Monday 23 June 2025
Farduus Maxamed Dheere oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha dumarka iyo carruurta oo ka midahaldoorka ururada bulshada ee Soomaalilaan (ah aasaasaha Sirad Initiative), ayaa uga warrantay Geeska muhiimadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee haweenku, iyo waxa ay uga dhigan tahay haweenka Soomaalilaan, iyadoo xustay in aanay haweenka reer Soomaalilaan matalaad la sheego ku haysan laamaha dawladda, ilaa haddana ay maqan yihiin xeerarkii ilaalin lahaa xuquuqda iyo ammaanka dumarka..
Fardus M. Dheere: Maalintani waa maalin ku suntan halganka haweenka adduunku ugu jiraan helitaanka xuquuqdooda muwaaddinnimo oo dhammaystiran. Waa maalin dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha ee haweenku horseed ka yihiin. Taariikhda markii ugu horraysay ee maalin haween la xusay loona dabbaaldego waxay ahayd 19-kii Maarso, 1911. Waxaa ka soo wareegtay, 114 sanno. Xuskaa ka hor waxaa dhacay, abaabullo iyo kacdoonno haweenku hormuud ka ahaayeen oo ay xuquudooda aasaasiga ah ku raadsanayeen kaddib markii ay u adkaysan waayeen, culayska, cadaadiska iyo caddaalad darrada ay kala kulmeen caynta kale ee ay markaa dunida iyo dalalkooda ku wada noolaayeen. Waxaa taariikhda soo martay mar aanay wax xuquuq ah lahayn dumarka adduunku, maalin caalami ahna aanay u dabbaaldegi jirin. Xuquuqdooda ayaa dumarku waagaas raadsanayeen oo ay dareemeen in ay tahay xaquuq ka maqan isla markaana ay tahay in ay helaan sida; xaqa codbixinta, shaqada iyo ka qaybqaadashada maamulka.Tusaale, taariikhdu markay ahayd 1903 dalka Ingiriiska haweenka ku nool, looma oggolayn in ay akoon bangi furtaan, qareenno noqdaan, iyo in ay talada dalkooda qayb ka noqdaan. Taas waxaa ka dhiidhiyay oo ka dagaallamay oo kacdoon guul dhaliyay bilaabay haweenkii dalkaas oo ay hormuud u ahayd, Emmeline Pankhurst (1858–1928), Emmeline waxay ahayd, hoggaamiye iyo siyaasiyad u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ee siyaasadda gaar ahaan codbixinta waxaanay aasaastay ururka haweenka, bulshada iyo siyaasadda -Women’s Social and Political Union (WSPU)
Maalintan ayaa si rasmi ah Qaramada Midoobay u aqoonsatay sannadii 1977, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay 8-da Maarso loo asteeyay maalinta haweenka adduunka. Waa maalin loo dabbaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan, iyo siyaasadeed ee haweenka, waa maalin wacyigelineed oo la is xasuusiyo caqabadaha weli ku gadaaman haweenka, waa maalin isbeddel loo ololeeyo oo ay ururada bulshadu midow muujiyaan, waa maalin dib isu qiimayneed.8-da Maarso haweenka Soomaalilaan waxay uga dhigantahay wax badan. Maalintani maaha maalin keliya ku suntan dabbaaldeg iyo munaasibado laga mushxarrado, waa maalin ay tahay in si dhab ah oo daahfuran looga hadlo caqabadaha iyo caddaalad darrada haweenku ay la noolyihiin. Xuska maalintan waxaa barbar socda, dooddo, falanqaynno iyo kulanno la isku xasuusinayo tabashooyinka haweenka isla markaana xal loogu baadigoobayo.
Maalintan sidoo kale waa maalin la xuso, la weyneeyo oo loo dabbaaldego guulaha sare ee haweenku gaadheen iyo kaalmaha mudan in la aqoonsado ee ay bulshadeenna ugu jiraan. Sidoo kale maalintani, waa maalin kor loo qaado cododka isbeddel doonka ah ee u ololeeya sinnaanta jinsiga iyo ilaalinta xuquuqda haweenka.
Maalintani haweenka Soomaalilaan waxay uga dhigantahay wax badan.
