Saturday 11 April 2026
Muddo aniga oo aan Internet helin ayaan maalin u sadcaaley magaalo aan adeeggaas ka helayo. Qalbigeygu aad buu ugu qanacsanaa in aan u arooro Internet. Si hoose ayuu ii sii dareensiiyay farriinta farxadda leh ee i sugeysa.
Haddaba markaan taleefankii furey, qacdii u horreysayba waxaan isha ku dhuftay farriin lamafilaan igu noqotay. Waa farriin ka timid qof aan illaawi kari waayey. Waa qof qalbigaygu weligiiba sugayey kana quusan waayey. Waa qof aan jeclaa inaan maalin uun la kulmo.
“In kasta oo aynnaan muddo wada xidhiidhin, hubaashii xiisahaagii ma qubin, oo jaahaaga inaan horjoogsado ayaan u jeelay, sidaas darteed si kedis ayaan u soo dhoofey, oo maalmo kooban ayaan fasax soo qaatey si aan mar uun kuula kulmo,” ayey tidhi.
Sida roobku u nooleeyo dhulka, ayaa farriintaasi u dhayday dhaawacyadii igu yaalley. Heeryadii ayaandarrada ayaan iska rogey. Judhiiba waxaan go’aansadey inaan ambabaxo.
Socod dheer ka dib, nis danbe ayaan xeradii gaadhey. Galabnimada maalintii danbe ayaan ka ambabaxey ardaagii. Wareeg baan soo galey caweys. Waxaa la ii sheegay in jidadkii gaadiidku isu rogeen biyo mareen oo gaadiid jirin. Wakhtiba iska ma lumin, waddada Ceelbaxey baan cagta saarey, guure ayaan ku dhaafey oo, waaberigii baan Mohollin galey. Dabadeed caweyskii ayaan Jidka Raydab-dheere cagta saarey. Nis dhexe anigoo maraya waddada Idamada ayaa daad rogmanayaa iga horyimid. In kasta oo daalkii socodku watey igu jiray, laakiin ma aha mid aan hilmaami karo dhoobadii iyo dhiiqadii Dooxo-Goroyo ee iigu dhegay sida maraboobta kolna aan ku siibinayey ee i sabbaaxadeynayey iyo dooxooyinkii kale ee rogmanayey, oo ii diidey inaan raaf rogo.
Dabcan waxa ila qummanaatey inaan jidkan dhoobada iyo dhiiqada ka baydho. Dhanka galbeed oo taag ah baan u baydhay.
Geed lafta Qarari uga eeg, caleentana Madheedh ama La-jiid, oo Wacanri la yidhaahdo, ayaan dhex socdey niskii danbe ee habeenkaas oo ka mid ah habeennadii caddada u danbeeyay. Xodey, muqlo, jeerin ayaan dhex jibaaxayey oon kolba dhaafayey. Waa habeen Sabti ah, waa gu badhtankii, afarta jihaba hillaac baa ka bilig leh, cirkana daruuro waaweyn ayaa isku cidhiidhyaya. Habeenkii oo idil waan dheelmanayey. Dhab ahaan aad baan u dhiifoonaa, dhegahaygana dhurwaaga dhawaaqiisa oo keliya ayaa ku soo dhacayey. Weligayba waan jeclaa oo u jeelaa inaan dheelmado ama guureeyo niska danbe, oo ma xiiseeyo inaan dhalandhoolo maalintii, weliba habeenka dabeyshu u socoto dhanka aan u socdo, ee la moodo inay ila jirtaba.
Haddaba, kolkii waagii soo dhowaadey ayaan meel taag ah oo aan godon aheyn gadhka iyo lugaha is galiyay. Kobtani qiyaastii waa meel laba saacadood u jirta magaalada Darroor.
Dabadeed goor hadhgal ah ayaan ka dhalandhooley goobtii oo safarkii aan halkii ka sii watey. Dhankii Darroor ayaan afka saarey. Qoysas badan oo garab-rarato ah oo kolkaas degay ayaan dhexda ku sii marey. Gabadh geed hoostii aqalkii furtay oo alaabtii oo idil dhulka daadsan tahey qof yarna dul fadhida ayaan sii marey.
Cabbaar kolkii aan socdey qorraxduna weli kulushahey, ayaa gadaasheyda cod dheeri ka yimid. Dan kama galin. Digdig baan maqlayaa. Sanqadhii way soo dhowaatey. Waan jallecay. Waa dameer si daran u ordaya oo la moodo in col eryanayo. Laba nin oo astaanta daalku dushooda ka muuqato ayaa bidhaan u soo jira. Waa laba nin oo aan dhexda ku soo marey dhuxulna shidayey. Wax ay iga codsadeen inaan u joojiyo dameerka. “Shak...shak” ayaan idhi intaan isku hor gudbey. Waan ku simay. Waxaan ka codsadey inaysan aad u rarin, cowsna siiyaan. Socodkii ayaan iska sii watey walow ay jeclaayeen in aan u warramo cabbaar.
