Skip to main content

Saturday 7 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Maalintii ay Farjiiniya Woolf Dhalatay Ayaan Dhashay, Carradeediina Waan ku Raystay

11 February, 2026
Image
Maalintii ay Farjiiniya Woolf Dhalatay Ayaan Dhashay, Carradeediina Waan ku Raystay
Share
Hordhaca Turjumaanka

Dad badani waxa ay sannadkan xusayeen sannadguuradii boqol iyo afar iyo afartanaad ee ka soo wareegtay dhalashadii Farjiiniya Woolf (1882-1941). Markii aan akhriyay qormadan kooban ee Elif Shafak kaga qaybqaadatay xuskaas, waxa aan fadhiyay kob maqaaxi iyo maktabad isugu jirta, dabadeed waxa aan judhiiba u kacay dhanka shalfisyada maktabadda oo buugagga yaallay ka baadhay wax ay qortay Woolf. Nasiib wanaag waxa aan markiiba helay buuggeeda Orlando, turjumaaddiisa af Carabiga oo aan cutubka koowaad ka akhriyay kaas oo aan cunaha ii dhaafin.

Runtii muudh wax akhris marka horaba igu ma jirin e, qoraalkaa kooban ee Shafak baa tamar i yar geliyay tiina Amiira oo buugga Woolf turjuntay baa iga kala tuurtay. Waxa se aan sidoo kale maktabadda ka helay Xasuusqorkii Yaraannimo (1947-1963) ee Susan Sontag, oo af Carabi ah, oo ay isla Elif ku xustay qoraalkaas xidhiidh waynna ka dhexaysiisay labadaa qoraa iyo halgamaa oo ay sheegtay in ay aaminsanaayeen in suugaantu macne u samayn karto saxariirka dadka oo firaaqa aadmiga dabooli karto.

Intaa marka laga yimaaddo, Woolf wax naf leh kama akhrin waxsoosaarkeeda iyo dhaxalka qoraal ee ay ka tagtay. Sidoo kale, dadyawga iyada wax ka qoray iyagana wax naf leh kama akhrin. Ma garanayo markii iigu horraysay ee aan maqlo/arko magaceeda, waxa se aan xusuustaa in aan buugaggeeda markii ugu horraysay aan ku arkay rugta Buugta ee Sahan, isla aniga oo ku talajira in aan gato baan beri danbe maqlay war aanan hubin runnimadiisa oo ah in buugaggeedii iyo kuwo kalaba laga qaaday maktabadda. Waayo, wadaad la yaqaan baa ku hanjabay in uu albaabada u laabayo meesha haddaan dadkaas buugtooda sharka ay wadaan laga xijaabin muslimiinta!

Haddii arrintaasi dhab noqoto, waxa qudha ee ay inoo tilmaamaysaa waa in afeeftii Woolf ee curiskeedii dheer ee Qol Gabdhaha oo Qudha u Gaar ah wixii ay kaga digaysay qarni ka dib dhaboobay. Waa in weli caqabadihii ku xeernaa in gabadhu wax qorto ee ah dhaqandhaqaalaha waaqaca ay haweenaydu ku nooshahay, curfiga laboodka ee soojireenka ah iyo tebinta gabadha marka kasta lagu dabro oo laga xorroobaa ay tahay waxa naag u saamaxaya in ay wax naf leh qorto. Haddii se taasi sii socoto, waxa dhacaya wixii ku dhacay Cinaayaat Sayaat ama Qiu Miaojin oo aan labada sannadkii hore akhriyay buugaggoodaa aan xusay. Gebagebadii, maqaalkan hoose ee aan turjumay waa mid arrimahaa aan sheegay oo dhan taabnaya oo aan jeclaan lahaa in ay taageerayaasha Farjiiniya ku akhriyaan indho qudhaanjo oo fahmaan nuxurka.

***

Maan aadin webigee

Farmasigaan u kacoo

Ayaantii Farjiina dhalatiyo

Shan iyo labataanka Feebarwaraan

Aniguna aan dhashay!