“Maalintani maaha maalin keliya ku suntan dabaaldeg iyo munaasibado laga mushxarrado, waa maalin ay tahay in si dhab ah oo daahfuran looga hadlo caqabadaha iyo caddaalad darrada haweenku ay la noolyihiin. Xuska maalintan waxaa barbar socda, dooddo, falanqaynno iyo kulanno la isku xasuusinayo tabashooyinka haweeenka isla markaan xal loogu baadigoobayo.”
FMDH: Soomaalilaan nidaamkeeda dawladnimo saddex waaxood buu u qaybsanyahay oo kale ah, waaxda fulinta, (madaxweynaha iyo golihiisa wasiirrada) Garsoorka (Maxkamaddaha iyo Xeer-ilaalinta) iyo Waaxda sharcidajinta oo ah golayaasha baarlamaanka (Wakiillada iyo Golaha Guurtida).Saddexdaa waaxood haweenku matalaad buuxda kuma laha. Garsoorku ha ugu sii darnaadee. Soomaalilaan haweenka looma oggola in ay noqdaan, garsoore, xeer ilaaliye guud, qaryaanka guud ama in ay xataa xubin ka noqdaan guddida caddaaladda ee uu guddoomiyaha ka yahay guddooyimaha maxkamadda sare. Waana guddida soo magacowda, garsooreyaasha maxkamaddaha hoose iyo ku xigeennada xeer ilaaliyeyaasha. Gudiddaa wax magacowda xataa haweenku xubin kuma laha. Iyadoo aanay jirin xeer rasmi ah oo ka mamnuucaya in ay xubnahan garsoorka ee kala duwan ka mid noqdaan, haddana, in aanay ilaa imika hal gabadh ahi ka mid noqon waa daliil kale oo sheegaya in ay mamnuuc ka tahay, taas oo waajibinaysa in la caddeeyo sababta!
Golaha fulinta hadda laba wasiir bay ku leeyihiin iyo ku xigeen Wasiir. Agaasimeyaasha guudna, hal gabadhi kuma jirto. Waana arrin aad looga murugoodo waayo ballanqaadkii madaxweyhana cusub ee Soomaalillaan Cabdirxmaan Maxamed Cabdillaahi sidaas ma uu ahayn. Ballanqaadkiisu wuxuu ahaa in ay boqolkiiba 30 dumarku xukuumadiisa ka noqon doonaan, waxaananodhan karaa, madaxweynuhu ballankaa kamuu soo bixin.
“Golaha fulinta hadda laba wasiir bay ku leeyihiin iyo ku xigeen Wasiir. Agaasimeyaasha guudna, hal gabadhi kuma jirto. Waana arrin aad looga murugoodo waayo ballanqaadkii madaxweyhana cusub ee Soomaalillaan Cabdirxmaan Maxamed Cabdillaahi sidaas ma uu ahayn. Ballanqaadkiisu wuxuu ahaa in ay boqolkiiba 30 dumarku xukuumadiisa ka noqon doonaan. Waxaanan odhan karaa, madaxweynuhu ballankaa kamuu soo bixin.”
Golaha sharci dajintana, gabadh keliya ayaa ku jirta hadda. Gabadhaasina kumay iman cod shacab oo ah kii laga rabay xildhibaannada e, waxay ahayd tartame aan helin codkii ay ku soo bixi lahayd laakiin ahayd dhaxalsuge xisbiga ah. Sida dastuurka Soomaalilaan dhigayo, xildhibaan golaha wakiillada ka mid ahi markuu geeriyoodo, booskiisa waxaa buuxinaya qofkii cod ahaan ku soo xigay xisbigaa ay ka wada sharaxnaayeen. Xildhibaan Aamina Fariidna sidaasay kaga mid noqotay gole raggu ku keliyaysteen.
