Thursday 15 May 2025
Sida aadamuhu u jecelyahay in uu dadka kale u taliyo waa arrin amakaag leh. Ma fahmo sababtiisa, sida aanan u fahmin sababta uu qof u jecelyahay in uu carruur dhalo ama uu ciyaaro shaxda Settlers of Catan. Xitaa mala’awaallada roomaansiga ah ee ku dhisan is jajuubku iima cuntamaan si shakhsi ah. Maxaan ku jeclaan karaa in aan dadka kale madax u noqdo? Maxaan ku khasbi karaa in ay sameeyaan? Ma in ay cashuurtayda bixiyaan? Waa wax u muuqda sabab la’aan, se dhibaato weyn xambaarsan. Xitaa ma jecli in aan isa sugsiiyo dadka aan jecelahay in aan la cunteeyo, oo ma jecli in aan si uun, haba yaraatee, qof u jajuubo, ama uu qaddar yar u dareemo in aan talo ku leeyahay go’aannadiisa, xitaa ardayda aan derajooyinka imtixaanka u hayo ku dar.
Xilligii qaangadhkayga, mudnaanta koowaad waxa ii lahaa in aan sameeyo wixii aan anigu jecelahay, oo aan cidina igu khasbin waxa aan samaynayo ama waxa aanan doonayn samayntiisa, waana mabda’a noloshayda seeska u ah. Jajuubka waxa aan ku qeexaa awoodda aad dadka kale ku khasbi kartid in ay sameeyaan waxa aad rabtid, xorriyadduna waa awoodda kuu saamaxda in aad samaysid waxa aad rabtid. Xidhiidhka labadan ka dhexeeyaa waa mid u eg cuf-is-jiidadka iyo kala firidhka waxyaalaha, waana laba awoodood oo in ay kala duwanyihiin u muuqda, se haddana hal awood isku ah. Xorriyaddu waa qaabka qofku iskaga ilaaliyo jajuub lagula kaco. Waa dhufayska aadamuhu kaga gabbado dirqinta iyo isu talinta nolosha aadamaha la bilaabmatay. Waa awood aan la dhayalsan karin, oo awood kale u baahan si qofku usoo ceshado madaxbannaanidiisa. Labadan awoodood waxa ay si wanaagsan inooga muuqan karaan sooyaalka al-Iskandarkii dunida qabsaday iyo falsafadyahankii Diogenes, oo ballanqaad kasta oo uu al-Iskandar u sameeyey iyo hanjabaad kastaba, aan kaga tanaasulin madaxbannaanidiisa. Waxa la sheegaa in al-Iskandar yidhi: haddii aanan jiri lahayn, waxaan jeclaan lahaa in aan Diogenes noqdo, se Diogenes waxa laga hayaa in uu yidhi haddaanu Diogenes ahaan jiri lahayn uu weli jeclaan lahaa uun in uu Diogenes mar kale noqdo.
Waxa ugu caansan awoodda dadku jecelyihiin in ay dadka kale dheeraadaan, awoodda maaliyadeed iyo ta siyaasadeed, waana wax laga yaabo in aanay asal ahaan dhib ku sal lahayn, se haddana yeesha natiijooyin xun oo dhinacyada kale gaadha, sida saboolnimo, jajuub, xasuuq iyo xaglin. Himiladayda gaarka ahi waxa ay qayb ka tahay himiladan qof kastaa yeesho, oo dabcan dhinacyo badan oo xun yeelata, sida in aan dadka kale qaddarin ka helo, in aan kaalin sare gaadho, in aan xoolo igu filan helo iyo in aan helo jacaylka gabadh. Se haddii aynu runta isu sheegno, noocan himilo, oo si guud aan u muuqan wax dhib leh, haddana waa wax kelitalisnimo ugu adeegaya si qarsoon, waa beddelidda waxa dadka kale aaminsanyihiin iyo sida ay waxyaalaha u arkaan.
