Saturday 19 April 2025
Waxaan ku dhashay hawd. Wax kale kuma garatide hawd ciid cas leh, qofka ku cusubi u malaynayo inay tahay besbaas case. Halkaasi waxay ahayd meel inkaaran oo nolol habaaran laga ga nool yahay. Sidaas iiguma ay muuqan berigii aan joogay iyo sanooyin badan oo ka dambeeyay oo aan reer magaal isku dhalanrogay. Haa!, dhalanrog baa igu dhacay waliba mid aad u qotodheer.
Waan ka xumaadaa in dagaallo dartood halkaas ugu dhashay, se waxaan ku mahadiyaa in aabbahay uu noloshaas adkayd iga la soo dabbaashay. Noloshaas dhibku raaxada ahaa, raaxaduna dhaliisha ahayd, dhaliil la isku caayo oo dheddigaansho lagu tilmaamo—dabcanna dheddigu waa ku ceeb agtooda, oo wixii ceebaal lagu sheegayo dheddignimo ayaa la huwiyaa—waana halka ay dhaqankeenna kaga lammaan tahay, yasidda dumarku, waayo noloshaas adag iyagu doorka adadkaanshaha iyo muruq lagu qabto qayb weyn kuma laha. Saa halkaas ayay tahay liidashada lagu lammaaniyay.
Markaan joogay miyiga halkii aan subaxa kala kallihi lahaa ul dheer iyo caagad caano ku jiraan ama biyo--waa marka aanay xilli roobaadka ahayne--, magaalada markaan imi ushii waxa ii beddelay qalin, caagadiinna shandad yar oo dhawr buug ku jiraan. Raadguridii xoolaha waxaa booskiisii ii buuxisay raadgurida masalooyin xisaabeed oo mararka qaar iga ga hawl badan raadinta xoolo lumay raadkoodiina roob ka dabatagay oo daad mariyay.
Waxaan ahaa wiil inkaaran oo khaati laga istaagay goobta waxbarashada, khaati la igama istaagine waxaan ahaa ruux difaac ku jira oo reer magaalka i badawsanaya iska celinaya. Wax-iskacelintu waa dhaqanka ugu waynaa ee aan la soo koray kuna barbaaray. Sidoo kale wuxuu ku jiray dhawr dardaaran oo maalmihii aan soo baxayay faraqa la iigu soo guntay wax badanna iiga taataabteen wiilal aannu xoolaha wada raaci jirnay oo iyagu Hargaysa iyo hawlaheeda hore isula soo jabeen. Nuur oo isagu malaha ugu waynaa intii markaas talooyinka iyo dardaarannada faraqa iigu laabaysay wuxuu ahaa wiil ka baxsaday reerkooda oo magaalada galay, kirishbooy buu noqday isagoo tobanka wax yar dhaafay.
Gidaar walba iyo meel walba oo uu inuu ku noolaan karo ku tuhmayay wuu isku qaaday. Laakiin wiil yar oo reer miyi ah ayuu ahaaye sidii nin waalan bay carruurta iyo dumarku ka maadsan jireen hadduu gaadhiga uu la socdo dhinac u dhaafo. Halkaas buu ka qaatay in magaaladu tahay meel la isku muquuniyo oo aan naxariista boos uga bannaanayn. Isagoo khaati Billaahi taagan ayaa adeerkii Xasan Kildhi magaalada ku arkay oo soo kaxeeyay. Isaguna ma diidine wuu soo raacay waayo meesha wuu ku dhibtooda oo dhawawalan ka qaaday. Waxa keliya ee uu ka warwaray waxay ahayd inuu waayo belwadda uu halkan ku bartay oo qaadka iyo sigaarku ugu horreeyaan; balse aanu waxba ku dari jirin marka laga reebo buuriga oo uu halkan(miyiga) markuu joogayba ku cuni jiray. Intaasina halkanba kama waayo oo buurigu gurigooda ayuu diyaar ugu yahay, maalintuu aabbihii tuulaha tago ayaanu u soo qaadaa bushqad bil ku filan haddaan kuray ku xeerani todobaad kaga leefin. Sigaarka iyo qaadkana hadduu tuulada tago ma waayo cid uu ka turufeeyo. Imikana kaba sii wanaagsan oo aroosyadu waa budh, habeennada gaafkana qaad, sigaar iyo hilibba wuu ka haqab beelaa.
