Wednesday 12 August 2026
Shaki kuma jiro in daacadnimadu tahay sifo wanaagsan, balse ma tahay marka laga hadlayo xidhiidhadii jacayl ee hore? Xitaa haddii aynaan qiran, dad badan ayey maskaxdoodu ku shuqlantahay in lammaanahoodu hore u soo maray xidhiidh jacayl iyo in kale. Taasi waxay keentaa in la is weydiiyo su’aalo badan oo ku saabsan tagtadii, ilaa heer ay burburiyaan farxadda iyo xasilloonida wakhti xaadirka ah.
Halkan waxaan kaga hadlaynaa saameynta ay leedahay marka qofku u sheego dhinaca kale xidhiidhadiisii hore. Haddaba, ma habboon tahay in lammaanaha loo sheego xidhiidhadii jacayl ee hore? Maxaase ah xeerarka ama xadka ay tahay in lagu saleeyo ka hadalka waayo-aragnimadii hore?
Cabdillaahi Khaalid (29 jir) ma aaminsana in ay daacadnimada buuxda dheef u leedahay xidhiidhada jacaylka. Wuxuu sheegay inuu xidhiidh la lahaa gabadh uu uga warramay xidhiidhkiisii hore, taas oo sabab u noqotay murugo iyo dhibaato uu la kulmay intii uu xidhiidhkaasi socday, ugu dambayna uu ku dhammaaday fashil.
Khaalid wuxuu u sheegay Raseef22: “xidhiidhkii hore iyo faahfaahintiisii aan la wadaagay lammaanahayga waxay noqdeen kayd joogto ah oo abuura muran, lagu gubo dareenka, lagu rogo xaaladda, looguna marmarsiiyoodo khalad kasta oo iyada ka yimaadda.” Wuxuu tilmaamay inuu mar walba ku khasbanaa inuu wax kasta sharaxaad uga bixiyo si ay u degto, balse arrintaasi waxay ka dhigtay inuu tamartiisa ku bixiyo waxyaabo hore u dhacay oo dhammaaday, taasina waxay ka hor istaagtay inuu dhiso xidhiidh cusub, kaas oo ugu dambayn fashilmay.
Khibraddaas darteed, Khaalid wuxuu sheegay in sheegidda ama qarinta wixii hore ay tahay “arrin ku xidhan duruufaha.” Wuxuu yidhi: “Wax kasta oo la og yahay looma baahna in la sheego. Mararka qaarkood hadalka badan ayaa sababa fashilka xidhiidhada ama wuxuu raad ku reebaa dhinaca kale, xitaa haddii uu iska dhigo inuu wax walba caadi yihiin.”
Wuxuu sii raaciyay: “Haddii wax ka dhacay xidhiidh hore uu saameyn ku yeelan karo mustaqbalka xidhiidhkayga hadda si kasta ha ahaatee, ama ay jirto suurtagalnimo uu dhibaato mustaqbalka ka abuuri karo, waxaan u janjeedhaa inaan runta sheego. Se haddii kale maya. Wixii dhacay waa dhammaadeen, waxa muhiimka ahna waa nolosheenna hadda. Haddii qofku doonayo inuu daacad u noqdo lammaanihiisa, waxaa fiican in hadalku noqdo mid guud oo aan lagu fogaan faahfaahinta si aan loo dhaawicin dhinaca kale.”
Khaalid wuxuu sharraxay: “Haddii aad xidhiidh hore lahayd oo aad la yeelatay xidhiidh dhammaystiran, taasi waa arrin weyn. Dadka qaar waxay halis u galaan inaanay sheegin, halka qaar kalena ay ka baqaan inay mustaqbalka saameyn ku yeelato xidhiidhkooda, markaas ayay go’aansadaan inay sheegaan. Laakiin haddii ay ahayd oo keliya dhunkasho ama habsiin, waxba ma soo kordhinayso in la sheegaa. Waxaa ku filan in si kooban loo yidhaahdo: ‘Dad ayaa noloshayda soo maray, dabadeedna way ka baxeen sababo guud awgood,’ iyada oo aan faahfaahin la bixin.”
Ka hor guurka, Duhaa Khaalid (35 jir) waxay lammaanaheeda uga warrantay sheeko jacayl oo ay soo martay xilligii jaamacadda. Sida ay u sheegtay Raseef22, wuxuu ahaa qof aad u faham badan, wuxuuna ka hor intii aan xidhiidhkoodu isu beddelin guur iyo ballan-qaad hubiyay in xidhiidhkaasi gebi ahaanba dhammaaday oo aanu weli saameyn ku lahayn.
Duhaa waxay sheegtay in ninkeedu isaguna uga warramay xidhiidh jacayl oo uu soo maray ka hor intii aanay is baran. Way aqbashay arrintaas, wayna is guursadeen, carruurna way dhaleen, xidhiidhkooduna wuu wanaagsan yahay. Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar ayay xasuusataa xidhiidhkiisii hore, waxayna dareentaa xoogaa murugo ah iyadoo isweydiinaysa: “Gabadhii weli miyuu jecelyahay mise ma jecla?” Dabadeedna fikirkaas ayay maskaxdeeda ka caydhisaa.
