Skip to main content

Saturday 11 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ma Dad Kooban baa Baraha Bulshada Haga?

27 July, 2025
Image
Ma Dad Kooban baa Baraha Bulshada Haga?
Share

Markaan baraha bulshada dhex mushaaxo, badanaa niyadjab hor leh ayaan ka qaadaa, waxaanan dareemaa in dunida oo dhan uu dab ka kacay, dadka oo idilna nacayb awgii uu midba mid kale dibnaha u cunaayo.  Laakiin, kolka aan bannaanka u soo baxo ee aan dhex qaado jidadka Niyuu Yook, si aan koob bun ah u soo cabbo, ama saaxiib aanu casho ku ballansanayn aan ula kulmo, waxaan dareemaa degganaan xad-dhaaf ah. Sidaas ayay maalin walba dunida oonlaynka iyo noloshayda dhabta ahi u sii kala fogaanayaan. Si wacan ayaan uga dheregsanahay caqabadaha badan ee aadamaha hor yaalla, maaddaama oo aan ka shaqeeyo, isla markaana xoogga saaro khilaafyada hoose ee dadka ka dhex dhaca, wararka marinhabaabinta ah, tignoolajiyadda iyo arrimaha isbeddelka cimilada. Si kastaba, waxa layaab leh in dadka internetka adeegsadaa ay si aad ah uga cadhoodeen qaabkii uu u dhammaaday musalsalka “The White Lotus”; sidii oo la soo sheegay in Yuutuuble caan ahi uu fadeexad weyn ku kacay.

Waqtigan la joogo hadda, wax kasta qiimeynta ugu sarraysa ayaa la siiyaa, isla markaana waxa loo buunbuuniyaa ama   loo dhaleeceeyaa sida ugu weyn, xataa wax aan sii ridnayn hadduu yahay. Dadka badankiisu ma sidan buu haddaba wax kasta uga falceliyaa? Jawaabtu waa maya. Cilmibaadhistayadii ugu dambeysay waxa ay sheegaysaa in baraha oonlaynka ahi ay soo bandhigaan xaqiiqooyin gacan-ku-samays ah oo ay falkiyeen shakhsiyaad maddaalayaal ah iyo kooxo tiro yari. Deraasaaddan aanu dhawaan soo wada saarnay aniga, Claire Robertson, iyo Kareena del Rosario, waxa ay caddaymo waaweyn u soo heshay in baraha bulshadu inta ay si dhexdhexaad ah sawirka bulshada u soo bandhigaan ay ka badan tahay inta ay xaqiiqada dhalanrogaan. Waxa ay sida codbaahiyaha u weyneeyaan codadka ugu xagjirsan uguna qaaqlaysan, halka ay ka cabudhiyaan kuwa dhexdhexaadka ah, kuwa qotada dheer iyo kuwa maangalnimada ku dhisanba. Xogahaas marinhabaabinta ahi badanka waxay ka soo maaxdaan in yar oo ka mid ah dadka baraha bulshada ku mamay. Qoraallada iyo xogaha siyaasadda ee golayaashan lagu faafiyo, 97% ka mid ahi waxay ka soo maaxdaan keliya boqolkiiba toban dadka adeegsada ee ku mamay. Tusaale, u fiirso barta X (hore loo odhan jiray Twitter). In kasta oo boqollaal milyan oo qofi ay madashan ku xidhan yihiin, haddana tiro aad u yar oo jajab lagu tilmaami karo ayaa keligood curiya xogaha siyaasadda la xidhiidha. Tusaale ahaan, Elon Musk oo ah mulkiilaha madashani, 15kii cisho ee ugu horreeyay shaqadiisii kharash-dhimista dawladda (Doge), 1,491 jeer ayuu wax ku soo baahiyay cinwaankiisa. Dhab ahaantii, si aan kala joogsi lahayn ayuu wax uu soo qoraayay. Hasayeeshee, bostiyadiisa badankoodu waxay ahaayeen kuwo aan xaqiiqo ku dhisnayn, isla markaana marinhabaabinayay 221-ka milyan ee ku taxan cinwaankiisa. 

Bishii Feeberweri labadeedii waxa uu soo qoray Musk “Ma og tahay in USAID, iyadoo cashuurtaada adeegsanaysa, ay maalgelisay cilmibaadhis lagu sameynayey hub-bayolajiyeed dad badan laayay oo uu Covid-19 ka mid ahaa?” Habdhaqanka Elon Musk waxba kagama duwana dadka kale ee faafinta beenta ku caanka ah.

