Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Loollankii Sucuudi Arabiya iyo Imaaraatka oo si Weyn uga Qarxay Yemen

30 December, 2025
Image
Loollankii Sucuudi Arabiya iyo Imaaraatka oo si Weyn uga Qarxay Yemen
Share

Loollankii huursanaa ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa si toos ah dibedda u yimid, ka dib markii ay hawada isu mariyeen hadallo dhaliilo toosa ah. Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in tallaabooyinka uu Imaaraatka ka wado Yemen ay yihiin kuwo aad u halis badan. Waxa uu Sucuudiga sheegay in amnigiisa qaranku uu yahay khad cas, isaga oo uga digay Abu Dabay in ay iska dhegamariso. Dhanka kale, waxa uu Sucuudigu taageeray go’aanno ka soo baxay hoggaanka Goleha Madaxtooyada ee Yemen oo laalay heshiiskii difaaca ee ay kula jireen Imaaraatka, isla markaana u qabtay 24 saacadood in ay ciidamada Imaaraatku kaga baxaan Yemen. Imaaraatka Carabta ayaa eedaha Sucuudiga si dhakhso ah uga jawaabay waxanu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo laga xumaado oo ay ka buuxaan marin-habaabinno saldhig u ahi.

Sucuudi Carabiya ayaa, dhanka kale, weerarro cirka ah ku qaaday magaalada xeebta ee Mukalla oo uu ku beegsaday wax uu ugu yeedhay ‘doonyo siday hub’. Weerradan ayaa uu Sucuudigu la beegsaday Goleha Kumeelgaadhka ah ee Koonfurta Yemen kaas oo dhawaan isku fidiyay gobollada bariga ee ee Koonfurta Yemen; waa Xadramowt iyo Mehrah. Goleha Koofurta Yemen, oo qayb ka ah Goleha Madaxtooyada Yemen ee ay taageeraan Sucuudiga iyo Imaaraatku, ayaa si gaar ah uga shaqeeya in Koonfurta Yemen ay dib u hesho xornimadii ay wayday 1990-kii oo ay ku biireen Waqooyiga Yemen. Ha se ahaato e, waxa arrintan ku kala duwan Sucuudiga iyo Imaaraatka oo uu dalka hore si weyn uga soo horjeedo, halka uu Imaaraatkuna si weyn u taageero, waxanu Sucuudigu hadda u arkaa in Goleha Kumeelgaadhka ah ee Koonfurta Yemen uu ku dhaw yahay in uu qabsato dhammaan dhulkii Jamhuuriyaddii Koonfurta Yemen qarkana u saaran yahay in uu dawlad madaxbannaan ku dhawaaqo, ka dib markii uu dhawaan labada gobol ee muhiimka u ah Sucuudiga kala wareegay xooggagii qabaa’ilka ee daacadda u ahaa Sucuudiga.

Isku-dhaca Sucuudiga iyo Imaaraatka ee Yemen ayaa kala daadinaya qorsheyaashii Yemen oo dhan waxana durba kala jabay Golihii Madaxtooyada oo ka koobnaa shan xubnood, kuwaas oo afar ka mid ahi ay la safteen Imaaraatka kuna gacansaydheen go’aannada uu Sucuudigu dabada ka riixayo ee hoggaankooda.

Dhanka kale, loollanka Sucuudiga iyo Imaaraatka oo in muddo ah u socday qaab aanay toos isugu badheedhin ayaa waxa uu si weyn uga muuqdaa colaadda Yemen ee ay hadda u dhaw yihiin in ay isku farasaraan, Suudaan oo ay la kala safan yihiin Ciidaanka Suudaan iyo Xoogagga RSF, iyo Geeska Afrika oo ay si weyn u muuqtay sida ugu kala duwan yihiin arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo Sucuudigu cambaareeyay aqoonsigii ay dhawaan Israa’iil siisay Somaliland, halka uu Imaaraatku ka muquurtay in uu toos uga hadlo, marka laga reebo erayo kooban oo uu ergaygiisa Jaamicadda Carabtu ku raacay mawqifka guud ee ururka.

Si kasteba ha ahaato e, Sucuudiga ayaa u muuqda in aanu waraaqo badan haysan dhanka Yemen, isaga ku qasban hadda in uu kala doorto dagaalka Xuutiyiinta iyo midka Reer Koonfureedka Yemen oo labadaba uu u arko halis istiraatiiji ah. Waxa xusid mudan in Sucuudigu uu kaalin weyn ka ciyaaray cabbudhintii Reer Koonfureedka ee 1994, markii ay dooneen in ay ka baxaan midnimadii ay degdegga kula galeen Waqooyiga Yemen.