Si la mid ah hal-abuurrada badankooda, higsigayga noloshu waa in aniga iyo arrimahayga gaarka ah naloo kala dhexbaxo; waxaanan ku riyoodaa boqortooyo qolkayga ku filan oo aan dhinacna u dhaafsiisnayn. Runtii waa wax u eg in aanu suurogalayn. Laga soo bilaabo xilligii aan kacaamay, hormuudka aan fan ahaan ku daydaa waxa uu ahaa filim-soo-saaraha weyn ee Stanley Kubrick, oo hibo faneed oo dhif ah lahaa, awoodna u lahaa in uu hibadaas heerka ugu sarreeya ka shaqaysiiyo, oo isku mila madaxbannaani iyo maamul, oo ah wax aan lagu arki karin nidaamka bahaloobay ee Hollywood-ka. Maamulka iyo madaxbannaaniduba waa wax hal-abuure kastaa u baahanyahay. Si aan u helo tilmaantaas naabilyooniga ah ee Stanley Kubrick lahaa, waxa aan isku dayey in waxqabadkayga faneed noqdo mid kharash ahaan jaban, oo aan cidi iga kaalmayn, inta awooddayda ahna, ka fog faafreeb.
Sida la ogyahay, xorriyaddu bilaash kuma timaaddo, sidaas darteed waxa aan beri hore go’aansaday in xorriyadda ugu weyni tahay in aan u madaxbannaanaado xakamaynta wakhtigayga gaarka ah. Si aan yoolkan u dhabeeyo waxa aan lumiyey mushaharkaygii joogtada ahaa, lahaanshihii guriga, qorshihii hawlgabka iyo nooc kasta oo caymis ah. Inkasta oo aan ku khasbanaa in aan u hoggaansamo dabarka qoyska oo iska fudud, se markasta waxa aan dareemaa in waxna aanu mudnayn isku hawlid.
Haddii arrin sidan yahay, xorriyadda lafteedaa ah nooc ka mid ah jajuubka, se waxa jira qayb ka mid ah xorriyadda oo si uun kaaga lunta. Hadda ma ihi hal-abuure u xorriyad badan sidii aan u madaxbannaanaa xilli aan farshaxanka maadda ah u sawiri jiray wargeys toddobaadle ah. Waxa ay ahayd shaqo mushaharkeedu haddii uu u bato labaatan doollar toddobaadkii gaadho. In aanay cidi i aqoon, una fiirsan waxaan sameeyo awgeed, waxa aan awood u lahaa in aan waxii been ah been ku sheego, halka saxaafadda kale ku dhuumato ereyo kale. Waxaan awoodayey in aan sawiro nin cuntada Burrito ugu cayaaraya caruusad ahaan [sidii ilme yar]. Sidaa si ka duwan, markii aan bilaabay in aan maqaallo ku baahiyo wargeys shacbiyad badan dunida ku leh, waxa ii soo baxay in aanan xaqiiqooyinka qaar wax ka qori karin, madaddaaladiina hadalkeeda daa.
Markasta oo ay sii ballaadhato awoodda aad cid ku maamusho ama ku jajuubto, adigana dabarka kugu xidhan baa kugu sii giijismaya. Waxa aan aaminsanahay in qofka ugu xorriyadda yar dunidu uu yahay madaxweynaha Maraykanka, oo haya xil uu ku gaadhay dedaalka iyo kaalmada dadka bixiya kharashka ololaha, madaxda xisbiga iyo dad kale oo aan la arag faragelintooda. Taksiilaha, timajaraha ama qof kasta oo kale oo baraha bulshada iska dhex joogaa waxa uu si badheedh leh uga hadli karaa fikradihiisa oo xitaa kuwo la yaab leh noqon kara, se haddii madaxweynaha Maraykanku ku hadlo weedh aanu u qasdin, se ah fekrad cad oo aan soo marin faafreebka, waxa loo arkayaa simbiriraxasho weyn.
