Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ma cabsi baynu ka qabnaa garaad-gacmeedka mise saaxiibtinimo ayeynu ka raadinaynaa?

31 July, 2026
Image
Ma cabsi baynu ka qabnaa garaad-gacmeedka mise saaxiibtinimo ayeynu ka raadinaynaa?
Share

Ma aha duullaan ka imanaya meerayaal kale oo ujeeddadiisu tahay inuu baabi'iyo bini’aadamka oo uu beddelo. Waa wax uu bini’aadamku sameeyay si uu u beddelo qaar ka mid ah hawlaha ay dadku qabtaan. Muddo dheer wuxuu ku koobnaa filimada mala-awaalka sayniska ah, ilaa uu mala-awaalkaasi bilaabay inuu dhab ahaan uga muuqdo nolosha, isagoo isu beddelay makhluuqyo bir ka samaysan oo u eg dad, kuwaas oo fulin kara oo keliya wixii lagu borogaraamiyo. Arrintaasi dadka way dejinaysay, maadaama ay hubiyeen in makhluuqaadkani aysan lahayn rabitaan xor ah.

Hase yeeshee, waxay u muuqataa in makhluuqaadkaas birta ahi aysan aad innooga duwanayn. Way sii horumareen, ama si kale haddii loo dhigo, waa la sii horumariyey, ilaa ay yeesheen wax u eg maskaxo leh awood aad u weyn oo ay wax ku kala saari karaan, u fikiri karaan, fikrado u dhiiban karaan kuna qori karaan, iyo inay qabtaan hawlo kale oo badan oo ay dadka “caadiga ahi” muddo u haysteen inay iyaga oo keliya u gaar yihiin oo aan cid kale taaban karin. Taasi, si kooban, waa waxa loo yaqaan garaad-gacmeedka.

Ka hor inta aynaan bilaabin dooddeenna, waxaa muhiim ah inaynu xusno laba arrimood. Midda koowaad waa in aynu halkan diiradda ku saarayno garaad-gacmeedka iyo dhinaca qoraalka, maadaama uu yahay waxa ina khuseeya. Sidaas darteed, marka aan ka hadlayo garaad-gacmeedka, waxaan si gaar ah uga hadlayaa ChatGPT, sababtoo ah waa nidaamka ugu dhow dhinaca qorista uguna baahsan xilligan. Taas macnaheedu ma aha inaanay jirin nidaamyo kale oo la xidhiidha qoraalka ama noocyo kale oo garaad-gacmeed ah oo diiradda saara qaybaha kale ee hal-abuurka. Arrinta labaadna waa in wax kasta oo lagu xuso maqaalkan ay aad u fududahay inay noqdaan kuwo “wakhtigoodu dhacay” bilo gudahood, toddobaadyo gudahood, ama xitaa maalmo gudahood. Taasi ma aha gaabis iga yimid, balse waa xawaaraha uu garaad-gacmeedku hadda ku kobcayo ayaa noqday mid aad u adag in la saadaaliyo.

Haddii aanad ogayn, garaad-gacmeedku maanta wuxuu awood u leeyahay inuu ururiyo xog ku saabsan mowduuc kasta, kala habeeyo, ka faa’iidaysto, una diyaariyo tirada ereyada laga codsado. Wuxuu qori karaa sheekooyin iyo riwaayado, wuxuu curin karaa heeso miisaan iyo qaafiyad kasta leh, wuxuuna turjumi karaa qoraal kasta isagoo bixinaya turjumaad ku habboon macnaha iyo duruufaha hadalka, bedelka turjumaad erey-erey ah. Intaa waxa dheer, wuxuu sixi karaa khaladaadka luuqadda iyo naxwaha, mana ku koobna hal luuqad oo keliya ee wuxuu sidaas ku samayn karaa dhammaan afafka dunida.

Hadda waxaad si fudud u dareemi kartaa sababta aan ugu tilmaamay mustaqbal aan rajo weyn laga qabin, waxaadse si ka sii fiican ii fahmi doontaa marka aad bilowdo isticmaalkiisa oo aad la yaabto awoodihiisa.