Inkasta oo xidhiidhkoodu ku dhismay daahfurnaan, Duhaa oo ah cilmi-baadhe bulsho ayaa aaminsan in sheegidda wixii hore aanay daruuri ahayn.
Waxay tiri: “Khibradda shaqadayda iyo la macaamilka haweenka waxay muujisay in dhibaatooyin badan ay ka dhashaan marka la sheego xidhiidhadii hore. Rag badan ayaa arrintaas uga faa’iidaysta inay xaaskooda ku dhaawacaan marka khilaaf yimaado.” Si la mid ah haweenka qaarna sidaas oo kale ula dhaqmaan nimankooda.
Waxay ku adkaysatay in go’aanka sheegidda wixii hore uu ku xidhnaado dabeecadda labada qof: “Lammaankaygu ma i fahmi karaa? Mise waxan u sheego wuxuu u adeegsan doonaa inuu sumcadayda ku dhaawaco marka khilaaf xooggan yimaado mustaqbalka?”
Dhankiisa, Maxamuud Cabdilmaqsuud (33 jir), oo guursaday qiyaastii lix sano ka hor, wuxuu Raseef22 u sheegay inuu xaaskiisa uga warramay ka hor guurka inuu mar hore soo maray ballan-guur isagoo jiray 23 sano, balse uu jebiyay dhowr bilood kaddib.
Wuxuu sheegay inuusan uga sheekayn faahfaahinta xidhiidhka ama sababihii kala tagga, balse uu u sheegay inuu ahaa xidhiidh kakan, isaga laftiisuna xilligaas uu ahaa wiil da’yar, si wanaagsanna wax u dooran karin.
Cabdilmaqsuud wuxuu xaqiijiyay in aanu wax khilaaf ah oo ka dhashay xidhiidhkaas hore soo dhex gelin isaga iyo xaaskiisa tan iyo markii ay is guursadeen. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray inuu mararka qaar uga sheekeeyo faahfaahin aanu hore u sheegin, markaasay iyadu si kaftan ah ugu tiraahdaa: “Hadda ayaad noo sheekaynaysaa?”, iyadoo ula jeedda inaanay hadda waxba ka beddeli karin wixii hore.
Maxamuud wuxuu sheegay in xaaskiisu ay saaxiib la ahayd ka hor guurka, isla markaana ay ogeyd inuu hore u xiisayn jiray gabdho kale. Sidaas darteed wuxuu aaminsan yahay in bisaylkeedu uu ahaa sababta ugu weyn ee ay u aqbashay guurka, inkasta oo ay wax badan ka ogayd waayihiisii hore, ama isaga qudhiisu uga warramay xidhiidho dhacay ka hor intii aanay is baran.
Asma Maxamed (30 jir) waxay aaminsan tahay in qofka caadiga ahi uu noloshiisa soo maro dhowr xidhiidh oo jacayl, kuwaas oo qaarkood hubaal fashilmaan. Waxay sheegtay in fashilkaas laga helo waayo-aragnimo qofka ka caawisa inuu mustaqbalka si wanaagsan wax u doorto.
Asma waxay Raseef22 u sheegtay in inkasta oo ay hore u soo martay xidhiidho jacayl oo ay rumeysan tahay inaanay wax dhib ah ku jirin, haddana aanay jeclayn inay waayo-aragnimadaas u sheegto lammaanaheeda mustaqbalka.
Waxay tiri: “Waxaan ku nool nahay bulsho Bariga ka tirsan oo ragga intooda badan aanay aqbalin in haweeneydu ay leedahay waayo hore. Waxay rabaan inay noqdaan ninka ugu horreeya ee nolosheeda.” Waxay ku adkaysatay in nolosheeda iyo xidhiidhadeeda bulsho iyo jacaylba ay iyada u gaar yihiin, isla markaana aanay ku khasbanayn inay cid uga warranto.
Wareysi uu siiyay Raseef22, Dr. Axmed Calaam oo ah la-taliye ku takhasusay xidhiidhada qoyska iyo bulshada ayaa sheegay in u sheegidda lammaanaha xidhiidhadii hore aanay daruuri ahayn inta ay yihiin “waayo hore oo dhammaaday,” marka laga reebo haddii wixii hore ay saameyn ku yeelanayaan hadda ama mustaqbalka. Tusaale ahaan, haddii qofku hore u lahaa xaas ama lammaane ilmo u dhalay, markaas waa lama huraan inuu arrintaas sheego.
Dr. Calaam wuxuu intaas ku daray inaan loo baahnayn in laga sheekeeyo waxyaabihii hore ee aan wax raad taban ah ku lahayn wakhtiga hadda ama mustaqbalka, gaar ahaan haddii uu lammaanuhu leeyahay dabeecad aad u hinaas badan.
Wuxuu yidhi: “Haweeneyda aadka u hinaasta badan waxay bilaabi kartaa inay baadhitaan ku samayso qofkii hore ee lammaanaheeda, halkaas ayey dhibaatooyinku ka billowdaan.”
