Wednesday 12 August 2026
Maraykanku waxa uu isku dayayaa inuu dib u dhiso xidhiidhada uu la lahaa dalalka Nayjar, Maali iyo Burkiina-Faaso, xilli Ruushkuna uu ballaadhinayo Unugga Afrika ee gobolka Saaxil ka hawlgala. Waa loollan kor u qaadaya halista amni ee gobolkan qalalaasaha badan, hodankana ku ah khayraadka.
Arrinkani waxa uu muujinayaa isbeddel qotodheer oo ku yimi qaabkiii Maraykanku ula dhaqmayay saddexda dal ee uu hoggaanka millatari hoggaamiyo. Dalalkani waxa ay ka xidhiidh furteen Faransiiska, waxaanay xidhiidhka u jareen saaxiibbo dhawr ah oo reer Galbeed. Waxa kale oo ay ku midaysmeen dallad-goboleed cusub oo la magacbaxday Isbahaysiga Dalalka Saaxil.
Sannado dhawr ah siyaasadda Maraykan ee gobolkan waxa saamaynayay cadaadisyada codsanayey in si dimuqraaddi ah xilalka lagula kala wareego, ka dib afgambiyo ka dhacay Maali, Buurkina-Faaso iyo Nayjar sannadihii u dhexeeyey 2020 iyo 2023. Hase ahaatee, xilligan Donald Trump, Waashinton waxa ay muhiimadda siinaysaa iskaashiga amni, la dagaallanka argagixisada iyo danaha dhaqaale. Nick Checker oo ah masuul sare oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykan, ayaa dhawaan booqday Bamako, isagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maali, Cabdullaahi Diop.
Booqashada ka hor, Xafiisku waxa uu warsaxaafadeed ku caddeeyey in Maraykanku uu rabo “jeexidda jid cusub” oo ah xidhiidhada uu la leeyahay Maali, waxaanu xaqiijiyey mudnaanta madaxbannaanida dalka. Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in Maraykanku uu doorbidayo inuu wadahadal la sameeyo dalal ku yaalla gobolka, oo ay ku jiraan Burkina-Faaso iyo Nayjar, oo laga wadahadlo “danaha nabadgalyo iyo dhaqaale ee la wadaago”. Waa tallaabo muujinaysa, sida aanay Waashinton mudnaanta koowaad u siinayn faylka dimuqraaddiyadda kolka ay joogto la macaamilka dalalkan, oo ay u aragto saaxad uu ka jiro loollan nabadgalyo, socdaal, macdano iyo awood-ballaadhsi.
Bishii Maaris, Maraykanku waxa uu ku dhawaaday inuu Maali la gaadho heshiis ah dib u bilaabidda hawlgalladii sirdoon, oo uu ku jiro qodobka ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayni kor duulaan dhulka Maali, si ay ugu kuurgalaan dhaqdhaqaaqa kooxaha jihaadiga ah ee xidhiidhka la leh Al-Qaacida. Tallaabadani waxa ay timi ka dib markii Maraykanku go’aamiyey in cunaqabataynta laga qaado saddex masuul oo Maali ah, oo hore loo bartilmaameedsaday sababo la xidhiidha inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Ruushka ee Wagner awgood.
Arrinkani waxa uu Maraykanka uga dhiganyahay isbeddel weyn. Ka dib afgambigii 2023 ka dhacay Nayjar, Maraykanku waxa uu waayay saldhig diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayni ay ka duulaan, waxaanay kala xidhiidh furmeen hoggaanka millatari ee talada la wareegay.
Maali, Burkiina-Faaso iyo Nayjar waxa ay si muuqata ugu janjeedhsameen dhinaca Ruushka, laga soo bilaabo kolkii ay xidhiidhka u jareen Faransiiska iyo saaxiibbada kale ee Galbeedka. Dhanka kale, Ruushka laftiisu waxa uu dib u habayn ku sameeyey joogitaankiisa gobolka, isagoo dardar geliyey Unugga Afrika. Hore waxa u xoogganaa kooxda Wagner, ha yeeshee, sida ay Wakaaladda Associated Press tibaaxday, Wagner waxa ay 2025 shaacisay inay ka baxday Maali, tallaabadan oo muujinaysa in ciidamadii calooshood-u-shaqaystayaasha loo arkayey uu beddelay joogitaan millatari oo rasmi ah oo Ruushku leeyahay.
Waxa kale oo uu Ruushku ballanqaaday kaalmo millatari oo uu siinayo dalalka gobolka ee ku midaysan Dallada Saaxil, kaalmadaas oo ay ku jirto la dagaallanka kooxaha argagixisadu. Laga soo bilaabo 2012, Maali waxa ay dagaal kula jirtaa kooxaha jihaadiga ah, waxaanu noqday dagaal ku fiday xuduudda Nayjar iyo Burkiina-Faaso. Waa dagaal sababsaday dhimashada kumanaan, barakiciyey malaayiin, oo wiiqay awoodda dawladda.
Wakaaladda AFP waxa ay dhawaan xustay dilka 15 darawal oo qayb ka ah weerar lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo waday shidaal gudaha Maali. Weerarkani waxa uu qayb ka yahay cadaadis xooggan oo uu wado ururka Nusratul Islaam, oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Waa cadaadis ururkani ku bartilmaameedsado jidadka iskuxidh, ahna cadaadis uu ku wado dhaqaalaha Maali.
