Thursday 17 July 2025
Macno la’aantu waxa ay nolosha ka tiraysaa midabbada qurxoon, waxaanay ka dhigaysaa wax aan lagu indho doogsan karin. Wax kasta oo macno la’aan noqdaa waa wax aan soo jiidasho lahayn, waana sidii wax iskii isu wada oo jiho la’aan ku socda. Waa sida dad socoto ah oo socdaal bilaa jiho ah ku jira, dan gaar ahna aan u socon, sidaas si la mid ah, aadamuhu marar ayaa ay dareemaan in ay ujeeddo la’aan u noolyihiin oo aanay jirin sabab ay halgan nololeed u maraan. Haddiiba aad sidan hore u dareentay, waxa aad la kulantay xaaladda ay falaasifadu u yaqaannaan khalkhal jiraal.
Sheeko-xariirada Siisifas “Myth of Sisyphus” oo ah sheeko Giriiggii hore laga soo weriyo, waa tusaalaha ugu caansan ee loo soo qaato macno la’aanta nolosha iyo in ay tahay gacmo-daalis aan laga gun gaadhin. Sheekadani waxa ay tibaaxaysaa nin la dhaho Siisifas oo ilaahyadu ku xukumeen in uu nolol aan dhammaad lahayn kuna khasbanyahay ku qaato in uu dhagax weyn u riixo figta buur dheer, se markasta oo uu figta u dhawaadaba dhagaxu wuxu usoo siibtaa gunta buurta, haddana shaqada halkii ayaa uu kasoo bilaabaa. Siisifas wuxu u muuqdaa qof lagu khiyaameeyey gudashada shaqo aan laga gun gaadhayn sidii oo uu dhaaminayo haan gun la’, sidaas darteed ayaa uu Siisifas u noqday tusaalaha uu Albert kaamu usoo qaatay macno la’aanta nolosha.
Albert kaamu waxa uu aaminsanyahay in dhibaatada aadamuhu nolosha ka marayaa ku hoos duugantahay in ay macno ka raadinayaan duni macno la’aan ah, waxaanu aaminsanaa in jiritaanka dhan ee aadamuhu si lama filaan ah ku yimi, kuna baabi’i doono jiritaankaasi raadinta aan midha dhalka lahayn ee ay dadku rabaan in ay si maangal ah u fahmaan dunida iyo helitaanka xal maangal ah oo ay ku furdaamiyaan dhibaatooyinkiisa.
Nolol aan macno lahayn ma u qalantaa in lagu noolaado? Kamu, waxa uu keenay xujooyin uu rabay in uu ku xaqiijiyo aragtida uu ka qabo jiraalka aadamaha, waxaanu ku dooday; in sheekada qof kastaa u dhiganto sheeko-xariirada Siisifas. 1942-kii waxa uu qoray: “Qof kastaa maanta waxa uu qabtaa shaqo la mid ah tii Siisifas, sidaas ayaanu nolosha ku dhammaystaa, sidaas awgeed masiirka qofka shaqaalaha ahi kama maad yara masiirkii Siisifas. Xaalada aadamuhu dareemo ee macno la’aanta ah iyo haanta gunta la’ ee uu dhaaminayo waxa uu isku dhaafiyaa mala’awaallo uu samaysto oo usoo hira”.
Wayddiinta udubdhexaadka ah ee Kaamu doonay in uu ka jawaabo waa wayddiin aan filayo in jawaab loo helaa muhiim u tahay falsafad kasta oo si dhab ah nolosha wax isaga wayddiisa. Waa wayddiin ah nolosha sidan ahi ma u qalantaa in lagu sii noolaado?
Kaamu, sheekadiisa Siisifas waxa uu ku bilaabayaa hadalka ah in qofna aanu rabin in uu is dilo marka uu wax ka baadhayo jiraalka, metaafiisigiska ama sayniska xitaa haddii xaalado uu u taag waayay ka hor yimaaddaan, se isla dadkaas ayaa isdil ku fekera kolka ay nolosha macno ka waayaan.