Dadku waxay u kala qaybsameen saddex kooxood: kuwo islaweyn, kuwo ku jeesjeesa, iyo kuwo walwalsan. Qaar waxay aaminsan yihiin in garaad-gacmeedku uusan khatar weyn ahayn sida la sheegayo. Xitaa qaar baa ka maadeysta khaladaadka uu mararka qaarkood sameeyo, iyagoo leh: sidee wax sidan u qaldami kara uu ii beddeli karaa ama xitaa “adduunka u maamuli karaa”? Qofka sidaas u hadlayaa wuxuu noqon karaa mid aysan arrintani wax badan uga baxsanayn, waana inaynu u dulqaadanno oo wax barno.

Ama wuxuu noqon karaa mid isla weyni leh, waana inaynu waaninno, sababtoo ah heerka uu garaad-gacmeedku gaadhay waayadan dambe ma aha heer sahlan. Heerka horumarkiisa iyo xirfadaha badan ee uu hal mar qaban karo ayaa ku filan inay beddelaan shaqooyin badan oo ay dadku qabtaan. Marka laga hadlayo khaladaadkiisana, khaladaadka bilowga dhacaa waa wax la cafin karo, maadaama uu si joogto ah wax u barto, khaladaadkiisuna marba marka ka sii dambaysa yaraan doonaan.

Haddii aad ka mid tahay dadka walwalsan, is deji. Laga yaabaa inaysan xaaladdu ahayn mid u xun sida hadalladaydii hore kuu muujiyeen. Waxa aan se hubaa waa in aynaan innagu bini’aadam ahaan dabar go’i doonin, garaad-gacameedkuna dunida la wareegi doonin.

Xalka ugu habboon ee dhammaanteen inoo yaalla, si aynu uga baxno dagaalkan adag ee aynu la leenahay garaad-gacmeedka innagoo khasaaraha ugu yar kaga baxayna, wuxuu ku jiraa hal eray oo keliya: la qabsasho.

Dhanka qorista hal-abuurka, la qabsiga garaad-gacmeedku wuxuu ku iman karaa in loo adeegsado qalab kaa caawinaya qoraalka, tifaftirka, ama soo jeedinta fikrado. Qoraa kastaa wuxuu ka faa’iidaysan karaa siyaabo u gaar ah oo ka caawiya qorista, soo bandhigista aragtiyo kala duwan, ama soo jeedinta tixraacyo. Intaa ka dibna wuxuu kaa caawin karaa tifaftirka, sida xulashada ereyada ugu habboon iyo habaynta fikradaha. Xitaa haddii aadan adigu lahayn tifaftire kuu gaar ah, madbacado badan ayaa shardi ka dhiga in shaqadaadu marto tifaftire ka hor inta aan la daabicin loona soo bandhigin akhristayaasha.

Hadda ka warran haddii aan kuu sheego in adeeggaas oo dhan uu kuu heli karo qaab qof aqoon aad u ballaadhan leh, oo si weyn ula socda wax kasta oo laga qoray mowduuc kasta oo maskaxdaada ku soo dhici kara ama aan ku soo dhici karin? Miyaanay ka fiicnaan lahayn inaad ka dhigato saaxiib?

Haddii garaad-gacmeedku sii horumaro oo uu noqdo mid awood u leh qorista maqaallo, sheekooyin iyo heeso, haddana wuxuu weligiis ka maqnaan doonaa waaya-aragnimada bini’aadamka. Waxa ugu qiimaha badan ee shaqooyinkaas lagu garto waa waaya-aragnimadaas bani’aadamnimo; inay aniga i metelaan oo ay qalbigayga taabtaan, inaan la yaabo sida ay ii fahmeen iyo sida ay waaya-aragnimadeennu isugu ekaadeen. Waayo-aragnimada adag ee bini’aadamka si buuxda looma fahmo ee waa la dareemaa, sidaas darteedna dadka mooyaane cid kale ma gudbin karto.