Diblumaasi Safaaradda Maraykanka ee Bamako ka tirsan, magaciisana qariyey, ayaa Wakaaladda AFP u sheegay in: “Maraykanku u kuurgalayo sida xaalka jihaadiyiinta gobolku uu ku dambeeyo”. Diblumaasi Maali ah, oo ka hadlayey ergaygii Maraykanka ahaa ee Maali bookhday ayaa yidhi: “Waxa uu u yimi in uu soo bandhigo adeegyo la siinayo dalalka gobolka Saaxil, si uu u ogaado shuruudaha ku xidhan in Maraykanku ka qayb qaato dagaalka Islaamiyiinta lagula jiro”.
Ruushka laftiisa ayaa ka faa’idaysanaya xaaladaha amni ee kasii daraya, isagoo isu muujinaya saaxiib in ka badan Galbeedka kalsooni la siin karo. Ka dib weerarkii ka dhacay madaarka caasimadda Nayjar, Niamey, bishii Jeenaweri, Ruushku waxa uu sheegay in ciidamadiisa oo kaashanaya kuwa Nayjar ay ka hortageen weerarka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa bayaan ku sheegtay in “Unugga Afrika ee taabacsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ciidamada qaran ee Nayjar ay si wadajir ah uga hortageen weerarka, halkaasna ku dileen ku dhawaad 20 dagaalyahan, sidoo kalena la wareegeen hubkoodii”.
Bayaanka waxa lagu daray in “Ruushku uu joogtayn doono ka qaybqaadashadiisa toolmoon ee xoojinta nabadgalyada, oo ay ka mid tahay bixinta taageero lagu rabo kor u qaadidda u diyaarsanaanta xaaladaha dagaal ee ciidama qaran, iyadoo la tababbarayo ciidamo iyo saraakiil”.
Maali waxa ay ka mid tahay hormuudka dalalka soo saara dahabka, waxaanay mudnaan kusii korodhsanaysaa soo saaridda lithium-ka. Nayjar lafteedu waxa ay leedahay kaydad badan oo yuraaniyam ah, halka Burkiina-Faaso ku jirto dalalka Galbeedka Afrika ugu horreeya soosaarista dahabka.
Khayraadkani waxa ay soo jiitaan danayn dheeraad ah iyo in awoodaha caalamiga ah ku loollamaan gaadhidda macdanahaas lagama maarmaanka u ah tamarta, difaaca, tiknoolajiyadda iyo warshadaha. Hase yeeshee, Maraykanku waxa uu dhib kala kulmayaa iskudheellitirka; la shaqaynta hoggaanada millatari waxa uu awood u siinayaa jid uu dib ugu laabto dalalka Saaxil, hase ahaatee, waa tallaabo wiiqaysa farriintiisa la xidhiidha dimuqraaddiyadda iyo xuquuqul iinsaanka. Massad Boulos, oo ah Lataliye Sare oo Trump oo arrimaha Carabta iyo Afrika ah, waxa uu wargeyska Le Monde u sheegay in dimuqraaddiyada la tixgalinayo, se aanay shardi aasaasi ah u ahayn xidhiidhada.
Mawqifkani waxa uu dhaliyey dhaliilo. Reed Brody, oo ka mid ah qareennada madaxweynihii Nayjar ee la afgambiyey Maxamed Baasuum, ayaa waraysi uu DW siiyey ku yidhi: “Nasiibdarro, maamulka Trump danayn ma siinayo dimuqraadiyadda ama xuquuqda aadamaha”. Laga soo bilaabo afgambigii 2023 ilaa hadda, Baasuum waxa uu ku xidhan yahay Nayjar.
Ulf Laessing, oo ah Agaasimaha Barnaamijka Saaxil ee ururka Konrad Adenauer, ayaa waraysi uu DW siiyey ku yidhi: “Waxa cad in Maraykanku aanay mudnaan siinayn dimuqraadiyadda gobolka Saaxil. Waxa ay qaateen mabda’a dheefta ku dhisan”.
Xukuumadaha Saaxil isbeddelkani waa mid fursad siinaya inay awood xooggan oo wadahadallo ah helaan. Waxa ay heshiiska kula jiri karaan Ruushka, waxaanay wadahadal la furi karaan Maraykanka, iyagoo iska diidaya cadaadiska Faransiiska, gudaha dalalkoodana iska dhigaan dalal madaxbannaanidooda difaacaya. Millatari ahaan, Faransiisku waa uu ka baxay Maali, Burkiina-Faaso iyo Nayjar, dhawaanna Burkiina-Faaso waxa ay xidhiidhka u jartay Faransiiska. Weli waxa gobolka jooga dalal kale oo Yurubiyaan oo ka wada barnaamijyo horumarineed, ha yeeshee, saamayntoodii siyaasadeed waa ay yaraatay ilaa xad.
Ruushku waxa uu dalalkan siiyaa kaalmo nabadgalyo, Maraykankuna waxa uu doorkan tijaabinaya inuu dib isu qaabayn dheef ku salaysan. Yurub waxa ay luminaysaa saamaynteedii. Dalalka saddexda ah ee Maali, Nayjar iyo Burkiina-Faasona waxa ay ka faa’idaysanayaan loollankaas, si ay doorashooyinkooda u badsadaan.