Thursday 15 May 2025
Waxa la yidhi beentu dabo la qabto ma leh, oo been fakatay runi ma gaadho, toddobaadadan waxaa la wareejinayay qoraallo ku andacoonaya in Israa’iil rabto in ay xidhiidh la samayso Soomaalilaan, si ay u hesho rug badda cas ah, oo ay ka dhigato saldhig milatari. Haddaba, wararkan badankoodu ma xiganayaan ilo sugan, oo qoraallada arrintan ku saabsan iyaga uun baa isxiganaya, mana jiro war rasmi ah oo ay ka soo saareen xukuumaddaha Soomaalilaan iyo Israa’iil. Iyadoo sidaa ah, haddana, wararkan aan sugnayn oo ka soo bilaabmay warbaahinno yar yar oo kooban waxay u gudbeen warbaahinnada waaweyn ee caalamiga ah.
Haddaba, kutirikuteentan waxaa loo badinayaa in ay ka soo bilaabantay madasha Emirati Leaks, taas oo baahisay qoraal gaar ah oo ay kaga warramayso in ay dawladda Iimaaratku diyaar u tahay in ay maalgaliso saldhig milatari oo ay Israa’iil ka dhisato Soomaalilaan. Qoraalkani waxa uu gabi ahaanba xiganayaa ilo dublamaasi ah oo aan la magacaabin, waxyaabaha lagu sheegay waxa ka mid ah: “Isutagga Iimaaraatku waxa uu si qarsoodi ah ugu soo jeediyay Israa’iil in ay ka dhisato Soomaalilaan saldhig milatari oo ay sidoo kale ku fushato hawlaheeda sirdoonka, iyadoo Abuu Dhabi diyaar u tahay in ay maalgaliso.” Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in Israa’iil dhankeeda aqoonsan doonto gooni isu taaga Soomaalilaan. Ma cadda dheefta tooska ah ee Iimaaraatka ugu jirta hirgalka xidhiidhkan. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xusay warbixin qaldan oo sheegaysa in Iimaaraatku aqoonsan yahay madaxbannaanida Soomaalilaan – arrintaas oo ah been cad oo ka dhigaysa maqaalka mid aan looga qaateen ahayn.
Sidaas ayaa warbixintu si xawli ah ugu fidday, iyadoo madalaha qaar warbixinta Emirati Leaks sii fidiyeen iyagoon wax baadhis iyo dabagal ah samayn, halka kuwo kale ku duldhiseen lafagur male-abuur ah. Madalihii u horreeyay ee warbixintan la booda waxaa ka mid ah Middle East Monitor. Axmed Vefa Rende, oo ah arday Turki ah oo shahaadada saddexaad diyaarinaya, ayaa qoray maqaal uu ku lafagurayo waxay Israa’iil ka dheefi karto xidhiidh ay la samayso Soomaalilaan. Waxa uu maqaalkiisa ku sheegay, “Ka aradnaanta ay Israa’iil ka aradan tahay istaraatiijiyad degel-siyaasadeed oo qotodheer waxay dareensiisay in ay u baahan tahay in ay Soomaalilaan ka dhigato saldhig ay amnigeeda qawmiga ah meel durugsan ka ilaashan karto iyadoo sidoo kalena wajahaysa Xuutiyiinta Yaman.” Wax yar ka dib wargeyska The Jerusalem Post, oo ah mareeg Israa’iil laga leeyahay ayaa isna daabacay warbixin wareed ka dab qaadanaysa wixii ku xusnaa maqaalka Axmed Vefa Rende. Soomaalida Twitterka adeegsata ayaa aad uga cadhooday warbixintan aan raadka lahayn ee Jerusalem Post daabacday, warbixintan oo si qalloocda u adeegsatay dooddii Axmed Vefa. Safiya Caydiid oo ah taariikhyahannad baresare ka ah jaamacadda Toronto ayaa warbixintan ku faalaysay: “Warbixinta” uu maqaalka gebigiisuba ku salaysan yahay waa maqaal aragtiyeed uu arday qoray, waa warbixin aan lahayn wax tixraac ah oo doodda qoraaga u marag furaysa.” Waxa sidoo kale dib u baahiyay maqaalka iyadoon xaqiijin sugnaanta xogtiisa Addis Standard oo ah wargeys Afrikada Bari ku salaysan.
