay sawiridda arrimaha siyaasadda, dhaqanka, iyo guud ahaan nolosha bulshada.
Qodobbada lagu falanqaynayo waxaa ugu weyn dhibaatooyinka hor taagan caan-bixidda dumarka maansayanka ah iyo faafidda maansada dumarka. Qodobka labaadna waa doorkii maansada dumarku ka soo ciyaartay dhaqadhaqaaqii gobannima-doonka Soomaalida. Halkaan waxaan ku soo ban-dhigi doonaa maansooyin ay tiriyeen qaar ka mid ah haweenkii ka soo qayb-qaatay xornimo-doonkii afartannadii iyo kontonnadii. Maansooyinkani ma aha kuwo Soomaaliya laga wada yaqaan. Sababtoo ah, maansooyinka ay dumarku tiriyaan oo aan badanaaba caan bixin.
Soomaaliya waxaa tirada dumarka lagu qiyaasaa in badh ka badan tirada guud ee dadka. Haddana maansooyinka ay ka tiriyaan arrimaha siyaasadda, sida halgankii waddaniga ama siyaasadaha dawladeed iyo dagallada sokeeye ee waqtigan, ma aha kuwo aad loo dhegaysto.
Arrimo badan baana taas u sabab ah. Tan hore ahna tan ugu muhiimsan waa iyadoo aaney jirin dumar u qaybsan xafididda iyo faafinta maansada. Micnuhu ma aha in aan dumarku danayn arrintaa, balse waa dhaqanka iyo nolosha bulsho ee Soomaalida oo xakamayn badan ku haya dumarka. Raggu waa ay socdaalaan oo waxay haystaan xoriyad ay meeshii ay doonaan ku tagaan gaar ahaan dhinaca reer guuraaga; taasina waxa ay fursad u tahay qaabka maansada la isugu gudbiyo. Hase yeeshee dumarku xorriyad taa la mid ah uma haystaan dhaqdhaqaaqa iyo socdaalka. Haddii ay qofta dumarka ahi damacdo in ay u socdaasho degaan aan ahayn kan reerkooda ama reerka ninkeeda waa in ay haysataa sabab la garawsan karo. Sababta kale ee muhiimka ah ee hortaagan doorka dumarka ee dhinaca maansada in uu muuqdo, waa hawsha badan ee ay qabtaan, gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah. Hawlaha ay qabtaan haddii aan wax ka tilmaamo, waxaa ka mid ah xoola raacidda, maalidda, aqal dhiska, weel iyo gogol samaynta iwm. Intaas waxaa u dheer gudashada xilkooda ah oorinimada iyo hooyanimada. Sidaas darteed, qaarkooda hibada u leh in ay maansoodaan, waqti ma haystaan ay u huraan maansada tirinteeda iyo faafinteeda.
Dhibaatada kale ee haysata, waa la'aanta fursadda marinta maansada. Maansada waхa laga mariyaa fagaareyaasha la isugu yimaado. Fursaddaas in ay helaan waa mid ku adag dumarka. Munaasabadaha ay inta badan fursadda u helaan waa aroosyada iyo waqtigan casriga ah, oo ay dabaal-degyada lagu xusayo maalmaha gobannimada iyo wixii la mid ah, oo ay u suurta gasho in ay maansadooda ay tiriyaan, lagana baahiyo idaacadaha.
In kastoo dhibaatooyinka xannibaya dumarku in ay maansoodaan ama ka hortaagan caanbaxa iyo faafidda maansadooda ay badan yihiin, haddana ma jirto meel ay dumarku kaga baaqdeen in ay ka maansoodaan -- siyaasadda ama arrimaha muhiimka ah eе xaaladda waayaha. Tusaale ahaan waxa aan dumarkii hore ku xusi karnaa Boqoraddi la mala-awaaleyee Arraweelo, Muheeya Cali (ooridii gabayaagii Cali Dhuux) iyo gabadhii uu dhalay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sannadadii afartanaadkii ayay dumarku, iyaga oo dareenka iyo qiiradaba ragga la wadaagey, ku biireen dhaqdhaqaaqii waddaniga ee ka socday geyiga Soomaalida, Waqooyiga iyo Koonfurtaba. Ka sokow ka qayb qaadashadooda halganka dhabta ah waxay dumarku hal-abuurayeen maansooyin la xiriira waddaniyadda. Iyaga oo ka faa'iideysanaya fursadda dhaqdhaqaaqa gobanimadoonku abuuray bay maansooyinkooda ka tirinayeen kulamadii iyo bannaan-baxyadii dadku isugu imanayey.
Waxa aan 1987kii Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah dumarkii ka tirsanaa xisbigii SYL, ee hal abuurayaasha ahaa, oo ii mariyey buraan-burradii ay waagaas tiriyeen. Waxaana ka mid ahaa Xaliimo Godane, Xaliimo Shiil, Barni Warsame iyo Timiro Cukaash, oo aan tixihii ay qaarkood tiriyeen halkan ku soo qaadi doono. Sidoo kale waха aan soo qaadi doonaa geeraar ay tirisay Faadumo Xirsi Cabbane oo ka mid ahayd dumarkii ka tirsanaa halgankii gobannimodoonka ee xagga woqooyi.
Maansada oo ah qalab is-gaarsiin, waxa ay dumarkaasi maansooyinkooda ka tiriyeen fagaarayaasha iyo kulamada, guud ahaan iyaga oo uga dan lahaa baraarujinta iyo kicinta dadka gaar ahaan guubaabinta dumarka aan weli ku dhiirran halganka.
