Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Maalinta Afrika 2026: Qaaraddu si dhab ah ma u gaadhay xorriyaddeeda?

17 June, 2026
Image
Maalinta Afrika 2026: Qaaraddu si dhab ah ma u gaadhay xorriyaddeeda?
Share

Markii hoggaamiyeyaasha Afrika ay ku kulmeen Addis Ababa 25-kii May 1963-kii si ay u aasaasaan Ururka Midnimada Afrika oo markii dambe isu beddelay Midowga Afrika, dhacdadaasi waxay noqotay astaan u taagan xorriyadda qaaradda, dad badanina weli waxay u yaqaannaan “Maalinta Xorriyadda Afrika”. Lixdan iyo saddex sano ka dib, iyadoo qaaraddu u dabbaaldegayso Maalinta Afrika, haddana su’aalaha ku saabsan micnaha dhabta ah ee xorriyaddu weli way taagan yihiin.

Iyada oo waagii hore lagu soo koobi jiray kor u qaadista calamada iyo heesaha qaranka, maanta waxa ka taagan doodo qoto dheer oo ku saabsan cidda maamusha khayraadka, tiknoolajiyadda iyo saamaynta caalamiga ah, iyo sida ay maamuliddaasi u qaabayso nolol-maalmeedka guud ahaan qaaradda.

Jiilkii hore, Maalinta Afrika waxay u tahay calaamad taariikheed oo kicisa xusuus qiiro leh, kuna xusan guul adag oo qiimo qaali ah ku timid oo laga gaadhay gumaysigii iyo dulmigii siyaasadeed; guul dib u qaabaysay taariikhda qaaradda.

Muuse Joosefat Kimanthi (74 jir), oo ah shaqaale dawladeed hawlgab ah kuna nool deegaanka Machakos ee Kenya, ayaa yidhi: “Waxaan u halgannay xaqa aan u leenahay ismaamulidda, mana aha in aan marnaba yaraysanno xorriyaddaas siyaasadeed ama aan u qaadanno wax iska caadi ah.”

Farqiga u dhexeeya jiilasha

Si kastaba ha ahaatee, Kimanthi wuxuu sidoo kale arkaa farqi sii ballaadhanaya oo u dhexeeya jiilasha, iyo dareen isa soo taraya oo ah in ballanqaadyadii madax-bannaanidu aanay si buuxda ugu hirgelin xaqiiqada maanta jirta. Isagoo la hadlayay Al Jazeera English ayaa yidhi: “Waxaan moodaynay in xorriyadda siyaasadeed ay si toos ah u horseedi doonto xorriyad dhaqaale. Halkii ay taas ka dhici lahayd, maanta waxaan arkayaa carruurta yar yar ee an awoowga u ahay oo la daalaa dhacaya qiimaha nolosha oo qaali noqday, isla markaana ku dhibtoonaya bixinta deymo waaweyn.”

Falanqeeyayaal badan iyo dhallinyaro Afrikaan ah ayaa qaba in arrimaha lacagta, fursadaha shaqo iyo xakamaynta dhaqaaluhu ay maanta noqdeen udub-dhexaadka fikradda xorriyadda. Dooddu waxay ka gudubtay arrimo muunad ah sida calamada, xuduudaha iyo heesaha qaranka, waxayna u gudubtay su’aalo qoto dheer oo ku saabsan cidda maamusha dhaqaalaha, cidda leh awoodda go’aamada maaliyadeed, iyo cidda sida dhabta ah uga faa’iidaysata koboca dhaqaale ee qaaradda.

Dalal badan oo Afrikaan ah, culayska deynta sii kordhasa ayaa noqday caqabad jiritaan, oo si weyn u xaddidaysa awoodda dawladaha ee kharashaadka guud. Marar badan, siyaasadaha maaliyadeed ee dawladuhu waxay ku xidhmaan natiijooyinka wada-xaajoodyada lala yeesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, taas oo yareyneysa awoodda go’aan-qaadasho madax-bannaan. Dhanka kale, dawladaha Afrika waxay isku dayayaan inay dheellitiraan xidhiidhada ay la leeyihiin quwadaha reer Galbeedka, Shiinaha, dhaqaalaha soo koraya iyo ururrada caalamiga ah sida kooxda BRICS, maadaama dhinac kasta uu bixiyo maalgelin, deymo iyo iskaashi istiraatiiji ah oo ay ku lammaan yihiin shuruudo iyo saamayn gaar ah.