Runtii qalbigeyga ayaa ku canaantey caqligeyga in aan dameerkaas xorriyadda raadinayey aan cadowgiisii u garbaduubey. Aad baan isugu qoomameeyay qabashadii dameerka.
Raad tiro badan oo dad iyo xoolaba leh ayaan u soo galey. Waxaan dareemay inay Darroor hadda ii dhowdahey. Ilbiqidhsi ka dib taawarkeedii ayaa meel fog iiga soo bidhaamay. Geedka garanwaaga ah ayaa hareeraha magaalada aad uga baxey isla sida uu uga baxey magaalada Gunngado oo kale. Waa geed aan dad iyo duunyo midna nacfi u laheyn. Qodaxdiisu ragaad bey ku reebtaa geela. Dhanka bari ayaan ka galey. Niman xerow ah oo masaajid ag fadhiya ayaan ag marey. Waa masaajidkii suufiyada. Darroor loollanka dariiqooyinka ayaa si weyn uga jira. Masaajid kale oo dariiqada Wahaabiga ah ayaan fiidkii maqley codkiisa.
Beesha Dan-Wadaag iyo Cabdalle Isaxaaq astaamo badan ayaan dareemay inay wadaagaan. Suufinnimo, tusbax dheer, gadh isku jooga oo teelteel ah aadna aan u badneyn. Cabdallaha waxa u sii dheeraa dulqaad iyo is ururin. Darroor waxa ku badan dadarta iyo dumarka. Kaneeco badan ka sokow kuleyl kuma arag. Dukaan dhanka bari ee magaalada ku yaalla ayaan ku hor caweeyay. Meel ii dhow geeljirayaal reer Gooseyga u badan oo ku sheekaysanayey ayaa codkoodu i soo gaadhayey. Waxyaabihii ay ka sheekaysanayeen waxaa ka mid ahaa laba geeljire oo 20 halaad nin reer Shirdoon ah u raaca. Bishiina isugeyn ka qaata $600. Aad bey u qoslayeen....oo kamey qasneyn.
Darroor meel taag ah ayey ku taallaa. Waa magaalo koreysa oo guryo jiingado u badan oo ardaayo waaweyn leh laga dhiso. Haddii laga dhiso hoy jiif oo nadiif ah, socoto badani meel ay ku soo hirtaan bay noqon laheyd.
Dhabbe dhanka waqooyi magaalada uga baxa ayaan cagta saarey galabtii danbe. Haro weyn oo dhagxaan madow leh ayaan sii ag marey. Waxay ka mid tahay harooyinka Haro Garduur.
Goortii qorraxdu liiqa dhigtay ee ay dunida ka libidhay ayaan aniguna ku libdhey keyn galoolku madaxa isku haya oo qiyaastii dhanka waqooyi ka xigta Darroor. Waxaan qaadey dhabbe ku beegan Barriiqo.
Jidka intii aan sii socdey waxaan sii dhaafey laba dumar ah oo raashin xambaarsan carraabana ahaa. Waxaan ka fikiray culeyska intaas le’eg sida dhabarkoodu u xammilayo. Laakiin, waxaan xusuustay sida ay sagaal bilood uurka inoogu sideen, ee inaguna aynaan saacad u sidi karin.
Darroor iyo Barriiqo aad bey u kala durugsan yihiin. Dhexdooda baad badan baa ka baxey. Geedka Galoolka ah ayaa ku badnaa. Baldhoolana wuu ku yaalley. Qodxo bucul u badan ayaa ka buuxey.
Barriiqo waxaan ku beegmay caweys gaaban. Degmadu hadda way barwaaqeysan tahey. Waxaa dhanka Waqooyi bari ka xiga Waabacaddo.
Tuulada gudaheeda geedka Galoolka ayaa ku yaalla oo lama gooyo.
Barxad bannaan oo maqaaxi horteed ah ayaan barraaqsadey. Bariido ka dib, ninkii hudheelka yar haystay waxaan wayddiiyay in wax la bireeyay oo bisil la heli karo (Cad ama Caano)?
Wuxuu ii sheegay in bigeys iyo balballeeti oo keliya la heli karo hadda. Gadaal ayaan ka oggaan doonaa inaan cadka iyo caanaha aad loo adeegsan si la mid ah sida degaannada bariga.
Badeecadaha ugu badan ee lagu gadaa waa buuri iyo jaad la beertay. Timir baan ka baayacey. Baaqigiina berri ayaannu u ballanney.
Run ahaantii, ninkii hudheelka heystay muusan aheyn badraan isu bogey, in kasta uusan aheyn balaaqi hadalka ku deeqsiin kara, haddana wuxuu ahaa bashaash.
Barriiqo oo degaan Yoonis ahi waa meesha keliya ee aan heybteyda ama beeshayda la i wayddiin. Inaan baadidoon ahey baa ku filnaatey bulshadii Barriiqo.