Xorriyadda ugu muhiimsani waa in aad ilaashatid awoodda aad ku xakamayn kartid waxa maskaxdaada ku jira iyo qaabfekerkaaga. In waxa aad jeceshahay samaysaa waxa ay ku tiirsantahay in aad garatid waxa aad rabtid. Jajuubka iyo gumaysiga ugu fooshaxun dunidu waa ka maskaxdaada lagu qabsado, oo cidhiidhi gelisa sidaad u fekeri lahayd. Mararka qaar waxa wax aan suurogal ahayn lagaaga dhigayaa in aad ka baxdid dhaqanka, aydhiyoolajiyadda, xikmadaha soo jireenka ah iyo hadallada iska macnodarrada ah ee bulshadu isku raacsantahay, si ka duwanna u dhaqantid. Sida ay Virginia Woolf ku xusayso mid ka mid ah sheekooyinkeeda, To the Lighthouse, waxa ay caqabado waaweyn u waajahday ilaashiga geesinnimadeeda, waxaanay ku celcelisay: “Waa sidaan aaminsanahay, waa sidaan aaminsanahay”.
Daalaadhaca iyo kadeedka ba’an ee loogu jiro hanashada awood wax lagu jajuubo ama lagu maamulo waxa sabab u ah cabsi; cabsida laga qabo geerida. Hantiilayaasha qaar waxa ay qasriyo ashqaraar ah u dhisanayaan si ay nolosha ugu sii yara hakadaan, waxa ay cilmibaadhisaha da’da ku saabsan u maalgelinayaan in laga adkaado geerida iyo talaxgabka jiinka. Kol haddii aanu qofku waarayn, waxa keliya ee higsi u noqdaa waa in uu xasuus dadka kaga tago, oo ugu yaraan aanu magaciisu la dhiman. Sida uu Percy Bysshe Shelley ku sheegay maansadiisa Ozymandias, higsiga in dadka aad adduunka kaga tagtay magacaaga ku xasuustaan buug aad qortay, dhagax aad xaradhay, xanuun aad u dhimatay, xisaab aad ka shaqaysay amaba xiddig laguugu magacdaray, waa hab la mid ah uun tab kasta oo aadamuhu iskugu dayey in uu dunidan kusii joogo oo aanay geerida is waajihin, kol haddii aan nolol ahaan la waaraynna, magac ahaan loo waaro, kol ay tahay carruur la dhalo, ama bulshooyin lagu duulo oo la qabsado dulucdoodu waa in magac laga gat ago dunida.
Waxa aan aaminsanahay in dadka ugu maskaxda badani yihiin dadka faraxsan ee aan higsiyada noocan ah ku harraadin; oo aan rabin cid ay u taliyaan, hanti badan, caannimo ama waxqabad lagu faano. Keliya waxa ay rabaan in ay wax wanaagsan qabtaan oo dadka waxtara, in ay cid jeclaadaan iyo in ay ku noolaadaan meel qurxoon oo ay ku degaan. Waxa jirtay gabadh aan aqaan, oo saaxiib ila ah, qoraana ahayd, oo la daalaadhacaysay degenaansho la’aan. Waxa aan ogaaday in higsigeeda u weyni yahay in ay hesho jacayl, waana wax ay ka bogsatay ka dib markii ay heshay qoys jecel. Se doonistaa ah in cidi jeclaato ayaa gaadhsiisay heer in ay qoraa noqoto, waana waxa ay weli tahay, xitaa haddii doonistii seeska u ahayd meesha ka baxday, oo ay baaba’day, si la mid ah macbadkii Parthenon oo weli taagan, xilli dadkii aaminsanaa rogmadeen.
Higsigaas sare waxa uu igu khasbay in aan labaatan sanno oo noloshayda ka mid ah ku qaato magaalo sawaxan badan oo aanan awoodin kharashaadkeeda. Waxa kale oo uu igu kellifay in aan dedaal weyn ku bixiyo waxqabadyo i suuq geeya, se ruux ahaan i rifaya. Si la mid ah hal-abuurrada kale ee Niyuu Yook, markasta waxa aan sawirtaa in sannadkaasi iigu dambayn doono sii joogidda magaaladan. Waxa aan ku riyoodaa in aan wax kasta gadaal kaga soo tago, oo aan hore u socdo. In aan miyi ku laabto, wax badan akhriyo, oo marka aan jeclaystana wax qoro. Waxa imika higsi ii ah in aan maalin uun, haddiiba aan geesinnimadaas yeesho, noqdo qof hankiisa xakameeya, oo aan higsigaas daba ordin.
Maqaalkan waxa turjumay Maxamuud Bulxan.