Cadaadiska deynta

Innagoo ku sii socona, Borofiisar Paul Mbatia oo ka tirsan Kulliyadda Cilmiga Bulshada ee Multimedia University of Kenya ayaa u sheegay Al Jazeera: “Lagama hadli karo xorriyad dhab ah inta ay qaaraddu soo saarayso wax aanay isticmaalin, isla markaana isticmaalayso wax aanay soo saarin.”

Dhanka kale, tiknoolajiyadda dijitaalka ah oo markii hore loo soo bandhigay inay tahay qalab furan oo horseedaya fursado, ka-qaybgal bulsho iyo koboc dhaqaale, ayaa iyaduna bilowday inay dhaliso su’aalo adag oo ku saabsan lahaanshiyaha, xakamaynta iyo ku-tiirsanaanta muddada dheer. Su’aalaha ku saabsan cidda dhista nidaamyadan, cidda leh xogta, iyo cidda ka macaashta dhaqaalaha dijitaalka ayaa noqday arrimo si weyn looga walaaco.

Siyaasiyiin badan ayaa ku doodaya in marxaladda xigta ee horumarka Afrika aanay ku xidhnaan doonin mabda’yo siyaasadeed, balse ay ku xidhnaan doonto awoodda dalalku u leeyihiin inay khayraadkooda, shaqaalahooda iyo hal-abuurkooda u beddelaan wax-soosaar dhab ah oo qiimaha lagu daray ku sii haya gudaha qaaradda halkii dibadda loogu dhoofin lahaa isagoo qaydhin ah.

Waxay sidoo kale adkaynayaan in imtixaanka dhabta ahi yahay in isbeddelladani ay keenaan wax ka beddel muuqda oo qaab-dhismeedka dhaqaalaha Afrika ah, si aanay u noqon ballanqaadyo siyaasadeed oo soo noqnoqda oo aan wax saameyn ah ku yeelan nolosha dhabta ah.

Jiidda dagaalka dijitaalka ah

Isbeddelkan ayaa si cad uga muuqda jawiga dhaqaalaha dijitaalka, halkaas oo ay ka dhalatay jiid cusub oo lagu loollamayo saamaynta iyo awoodda. Magaalooyinka sida Nairobi, Lagos iyo Kigali waxaa si xawli ah ugu fidaya adeegyada lacag-dirista taleefannada gacanta, barnaamijyada garaad-gacmeedka iyo kaabayaasha dijitaalka ah, taas oo ka dhigtay xarrumo tiknoolajiyadeed oo caan ah iyo astaamo u taagan muuqaalka dijitaalka sida degdega ah isu beddelaya.

Si kastaba ha ahaatee, aqoonyahanno ayaa ka digaya in laf-dhabarta kaabayaasha dijitaalka ahi ay weli ku jirto gacanta quwado dibadeed; xadhkaha badda hoosteeda mara, xarrumaha xogta iyo nidaamyada xisaabinta daruuriga ah (cloud computing) waxaa inta badan dhisa, maalgeliya oo leh shirkado tiknoolajiyadeed oo caalami ah.

Amina Osei, oo ah falanqeeye siyaasadaha tiknoolajiyadda kana tirsan Xarrunta Afrika ee Maamulka Dijitaalka ah Accra (African Centre for Digital Governance), ayaa tiri:

“Ka faa’iidaysiga dijitaalka ahi waa wejiga cusub ee gumaysiga casriga ah (neocolonialism). Haddii xogta Afrika loo qaado dibadda si loogu farsameeyo seerferro shisheeye, kadibna dib noogu soo noqoto iyadoo loo beddelay nidaamyo aan lacag ku bixinno, markaas waxaan gumaysigii hore ku beddelannay ku-tiirsanaan dijitaal ah oo cusub. Xorriyadda dhabta ah ee maanta waxay ka dhigan tahay inaan leenahay tiknoolajiyaddeenna, ilaalino xogteenna, isla markaana dhisanno awooddeenna aan ku horumarin karno madalaheenna gaarka ah.”