Guyaal badan, arrinkani waxa uu iila ekaa isladoonasho suugaaneed iyo tibaax baqdin leh oo aan si duuduub ah u weriyo, laga yaabaa aniga oo muusoonaya, intii aan weeleeynayey Mrs Dalloway ama A Room of One’s Own. Laakiin, sannadkan, isladoonashadaasi ma ahayn mid tiro oo qudha ah e, waxa ay igu la kulmaysay sohdimaha gadaashood. Iglan ayaan imi. Waxa aan degay meel wax saacad ka yar loo raaco tareenka halkii ay ku noolayd ee ay wax ku qori jirtay Farjiiniya Woolf oo ah Monk’s House, tuulada Rodmell, ee Bariga Lewes, Iglan. Waxa aan lugeeyay dhulkii ay wax ku qori jirtey, kuna xanuunsatay, ugu danbaynna ku noolaan kari weyday. Dhulkan laftiisa ayuu aniga na qulubku igu haleelay.

Waxa jirta arrin walaac leh oo uu Juquraafigu leeyahay, taas oo ah in uu xusuusto wax ka badan inta aan innagu xusuusanno. Anigu Farjiiniya Woolf ma aanan goobayn, iyada ayaa se ka soo muuqatay daaqadaha tareenka, jidadkaa xasilloon, iyo culayska badan ee sida kediska ah dusha iiga koray. Weligay iskuma deyin inaan ku daydo, tayda ayaa aan noolaa, culayska isu ekaanshahayaga ayaa se I soo foodsaaray.

Farjiiniya Woolf waxa ay la silicday dhibaatooyin nafsadeed oo ba’an. Waxa hadda loogu yeedho Laba’eefka (bipolar disorder) iyo Qulubka Jiitama (chronic depression) kaas oo nolosheeda iyo qoraalkeedaba saameeyay. Waxa ay noolayd berigii saxariirka haweenka laga af gobaadsan jirey, iyada oo wax daryeel ah aan loo samayn, dawo ha sheegin, iyo xitaa inaan loo muujin wax tebin ah oo xanuunkooda ku saabsan, iyada oo aysan jirin faquuq iyo cabsi toona.

Sannadii 1941, inta ay jeebabka dhagaxaan ka buuxsatay ayay dhanka webiga Ouse u dhaqaaqday. Anigu (Kolkii qulubku I haleelay) dhankaa webiga uma dhaqaaqin. Taa lidkeeda, waxa aan u kacay aagaa iyo xarunta dhaymaha nafsadda. Waxa aan magacaabay waxii aan dareemayay. Dabadeed waxa la ii soo qoray dawo. Qunyar qunyar, si aan juusto ahayn, oo aan joogto ahayn, ayaan uga soo noolaaday. Tani ma aha sheeko guuleed. Waa se sheeko waayeed.

Waa aynnu jecelnahay in aynnu rumaysano in bedbaadadu tahay waxqabad akhlaaqeed. Isla markaana kuwa nooli ay ka awood badan yihiin kuwaa aan noolayn. Hayeeshee, aniga oo taagan goobtii ay Farjiiniya Woolf maalin istaagtay (webiga Ouse), waxa aan garwaaqsaday xaqiiqo aan wacnayn: anigu iyada kama awood badni! Keliya waa aan ka danbeeyay, kana ayaan badnahay!

Waxa aan ku bedbaaday ma ahayn habaysnaanta, hibada, ama doonista xooggan ee aan leeyahay, waxa se weeye inaan haleelay baadhitaan, daaweyn iyo adduun si kasta oo u foolxun yahay xanuunka nafsadeed, haddana waxa aan u arkay xaalad dabaqabasho leh. Geeridii Woolf iyo bedbaadadayda waxa u dhexeeya ma aha fogaan shakhsiyadeed, waa se mid taariikheed.

Taasina mudnaan ayay leedahay, gaar ahaan kolka aynnu eegno qaabka aan uga sheekaysanno hal’abuurka haweenka. Waxaa jira dhaqan fog oo halis ah, kaas oo saxariirka dumarka ku saleeya maskaxbadnaanteeda. Waxa aynu la dhacnaa fannaanad hoogaysa. Waxa aynnu soo xiganaa baabba’eeda. Waxa aynnu qurxinaa hantaaqadeeda. Farjiiniya Woolfna tebintaas ayaa had iyo jeerba lagu dabraa, isqudhgoynteediina ahayd dhammaad hubanti ah oo ay lahayd [naag leh] maskaxbadnaan dhiifoon oo dunida aan u dulqaadan karin.

Laakiin, ka warran haddii sheekadaasi gef tahay?

