Tuesday 19 May 2026
Iyada oo ay soo koobmayaan maalmaha ka hadhay muddo xileedka lagu muransan yahay ee Madaxweyneha Soomaaliya, waxa ay maanta Filla Soomaaliya soo saartay qoraal ay si rasmi ah ugu iclaamisay kulan wadatashi ah oo ay ugu yeedhay xubnaha Goleha Mustaqbalka, kaas oo 10ka Meey ka qabsoomi doona xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.
Ujeeddada kulankan ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayso wada-tashiyo uu Madaxweynuhu hore ula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta dalka, madaxdii hore, odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanka, waxana looga dan leeyahay in si daah-furaan ah looga wadahadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka horyaalla, gaar ahaan geedi-socodka dowlad-dhiska iyo arrimaha doorashooyinka, xoojinta midnimada iyo xaqiijinta jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay Filla Soomaaliya.
Martiqaadkan ayaa uu Madaxweyne Xasan ku soo beegay shan maalmood ka hor maalinta uu dhammaanayo muddo-xileedkii lagu doortay, 15-ka Meey, iyada oo ay xukuumaddiisu hore u sheegtay in dastuurka cusub ee ka dhashay beddeliddii muranka dhalisay ee lagu sameeyay uu hal sano oo dheeri ugu daray awoodda, taas oo ay si weyn ugu gacansaydheen mucaaridku.
Tallaabadan uu hadda qaaday ayaa u muuqata taaktiko uu maalmaha uu xilkiisu dhammaanayo ku moodsiinayo wadahadallo uu la yeesho mucaaridka si uu uga hortago rabshado suuragal ah oo ay mucaaridku ka abaabulaan Muqdisho, iyo cadaadis kaga iman kara beesha caalamka.