Sababta tuuladan magaca loogu bixiyay ayaan wayddiiyay. Wuxuu ii sheegay in magacan loo bixiyay qofkii ugu horreeyay ee tuuladan maqaaxi ka furta. Sababtana wuxuu ku sheegay ninkaasi inuu naag weyn guursadey. Dabadeed walaalkii dadku wayddiiyeen guurkiisa. Walaalkiina yidhi, hebel wey ka barriiqatey e, muu guursan. Isagoo ka wada nin siibtay ama siliiteeyay oo kale. Magaciina sidii buu ninkii ku raacey. Kadib tuuladii magacii ku bahey.
Subaxdii wadaad xerow ah ayaa meel ii dhow ardeydii tuulada kula hadlayey, waanadii uu ardeyda la wadaagayey murtidan baa ka mid aheyd, “Sadar iyo Subax, Sadar baa badan.”
Dhab ahaan, jawigii degganaa ee Barriiqo wuxuu ahaa mid beer qaad leh . Waxaan go’aansadey inaan baaqdo oo u hoydo.
Caw iyo barkin aan barkado ayaa la ii keenay, dabadeed meel bataax ah oo bannaan ayaan jiifsadey. Bahal hoose kuma arag.
Waan ku barriisadey Barriiqo oo barqo dheer ayaan kacey. Maqaaxidii ayaan tegay. Bakeeri shaah ayaa la ii keenay. Wiil uu dhaley ninkii hudheelka heytsay ayaa sanka agtiisu barartey. Wuu i tusey. Inuu biririx noqdo oo bogsado ayaan u rejeeyay.
Waxaan u baqooley Balli Maxamed (Maxamed Ismaaciil). Barriiqo iyo Balli Maxamed dhexdooda waxaan ku sii arkey nin xaabo shidaya. Waxaan u sheegay inuu nafley dilay. Qabiilka Galoolkana qoysas badan ka laayey. Kuwa is jeclaa uu kala fogeeyay. Dhir dhallaan ah uu boqnagooyay. Ugu danbeyn, ninkii wuu ii garaabey, warkiina u bogey. Wuxuu ii sheegay in ay xildhibaan Jamaal Aaden Diiriye isku raas hoose yihiin.
Balli Maxamed Ismaaciil (Cabdalle Isaxaaq), waxaa la siman Kaam Maxamed (Bahdeylo). Balliga biyo badani kumey jirin. Mutulle ku dhex yaalley Balli Maxamed, waxaa ku dhex noolaa: Masacagalley, xoordabacadde, iyo noolayaal kale.
Goor dheer ayaan ka carraabey Balli Maxamed. Karoosyare oo ay isu muuqdaan ayaan hareer ka dhaafey. Karoosweyne ayaan galey oo Kaam Buraalana bidhaan baan u marey.
Nin Gaashaanbuur ah oo meel gees ah barraxday ayaannu cabbaar sheekaysannayey Karoosweyne. Reer Ergin iyo reer Xaamud midkood ayuu ii sheegay inuu yahey.
Fiidkii ayaan dhanka Kaam Liibaan foodda saarey. Bulxan badan ayaan maqlayey kolkaan marayey badhtamaha Karooska iyo Kaam Liibaan. Roob ayaa soo dhowaadey oo dusheyda ka hoorey. Kaam Liibaan ayaan gaadhey. Habeenkii roobku wuu na biyo dhigay, oo in badan ayuu tifiq lahaa. Kaam Liibaan kambalkiisa ayaan u hoydey. Xilli hore ayaan baraarugey. Dhanka Kaam Xasan ayaa u dhaqaaqey. Nin awr raadinaya ayaannu isku sii lug darney. Barqammaal ayaan ku beegmay Kaam Xasan, iyadoo xoolihii la lisayo, baraarkuna garmaameynayaan. Ninkii Kaam Xasan ayuu ku hadhey. Cabbaar ka dib ayaan dhabbihii Burco-Duurrey qaadey. Burco-Duurrey waa magaalo weyn oo dhismaheedu duug yahey. Dad badan baa joogey. Gaadiidna waa taagnaa. Maqaaxiyo badan oo adeegyo kala duwan lagu gadayo, lagana heli karo wax ka badan bigeys iyo balballeeti ayay laheyd Burco-Duurrey.
Barriiqo iyo inta u dhexaysa Burco-Duurrey beero jaad oo tiro badan baan ku soo arkey. Waa arrin aanad ku arkeyn degaannada bariga.
Dhanka kale, guud ahaan dhulku wuu wada roobbanaa. Ballanbaalis baa meel kasta duuleysay. Meelihii godnaa ayay biyuhu fadhiisteen. Jidadku dhiidhi iyo dhiiqo ayey lahaayeen. Gaadiid ma jirin.
Ugu danbeyn safar ka soo bilaabmey Biya-Cadde ayaa ku soo afgo’ay badhtamaha Burco-Duurrey iyo Qool-Buulalle, ka dib kolkaan gaadhi yar oo dad badani daadka ka fuuleen halkaas ka raacey.