Tuesday 10 March 2026
Burburkii Jamhuuriyadda labaad ee Soomaalida ka dib, waxa uu dalku galay xaalad marnaan ah oo aanu jirin nidaam bulshada kala haga. Dagaalladii sokeeye iyo fawdadii dalka ka jirtay ka dib, waxaa dalka laga yagleelay Jamhuuriyad saddexaad oo, markaa, aad daciif u ahayd, maaddaama oo ay curdin ahayd. al-Shabaab waxa uu ka mid ahaa ururradii ka hoos dhashay jamhuuriyadda saddexaad ee dalka ka jirtay. Dawladdan iyo al-Shabaab waxa ay is hor fadhiyaan muddo ku siman 20 sanno. Dawladdu, marna, si buuxda ugama ay gacan sarreyn colka Shabaab, dhanka Shabaabna waa la mid. Xukuumado kala duwan ayaa talada dalka marba gacanta ku hayay, xukuumad kastaana waxa ay dagaal ku qaadaysay al-Shabaab. Laga soo bilaabo dawladii ku meel gaadhka ahayd ee uu Shiikh Shariif hoggaaminayey, illaa hadda, wali dagaalku waa mid socda, Shabaabna waxa ay u muuqdaan kuwo u dagaallamaya si bedqab ah oo calankoodii madoobaa ayaa wali ka babanaya meelo ka mid ah Soomaaliya.
Maqaalkani waxa uu dul istaagi doonaa masalooyinka ku aaddan al-Shabaab ee ah in laga adkaan karo colkan iyo waxa keenaya in wali la is hor fadhiyo. Waxa uu ka jawaabi doonaa in al-Shabaab laga adkaan karo iyo in kale, haddii sida hadda wax ku socdaan ay ku sii socdaan. Mar kale, waxaan doonayaa inaan kaga warramo sababta looga adkaan la’yahay colka Jamhuuriyadda Saddexaad. Qaab dhaqanka Jamhuuriyadda Saddexaad ee ku aaddan al-Shabaab, markaad si qotodheer leh u eegto, waxaa kuu muuqanaysa inaysan daacad ka ahayn ciribtirkeeda iyo in dalka loo helo xal amni oo waara. Maqaalkan waxa uu wax ka odhan doonaa sida loo afjaro kooxaha xagjirka ah ee dabra hannaanka iyo horusocodka dawladnimo.
al-Shabaab waxay ka mid yihiin ururradii ka farcamay kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee qaybta ka noqday qabqablayaashii dalka ka dagaallamayay. Laga soo bilaabo 2006 oo ahayd sanaddii dhidibada loo taagay illaa iyo maanta, waxay si xagjirnimo leh kaga hawlgalayaan gudaha koonfurta Soomaaliya, iyaga oo dabraya geeddisocodka dawladnimada Soomaaliya. Kooxdu waxay soo martay heerar kala geddisan oo saameyn ballaaran ku lahaa geeddisocodkeeda. Magacoodu waxa uu aad u faafay kolkii ay dalka soo galeen ciidamadii Itoobiyaanku, kuwaas oo caabin adag kala kulmay kooxdan oo waxay taageero dhab ah ka heleen shacabkii reer Muqdisho iyo, guud ahaan, kuwa koonfurta ku dhaqan. Halkaasi waa isgoyskii ay ka ambaqaadeen halgankoodan gunnimodoonka ah oo ay ku daadinayaan dhiigga maatada. Berigaas waxii ka dambeeyay, kooxdu waxa ay si toos ah u caddaysay in ay dagaal ba’an kula jirto dawladda iyo xulufadeeda cadcad ee fadhigoodu yahay Xalane. Soo shaacbaxeedii waxa ay caan ku ahayd dilalka qorsheysan ee ay u geysanayso madaxda dalka ee caanka ah, weerarrada gaadmada ah ee ay ka geysan jirtay Huteellada magaalooyinka ku yaal iyo nooca istaraatiijiyadda dagaal ee loo yaqaano ku dhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla warfare).
Dagaalka joogtada ah oo ay dawladda iyo shicibka kula jirtaan, al-Shabaab waxa ay ka dhaxleen khibrad dagaal oo aad u fadhida. Aasaaskeedii waxa laga joogaa muddo 19 sanno ah, taasoo ka dhigaysa mid qaangaar ah oo xirfad dagaal u leh si ay dalka uga sii waddo arbushaadda. Qaangaarnimadeedu waxay gaarsiisay heer ay wax ka beddesho qaabka ay u weerar tagi jirtay. Qabsashada deegaanka Xawaadley waxay al-Shabaab ku soo bandhigtay farsamo dagaal oo cusub oo waliba aan horay looga baran. Xawaadley waxay gacanta ku dhigeen iyaga oo aan wax far ah nuuxjin, tusaale waxa ay deegaanka ka jareen adeegyadii asaasiga ahaa oo biyuhu qayb ka ahaayeen si deegaanku uu u noqdo meel aan lagu noolaan karin, ciidamaduna ay iskaga cararaan, sidii ayaana dhacday oo sidaas ayay deegaanka ula wareegeen.