Wargeyska Falastiiniga ah ee Quds News Network ayaa isna iska liqay warbixintii aan sugnayn ee Emarati Leaks baahisay, waxaa xigay wargeyska MintPress oo isaguna dib u baahiyay isagoo aan xusin tixraacii xogta loo celinayay dublamaasiyiinta aan la magac dhabin, wargeysku waxa uu ku sii daray in Soomaaliya cadaadis ku saarayso Iimaaraatka in ay wadagalaan heshiis iskaashi oo laba geesood ah. Warbaahinta Visegrád 24 ayaa iyadna baraheeda bulshada ku baahisay qoraal arrinta la xidhiidha. Waxa barteeda twitterka ku sii wadaagtay qoraalka Visegrád, Laura Cellier oo barnaamij daadihiso ka ah talefeeshan Israa’iil laga leeyahay, waxay ku sii dartay: “Soomaalilaan waa dal calmaani ah oo dimuqraadi ah, waana mid u qalma in uu helo aqoonsi caalami ah.” Soomaali badan oo arrintan ka cadhaysan ayaa u jawaabay gabadhan saxafiyadda ah. Najaat Cabdi oo ah akaademig Soomaali-Ustareeliyaan ah ayaa tidhi: “Waxaan ku xaqiijinayaa hadday taasi dhacdo in Geeska Afriki madaxa isla geli doono (iyadoo Yamanna ay qayb ka tahay).” Sagal Cashuur ayaa iyaduna kaga faallootay oo u sheegtay Cellier in “reer Soomaalilaan haddaan nahay waxaanu nahay bulsho muslim ah, waxaanan taageersannahay xorriyadda Falastiin, waxaanan rajaynaynaa in xukuumadda Israa’iil inta ay ka tiro le’eg tahayba la xidho oo lagu maxkamadeeyo xasuuqay ku wadaan tan iyo dura shacabka reer Falastiin.”
Haddaba, madasha u weyn ee sheekadan dib u baahisay waa wargeyska Haartez oo ah wargeys liberaal ah oo Israa’iil laga leeyahay. Nadan Feldman ayaa qoray maqaal, uu ugu kuurgalayo sababta Soomaalilaan u qabsatay diiradda warbaahinta Israa’iil iyo kuwa ka jira dalalka Bariga Dhexe. Tabtii wargeyska Jerusalem Post ayaa Nadan Feldman waxa uu ku andacooday in Axmed Vefa Rende uu markii koowaad ku warbixiyay, xidhiidh dhex maray Soomaalilaan iyo Israa’iil, isagoon dhab ahaantii Axmed arrintaa sheegin. Waxa uu sidoo kale sheegay xog qaldan oo sheegaysa in ay Soomaalilaan ka taliyaan “qabiilka ciisaha oo muslin ah”.
Nadan Feldman waxa uu lafagurkiisa diiradda ku saaray colaadda bariga dhexe ee cirka isku sii shareeraysa iyo waxay Israa’iil ka dheefi karto xidhiidh ay la samayso Soomaalilaan, waliba kolka la eego weerarrada Xuutiyiintu ay ku beegsanayaan maraakiibta Israa’iil iyo Maraykanka. Dabadeed waxa uu isku dayayaa in uu isbarbardhig aan meel na haysan ku sameeyo Soomaalilaan iyo Israa’iil:
“Waxa la odhan karaa in Israa’iil iyo Soomaalilaan ay iska shabbahaan laba dhinac oo muhiim ah: labadooduba waa laba dal oo yar yar, dimuqraadi ah oo nugul, kuwaas oo dhaca laba gobol oo kelitalisku doobyayo oo ay ka taagan yihiin dagaallo lagu riiqmay. Sidoo kale, labadooduba waxay la tacaalayaan arrimo madaxbannaanidooda la xidhiidha, labadubana waxay leeyihiin cadaw ku taamaya in uu burburiyo.” Haseyeeshee, Israa’iil waa awood gumeysi oo isballaadhin ku jirta, oo ururo badan ku eedeeyeen in ay tahay talis midab-takoor ku dhisan, oo hadda kiis xasuuq ahi ka yaal maxkamadda dembiyada caalamiga ah. Sheekooyinka noocan ah waa kuwo taariikh hore leh, oo qoraa Holandiis ah oo ka ag dhaw Israa’iil iyo dalalka khaliijka ayaa mar sii horraysay wargeysa Times-ka Israa’iil ku qoray in ay tahay, in Israa’iil maalgashato oo xidhiidh la samaysato Soomaalilaan.
Warbixinnadan iyo maqaalladan marba marka ka danbaysa sii kordhaya, labada xukuumadood ee ay ka warramayaan way ka gaabsadeen in ay wax ku darsadaan, taas oo male-abuurka sii siyaadisay. Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ee Muuse Biixi, waxa uu sheegay; “Haddaanu nahay reer Soomaalilaan waxaan garab taaganahay reer Falastiin.” Waana mabda’ ay kala midaysan yihiin guud ahaan shacabweynaha Soomaalilaan, oo haddii xukuumaddu xidhiidh caynkan ah dhankiisa u dhaqaaqdo mucaaradad badan ayaa kaga iman doonto bulshada. Saldhig Israa’iil laga siiyo waxay Soomaalilaan gelinaysaa colaad goboleed baaxad weyn, taas oo amnigeeda khatar ku noqon doonta.