Skip to main content

Wednesday 9 October 2024

Aragti

Luggooyadii Talyaaniga: Kaalintii Roomi ku lahayd Burburka Soomaaliya

28 March, 2024
Image
Safaarad
Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga (Sawirka: Alessia Pierdomenico/Shutterstock)
Share

Leelleelka iyo kadeedka Soomaaliya waxa uu salka ku hayaa siyaasaadda musuqu hadheeyay ee waddanka Talyaaniga. 

Siddeetamaadkii oo dhan, siyaasiyiinta iyo ganacsatada Talyaanigu waxay ka dhigteen waddankan uu mar Talyaanigu gumaysan jiray, meel ay ka fuliyaan mashaariic dhisme oo waaweyn, kuwaas oo bulshada dheef yari ka soo gaadhi jirtay ama dhab ahaanba dhaawac iyo hagardaamo ku ahaa shacabka Soomaaliyeed. 

“Talyaanigu shaki la’aan isagaa masuul ka ah dagaal beeleedyada iyo xasuuqii Soomaaliya” ayuu yidhi Francesco Rutelli oo xubin ka ah aqalka Kongeraska Maraykanka iyo Xisbiga Cagaarka ee ilaalinta deegaanka u ololeeya, isaga oo door laxaad leh ka qaatay shaacinta arrintan fadeexadda ku noqotay Talyaaniga. 

In kasta oo Maraynkanku aanu si hoose oo xeeldheer faraha ugula jirin arrimaha Soomaaliya, haddana si fiican ayay uga warhayeen waxa ka socda. 

Laba safiir oo Maraykanku Rooma u magacaabay, Maxwell Rabb III iyo Peter Secchia, ayaa qiray in Maraykanku uu raalli ka ahaa siyaasadihii Talyaaniga ee Afrikada Bari siddeetamaadkii, sida laga soo xigtay diblamaasiyiin reer Galbeed ah iyo masuuliyiin Talyaaniya. 

Kaalinta kharbudaadda ah ee Talyaanigu Soomaaliya ka ciyaarayaa dhab ahaan waa mid ku cad xogaha uu baarlamaanka u soo bandhigay wasiirka arrimaha dibaddu, kuwaas oo sheegaya in Talyaanigu 114 mashruuc ka fuliyay Soomaaliya intii u dhexaysay 1981 ilaa 1990-kii, iyadoo ay ku baxday lacag ka badan hal bilyan oo doollar. 

In yar marka laga soo reebo (sida barnaamij tallaal ahaa oo ay fuliyeen urur aan dawli ahayn) dhammaan mashaariicda Talyaanigu waxay ahaayeen hal bacaad lagu lisay. 

Ku dhawaad 250 milynan oo doollar ayaa lagu bixiyay waddada dhex marta dhulka gawaanka iyo lamadegaanka ah ee isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, 450KM; cidda kaliya ee ku gudubta jidkaasina waa reer guuraaga lugtooda maalaya. 

Deegaanka Carrooley ee koonfurta Muqdisho ayaa lacag ka badan afartan milyan oo doollar lagaga fuliyay cusbitaal cusub oo mishiinno casri ah iyo qolalka qalliinnadaba lagu qalabeeyay. Maadaama oo Soomaalidu aanay awood u lahayn ku shaqayntiisa, cusbitaalku wuxuu ku dambeeyay inuu dabaysha raaco. 

Sidaa si la mid ah, dawladda Talyaanigu waxay lacag dhan 95 milyan oo doollar ku bixiyeen dhismaha warshad lagu farsameeyo carro-nafaqeeyayaasha, taas oo aan weligeed taabbagelin. Talyaanigu xataa waxa ay hirgaliyeen jaamacadda Soomaaliya, iyada oo 98% shacabku aanay waxna qorin waxna akhriyin. Halka bareyaasha Talyaaniga ahi ay bishii ka qaadanayeen mushahar u dhexeeya $16,000 ilaa $20,000. 

