Sunday 18 January 2026
Maansadu waa dhaxal laga dheehdo hab-fekerka bulshada, iyo noloshooda dhaqan, siyaasadeed iyo dhaqaale. Maansadu waa humaag samayn. Maansayahanku, isagoo ka warramaya arrin siyaasadeed ama jacayl, waxa uu maansadiisa ku soo gudbiyaa waxyaabaha quruxda iyo qaayaha ugu astaysan dhaqankiisa, qiyamkooda iyo la falgalkooda nolosha, waxaana sunne ah mar kasta oo waayaha bulshadu is beddesho in suugaantooda laga dheehan karo, maansada Carabtu in ka badan suugaanteenna, casriga way la jaanqaaday.
Cawaale Deeqsi waraysi uu ka qabtay Abwaan Weedhsame, wuxuu abwaanku ku xusay in aan suugaanta casriga ah ee Soomaalidu keenin humaagyo cusub oo la jaanqaadaya magaalowga, qaabka maansadana sidaan ka dheregsanahay wax cusub kuma soo kordhin, hal-abuurka u cajiibsan ee dhanka qaab dhismeedka maansadu waxa uu ku dhaataa in uu bad aan hore loo adeegsan wax ku tiriyay ama in uu allano ku daray ama ka tiray bad jirtay, sidaana ku hindisay bad cusub.
Turjumaada waraysigan waxaan uga dan leeyahay in uu noqdo dood-dhallin aan maansadeenna dib ugu millicsanayno, anigoo dareemay barbardhigga maansada casrul jaahiliga ee Carabta ee qoraagan Jarmalka ahi ku barbardhigay baraha bulshada, mid yaxyax leh oo aflagaado la moodo, isla jeerkaana anoo dareensan in maansadeenuna badankeedu la jaad tahay middaa, iyada oo uu Adonis maansada casrul jaahiligii kuba majeeran jiray falsafadaynteeda, taas oo uu ku sababeeyay in Islaamku Carabta ka soo xidhay Falsafadaynta, maadaama oo xaqiiqadu noqotay mid sugan oo diintu dhitaysay.
Maansayahanka casriga ahi waa mid aan hab-fekerkiisa saqaf saarnayn oo kawnku tirabeel u yahay, waa mid ku taxan sayniska iyo falsadda oo maansadiisu tahay mid lakabyo badan oo u baahan agab faaqidaadeed oo lagu lafaguro. Ma aha mid waqti xaddidayo, oo maansadu kolkay tahay mid arrimaha bulshada daaran waxay noqonaysaa tixraac taariikheed oo aan macna buuran oo sii ridan lahayn.
Istiifan Wiidnar: Dhulka Carbeed, 1500 oo sanno ka hor, maansadu waxay ahayd habka rasmiga ah ee ay beeluhu ku wada xidhiidhaan. Maansada waxaa loo adeegsan jiray in uu ruuxu isku qeexo, in lagu faafiyo farriimaha siyaasadeed, in ruuxu ku cabbiro fekerkiisa iyo in la isku weeraro, la isku aflagaadeeyo oo la isugu hanjabo. Suugaanta qadiimka ah ee Carabta waxaa ceegaaga maansooyin jareexo ah iyo kuwo kale oo baane ah. Taraamb wuu ku diirsan lahaa, oo hoygiisa ayuu ka heli lahaa.
Maansooyinka, sidoo kale, waxaa loo adeegsan jiray in lagu xanbaaro murugo ama in fariin jacayl lagu tebiyo. Maansadu qaafiyad iyo miisaan ayay leedahay; waa mid si sahlan loo baahin karo, maadaama oo ay tixuhu yihiin kuwo si sahlan loo qaybi karo. Waagaa, maansadu waxay ku jirtay kaalinta ay warbaahintu inoo buuxisay maanta.
Halkaas ayuu yahay farqiga uu kaga duwan yahay doorka suugaanta reer galbeedku: dalalka galbeedka, maansada waxa loo adeegsadaa waxyaabaha aan lagu tebin karin warbaahinteenna kale, sida dareennada kakan iyo fekradaha qotan. Warbaahinta kale ayaa maansada si isa soo taraysa u cidhiidhsanaysay, oo suugaanta qadiimka ah ee Carabta waxaan ku arkaynaa maansada wajigeeda oo dhammaystiran, taasina akhriskeeda xiise dheeraad ah ayay siinaysaa.
IW: Waa sooyaal waqtigu sameeyay, tixaha waxa ka waaray intii muhiimka loo arkayay ama af ahaan qaayaha lahaa. Waxa bedbaaday tixihii ay ku xardhanayd xasuusta dhaqan ee beesha uu maansayahanku ka soo jeedo, tixaha bedbaaday waa kuwii loo arkayay in ay leeyihiin muhiimad taariikheed.
