Skip to main content

Thursday 5 December 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Ma Qabiilka Ayaa Denbiile ah, Mise Denbiilihii Baa Kaga Baxsaday?

22 May, 2024
Image
 lolloj / Adobe Stock
Xaradhka: lolloj / Adobe Stock
Share

Ummaduhu waxa ay leeyihiin baadisooc u gaar ah, sida calan, af, xuduud, iyo baasaboor. Waxaana intaba ilaaliya dawlad ay ku midaysan yihiin.  Dawladdaasi waxa uu dhismaheedu ka kooban yahay unugyo kala gaar ah oo wax isku darsaday. Unugyadaas oo samaysta xeerar kala haga iyo hoggaan ku xukuma wixii lagu heshiiyey. Unugyadani asalkoodii hore mid waliba gaarkiisa ayuu u taagna, isu garabsan jirey, isuguna tiirsanaa. Waxaana dhici karaysa in unugyadaas deriska ahaa ay dagaallo joogto ah iyo ismuquunis ku jiri jireen - ka hor intii aanay midoobin. Midowgaasi waxa uu horseedaa in ahaanshiyahoodii hore ee koobnaa ay kor uga kacaan – yeeshaanna cudud weyn oo amnigooda iyo baahiyahooda dammaanadqaadda. Taasi waxa ay sababtaa, in laga maarmo unugyadii koobnaa ee xin iyo xasarad-u-joogga ahaa. Waxase mararka qaarkood dhacda, in hoggaamintu ay ka qalloocato dadkii wax isku darsaday. Tabasho ayaa kolkaa abuuranta. Tabashadaas haddii aan dhaymo loo helinna, waxa ka dhasha burbur iyo kala gurasho. Dib baa kolkaa loogu noqdaa unugyadii asalka ahaa. Is-riix, colaado, iyo iska-caabbin joogto ah baa la dhaxlaa.

Haddii aynnu jalleecno qaabdhismeedka bulshada Soomaaliyeed, waxa uu salka ku hayaa qabiil. Qabiilka asalkiisu (marka uu meeshiisa joogo) waa xayndaab lagu eerto, ma aha wax laga cararo. Waa aqoonsi bulsho iyo hab-nololeed ay isku garabsadaan – ummad is ah. Waa hab ay wax ku wadaagaan dad dhiig iyo dhalasho ay midayso. Waa nidaam ay isku kaashadaan dad degaan gaar ah Ilaahay uu ku beeray. Waa deyr difaac ah oo qofka ka tirsani uu khatarta ka garabsado. Waa weel la isku caawiyo oo wax la isku taro – marba qofkii ay duruufi ku timaadona wax loogu shubo. Waa unugga asalka ah ee bulshadeenna.

Bulshada Soomaaliyeed weli ma helin nidaam kale oo ay isku hallayn karaan oo ay qabiilka kaga maarmaan. Soomaalidu kolkii ay awoodi waayeen inay samaystaan aalad kale oo ay qabiilka kaga maarnaan, kuna fashilmeen dawladnimadii iyo inay unkaan wax ka mug weyn qabiilka, dadkana isku tola, ayay waxa ay caadaysteen, in ay fashilkoodii meel kale foodda u saaraan. Xalkoodii waxa uu ku soo ururay, “dhibka ina haystaa waa qabiilka.” Isagaa la habaaraa, oo la haaraamaa. Isagaa heeso lagu canbaaraynayo loo tiriyaa. Kii fashilmaaba, qabiilkuu denbiga kaga baxsadaa. Alla qabiilku dulqaad badanaa! Alla qabiilku Samir badanaa! Goorma ayuu qarxi doonaa – oo furka tuuri doonaa. Goor ma ayuu qareen ka difaaca eedaha aan dhammadka lahayn uu qabsan doonaa. Talow, ma heli doonaa xaakim caadil ah oo u garsoora?! Mise isla kii eedda saarayey oo kursiga qaaddiga fadhiya buu mudan doonaa?!  ­Jeclaan lahaayee, maalinta gartaas la qaadayo in aan goobjoog ahaado.


Waxa la sheegaa, xilligii Daraawiishta, sebenkii SYL, iyo maalmihii hore ee Kacaankii Oktoobar, in ay abuureen (ilaa xad) wax qabiilka ka weyn oo la dugsan karo. Duqayntii Ingiriiska ee 1920 ayaa adhaxda ka jabiyey bulshoweyntii ay daraawiishtu isu keentay. Dadaalkii SYL iyo dardartii bilowgii Kacaankana, iyagana waxa wiiqay – siyaasiyiin danayste ah oo tooda gaarka ahi ay wax walba kala weynaatay. Siyaasiyiintaas oo miciin biday in ay unugyadii kala furfuraan, iyaga oo qaarkoodna cimridherer halkaas ka raadinayeen, kuwo kalena ay xukun raadis dartiis bulshadii baanad u qaateen. Maxaa laga dhaxlay? Ka danbaa sheegi!