Dumarka Soomaalilaan waa codbixiyayaasha ugu badan. Dumarku xigbiga iyo musharraxa ay codkooda siiyaan wuu guulaystaa waana sababta musharaxiintu haweenka ugu kala dheereeyaan marka ololuhu socdo. Nasiibdarro se, dumarku iskuma codeeyaan taasna waxaa keenaysa dhaqankeenna oo aan gabadha Soomaaliyada ah u aqoonsanayn gabadh wax hoggaamin karta, shaqo iyo xilsare ka qaban karta qaybaha kala duwan ee xukuumadda. Sidoo kale dumarka waxaa saamayn badan ku leh wacyigooda, wadaaddada oo u arka in gabadhi xil qabato shay xaaraan ah. Tan iyo maalintii Soomaalidu ay dawladnimada qaateen, haweenka waxaa la hadhayay oo awooddooda wiiqayay dhaqan loo diimeeyay iyo nin aan rabin in talada la la yeesho oo keligii teliye ah.
Tallaabooyinka la qaadi karo way badan yihiin, laakiin waxaan ka tilmaami karnaa oo ugu muhiimsan ka go’naanhiiyaha xukuumadda (Political will), haddii la helo Madaxweyne ay ka go’antahay in kolkuu talada dalka qabto haweenku saamiyadooda siyaadadeed ay heli doonaan. Sidoo kale, wacyiga hablaha iyo haweenka oo la dhisaana, waxay keenaysaa isku filnaanshiiyo iyo kalsoonida haweenka dhexdooda ah. Sidoo kale, in la abuuro, lagana shaqeeyo dhaqangelinta xeerar iyo siyaaddo u gaar ah haweenka oo lagu taageerayo ka qaybgalkooda siyaasadda iyo talada dalka.
“Saddexdaa waaxood haweenku metalaad buuxda kuma laha. Garsoorku ha ugu sii darnaadee. Soomaalilaan haweenka looma oggola in ay noqdaan, garsoore, xeer ilaaliye guud, qaryaanka guud ama in ay xitaa xubin ka noqdaan guddida caddaalada ee uu guddoomiyaha ka yahay guddooyimaha maxkamadda sare. Waana guddida soo magacowda, garsooreyaasha maxkamaddaha hoose iyo ku xigeennada xeer ilaaliyeyaasha. Gudiddaa wax magacowda xataa haweenku xubin kuma laha. Iyadoo aanay jirin xeer rasmi ah oo ka mamnuucaya in ay xubnahan garsoorka ee kala duwan ka mid noqdaan, haddana, in aanay ilaa imika hal gabadh ahi ka mid noqon waa daliil kale oo sheegaya in ay mamnuuc ka tahay, taas oo waajibinaysa in la caddeeyo sababta!“
FMDH: Sidaan wada ognahay dumarka Soomaalida qablaayaddu uma shaqayso, kumana shaqaystaan. Qabiilku gabadh Soomaaliyeed ma tirsado, haddii ay halkaa gabadha wiil ku beddelan kari lahaayeenva, way ku beddelan lahaayeen oo waxaynu arki lahayn, Soomaali wada rag ah. Maalintay dhalato gabadhu, laguma farxo ee waxay ka door bidi lahaayeen wiil. Lama tirsado haweenka oo kaalin aan ka ahayn in ay u dhasho, u dhaqanto oo ubadkana u koriso kaalin aan ahayn reerka dhexdiisa kuma laha. Tan kale, caqabadaha sharci ee haweenka Soomaalilaan haystaa way badan yihiin. Ugu horrayn sidaan hore u soo sheegay, nidaamkiiba qayb kama aha dumarku. Halkii lagu arrinsanayey ama talada lagu goynayay ma joogaan. Maxkamaddaha haddaad eegto, garsooreyaasha oo dhan iyo inta badan kaaliyeyaasha la shaqeeya waa rag. Sidee bay gabadhnin ka cabanaysa ugu caban kartaa nin kale oo aan fahmayn ba waxay ka cabanayso? Goobtu se ma tahay goob ah hablaha iyo haweenku caddaalad ka keli karaan iyada oo dadkan joogaaba ay ku yimaadeen si cadaalad daro ah ?
Waxa kale oo maqan xeerar badan oo xuquuqda hablaha iyo haweenkaba ilaalin lahaa oo ayna ahayn in maanta oo 2025 la marayo Soomaalilaan in ay yeelan weydo xeerka qoyska. Iyadoo kiisaska ugu badan ee maxkamaddaha hoose ka garnaqaan ay tahay kuwa qoyska.