Wuxuu sii raaciyay: “Sidoo kale haddii ninka ama haweeneydu dareemaan in qofkii ay hore ula xidhiidhi jireen uu yahay qof dhibaato abuuri kara, isla markaana la filayo inuu mustaqbalka soo muuqdo si uu muran u dhex dhigo lammaanaha, markaas waxaa wanaagsan in arrinta la sheego.”
Gabagabadii hadalkiisa, Dr. Calaam wuxuu kula taliyay qofka lammaanihiisu uga warramay xidhiidhadiisii hore inuusan mar walba ku xasuusin wixii tagay. Wuxuu yidhi: “Sababtoo ah joogitaankiisa maanta uu kula joogaa waxay ka dhigan tahay inuusan rabin qofkii hore ee uu jeclaa, balse uu adiga ku doonayo.”
Rachel Pace, oo wax ku qorta mareegta Marriage, oo bixisa talooyin khubaro iyo macluumaad lagu kalsoon yahay oo ku saabsan xidhiidhada, waxay sheegtay in qof walba aanu jeclayn inuu cid la wadaago faahfaahinta waayihiisii hore.
Waxay tiri: “Dadka qaar waxay rabaan inay sirahaas la god galaan, halka kuwo kalena ay diyaar u yihiin inay shaaciyaan dhammaan faahfaahinta waayahooda hore. Sidoo kale dadka qaar waxay rabaan inay si buuxda u ogaadaan waayihii hore ee lammaanahooda, halka qaar kalena ay ku qanacsan yihiin sawir guud oo kooban.”
Iyadoo ka jawaabaysa su’aasha ah: “Ma muhiim baa inaad lammaanahaaga uga warranto wax kasta oo ku saabsan waayihii hore?”, Rachel waxay tiri: “Jawaabta gaabani waa haa.” Waxay carrabka ku adkaysay inay muhiim tahay in qofku lammaanihiisa kala hadlo waayihiisii hore, balse taasi macnaheedu ma aha inuu wax kasta sheego. Waxay tiri: “Waxaa jira waxyaabo ka mid ah waayihii hore oo aan wax saamayn ah ku lahayn xidhiidhkaaga hadda. Waxyaabahaas waad iska haysan kartaa.”
Waxay intaas ku dartay in marka aad isweydiiso su’aalo ay ka mid yihiin: “Waayihii hore ma muhiim bay u yihiin xidhiidhka?” ama “Maxaad odhan doontaa marka qof ka hadlo waayahaagii hore?”, ay taasi ka dhigan tahay in waayihii hore ay muhiim yihiin, isla markaana ay wax badan ka sheegayaan qofka aad la nooshahay. Waxay tusaale u soo qaadatay habka uu lammaanahaagu uga hadlo qofkii uu hore u jeclaa: “Haddii uu qofku dhammaan lammaanayaashiisii hore ku tilmaamo dad waalan, khiyaano badan oo masuul ka ahaa dhammaan kala taggii dhacay, waxay muujin kartaa inuusan aqoon sida loo qaato masuuliyadda. Ama waxaa laga yaabaa inuu nasiib-darro ku dhacay oo uu mar walba la kulmay dad aan ku habboonayn.”
Si kastaba ha ahaatee, khabiirka guurka iyo qoyska Vicki Botnick waxay ina leedahay: “Haddii aad doorato inaadan lammaanahaaga wax kasta u sheegin, waa inaad u sheegtaa inaad qaar ka mid ah arrimaha u ilaalinayso in ay yihiin wax kuu gaar ah, halkii aad been ka sheegi lahayd. In kasta oo aanay lagama maarmaan ahayn in dhammaan siraha la shaaciyo, haddana daacadnimadu waa lama huraan.”
Sida ay sheegtay mareegta Marriage, waxaa jira waxyaabo ka mid ah waayihii hore oo ay tahay inaad lammaanahaaga u sheegto. Kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah haddii aad hore u soo guursatay ama u soo mehersatay qof, ama aad carruur ka leedahay lammaanihii hore. Waa inaad sidoo kale u sheegtaa haddii aad soo martay xidhiidho culus iyo sababihii ay ku dhammaadeen. Waxaa muhiim ah inaad sharraxdo haddii kala taggu uu ka dhashay khiyaano guur, dhibaatooyin dhaqaale ama nooc kasta oo xadgudub ah.
Dhanka kale, waxaa jira waxyaabo ka mid ah waayihii hore oo aan loo baahnayn in lammaanaha loo sheego haddii aanay wax saamayn ah ku yeelanayn mustaqbalka. Waxa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah inaan laga sheekayn dhammaan khaladaadkii dhacay xidhiidhkii hore. Waa arrin wanaagsan inaad rabto inaadan ku celin khaladaadkaas oo aad maanta wax u sameyso si ka duwan sidii hore. Waad ka hadli kartaa arrintaas adigoon gelin faahfaahin badan. Sidoo kale, haddii aad mararka qaar u xiisto lammaanihii hore, waa arrin dabiici ah inaad dareento xusuus ama hilow ku saabsan xidhiidhkii hore, isla markaana mararka qaarkood aad u xiisto qofkii aad hore u jeclayd.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan