Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ma guubaabo iyo rajo uun baan ku noolaanaynaa?

28 July, 2026
Image
Ma guubaabo iyo rajo uun baan ku noolaanaynaa?
Share

Waxa aannu nahay jiil ka daalay oraahyadii nalagu guubaabin jiray. “Waxaad tihiin mustaqbalka dalka” waa weedh aan ku garaadsaday, aniga iyo carruurtii kale ee Soomaaliyeed ee aannu isku jiilka ahaynna nalagu dhiirrigelin jiray. Waalidkeen, macallimiintii dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, xataa macallinka dugsiga Qur’aanka ayaa marar badan nagu odhan jiray.

Runtii, mar kasta oo aan maqlo weedhaas, waxay igu abuuri jirtay rajo iyo yididiilo hor leh. Waxa aan dareemi jiray dhiirranaan iyo daljacayl ka duwan dareenkii aan qabay ka hor intii aan la ii odhan. Waxaan moodayey in sida ay aniga ii saamaynaysay ay qof kasta dareenkiisa wax ka beddelayso, rajo fiicanna gelinayso.

Haddaba, su'aashu waxa ay tahay, ma oraah hadalka qurxisa uun bay ahayd? Goorma ayaynu gaadhaynaa mustaqbalkaas naloo sheegay?

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta bulshadeenna. Balse waxaa loo arkaa cudud wax fulisa oo keliya. Iyaga ayaa ah tiro ahaan qayb aad u weyn bulshada. Iyaga ayaa leh tamarta, kartida, hal-abuurka, hadana iyaga ayaa ah kuwa ugu badan ee shaqo la'aantu haysato. Iyaga ayaa ah kuwa fursado ay xaq u lahaayeen la baal mariyo, kuna khasbanaada in ay iskaga haajiraan waddankooda, waddamo shisheeyena ka raadsadaan nolol, kolkii ay ka waayaan xaqii ay ku lahaayeen waddankooda. 

Waxa ka sii murugo badan in jiilka hadda soo hanaqaadaya weli loo sheegayo inuu yahay “mustaqbalka dalka”. Jiilkii ka horreeyeyna isla weedhaas ayaa lagu sagootiyey. Sidaas ayay weedhani u noqotay guubaabo iyo rajo-abuur keliya. Goorma ayaa guubaabadan laga gudbi doonaa oo rajada loo beddeli doonaa xaqiiqo?

Waxa biyo-kama-dhibcaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed, haddii ay helaan waxbarasho tayo leh, fursado loo siman yahay iyo shaqooyin lagu qiimeeyo xirfaddooda, ay noqon karaan xoogga dhaqaajiya horumarka dalka. Haddiise albaabbada laga xidho, codkooda la iska indho tiro, kartidoodana aan la aaminin, waxa dabar go’aya rajadii iyo mustaqbalkii loo sheegayey.

Bal eega: sannad kasta dhallinyaro badan ayaa jaamacadaha ka qalinjabiya, hase yeeshee shahaadooyinkooda iyo aqoontooda si caddaalad ah looma qiimeeyo. Waxay sugaan fursad iyo in codkooda la maqlo, laakiin sugitaankoodu dhammaad ma laha. Taas waxa tusaale u ah jiilka maanta, oo aan aniguba ka mid ahay. Waxa aannu ku dhex jirnaa quus iyo rajo-sug aan weli natiijo muuqata laga gaadhin. Weli waxa naloo sheegaa in aannu nahay mustaqbalka dalka.

Abwaan Jaamac Bashiir Cabdiqaadir (Abwaan Feeroole) ayaa maanso ku cabbiray hagrashada iyo hiil-la’aanta haysata dhallinyarada, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi rajo-beel awgeed uga haajireen waddankooda. Waxa uu yidhi:

  • Halyeeyadii aflaxay oo cilmiga heerka sare gaaray

  • Hoggaankeennu goortuu hagraday hiilna tari waayay

  • Haddii ay barbaartii qexeen hororna uu laayay

  • Oo qaar wedkoodii ku helay badaha hoostooda .

  • Oo hilinka qaar sii hayaan lalana hijroonaayo

  • Damiirkii maxaa idin ka helay waan hamminayaaye

  •  

  • Rejadiyo hankii aan lahayn ciidduu hoos maraye

  • Haybad iyo karaamana warkeed waa hal soo guraye

  • Shacabkana hamuun bay qabaan hawkar iyo oone

  • Barna waa ma haystiyo sabool dhuuni aan heline

  • Barna caalamkay hoganayaan laguna hiifaaye

  • Idinkuna har iyo layl xil baad u hardamaysaane.