Xaqiiqdii, 80% ka mid ah wararka been-abuurka ah waxa allifa 0.1% ka mid ah dadka adeegsada baraha bulshada. Inta ugu badan xogihii aan dhabta ahayn ee tallaalka sadhada Covid-19 waxa aaladda Faysbuug ku dhex fidiyay 12 cinwaan oo markii dambe loo bixiyay “Dozens of Misinformation”. Maddaalayaashan farakutiriska ahi waxay faafiyeen qoraallo iyo xogo badan, dabadeedna waxa loo qaatay in dadka badankoodu aanay tallaalka ku kalsoonayn, in kasta oo ay been ahayd. Si lid ku ah xaqiiqada dhabta ah ee dadweynaha, in badan oo inaga mid ah waxa la aamminsiiyay in bulshadu ay cadhaysan tahay, kala qaybsan tahay, isla markaana ay jahawareersan tahay. Dhammaan baraha kala duwan ee internetka ayaa xaaladdan oo kale lagu arki karaa. Tiro kooban oo dadka ka mid ah ayaa leh dabeecaddan sumaysan ee halista ah, isla iyaga ayaana ka masuul ah wararka marinhabaabinta ah ee dadka kala dila ee madal kasta kaaga soo hor baxaya, laga bilaabo Faysbuug illaa Reddit.

Dadka badankoodu waxba ma soo dhigaan, doodo kama qaybgalaan, nacaybkana ma sii faafiyaan, laakiin maaddaama oo qaaqlayaasha aan daalin ay mar kasta wax soo dhigayaan, waxay ku guulaysteen inay iyagu maamulaan aragtideenna ku aaddan dunida kale. Haddaba, dhibaatadu kooxdan yar ee belo-u-joogga ah uun kuma koobna, se falalkoodu waxay saameeyaan isla markaana habaabiyaan, sida inteenna kale aynu dunida u aragno. Maskaxda aadamuhu waxay leedahay nidaam ay ku ogaato, ama ugu yaraan ku qiyaasi karto, waxa ay dadka kale sameeyaan ama ka fekeraan. Tani waxay innaga kaalmaysaa in aynu ogaanno habdhaqanka bulshada iyo in aynu la macaamili karno dad kala duwan. Haddaba, baraha bulshada nidaamkani kama dhex shaqeeyo, maxaa yeelay, afkaarta kala duwan ee bulshada halkan si siman uga ma dheehan karno, taa beddelkeeda inta badan waxa sida daadka inoo qaada bostiyo xagjir ah iyo qoraallo belo-afuuf ah. Arrintan ayaa in badan oo inaga mid ah ku kallifta inay aamminaan in bulshadu ay cadhaysan tahay, isla markaana ay si aad ah u kala qaybsan tahay, taas oo lid ku ah xaqiiqada dhabta ah ee bulshada. Intaas kaddib, waxaynu bilownaa inaynu ku shaambadayno dadka siyaasad ahaan ama dhaqan ahaan inaga geddisan inay yihiin dad liita, xagjir ah ama macne-laaweyaal ah. Aamminaadda jaadkan ah waxa sabab u ah in aynu xogaha ka qaadanno koox yar oo ku mamtay inay si joogto ah wax u soo bosti gareeyaan. Marinhabaabinta kooxdan yari waxa ay keentaa in habdhaqankeennu uu si qunyar qunyar ah u doorsoomo, iyo in aynu qaladfahanno waxa ay dadka kale sameynayaan ama ka fekerayaan.

Bal ka feker codbixiyayaasha keliya ay soo hormaraan bostiyada ugu xagjirsan ee ka hadlaya dadka soogalootiga ah ama isbeddelka cimilada, ee dadbadeena u qaatay in wax dhexdhexaad ahiba aanu jirin.

Haddaba, asalka mushkiladdu ma aha qofkan xagjirka ah laftiisa, laakiin masiibada udubdhexaadkeedu waa qaabdhismeedka baraha bulshada iyo algoorisamkooda, kaas oo codka qaaqlaha meel fog gaadhsiiya. Nidaamka algoriisamka waxa lagu carbiyay inuu kor u qaado lafalgalista waxyaabaha madalahan lagu baahiyo, sidaas awgeed waxa uu marka kasta doorbidaa bostiyada dadka kala qaybinaya iyo kuwa layaabka ah. Sidaa awgeed, nidaamkani waxa uu si gaar ah u dhiirrigeliyaa kuwa bulshada jahawareeriya.