Berigii hore, al-Shabaab waxay caan ku ahaayeen in ay gawaari ka soo buuxiyaan walxaha qarxa oo ay goob shacab ku garaacaan iyo ‘ku dhufo oo ka dhaqaaq’ oo ay muddo badan ku soo caanomaaleen si ay qalqal iyo argagax galin u sameeyaan. Ha se ahaato e, khibraddooda dagaal waxay bartay in ay intaas oo farsamo halmar wada sameeyaan. Tusaale, kolkii ay rabaan in ay qabsadaan furin dagaal, si lamofilaan ah ayay askarta furinta joogta ama deegaanka dheh ayay afarta jiho kaga garaacaan qarax, rasaas iyo miino halmar wada socda, waana waxa u sahashay in ay sanadkan dawladda kala wareegaan deegaamo badan oo ay Xawaadley ka mid tahay.
Barnaamijkiisa Wacyi, waxa uu xalqado ka mid ah ku faaqidayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur sababaha ay dawladda iyo al-Shabaab isu horfadhiyaan. Hoggaan tayo xun iyo kala qaadasho la’aanta amarka ayaa uu uaaneynayaa in ay qayb ka tahay waxa keenay is horfadhigan muddo sannado ah. Waxa uu, dhanka kale, tilmaamayaa in al-Shabaab ay leeyihiin hoggaan nidaamsan oo si nidaamsan u shaqeeya.
Hoggaan xumida dawladda federaalku waxay qayb ka tahay waxyaabaha keenaya in sanado badan la is hor yuururo.
Dhanka kale, markii la eego, al-Shabaab waxay xoog ku noqdeen dagaalka xagjirnimada ah ee ay sanado badan wadeen oo waxay barteen sida loo sii baaqi ahaado xilliyada ay cimillada dagaal kulushahay, tanina waxay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in uu dagaalku dabo dheeraado. Siyaasadda ay dawladdu u adeegsato kooxdani waa mid aan juhdi badan la galin oo caaddifad iyo joogteyn la’aan ay ka muuqato, taasoo marar badan keentay in marna dagaal la galo marna la iska daayo. Arrintaan waxay cadawga fursad u siisaa in uu helo kansho uu dib kaga bogto oo uu iskaga boog dhayo, si uu markale weerar u soo qaado.
Muddo ayay dawladdu adeegsanaysay siyaasaddan oo colkuna ka faa’ideysanayay jaaniskaas. Siyaasadaa halka qaab ah ee cadawga lagu la dagaallamo waxay colka dhaxalsiisay in uu fahmo oo uu sii saadaaliyo goobta iyo goorta ay weerarka soo qaadi doonto dawladdu, taasna waxay keentay ama sahashay in ay al-Shabaab hesho jaanis ay markastaba ku badbaadi karto. Dagaalka al-Shabaab lagu la jiro waxa uu noqday mid ganacsi ah (economic war) oo ay dawladdu ka hesho lacago malaayiin ah oo uu Maraykanku sanad kasta ku bixiyo si loo ciribtiro al-Shabaab. Arrintani waxa ay horseedday in dagaalka al-Shabaab uu noqdo mid lagu naasnuujiyo cid gaar ah oo waxay meesha ka saartay daacadnimadii iyo qalbi furnaantii dagaalka lagu gali jiray, markaa, dadka hoggaanka ah dan uguma jirto in al-Shabaab la soo afjaro maaddaama ay taas ku waayayaan lacagihii ay xilli kastaba si bilaash ah ku heli jireen. Tanina waxa ay qayb ka tahay sababaha wali la isku hor fadhiyo.
Sababahaas oo dhan waxay keeneen in dagaalkan uu sii daba dheeraado oo muddo dheer la is hor yuururo, natiijo la’aan. Dhanka khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, waxay colka u tahay faa’iido maaddaama oo laga mashquulayo, taas oo jaanis u siinaysa in ay meelo badan la wareegaan sida bilihii tagayba dhacday ka dib khilaafkii Jubbalaan iyo dawladda. Sida uu tilmaamayo machaadka daraasaadka amniga ka faallooda ee ISS, kala aragti daadsanaanta maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah waxay faa’iido u tahay al-Shabaab, kol haddaan looga hortagayn si wadajir ah. Dhanka kale, daraasaddu waxa ay carrabka ku adkaysay in ay Soomaaliya la halgamayso joogteynta siyaasadda lagu la dagaallamayo al-Shabaab, sababtuna ay tahay xasillooni-darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta.