Xaliimo Shiil oo ka tirsan dumarkii SYL ayaa gabadh ay saaxiibo yihiin uga digtay khatarta ay leedahay hawsha halganka gobannimadoonka ee ay ku shuqlan tahay. Waxayna iyadoo uga digeysa ku tiri "Xaliimooy is jir. Hadiise aad dhimasho ku tashatay wax ubad ah ha ka tagin." Xaliimo iyadoo ku jawaabeysa digniintaas bay tirisay tixdaan gaaban ee buraab-burka ah. Waxayna tiri,
Aniga geeri iyo nolol way ii gudboon yihiin
Go'aan baan gaadhnay isticmaarka inaan gubnaa
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Guhaad iyo ciil nin qaba yaa wax gaysan jiray
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Xalliimo Godane, oo ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyey ee ku biiray SYL, waxay halganka ay ku jirto awgii la soo kulantay dibindaabyo iyo hagardaamo badan. Qaarkood waxa ay kaga imanayeen dhinaca dumarka. Waxayna iyadoo la hadlaysa dumarka kuwooda aanay niyadda waddaninimo ku jirin u tirisay tixdan buraan-burka ah oo markeedii hore ahayd labaatan beyd. Hase yeeshee afkа Soomaaliga oo aan waqtigaas qornayn, iyo iyadoo da'awgeed xasuusteedu gaabatay, waxa ay ka xasuusatay sagaalkan beyd,
Dayuuradaha qaraaracliyo aarmigaas qarxada
Intan quruumadii qaxar bay ku wada heleen
Ee innana waa inaan qiyaastaas qalbiga dhignaa
Raggii guuraa diloo sooma galo guryaha
Waxa loo gudayaa guusha inaan hellaa
Go'aanna ku gaaray garabkooda inaan galnaa
Ee gabadhaha Soomaaliyeedow guntiga xegsada
War yeynaan kala gurminoo gaalo yay ina gadan
Intan shanta gool ka dhalinayno gama' ma jiro
Markii ay laabteen wafdigii Jamciyadda Qaramada Midoobay, ee u yimid in ay soo xog-ogaadaan Ingiriiska iyo Talyaaniga mid ka ay dadku doonayaan in loo dhiibo, si uu u gaarsiiyo xornimadooda, ayaa waxa soo baxay war oranaya in wafdigu ku talin doono in loo dhiibo koofurta Soomaaliya dawladda Talyaaniga. Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga (SYL) iyo taageerayaashiisii aad bay arrintaas uga caroodeen. Waxaana xoghayihii ururka loo diray fadhiga Jamciyadda Qaramada Midoobay si uu u bandhigo qaddiyadda iyo rabidda dadka. Hase yeeshee waxa iyaguna wafdi u diray kooxihii uu watey Talyaanigu, oo ku doodayey in loo dhiibo Talyaaniga (Lewis, 1980). Dhacdadaas iyaga oo ka hadlaya ayay Xaliimo Godane iyo Barni Warsame hal abuureen buraanbur ay is weydaarsanayaan. Inkastoo ay ku cambaaraynayaan kuwa dabadhilifka u ah gumeystaha, haddana waa buraanbur leh sifooyin gaar ah oo isugu jira dhawr arrimood. Mar waxa uu ammaanayaa SYL iyo guulaheeda. Wuxuuna nacdalayaa cadaawaha; marna waxa uu muujinayaa sida anshaxa iyo xurmada leh ee ay iskugu magac qabsanayaan. Taas oo tilmaamaysa hodantinimada iyo dhadhan-wanaagga maansadu leedahay. Tan ugu muhiimsan ee buraanburkan ku jirta waa adeegsiga uu adeegsanayo awoodda loo yaqaan kuhaan, oo ah hubka culus ee uu gabayaağa Soomaaliyeed ku rido cadowgiisa. Waxayna iyaga oo ku kuhaanaya kooxaha Talyaaniga raacay ee ka leexday walaalahood; iyaga oo is weydaarsanaa tiriyeen buraanburku ay ka midka ahayd qaybta hoos ku qoran,
Xaliimo:
Talyaani ninkii jeclaadow jannadii ha arag
Nebiga jaahiisa Jaylaani kaa dabool
Jirrada laga cararo jimsigaaga lagu tallaal
Barniyeey Berandeli nimankuu bangiga u furay
Oo Bonavolti iyo Buvero ba raggay ba'sheen
Markay barsadii tageen baa bukaan ku dhacay
Inay berdadeed bilaadkoo dhan laga ogsoon
Barni:
Boqorka gabadha dhashay, balanbaasha
Maxamadey Bandiiradda Leego in bishaaradeed la helay
Inay ka bililiglaysay dersiyo ka baaxad weyn
Bahdii Boodayste in bannaanka looga tegay
Kuwa aan wali baranin iyo baastarda u sheeg
Gunaanadka qoraalkani wuxuu farta ku fiiqayaa qoriddii rasmi ahaan af Soomaaliga loo jideeyey far lagu qoro faa'iidada ay u yeelatay guud ahaan maanso-afeedda gaar ahaana maansada dumarka ee aan qaybta ay mudan tahay ka heli jirin wax-qabadka ragga maansada qayba iyo kuwa fidiya. Malaha waxaa habboonaan lahayd in ay dumar badan si gaar ah isaga xilsaaraan aruurinta iyo diiwaan-galinta maansada dumarka, inta wali la hayo dumarkii tiriyey, haddii kale maansada haweenka Soomaaliyeed waxay ku sii socon doontaa dabar-go'iddi ay hore ula dhiman jirtay geerida ay geeriyooto qoftii halabuurtay.