“Haddii aad u fiirsato deeqdii uu Talyaanigu Soomaaliya siinayay intii u dhexaysay 1980-kii ilaa 1990-kii, waxay ay 50% ka noqonaysaa guud ahaan waxsoosaarkii dalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Rutelli, isaga oo sii raaciyay “Way fududdahay in aad aragto saamaynta taban ee aan ka tagnay, iyo sida ay u weynayd masuuliyadda ina saarani.”

Piero Ugolini oo ka soo jeeda magaalada Florence, cilmiga beerahana ku xeeldheer oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Talyaaniga ee Muqdisho, gaar ahaan unugga iskaashiga farsamada, intii u dhexaysay 1986-kii ilaa 1990-kii, ayaa sheegay in badi mashaariicdii caawimada ee Talyaaniga la fulin jiray iyada oo aan la tixgalin saamaynta ay bulshada deegaanka ku yeelan doonaan. Natiijadii ka dhalatay waxa ay noqotay in ay sii kordhiyeen cadaadiskii bulshada haystay ee ugu dambayn sababay dagaalkii sokeeye, ayuu sii raaciyay. 

Tusaale ahaan, bishii Fabraayo 1988-kii, dawladda Talyaanigu waxa ay ku deeqday lacag ka badan afar milyan oo doollar, si loogu aasaaso shirkad wadaag ah oo lo’da iyo adhiga ka soo iibsata reer miyiga, dabadeed inta la naaxiyo dibadda loo dhoofiyo xoolaha, si ay dawladda Soomaaliya ugu noqoto il ay ka hesho lacag caddaan ah. Hal sanno ka dib, Siyaad Barre waxa uu ka iibiyay 3500 oo neef oo lo’ ah ciidamadii Yaman, isagoo kaga soo beddeshay hub uu kula dagaallamo kuwii maamulkiisa diiddanaa, sida laga soo xigtay Ugolini.

“Talyaanigu waxa uu maalgaliyay mashruuc lagaga faa’idaysanayo reer guuraaga, gacanna siinaya rajiim aan sinaba ugu heellanayn wax horumar ah inuu gudaha ka dhaqaajiyo, isla markaana masuul ka ah dhimashada in badan oo ka mid ah dadkiisa,” ayuu Ugolini yidhi. 

Sida uu Ugolini tilmaamay, xukuumadda Talyaanigu waxa ay ku guuldarraysatay inay joojiso arrintan uu ku qeexay inay tahay “mid u dhiganta addoonsiga casriga ah” taasoo ka socotay beertii hore loogu yiqiinnay “Duca degli Abruzzi” ee Jawhar. Sannad kasta in ka badan saddex kun oo qof ayaa laga shaqagalin jiray beerta, kuwaas oo badankoodu ka iman jiray xabsi ku yaallay badhtamaha dhulbeereedka qasabka. Shaqaale kale ayaa la hawlgalin jiray haddana, ka dib kolka ay liiska hore isla jaangooyaan maamulaha beerta, booliska, madaxda tuulooyinka aagga ka dhaw iyo iskaashatooyinku. 

Celcelis ahaan, shaqaalahaasi maalintii waxa ay ku shaqaynayeen 500 ilaa 700 oo Liira, oo qiyaas ahaan konton senti u dhiganta.

Mashaariicdan lagu wada takriflay waxa ay dhabarka ku hayaan musuqmaasuq guun ah. Shirkadihii Talyaaniga ee dhismaha iyo kuwii farsamada ee lagu naasnuujiyay qandaraasyadii dheefta badnaa ee mashaariicdu, waxa ay hore u soo laaluusheen dabaqadda siyaasadda Rooma iyo kuwo gudaha ahba [Soomaaliya]. Kharashkaasi waxa uu ku dallacmayay oo mar walba bixinaayay cashuurbixiyaha Talyaaniga ah. 