Ka warran haddii Farjiiniya Woolf u baahnayn dhimashada, si ay u qorto wixii ay qortay?

Ka warran haddii xaaladdeedii nafsadeed aanay ahayn isha maskaxbadnaanteedii, balse ay ba ahayd middii nolosha u qoonsatay?

Kolkii aan bilaabay qaadashada dawooyinka qulubka, wixii ugu darnaa ee aan ka baqayay waxa ay ahayd in aan waayo codkayga. In daawadaasi i nuglayso, fekerkayga boodhayso oo aamusiiso soofanaanta garaadka iga dhigaya cida aan ahay. Baqdintani waa mid shaacsane ku ah dadka qulubsan, si gaar ah dumarka—saa waxa aynu garawsannay, si muuqata iyo si qarsoonba, in uu xanuunku yahay waxsoosaar. Hayeeshee taasi run may noqon. Daawayntii ma tirtirin afkaartaydii, waan se ku raystayba!

Dhiganaheeda A Room of One’s Own, Woolf waxa ay ku doodaysaa in dumarku baahi wayn u qabaan xoolo iyo fagaag gaar u ah si ay wax u qoraan. Hal wax baan liiskeedaa ku darayaa: iyo daryeel nafsadeed.

Qolku inagu ma filna haddii caqligu dagaal kula jiro qudheenna. Madaxbannaanidu maaha xorriyad haddii aanu samatabaxu ahayn mid hubaal ah. Gabadh suugaanta Ingiriisida baratay ahaan, waxa aan ku jarabartay gorfaynta weedhaha Woolf, lidka in aan lafaguro aamusnideedii. Iyo in aanan la dhicin waxsoosaarkeeda aniga oo aan furfurin seetooyinkii saxariirkeeda ka dhigay mid raaga. Imaatinkaygii Iglanna waxa uu igu sugay in aan wajaho duleelkan, maaha ka waxbarasho ahaan, se ka jidh ahaan.

Waxa aan ku noolaaday halkii ay ku hoobatay. Waanan noolaaday waayo dunidii waa ay is yar beddeshay. Taasi ma aha u dabbaaldegga casriyowga. Waayo, caafimaadka dhimirku weli waxa ku gedaaman caddaaladdarro, siyaasadayn iyo weliba haybsooc. Sidoo kale, dad badani ma heli karaan. Hayeeshee jiritaankiisu waa seeska kala teeda nolosha iyo geerida. Kaladuwanaantaasina waa mid xusid mudan. Hadda waxa aan ku hawlahanay boodhikaast uu buuggaasi igu dhaliyay: Qol Gabadha oo Qudha u Gaar ah (A Room of One’s Own). Waxa se aan u bixiyay: Qol aan Gabadha oo Qudha u Gaar ahayn. Waa hillinka qudha ee aan ku idlayn karo wadasheekaysi ay Woolf ballaysintay se aanay dhammayn. Oo yaa mutaystay ka hadalkeeda. Yaa mudan in uu ku raaxaysto. Yaa se loo oggolaanayaa in uu ka samatabaxo dhiifoonaanteedii.

Ma dareemayo in ay Farjiiniya Woolf igu gacansaydhi lahayd, taas lidkeeda waxan dareemayaa in ay i soo raaci lahayd. Wayddiimaheedii weli waa ay taagan yihiin. Hayeeshee geerideedii ma mudna in loo qurxiyo sidii oo ay tahay qayb ka mid ah qiimigeeda. Dhediggu ma aha inay walwaashaan naftood’hurayaal aan gargaarkooda doonayn. Curintuna inooga ma baahna in aynnu kalahaadno. Samatabaxuna ma aha inaan fanka dhagaraynno.

Si deggan waxa aan aad isu wayddiiyaa, weliba hubanti la’aan: Woolf tolow haddii ay noolaan lahayd waqtigan dhaymaha nafsadeed uu suuragalka yahay, tolow aad wax ma u qori lahayd? Maaha si ka wacan sidii hore, se ugu yaraan in ka badan intii hore; maqaallo badan, cadho badan, farxad badan iyo maalmo caadi ah oo aan ahayn in biyaha la isku gebagabeeyo? Taas weli ma ogin, waxa se aan ogahay: Anigu wax u qori maayo si aan u bedbaado, waxa se aan u qorayaa waa aan bedbaaday, taasina waa dhaxal u baahan ilaalin.