Kufsiga oo ah tacaddiga ugu xun ee hablaheenna ku dhaca, isna xeer lagu xakameeyo oo ansaxsani majiro. Warbixinta sannadlaha ee Booliska Soomaalilaan soo saaro, waxay sannad walba ku sheegaan in tirada kufsiyada dalka ka dhacaa ay sii kordhayaan. Tusaale, sannadkii 2022 kiisaska kufsiga ee boolisku diiwaan galiyay waxay ahaayeen 286 kiis, halka 2024-kii boolisku sheegay tiro ka badan 350 kiis. Intaasi waa inta xarumaha booliska gaadha oo ay dadka falkaasi ku dhacay soo gudbiyeen, laakiin dalkeenna, tiro sax ah oo lagu ogaan karo tirada iyo korodhka dhabta ah ee kiisaska kufsigu ma jiraan, waayo, inta badan hablaha falkaasi ku dhacay iyo qoysaskoodu, ma soo gudbiyaan, waynaa qarsadaan dhibtaas. Soomaalidu hore ayay ugu maahmaahday, “ceebtaada oo kow ogtahay, kun looma sheego”!
Xarumaha dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn inta aan ogahay ma jiraan xeerar lagu ilaalinayo xuquuqda gabdhaha. Haddii lagu taliyo in ay samaystaanna, waxay moodayaan dhaqan reer galbeed oo bulshadii la barayo, laakiin, tacaddiyo badan oo gabdhuhu ay ka aamusaan baa goobahan ka dhaca. Markaad gabdhaha qaar, si gaar ah ula sheekaysatid ayay kuu sheegaayaan, goobta shaqada dhibaatada ay kala kulmaan, markan adna waxba uma qaban kartid qof isaguba raba dhib ku dhacday in uu qariyo oo sharafta qoyskooda ilaaliyo, waa sida ay ku andacoodaane!
Ma jiro xeer xakamaynaya tacadiga gudniinka gabdhaha, in kastoo dhawaan la sameeyay siyaaddii ka hortagaysay gudniinka gabdhaha taasna si ay dhaqangal u noqoto, waxay u baahantahay saxeexa madaxweynaha. Weli madaxweynaha cusubi muu saxeexin. Marka siyaasadda la ansixiyo, ayaa la abuuri karaa xeerkii FGM-ka.
FMDH: Sannadadii u danbaysay, aqoonta habluhu may xumayn oo jaamacaddaha tiro aad u badan oo hablaha ah baa sannad walba ka baxda oo dhammaystirata waxbarshada. Markaa waxaan kula talin lahaa in aqoon raadiska ay badsadaan oo wax bartaan. Waxbarashuna maaha ta fasalka la fadhiiso oo keliya ee waa inay iyagu macallin isku noqdaan oo inan kastaaba waxay ay doonayso iyadu baadhitaan samaysaaoo cilmiga raadsataa, maadaama imika aqoontiiba onlayn inta badan lagu heli karo. Waxa kale oo aan kula talin lahaa akhriska in ay badsadaan oo wax akhriyaan waayo qofku inta uu wax akhriyo, ayuu wacyigiisuna yahay. Inta ay yaryarihiina, shaqooyinka iskaa wax u qabsada ah (voluntary work) ee ay wax ku baranayaan, ha qabtaan oo fursad ha u arkaan ay ku baran karaan kuna kori karaan. Soomaalilaan ma jiraan meelo qofku ka heli karo hage (mentor) xirfadiisa iyo aqoontiisa hagi kara, markaa ha la saaxiibaan dadka aqoonta la saaxiibka ah gaar ahaan dumarka. Haddii aad aragto, gabadh kaa aqoon iyo xirfad badan, u arag fursad ku soo martay oo ka ag dhawow. Dacaayado badan oo been ah baa bulshadeenna ku dhex faafay oo ah, dumarku waxba isma taraan. Waa been dumarka lagu kala fogaynayo. Way is taraan oo is taakuleeyaan. Aniga oo Farduus ah, hablo aanu saaxiib nahay baa garaadkayga iyo aqoontayada wax badan ku darsaday oo i soo garab galay, taageero dhinac wala oo aan uga baahdo ahna ii fidiyay, waana sababataan dumarnimada u aaminsanahay.