Beladu intaa way ka gun dheer tahay. Ka soo qaad adiga oo soo galay maqaaxi ceeryoon ah oo mashquul badani ka jiro, dabadeedna codka kor u qaaday si laguu maqlo. Muddo yar kaddib waxa qasab ah in qof kastaaba kor u qaylin doono. Isla caynaddaas oo kale ayuu haddaba internetkuna u shaqeeyaa. Si ay dhugmo (attention) iyo aqbalaad (approval) u helaan, aamminaadahooda ayay dadku halkan ka dhex buunbuuniyaan, ama waxa ay ku soo celceliyaan sheekooyin wada naxli ah. Haddii aynu si kale u dhigno, waxa laga yaabaa dadka dhexdhexaadka ahi kolka ay arkaan sida uu qaabdhismeedkani u dhiirrigelinayo xagjirnimada, waxa suuragal ah in ay iyaguna xadhkaha goostaan.

Dhab ahaan, badankeennu baraha bulshada waqti badan kuma bixinno si aynu cid isaga dhicinno.  Badanaa waxaynu ku foogganahay shaqooyin, daryeel qoys, asxaabteenna, ama ugu yaraan madaddaalo kale ayaynu internetka ka dhex raadsannaa. Sidaas ayaynu dabadeed ku noqonnaa dad bilaa cod ah. Adigu wax kale kuma garatid ee, waxa aynu codbaahiyayaal u dhiibnay kuwa dadka ugu liita ugana qaylada dheer, dabadeedna waxaynu oggolaannay inay iyagu inoo yeedhiyaan waxaynu aamminayno iyo sida aynu u dhaqmaynno.

Dad shan bilyan oo qof ka badan ayaa maanta baraha bulshada isticmaala, tignoolajiyaddanina ma aha mid baabba’aysa, laakiin dhibaatadan aynu soo tilmaannay ee foosha xuni ma aha in ay sii jirto.  Ugu horrayn, waa in aynu ismoodsiiska ka baxno, isla markaana aynu ogaanno belo kasta oo la afuufaa in aanay ka turjumeyn fekerka aqlabiyadda aammusan ee bulshada. Marka aynu taas yaqiinsanno kaddib, waxaynu dib u soo ceshan karnaa xakamihii nafteenna—taas oo lagu gaadhi karo in aynu shaashadeheenna sifaynno, iska caabbino mawjadaha naxliga ah, isla markaana aynu ka gaabsanno faafintooda. Cuntada caafimaadka u roon iyo ta warshadaysan sida aynu u kala xulanno oo kale waa in aynu arrintanna u galnaa.

Dhawaan waxa aanu tijaabooyin is xig xiga ku sameynnay koox dad ah oo aanu mid walba dhawr doollar ku siinay in uu ka hadho (unfollow) cinwaannada ugu xagjirsan barta X. Muddo bil ah kaddib, ka qaybqaatayaashu waxay sheegeen in 23% nacaybkii ay kooxaha kale ee siyaasadda u hayeen uu hoos u dhacay. Ku dhawaad kala badh ka mid ahi, xitaa deraasadda kaddib, cinwaanadii sumaysnaa in ay dib u raacaan may rabin. Halka ku dhawaad sannad dabadii,  dadkii ku dedaalay inay caafimaadqabka shaashadooda dhawraan ay tilmaameen inay si aad ah uga soo yaraatay cadaawaddii badnayd. Dhab ahaantii waxay ahayd khibrad waxtar leh.

Dhanka kale, shirkadaha baraha bulshada laftoodu si fudud ayay algoriisamkooda dib ugu qaabayn karaan, si uu u joojiyo dhiirrigelinta bostiyada aadka u liita, taa beddelkeedana uu ahmiyadda u siiyo codadka dhexdhexaadka ah ee dheelliga tiran. Xaqiiqdii, dadku sidan ayuu rabaa. Internetku waa aalad aad u awood weyn oo waxtar badan leh, laakiin haddii aynu oggolaanno in uu keliya inoo soo bandhigo codadka dadka xagjirka ah, waxa hubaal ah in dhammaanteen aynu dambarsan doonno cawaaqibxumada ka dhalata.