Haddii aan dib ugu laabanno dhabbaha taariikhda dalka, sanadkii 2011 iyo sanadihii kale ee ka horreeyay, al-Shabaab waxay gacanta ku hayeen dekedda Muqdisho iyo suuqa Bakaaraha oo ah labada il dakhli ee ugu weyn dalka. Waxa kale oo u sii dheerayd awooddaas dhaqaale, hub iyo taageero ballaaran oo ay ka heysteen shicibka oo berigaas indho wanaagsan ku eegayay Shabaab, se dadaallo is biirsaday oo uu horkacayay madaxweynihii dawladda Kumeelgaadhka (KMG) iyo AMISOM ayaa lagaga saaray meelihii ugu badnaa ee ay gacanta ku hayeen oo Muqdisho ugu horreesay, waxaana lagu kallifay in ay ku dhuuntaan godadka mugdiga ah. Dagaalkaas ay ku qaadday xukuumaddii KMG ahayd waxay dhabeysay suurtagalnimada ah in laga adkaan karo Al-shabaab, haddii si wadajir ah tallaabo loo wada qaado. Dhanka kale, dagaalladii ay kooxdani la gashay Ahlu-Sunna waxay kala kulantay jab weyn oo ay muddo ka soo kabanaysay maaddaama ay kooxdani ka hor istaagtay hadafkii ay ku doonaysay in ay ku qabsato gobollada dhexe. Arrintani waxay, mar kale, jeexday dhabbaha suurtagalnimada ah ee looga adkaan karo cadawga. Soo ifbixii ururka Macawiisleey waxa uu wax badan ka beddeley sooyaalka dagaal ee ururka la la gali jiray, maaddaama oo aan qabiillada Soomaalida ah ee ku nool deegamada ay ka taliyaan al-Shabaab looga baran in ay ka horyimaaddaan . Soo ifbixiddii Macawiisleey waxa ay jidka u jeexday in qabiilladu iska dhicin karaan al-Shabaab haddii ay mideeyaan awooddooda.
Macawiisleydu waa urur ay ku mideysan yihiin beesha Xawaadle ee degta gobolka Hiiraan, waxaana dhidibbada loo taagay sannadkii 2014.
Aasaaska Macawisleyda waxa sabab u ahaa dhibaatooyin soo noqnoqday oo ay al-Shabaab u gaysatay beeshan, dabadeed beeshu waxa ay dhexda u xirteen sidii ay iskaga dhicin lahaayeen. Tusaalooyinkaas waaqiciga ah oo dhan waxay inoo iftiiminayaan in laga adkaan karo al-Shabaab haddii si dhab ah loo dagaal galo. Laakiin siyaasadda aan joogtada ahayn ee lagu dagaal galo iyo hoggaan xumida ka jirta dalka iyo ciidanku waa darbiyada waaweyn ee ku hor go’an suurtagalnimada lagu jabinayo al-Shabaab, inta ay caqabadahaas jiraana waa adagtahay in la loodiyo.
Siyaasadda lagu la dirirayo Al-shabaab waxaa naqshadeeyay Maraykanka, horraantii qarnigan, kolkii uu xafiiska joogay Madaxweyne Bush. Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada isticmaala siyaasadda Maraykanka ee xagjir la dirirka. Laga soo bilaabo duullaankii Maraykanka ee Ciraaq illaa iyo maanta ma jirto guulo la taaban karo oo Maraykanka iyo siyaasaddiisuba ay soo hooyeen, oo asiga ayayba ahayd ciddii hadh cad laga eryay dalka Afgaanistaan oo uu ku sugnaa wax ku dhow 30 sanno. Afgaanistaanna waxay tusaale nool u tahay fashilka siyaasadda xagjir la dirirka ee uu Mareykanku horkacayo. Halka qaab ee siyaasaddani u shaqeyso ee ah in la duqeeyo kooxaha aragagixisada ah ma keenayso natiijo waarta oo la mahdiyo, oo aan ka ahayn kaliya in ay sababto khasaare nafeed. Maraykanku waxa uu Taalibaan duqeyn ku waday muddo 20 sanno ah oo waa taan aragnay isaga oo dalkii intaas oo kharash iyo cudud milatari uga baxday aayar iska dhaqaajiyay.