Nuur talooyinkiisa waxa ka mid ahaa; ‘‘haddii aad magaalada tagtid oo jileec lagaa dareemo waa lagu hoondhaysanayaa oo laguu soo aroorayaa, haddiise aad xiniinyo iska baarto oo aad ragga iska dhiciso cadkaagu waa bannaanka’’. Dhamaan talooyinka kale ee ay i siiyeen Xasan Faanto, Faysal Gurrac iyo Yaasiin oo aannu u naqaannay Af-saqaf sidaas bay u dhignaayeen. Kulligood waxaanay ka sinnaayeen inay magaalada soo arkeen ninba sababi ha geyso intuu doonana ha joogee.
Laakiin dardaaran kaas ka duwan igalana qaalisanaa dardaaran kasta (illaa hadda), hooyaday macaan ayaa annagoo qansax hadhac ah ila-ilad hoostiisa marta burciidiisa; hadh-galabeedka fadhinna farta iigu fiiqday diyaarad meel beri noogu toosan qiiq cad ku samaysay --diyaaradaas waxaan u naqaanay diyaarada sigaarka qaadda sababtoo ah qiiq badan oo cad, cirkanna kala qaybinaya ayay ku sammeyn jirtay---.
Hooyo iyadoo tilmaantii diyaarada i tustay ayay intan ii raacisay "hooyo diyaaradaas ma aragtaa nin baa wada, ninkaasi iskama uu kaxayn ee wuu bartay sida aannu aniga iyo walaasha u naqaan lisidda xoolaha balse aanay habaryaro Canab oo magaalada ka timi u aqoon. Sidaas oo kale ayay wax kastaa barasho leeyihiin, adigu berri subaxa ayaad kallahaysaa magaaladii ayaad tegaysaa, sababna waad u tegaysaa oo aannu xoolihii aad raaci jirtay u cidlaynaynaa. Sababtaasi waa inaad waxbarato oo aad qayrkaa dhaafto. Yaanay dantaada ku dhaafin ciyaalka magaalada ee hooyadood iyo aabbahood la jooga waxna aanay ka baylahsanayn. Hooyo maanta jacayl aan adiga kuu qabo dartii ayaan maanta caruurteenna kale ee tobanka dhaaftay kaaga doortay. Aabbahaa Warsame ayuu markii hore u talogalay inuu diro balse aniga ayaa ka diiday oo adiga ku doortay, waana rejo iyo kalsooni aan kugu qabo kalsoonidaydaas hooyo ha ka dhigin hal bacaad lagu lisay oo saani wax u baro, eeddadaa oo magaalada laguugu geynayana maqal, addeec oo u adeeg. Haddii aad maqli waydo ama ku dhego-adkaato anigaad igu dhego adkaatay. Guulle ha ku guuleeyo oo ha ku nabadgeliyo. Hooyo ee wax naga farxiya mooyee wax kale yaanay dhegahayagu maqlin."
Taladaasi iyadoo sideedii ah ayay maskaxdayda ugu jirtaa oo markii aan doono sidaan doono ugu celceshadaa oo u rakaataa sidii hormo weyn geel oo wiil-hoog heestii waraabka si macaan ugu luuqeeyay.
Xasuuso ayaan ku fogaadaye. Deegaanka aan ku dhashay ee aan ku barbaaray waa deegaanka noocaas ah. Deegaankaas bulshada ku dhaqani waa mid ku dhisan iska caabbin, dagaal, qas iyo qalalaase. Dagaalka duleed ee la dheehan karo ee ruuxa reer miyiga ahi ku jiro waxa ka badan dagaalka uu kula jiro dhammaan dareennada aadamuhu leeyahay, marka la reebo cadhada. Haddii aad reer miyiga eegto oo geeljiruhu ugu mudanyahay waxa dhaqankooda meel weyn kaga jira oo ay kamid tahay, ma ooyi kartid, qosolka ma badsan kartid, dumarka agtooda lagugu ma arki karo, cabasho iyo calaacalka iyaga hadalkooda daa!
Dagaalka noocaas ahi waa mid hiil u ah xanuunnada nafsiga ah. Aamusiinta dareennada gaarka ah amaba la keliyoobidooda--inaad cid aad ku kalsoontahay oo aad ku bururta jiraa waa mid muhiim oo ay ku taliyaan culimada kasmonafeedku--taasina degaankan kaalin kuma laha, ma hadli kartid cid kaa hadlisaanna ma jirto, ugu dambaynna waxay keensanaysaa dhimasho aan la dhaadayn oo sibiq kugu disha.