Jawaabta fudud ee su’aashan xeeshadheer xanuunkana leh, iyada oo aan waxba la adkayn, waxa ay noqon kartaa: si kasta oo ay noloshu maadays ugu muuqato haddana waa ay u qalantaa in lagu noolaado. Kaamu, waxa uu dhaliil adag usoo jeediyey isku dayga falaasifada jiraalka ee isku dayay in laga baxsado macno la’aanta, oo ku dedaalay in ay helaan fasiraad macno u yeesha nolosha iyo jiraalka. waxaanu ku doodayaa in aanay habboonayn in la raadiyo ujeeddo aan jirinba, taas beddelkeeda waa in nolosha macno la’aanteeda lagu qaabilaa, waana in nolosha sidan ay tahay lagu jeclaado oo aan quus iyo isu dhiibidda macno la’aantu qofka ka adkaan. Habkani waa kacdoonka u sarreeya ee Albert Kaamu u arko kacdoonka lagaga hortagi karo macno la’aanta iyo maadayska nolosha.
Noloshu waxa ay ku qurux badantahay gaabnida iyo waarid la’aanta. Albert kaamu waxa uu aaminsanyahay in badhaadhaha iyo macno la’aantu aanay iska hor imanayn. Waa sida dheecaanka adrenaline-ku inoo dareensiiyo firfircooni markasta oo aynnu samayno tijaabo khatar ah, sidaa si la mid ah noloshu waxa ay sii wanaagsanaanaysaa marka aanu jirin macno rasmi ah oo la garanayaa. Marka dadku aqbalaan in noloshu maadays tahay, waa marka dadku sida ugu wanaagsan u qaadan karaan noloshooda. Kolkaas qofku waxa uu muhiimad siinayaa ilbidhiqsigaas uu taaganyahay, kumana talojiro dhabaynta macno nololeed oo mustaqbalka ah. Waxa la yaab leh hadalka uu kusoo gunaanadayo sheekadiisa Siisifas ee uu yidhi: “Dedaalka uu qofku ugu jiro figta sare in uu gaadho ayaa ku filan in uu qalbiga qofka farxad geliyo, sidaas darteed waxa habboon in aynnu iska soo qaadno Siisifas faraxsan”.
Nolosha waxa la innagu tababaray in aynnu ka shaqaynno dhabaynta ujeeddooyin xaddidan, sidaas ayaa aynnu nolosha oo dhan u eryannaa yoolal ay adagtahay in la gaadho, se marka aynnu yoolkaas gaadhno wax kastaa maangal ayaa uu u muuqdaa oo waxa aynnu is tusnaa in dedaalkeennii midha dhalay, waxaana aynnu iska dhaadhicinnaa in socdaalkii Siisifas midha dhalay oo uu figtii gaadhay. Muddo ayaa ay naftu ku degtaa midhodhalkaas, se muddo yar ka dib, yoolkii aynnu gaadhnay kuma qanacsanin, waxaana xiise inoo qabtaa gaadhidda yool kale, markaas ayaa uu qofku raadinayaa hadaf kale oo uu dhabeeyo, waa gacmo-daaliskii Siisifas oo aynnu innagu samaysannay, waa mareeg aynnu marba mid luqunta la galaynno oo aan dhammaad lahayn.
In kasta oo Albert Kaamu iyo Watts u kala falsafad yihiin, haddana Watts waa falaasifada farokutiriska ah ee ku dooday in nolosha siday tahay loo noolaado, waxa uu ku dooday in macnaha noloshuba yahay in aad nooshahay oo aad weli naftu kugu jirto, mana jiro yool kale oo la dhabayn karo. Waxa uu ku taliyey in nolosha loo noolaado sida fanka loola noolaado, qofka muusigga tumaa ma rabo in uu yool aan tumistaas ahayn gaadho. Marka aynnu noloshan qaabkan u eegno ayaa badhaadhaha laga gaadhi karaa. Hore waxa aynnu nolosha u arkaynay safar yool go’an leh oo aad u weyn, waxaana loo dedaalayay in dhammaadka yoolkaas la gaadho. Waxa uu ku doodayaa in fikirkani khaldanaa, se gebigaba noloshu ahayd xaaladdaas la noolyahay.