  • Hawl yaraad ku huruddaan arliga kuna hobshaysaane

  • Dhulkeennana ninkii hadaf lahaa waa ka haajiraye

  • Halkaad maanta kala taagan tihiin waaba kala haabe

Abwaan Jaamac Bashiir Cabdiqaadir (Abwaan Feeroole) waxa uu ka mid yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka iyo aqoonta ku qalabaysan. Sidoo kale, waa samafale ku dedaalaya in codka dhallinyaradu meel dheer gaadho.

Hadaba su'aashu waxay tahay: haddii qofku uu soddon jir gaaro isaga oo weli lagu sii guubaabinayo lana oranayo waxaad tahay "Mustaqbalkii" waa goorma mustaqbalku? 

Waxa aan oran karaa, dhalinyarada waxaa la xasuustaa xilliyada munaasabadaha iyo ololayaasha siyaasaddeed oo ay lagama maarmaan u yihiin. Miyaan, taas beddelkeeda, lagu dari karin goobaha go'aannada masiiriga ah lagu gaaro. Jawaabta ka soo baxaysa waa maya: laguma dari karo, lagumana aamini karo, waayo waa dhallinyaro.

Su'aal kale ayaa ah: xaq ma u leeyihiin ? jawaabtu waa haa, balse metelaaddooda waxa inta badan gacanta ku haya jiilal aan si dhab ah uga turjumayn baahiyahooda iyo aragtidooda. Mise xaqaasi wuxuu u furmaa oo keliya marka ay ku biiraan kooxda talada haysa, iyada oo aan la eegin aqoontooda, kartidooda iyo dedaalkooda?

Musuqa faafay, runta oo ragaadday, caddaalad-darrada baahday, iyo fekerka jiil keli ah ku bulaalay, waxa ay dhalinyarada ku abuureen dareen ah in aanay dalkan waxba ku lahayn. Dhaqanka siyaasadeed ee jira ayaa marar badan u muuqda mid ku dhisan hal-ku-dhega: “Ka faa’iidayso fursaddaada, adiga iyo kooxdaaduna durba ka macaasha.”

Bal dhinaca dhalinyarada aynu eegno. Waxa jira ururro badan oo dhalinyaro ah oo iskood uga shaqeeya arimaha bulshada. Qaar waxay ka shaqeeyaan nabadaynta; kuwo kale waxay taageeraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dadka aan dabooli karin baahiyahooda aasaasiga ah. Qaarkoodna waxay qabtaan hawlo ay ahayd in dawladdu fuliso.

Ururradaas badankoodu ma helaan taageerada ay u baahan yihiin, ha noqoto qalabkii ay shaqada ku qaban lahaayeen, dhaqaalihii, iyo xitaa gaadiid ka caawiya goobo badan oo gaari waa ah oo ay si is xilqaan ah wax ugasoo qaban lahaayeen. Waxa aynu naqaannaa dhallinyaro samafalayaal ah oo iskood u qabta hawlo laga rabay dawladda. Waxa kale oo jira dhallinyaro hal-abuur leh oo u baahan taageero; haddii ay helaan dawlad garab istaagta, waxay soo saari karaan wax dalka iyo dadkaba anfaca.

Haddaba waxa aynu u baahanahay madax aaminsan in dhallinyaradu aanay ahayn dad lagu camiro munaasabadaha iyo ololayaasha siyaasadda oo keliya. Waxa aynu u baahanahay hoggaan aaminsan awooddooda, dhiirrigeliya, kana taageera sidii ay dalka wax ugu soo kordhin lahaayeen.

Gunaanad

Su’aasha aynu isweyddiinaynaa waxay dhaafsiisan tahay “Ma rajo uun baan ku noolaanaynaa?” Waxa aynu doonaynaa in aynu ogaanno goorta rajadaas loo beddelayo ficil dhab ah.

Goorma ayaa la joojinayaa in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu yidhaahdo “waxaad tihiin mustaqbalka dalka”, iyada oo weedhu sugitaan ku dhammaanayso? Goorma ayaa loo aqoonsanayaa inay yihiin xoogga looga bixi karo xaaladdan adag?

Maalinta su’aalahan looga jawaabo ficil ayaynu ka bixi karnaa quusta iyo sugitaanka aan dhammaadka lahayn. Markaas looma baahnaan doono in jiil kale lagu yidhaahdo “waxaad tihiin mustaqbalka”. Jiil waliba waxa uu heli doonaa fursad uu bulshada ku hoggaamiyo, wax ku dhiso, ugana tago sumcad uu jiilka ka dambeeyaa ku faano.

Dhallinyarada waxaan ku baraarujinayaa in mustaqbalku aanu iskii u iman. Waa in ay maanta gacmahooda ku dhistaan si jiilka dambe uga faa’iidaysto. Waa in ay ogaadaan in codkoodu miisaan leeyahay, cududdooduna horseedi karto isbeddel.

Qoraallada kale ee qoraaga