Sida ay dhammi xisbiyada siyaasadda Talyaanigu u qaybsadeen shaqooyinka dawliga ah iyo kuwa badh-dawliga ahba, si la mid ah ayay qaydhinka ugu sii kala goosteen maamulka deeqaha iyo mashaariicda horumarka. Xisbiga Hantiwadaagga ayaa Soomaaliya qayb u helay, halka Masiixiyiinta Dimuquraaddiga ah loo tiriyay Itoobbiyada Geeska Afrika ee mar hoos iman jirtay gumaystaha Talyaaniga. 

Horraantii toddobaatanaadkii ayuu la bilaabmay xidhiidhka muddada dheer ka dhexeeyay Xisbiga Hantiwadaagga ah iyo Siyaad Barre, markaas oo ninkan kalitaliyaha u xuubsiiban doonaa uu qaatay nidaamka hantiwadaagga, isla markaana uu ballan ku qaaday inuu kacaan isbeddel ah uu ku qaadi doono bulshada xooladhaqatada ah. 

Bilawgii, aad ayuu Barre ula dhacsanaa Xisbiga Shuyuuciga ah ee Talyaanigu. Xubnaha xisbiga, siyaasiyiinta bidixda, iyo ganacsatada u beerraqay shuuciyadduba Soomaaliya aad ayay ugu soo noqnoqon jireen. 

Iska-heliddaasi laakiin si degdeg ah ayay u soo af go’day qaybtii hore ee 1978-kii, ka dib markii Barre isku dayay inuu gobolka Ogaadeeniya ka soo gooyo Itoobbiya. Duullaankii Soomaalidu jab iyo dullayn ayuu ku soo dhammaaday, Barrena xidhiidhka ayuu u jaray Moosko, Hantiwadaaggii cilmiga ahaana wuu ka laabtay. 

Bishii Oktoobar 1978-kii waxa magaalada Milan lagu daahfuray Rugta Ganacsiga Taliyaaniga iyo Soomaalida oo ahayd tallaabadii koowaad ee isgaashaanbuuraysiga siyaasadeed ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Hoggaamiyaha cusub ee xisbigu, Bettino Craxi, waxa uu u socday inuu Hantiwaagga ka dhigo awood aan la iska indho saabi karin. Seeddigii Paolo Pillitteri ayaa madax ka ahaa xarunta.

Halkan ayaa lagu dillaalay tiro mashaariic dhisme ah oo Talyaanigu maalgaliyay, lagana fulinaayay Soomaaliya siddeetamaadkii. 

Laaluushku si joogto ah ayuu qayb uga ahaa shaqada maalinlaha ah ee Rugta, sida ku cad dacwad laga gudbiyay Craxi iyo Pillitteri gugii 1989-kii. 

Gen. Maxamed Faarax Caydiid, kaaliyihii hore ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa dacwaddan gudaheeda sidoo kale lagu soo eedeeyay in qoladan Hantiwadaagga [Talyaaniga] ahi ay u ballanqaadeen isaga iyo masuul kale oo Soomaali ah in laba isleeg loo qaybsado khidmadda boqolkiiba tobanka ah ee ka soo xeroota heshiisyada Rugta lagu galo. Labadan Soomaalida ahi waxa ay sheegteen inay haystaan Bilyanno Liiro ah. 

Maxkamad madaniya oo ku taalla magaalada Milan ayaa ugu dambayn xukunkii laashay, iyadoo xukuntay in aanay suuragal ahayn in ay xaqiijiso jiritaanka heshiis si isleeg loogu qaybsanayo laaluushkaa caddayn qoraal ah la’aantii. 

Caydiid oo magaciisu yahay “ka aan cayda aqbalini” waxa uu midkood ahaa labadii hoggaamiye-kooxeed ee Soomaaliya ugu awoodda badnaa, markaa la yaab ma aha inuu cod dheer ku diiday markii ciidmada Talyaanigu ay Soomaaliya ku soo laabteen Disembertii hore, iyagoo qayb ka ah Hawlgalkii Rejo Soocelinta. 