Siyaasadda jaadkan ahi ma laha qorshe fog oo mustaqbalka la tiigsanayo, taasina waxay carqaladaynaysaa guulihii laga gaari lahaa la dagaalanka al-Shabaab iyo ururada kale ee xagjirka ah. Siyaasaddan duqeynta ku dhisan, Soomaaliya waxay isticmaalaysaa muddo ku siman 18 sano, walina ma jirto guul la taaban karo oo ka dhalatay siyaasaddaas, tanina waxay tooshka ku bidhaaminaysaa fashilka siyaasaddan iyo in loo baahan yahay dhabbo kale oo ay tahay in la qaado si loo soo afjaro dagaalkan sanaddada badan soo jiitamayay.
Si loo soo afjaro cadawga Jamhuuriyadda saddexaad, waxaa qasab ah in la helo siyaasad fadhida oo qorshe fog ku qotanta iyo ka go’naansho siyaasadeed.
Labadan mabda’ waa in ay saldhig u noqdaan siyaasadaha la dajinayo si loo soo afjaro dagaalkan. Prof. Ingiriis waxa uu qoray maqaal uu kaga faalloonayo fashilka siyaasadda la dagaalanka xagjirka ee ku dhisan duqeynta iyo cududda milatari, waxa uuna carrabka ku dhuftay in la joogo waqtigii la heli lahaa siyaasad cusub. Maqaalkiisan ayaa ku soo aaday labadii qarax ee Zoobe ka dhacay, 2022, iyada oo la xusayo sanadguuradii 5aad ee ka soo wareegtay qaraxii weynaa ee Zoobe ka dhacay 2017. Beesha Caalamka iyo Maraykanku waxa ay u baahan yihiin, ayuu leeyahay, in dib looga fekero siyaasaddan lana helo mid cusub oo keeni karta natiijo mirodhal leh maaddaama ay siyaasaddani fashilantay. Waxa kale oo uu soo jeedinayaa in loo baahanyahay wadahadal siyaasadeed oo lala galo al-Shabaab.
Aragti tan la mid ah waxa isna soo jeedinaya Afyare Cilmi oo muddo dheer masaladan ka hadlayey. Waxa uu carrabka ku dhufanayaa in siyaasadda murqaha shisheeye ku dhisan aysan keenaynin natiijo waarta oo soo afjari karta dagaalka lagu la jiro al-Shabaab. Daraasad uu sameeyay machaadka RAND oo lagu falanqeeyey 648 kooxood oo argagixiso ah oo jiray intii u dhexaysay 1968 ilaa 2006, ayaa lagu ogaaday in 43% lagu soo afjaray heshiisyo wadahadal, halka 7% lagu soo afjaray guulo ciidan. Arrintani waxay muujinaysaa in ay aad u yar tahay suurtagalnimada cududda milatariyeed ee lagu soo afjari karo kooxaha xagjirka ah ee ay al-Shabaab qaybta ka tahay. Dhanka kale, maqaal uu qoray nin lagu magacaabo Guuleed Axmed waxa uu ku tilmaamayaa siyaasadda aragagaxiso la dagaalanka ah ee maamulka Waashintoon wadaa in ay tahay mid fashil ah, maaddaama oo ay dhiirigalinayaan qaabka siyaasadda qaran-dhiska ah ee xukuumadda Xasan waddo, halkii ay ahayd in ay taageeraan siyaasadda lagu dhisayo dawlad ee ay soo hoos galayso xoojinta amniga, waxa uuna leeyahay siyaasaddaasi ay qaateen Xasan iyo Mareykanku waxay dayacaysaa dedaalladii lagu la dagaallamayey kooxda al-Shabaab.
Qormadan kooban waxaan ku faaqidnay masalada ku gaafwareegsan la dagaalanka Al-shabaab iyo waxyaabaha keenay in la is hor yuururo muddo gaadhaysa 19 sannadood oo aan wali loo helin natiijo waarta. Dhanka kale, waxaan ka hadalnay siyaalaha bannaan ee lagu soo afjari karo colka jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya. Hoggaan xumida dawladda iyo siyaasadda aan fadhiyin oo ka mid ah caqabadaha waaweyn ee ku gudban in la loodiyo al-Shabaab. Waxyaabaha keenaya in la is hor fadhiyo muddadaa aadka u dheer waxa qayb weyn ka ah in dagaalka al-Shabaab uu noqday il dhaqaale iyo mashruuc la masruufsado oo lagu leexsado deeqaha dibadda ka soo dhaca. Sidaas awgeed, ay adag tahay in laga gol roonaado al-Shabaab. Waxyaabaha kale ee aynu maqaalkan kaga faalloonay waxaa ka mid ah siyaalaha kale ee loo soo afjari karo dagaalka lagu la jiro cadawga Jamhuuriyadda saddexaad. Waxa aynu ku caddaynay siyaasadda halka waji ku dhisan inaysan keenayn natiijo waarta, sidaas awgeed na loo baahanyey isbeddel iyo Istaraatiijiyad cusub oo lagu wajaho al-Shabaab.