Xiisaddan u dhexeysa ku faanista taariikhda iyo niyad-jabka ka dhashay xaaladda maanta jirta ayaa sii ballaadhisay farqiga jiilasha ee ku saabsan aragtida Maalinta Afrika. In ka badan 60% dadka qaaraddu waxay ka yar yihiin 25 sanno, waxaana badan kuwa aaminsan in hadalladii halgan ee ka dhanka ahaa gumaysiga ee caan baxay lixdamaadkii qarnigii tagay aanay hadda ka turjumayn dhibaatooyinkooda maalinlaha ah sida shaqo la’aanta, sicir-bararka iyo jahawareerka dhaqaale.

Isagoo arrintan ka hadlaya, Chinedu Nwosu (26 jir), oo ah horumariye software kuna nool Lagos, ayaa yidhi: “Si daacad ah haddii loo hadlo, Maalinta Afrika jiilkayaga waxay ula muuqataa bandhig dabaaldeg ah oo keliya. Waan qadarinaynaa wixii uu qabtay jiilkii madax-bannaanida, laakiin taasi ma xallinayso dhibaatooyinka maanta. Xorriyaddu annaga nooma aha taariikh aan dib u eegno, balse waa beddelidda nidaamyada xannibaya nolol-maalmeedkeenna.”

Nwosu wuxuu sharraxayaa in dhallinyarada Afrika ay maanta indhaha u jeediyeen gudaha, iyagoo dalbanaya dawlado daahfuran oo isla xisaabtan leh, halkii ay eedda oo dhan dusha ka saari lahaayeen dhinacyo dibadeed: “Dagaalkeenna maanta waa ka kadhanka ah musuqmaasuqa, maamul-xumida, canshuuraha culus iyo xadgudubyada amniga. Kama hadli karno xorriyad iyadoo dadku la ildaran yihiin falalka ay kula kacayaan dawladahoodu. Xorriyadda casriga ahi waxay ka dhigan tahay karaamo, iyo awoodda wax lagu dhiso laguna hal-abuuro iyada oo aan la hoos joogin dawlad muujinaysa masuuliyad-darro ama faragelin.”

Halgan aan weli dhammaystirmin

Sidaas darteed, Maalinta Afrika waxay si tartiib tartiib ah uga siibmaysaa muuqaalkeedii dabaaldegga ahaa ee guud ahaan qaaradda, waxayna isu beddelaysaa madal dib-u-eegis iyo isla-xisaabtan ah; waa fursad lagu qiimeeyo inta waddo ee qaaraddu soo martay iyo masaafada weli ka dhiman in madax-bannaanida siyaasadeed loo beddelo xaqiiqo dhaqaale oo la taaban karo.

Xorriyadda hadda looma arko dhacdo taariikheed oo dhammaatay, balse waxaa loo arkaa geeddi-socod socda iyo waayo-aragnimo ay cutubyadeedu si isdaba joog ah u furmayaan.

Haddii madax-bannaanida siyaasadeed ay ahayd dhagaxii aasaaska, marxaladda xigta — sida ay dad badani qabaan — waxay u baahan tahay in la xaqiijiyo isku-filnaanshiyo dhaqaale, madaxbannaani dijitaal ah, iyo xoojinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka guud.

Haddii aan khayraadka Afrika, hal-abuurka dhallinyaradeeda iyo xoogga shaqaalaheeda loo beddelin horumar muuqda oo nolosha dadka wax ka beddela, halganka xorriyaddu wuxuu ahaan doonaa shaqo aan weli la dhammaystirin.

Sida uu Kimanthi ku soo koobay: “Calamada la sudhay waa kuweenna, balse xadhiga hogaanka ee dhaqaalaha weli dibadda ayaa laga hagaa.”

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.