Xidhiidhka musuqa ah ee ka dhexeeyay Talyaaniga iyo Barre ee soo bilawday 1978, waxa uu sii laba kacleeyay intii ka dambaysay 1983-kii, markii uu Craxi noqday raysalwasaaraha. Qoladii Hantiwadaaggu deeqo malaayiin doollar ah ayay Soomaaliya ku hafiyeen. Siyaad Barrena waxa uu ciidankiisa uga helay hub, lataliyayaal iyo tababbarayaal ciidan.

Bishii Sebtember ee 1985-kii, Craxi ayaa noqday raysalwasaarihii koowaad ee Talyaaniga oo safar rasmi ah Soomaaliya ku taga, isagoo Siyaad Barre u soo ballanqaaday mucaawino ku dhaw $450 milyan inta lagu jiro labada sanno ee socda.

Barre booqashadii wuu ka jawaabay, laba jeer ayaanu Rooma yimid, halkaas oo maamuus idilkii lagu qaabbilay 1986-kii iyo 1987-kii. Kolkii uu madaxweynaha Talyaanigu, Francesco Cossiga, ku qaabbilay kalitaliyahan qasriga madaxtooyada, wuu u hambalyeeyay Siyaad Barre, oo markaas uun dib loogu doortay madaxweyne; in ka badan 99% codadkii la dhiibtay. 

Dhanka Soomaalida, dhammaan lacagta waxa gacanta ku hayay wiilka curad ee Siyaad Barre, 48 jir, korneel Xasan Maxamed Siyaad oo guri ku lahaa huteelka Raphael ee magaalada Rooma. Waa isla huteelka uu sida rasmiga ah magaalada uga degganaan jiray Craxi. Intii lagu jiray sannadahaas, xubno badan oo ka mid ah qoyska Barre (Kalitaliyuhu wuxu lahaa shan dumar ah iyo ugu yaraan saddon carruur ah) ayaa hanti iyo xisaabo bangiba ku yeeshay Iswiisarlaan. Dhanka Talyaaniga, kuwa ka faa’idaystay kolka aad aragto waxad aad is odhanaysaa waa liiskii shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka dhismaha, farsamada iyo isgaadhsiinta.

Dabayaaqadii siddeemataadkii, dawladda Talyaanigu sinaba ugama dharagsanayn xaalka Soomaaliya. Francesco Rutelli waxa uu yidhi, “Dhab ahaan kumaannu baraarugsanayn waxa ka socda gudaha Soomaaliya, ilaa laga soo gaadhay daqiiqadihii u dambeeyay annagoo isku dayayna in aan badbaadinno Siyaad Barre.”

Diidmadii isa soo taraysay ee rajiimka Siyaad Barre lagu diiddanaa ayaa ugu dambayn dhashay jabhadayntii waqooyiga Soomaaliya, bishii May 1988-kii. Kalitaliyuhu waxa uu ugu falceliyay xoogaggii diiddanaa inuu saddex magaalo gabi ahaanba dhulka la simo, iyadoo ay ku naf waayeen 15,000 oo qof.

Dib inoogu celi Rooma: siyaasiyiinta mucaaridku waxay dalbanayeen in la soo gabagabeeyo la shaqaynta Soomaaliya, laakiin cidina kamay hoos qaadayn.

Warbixinaha faahfaahsan ee hay’adda Amnesty International ka diyaarisay jidhdilka iyo falalka bahalnimada ah ee uu ku kacay taliska Siyaad, wax saamayn ah kumay samayn dawladda Talyaaniga. 

Talyaanigu xidhiidh adag ayuu weli la lahaa Siyaad Barre, iyada oo xataa magaalada Muqdisho lagu dilay baaddarigii Salvatore Colombo, Julaay 1989-kii, ama kaba sii darane kolkii bayoolajiyahan (biologist) Talyaaniya garaac nafta looga ga qaaday xarumaha sirdoonka Soomaaliya, Juun 1990-kii. 