Maansooyinka buugga ku jiraa waa kuwo la tiriyay qarnigii lixaad iyo kii toddobaad, qarnigii siddeedaad ayaa diiwaannadii ugu danbeeyay lagu ururiyay, diiwaanno gacanta lagu qoray qarnigii tobnaad ayaa ilaa maanta soo gaadhay, laakiin waxaynu ognahay in ay diiwaangalintu waqti ka horreeya bilaabantay.
Waxaa marar badan laga doodi jiray maansooyinka inta dhab ahaantii la tiriyay casrul jaahiligii. Maanta, cilmibaadhayaasha badankoodu waxay ku qanacsan yihiin in maansooyinkani yihiin kuwa hufan oo sugan. Laakiin, waxaa jira tixo mugdi hadheeyay, tusaale ahaan maansooyinka jacaylka ee la sheego in Qays u tiriyay Layla, maansooyinkiisu waa kuwo aad u caan baxay, waana kuwo ay adag tahay in loo kala sooco kuwo uu Majnuun laf ahaantiisu tiriyay, iyo kuwo tebiyayaasha sheekadiisu ay afka ugu rideen iyagoo hannaankiisa dheeganaya.
IW: Waa suugaan dhaxal ah oo dugsiyada iyo jaamacadaha lagu dhigto. Maansooyinkan weli waxaa loo tix geliyaa xasuusta dhaqan ee Carabta. Maansadu waa diiwaanka dhaqanka Carbeed.
Ereyga diiwaan waxa uu tusmaynayaa awood, waa halbeegayn, waa bar kulan ama arkiifiyo, sidoo kalena waxaa lagu asteeyaa maansooyin mug ah oo dhigane lagu ururiyay. Xukuumadaha Carabtu waxay aqoonsi siiyeen suugaanta Jaahiliga wayna taageeraan, sida in ay xoojiyaan dib u soo saarisdooda, gorfeyntooda iyo turjumaadooda. Diiraddoodu, imika, kuma koobna Islaamka uun, iyadoo diintu tahay mid siyaasad ahaan ka khilaaf badan maansooyinkaa qadiimka ah. Tan iyo maanta, suugaanta iyo maansooyinku waxay summad u yihiin dhaxalka calmaaniga ah ee dhaqanka Carbeed.
IW: Marka laga eegayo dhanka kala hormaynta taariikhda oo kaliya, casrul jaahiligu wuxuu ku eeg yahay soo bixitaanka nebi Muxammad oo ah 610 miilaadiga, laakiin sida dhabta ah way isa soo gaadhayaan, maansayahannadan badankooda, in kastoo ay caan ahaayeen oo la yaqaanay Muxammad ka hor, haddana way soo gaadheen. Marka laga tago maanso caan baxday oo amaanaysa isaga, maansooyinka kale ee buugga ku jiraa Islaamka shuqul kuma laha, haddiiba ay soo qaadaanna, way iska fogaynayeen diintan cusub. Islaamka ka hor ama casrul jaahili waxaa loo macnaynayaa mid aanu summad u ahayn islaamku.
Markaad turjumaadaha af Jarmalka ee maansooyinkan akhrinayso, iska illaw Goote (Goethe) oo akhri Rukheert (Ruckert). Waxa uu ka mid ahaa maansayahanada u waaweyn ee Jarmalka kaas oo dhintay 150 sanno ka hor, nasiib-darro maantana in kooban baa taqaan. Waxa uu Firidirik Rukheert si fiican u yaqaanay sida loo degaleeyo doolka. Laakiin anigu waxaan doorbidaa adeegsiga luuqada casriga ah, xataa Rukheert kuma uu guuleysan in uu wada buuxiyo oo soo wada gudbiyo dhismaha naska asliga ah, tixaha halka qaafiyad leh ee Carbeed wuxuu u jajabiyay afarrey (couplet), wuxuu jajabiyay baydadka dhaadheer ee Carabta, waxaana uu ku turjumay luuqaddii roomaansiyada ee Jarmalka. Halka marka uu Goote dheeganayo luuqadaha bariga aanu isaga adeegsan wax qaafiyad ah ee uu doorbidi jiray maansada furan.
Haddaba, anigu waxaan buuggan u adeegsaday in aan isku qalo turjumaadaha labadan maansayahan, anigoo dib ugu soo saaraya luuqada casriga ah ee qarniga 21-aad. Waxay noqotay hab munaasib ah, oo sahlanaanta dib u cusboonaysiinta turjumaadahaa qadiimka ahi aad bay iiga yaabiyeen.
Waxa laga soo turjumay Qantara, waxana soo turjumay Maxamed Buux.