Ummad aan qabiilooyin (unugyo-bulsho) lahayni ma jirto, laakiin, qabiillada loo kala urursan yahay ayaa kala duwan. Haddaad maqashid ururrada macallimiinta, kuwa ilaalinta degaanka ku bahoobay, kuwa dhakhaatiirta, beeralayda, kalluumaysatata, kuwa xoogagga shaqaalaha, kuwa shuuciyiinta iwm, waxooduba waa qabiilooyin. Xisbiyadu waa wax la mid ah qabiilka oo sida qabiilka oo kale isku tiirsan oo wax is tara, wax isku darsada, isna garabsada.

Haddaba qabiilku ma aha wax sidiisa u xun oo aan waxyeello mooyee aan wax waxtar ah lagu ogayn. Aad buu uga fog yahay sifahaas. Waxa xumayn kara, ama wanaajin karaa waa sida loo adeegsado. Mindidu waa aalad aan aadanuhu ka maarmin, hawlo muhiim ahna u qabata. Roobka iyo biyaha jiritaankeenna ayaa ku xidhan. Dabku waa aalad nolosheennu ku tiirsan tahay. Haddana, mindida, roobka iyo dabkuba waa aafo nolosheenna khatar ku ah – marmarka qaarkood.

Qabiilku waa sida aalad oo kale, hadba sida loo adeegsado ayayna ku xidhan tahay wanaagiisa iyo xumaantiisu. Waa la isku caawin karaa; sidoo kale, waa la isku cidhibtiri karaa. Waa la isugu gargaari karaa; sidoo kale, waa la isku gumaadi karaa. Waa la isku aqoonsan karaa – oo la isugu arxami karaa; waana la isku qoonsan karaa – oo iilka la isugu jiidi karaa!

Qalinleydu xitaa iyaga oo raba in ay qabiil ka hadlaan bay siigada isku qariyaan. “Beesha Bariga burco, reer Cadaado, dadka Sool dega, reer Bay iyo Bakool, Gobolka gebiley” iyo qaar kaloo badan, waa meelaha qalinleydu ay ku dhuuntaan, iyaga oo qabiil in ay qoraan ka cararaya. Kan wax qoraya iyo kan akhrisanaya, labadooduba waa ay is fahmayaan, haddana runta way ka xeeladaysanayaan! Yaa been loo sheegaa. Ani waan ku kasaa. Adina in aan ku kasaayo – waad kasee. Mugga, kasmada maan caayoowhaynaa!

Anigu marka aan wax qorayo, in aan sheego Cali oo inaadeerkay ah ayaa ii soo gurmaday, ama Cumar oo saaxiibkay ah oo Habaryoonis ah baa gacan ii fidiyey; amaba Faarax oo aannu isku xaafad ahayn, iyo Farduus oo aannu isku jaamacad ahayn, muddona aannu kala maqnayn baannu is helnay – waa isugu kay mid in aan qoro. Midna qalinkaygu qoristiisa kama baqo. Inaadeer, saaxiib, isku xaafad, isku jaamacad intuba waa qabiilooyin iyo baadisooc la isku garto, la iskuna garabsado. Laga yaabee, marmar aniga oo aan ogayn oo dadkayga ka mid ah, in aan qoro Jaamac oo Galbeedka Burco ka yimid! Haa waa ay dhacdaa. Dadkayga lee kama mid ahiyoo.

Soomaaliyeey, ku tiirsanaanta ay bulshadeennu qabiilka ku tiirsan tahay, kagama aynnu bixi karayno in aynu "afka ka cambaarayno." Sida keliya ee aynu kaga bixi karnaa, waa in aynu la nimaadno karti iyo aqoon aynu ku dhisno aallad qabiilka ka weyn oo aynu kaga maaranno ku tiirsanaanta qabiilka. Fashilkeenana aynu aqbalno, oo yaynaan meel kale foodda u saarin. Qabiilkuna denbi ma lehe, qawsaarradan fashilmay ee taladii ummadda la habaabay baa denbiga leh. Inta aynaan qabiilka ka xoroobin aynnu marka hore siyaasigan ina kala qoqobaya ee fashilkiisa ku qarinaya qabiilka, aynnu isaga ka xorowno. Markaas dabadeedna, innaga oo ka faa'iidaysanaynna khaladaadkii hore u dhacay, aynnu dhisno ummad xaqa isku garabsata, oo leh xeerar kala haga. Hoggaanka aynnu wax u dhiibannona aynnu kula xisaabtanno sida uu u fuliyo xeerarka aynnu dhiganno, iyo sida uu bulshadaas midoowday ugu xaqsooro.

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Guudmar Buug “Hayaankii Hilowga Arwaaxda"

Sheeko

Filanwaa jacayl

Aragti

Qoyskayaga iyo Qaxii Taleex (1920)