Mar xubno mucaaridka ka mid ahi ay baarlamaanka dhexdiisa kaga cawdeen in dawladda Talyaanigu taakulayso kalitaliyayaasha, wasiirka hantiwadaagga ah ee arrimaha dibaddu, Gianni De Michelis, waxa uu kaga jawaabay, “Haddii aannu ka googoosan lahayn dhammaan dawladaha uu kalitaliyuhu ka arrimiyo ee Afrika, cid la la shaqayn lahaa maba soo hadheen.”

Wax yar uun ka hor intaan xoog Muqdisho laga ga saarin Siyaad Barre, Talyaanigu wuxu lumiyay fursaddii u dambaysay ee uu dib saaxiibbo cusub uga ga samaysan lahaa Soomaaliya, markaas oo wasiirkii arrimaha dibaddu, De Michelis, isku dayay inuu ku qanciyo xubnihii mucaaridka Rooma u fadhiyay in wajiga cusub ee siyaasadda Soomaaliya uu qayb ka ahaado kalitaliyihii hore. 

Sida uu qabo Rutteli iyo dadka kaleba, masiibada ay lahayd ku luglahaanshaha Talyaaniga ee Soomaaliya waxay ahayd in siddeetamaadkii oo dhan Talyaanigu taagnaa boos uu ku cadaadin karaayay Siyaad Barre, isla markaana uu ku qasbi karaayay inuu wax ka beddelo nidaamkiisa. Laakiin, mar kasta oo isaga [Rutelli] iyo Xisbiga Cagaarkuba ay xukuumadda ugu baaqaan in gargaarka la siinayo Soomaaliya lagu xidho ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo dib u habaynta maamulka, waxa markaba diidayay danaha xooggan ee Craxi, raysalwaasaraha, ku hareeraysan.

Hadda magaalada Milan, Craxi iyo Pillitteri waxay dhexda u fadhiyaan fadeexad musuqmaasuq oo weyn. Garsoorayaashii baadhayay sida ay sheegeen, xisbiga Hantiwadaaggu magaalada Milan waxa uu ka abaabulay shabakado waaweyn oo musuqmaasuq, iyo in la laaluushayay siyaasiyiin maxalli ah, kuwaas oo xisbiyada oo dhan ka tirsan, iyadoo laga ga beddelanaayay qandaraasyo macaash badan leh. Garsoorayaashu waxa ay baarlamaanka ka codsadeen in xasaanadda laga qaado hoggaamiyayaasha Xisbiga Hantiwaagga si loo maxkamadeeyo. 

In ka badan 90 qof oo siyaasiyiin iyo ganacsato isugu jira, qaar badan oo ka mid ahina ay si gaar ah xidhiidh dhaw ula leeyihiin Craxi, ayaa la xidhay. Sidoo kale, tiro ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dhismaha, sida Cogefar iyo Lodigiani, oo shaqooyinka ugu waaweyn ka soo qabtay Soomaaliya ayaa la caddeeyay inay arrintan ku luglahaayeen. 

Soomaaliya, nidaamkii iyo kala damabayntii markii ay gabi ahaanba burbureen, bixistii Siyaad ka dib, hay’adihii bani-aadnimadu waxay ay ku qasbanaadeen inay iskaga baxaan, taas oo ku dhiirrisay Qarammada Midoobay inay Maraykanka ka dalbato faragalin. Ciidamada Maraykanka oo doonyo wataa kolkii ay soo gaadheen dekedda Muqdisho, iyaga oo aan dhaaddanayn waxay soo dhaafeen hadhaaga raqda saddex doomood, kuwaas oo ka mid ahaa barnaamij  dawladda Talyaanigu maalgalisay, si loogu  horumariyo kaluumaysiga, laakiin aan waligood la isticmaalin. 

 

***

Jan. 24, 1993 ayaa maqaalkan lagu faafiyay jariiradda Washington Post. Waxa Af Soomaali u soo turjumay Xamse M. Bushaar.