Markan garaad-gacmeedka laftiisa weydiiyay xidhiidhka uu la leeyahay qoraalka, wuxuu ku jawaabay sidan: “Waxaa la odhan karaa garaad-gacmeedku wuxuu ka caawin doonaa qorayaasha inay hagaajiyaan tayada qoraalladooda isla markaana fududeeyo hab qorista, balse ma beddeli doono hibada iyo hal-abuurka uu qoraagu leeyahay.”

Hadalkayga ku saabsan muhiimadda la qabsigu kuma salaysna rabitaan ama dareen shakhsiyeed. Waxa ay dad badani se moog yihiin waa in taariikhdu innagoo arkayna isa soo celcelinayso. Nasiib darro, inta badan taariikhda uma baranno si aan wax uga baranno, ee waxaan u barannaa si aynu ugu qorno buugaag iyo jaldiyo loogu talagalay qurxinta maktabadaha.

Qarnigii siddeed iyo tobnaad waxa soo baxay mashiinno muwaadinka caadiga ah ay ku adkayd in uu fahmo sida ay u shaqeeyaan. Sababtoodana shaqaale badan ayaa shaqadoodii waayay. Dadkii markaas joogay waxay yeesheen aragtiyo kala duwan. Qaar waxay rumaysnaayeen in mashiinnadaasi aysan waligood u qaban karin shaqada sidii ay dadku u qaban jireen, xitaa qaar baa ku jeesjeesay iyaga, iyagoo sugayay inay muddo gaaban gudahood fashilmaan. Dhanka kale, waxaa jiray kuwo fahmay inay lama huraan tahay in lala jaanqaado horumarkan cusub, maadaama mashiinnadu weli u baahnaayeen cid kormeerta oo maamusha. Maanta waxaan aragnaa in mashiinnadu dhinacyada wax-soo-saarka iyo tayada ay aad uga sarreeyaan dadka, mana aysan fashilmin muddadii gaabanayd iyo middii dheereyd toona tan iyo markii ay soo baxeen.

Haddii aad u malaynayso in tusaalahaasi uu aad uga fog yahay mowduuca aynu hadda ka hadlayno, waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo in duruufaha iyo qaabka noloshu ay is beddelaan. Sidaa darteed, hadalkayga ha u qaadan si toos ah ee u qaado si isbarbardhig ah. Si aan hadalkayga u sii xoojiyo oo aan shakigaaga u dejiyo, aynu soo qaadanno tusaale kale: Bilowgii labadii kun, internetku wuxuu yeeshay soo ifbax aad u xooggan, inkastoo la ikhtiraacay sannado ka hor. Markii uu soo baxay, dad badan ayaa dareemay cabsi. Wax aan si buuxda loo garanayn ayaa u suurtageliyay inay adduunka oo dhan dhex maraan, inay isgaadhsiin sameeyaan, ganacsi yeeshaan, wax bartaan, iyo in tiro aan la soo koobi karin oo hawlo ah lagu dhammeeyo hal gujin. Mar kale waxaa soo noqday isla sheekadii hore: kuwo kibir badan, kuwo ku jeesjeesa, kuwo walwalsan, iyo kuwo wax ka barta oo horumarka la jaan qaada.

Waxaas oo dhami waxay ina tusayaan laba xaqiiqo. Midda koowaad waa in noloshu aysan dhammaan. Midda labaadna waa in aynaan iloobin in shaqooyin badan ay gebi ahaanba dabar go’een kadib kacaankii warshadaha iyo sidoo kale kadib soo bixitaankii internetka, kuwii hadhayna waxay ahaayeen kuwo awooday inay la qabsadaan isbeddelka.

Gebogebadii, waxa keliya ee inala gudboon maanta waa in aynu joojino walwalka ama ku jeesjeeska garaad-gacmeedka, oo aan aqbalno, soo dhawaynno, isla markaana isku dayno in aynu ka dhigno saaxiibkeen. Waa inayanu barannaa sida saxda ah ee loola macaamilo, waayo arrintu kuma koobna oo keliya inaad amarro qorto isaguna fuliyo. Markasta oo aynu ku fiicnaanno wada hadalka aynu la yeelanayno, waa markasta oo ay natiijooyinku noqon doonaan kuwo ka midho-dhal badan.

Qormadan waxa laga soo turjumay halkan