Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Loollanka Madaxtinimada Midawga Afrika

25 November, 2024
Image
Candidates
Share

Tartanka guddoomiyaha Koomishaneerka Midawga Afrika ayaa ka kooban afar murashax oo ka soo jeeda dawladaha Bariga Afrika kuwaas oo kala ah: Rayla Odhinga oo kiiniya ka socda, Maxamed Cali Yuusuf oo Jabuuti metelaya, Anil Gayaan, iyo Raytashaarad oo ka kala socda madagaskar iyo Moriishas. Odhinga iyo Yuusuf waxa lagu tilmaamaa labada murashax ee ugu cadcad murashaxiinta uguna dhaw in ay ku guulaystaan, waxaana loo badinayaa midkood in uu noqon doono madaxa Koomishaneerka afarta sannadood ee soo socda, iyada oo muddada xil haynta hal mar uun la cusboonaysiin karo.  Doorashooyinka oo dhici doona inta lagu gudo jiro shir madaxeedka soo socda oo ah bisha Feebarwari 2025 ayaa laga dhex arki doonaa saameynta dalalka murashaxiinta ee midawga dhexdiisa oo ay xubin ka yihiin 54 dawladood, murashaxu, si uu u guulaysto wareegga koowaad waxa uu u baahanyahay kala badh codadka xubnaha, halka uu wareegga labaad u baahanyahay aqlabiyadda dawladaha xubnaha ka ah midawga.


Afar Murashax

Guddida doorashada ayaa 6-dii Ogos soo gabogabaysay codsiyada murashaxiinta rasmiga ah ee ku saabsan doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo afar ka mid ah lixda guddoomiye ama Koomishaneer, madaxweynuhu waxa uu ka iman doonaa Bariga Afrika, waa sida uu dhigayo nidaamka wareegtada ee la dhaqan geliyey tan iyo markii dib u habeynta lagu sameeyey midawga 2021, halka uu madaxweyne ku xigeenku ka iman doono gobolka Koonfurta Afrika. Murashaxiintu, waxa ay u tartamayaan lixdan mansab ee kala ah: Madaxweynaha koomishanka, ku xigeenka madaxweynaha, koomishaneerka horumarinta dhaqaalaha, dalxiiska, ganacsiga, warshadaha iyo macdanta, koomishaneerka beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga iyo cimillada joogtada ah, koomishaneerka caafimaadka, gargaarka bani’aadamka iyo horumarinta bulshada iyo koomishaneerka waxbarashada, sayniska, tiknoolayjiyada iyo curinta. Sida uu dhigayo xeerka koomishanku madaxweynaha koomishanka iyo ku xigeenkiisu jinsi ahaan waa in ay kala duwanaadaan. Haddii madaxweynuhu noqdo nin, madaxweyne xigeenkuna waa in uu noqdaa qof dumara sida kale na waa cagsiga.

Murashaxnimada booska madaxweynaha ayaa ku koobnaan doonta rag ka dib markii murashaxa Soomaaliyeed ee Foosiya Xaaji aadan ka hadhay tartanka, sidaas awgeed booska madaxweyne ku xigeenka waa in ay buuxisaa haweenay.

Madaxweynaha Koomishanka waxa lagu tilmaamaa in uu yahay madaxa fulinta iyo matalaha sharciga ah ee  Midawga isla markaana xukuma koomishanka. Waxa uu shirguddoomiyaa dhammaan kulannada iyo wada tashiyada koomishanka. Waxaanu qaadaa tallaabooyin lagu xoojinayo, hore na loogu socodsiinayo ujeeddooyinka iyo mabaadii’da midawga, xoojinta waxqabadkiisa iyo iskaashiga ururrada kale, sidoo kale waxa uu diyaariyaa miisaaniyadda iyo xisaabaadka iyadoo ay kala qayb qaataan guddida matalayaasha joogtada ah. Magacaabista shaqaalaha iyo tuur u ridashada masuuliyad buuxda oo la xidhiidha arrimaha maamulka iyo maalliyadda ayaa ka mid ah shaqooyinkiisa.

Muuse Faki oo u dhashay waddanka Chad ayaa xafiiska joogay tan iyo markii loo doortay 2017, isaga oo mar labaad ku guulaystay  sannadkii 2021. Waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa tan iyo goortii la qabtay doorashadii koowaad 2003 ka dib markii la unkay Midawga Afrika oo lagu beddelay Ururka Midnimada Afrika. Doorashooyinkani, waxa ay ku soo beegmeen xilli ay qaaradda ka jiraan loollamo doora oo hubaysayn, afganbiyo ciidan, dhibaatooyin bani’aadamnimo oo ka sii daraya. Madaxweynaha iman doonaa waa in uu riixo dib u hagaajin haayadeed oo loogu habaynayo midawga si loo kordhiyo waxtarka iyo hufnaanta haayadaha midawga. Sidoo kale, waa markii koowaad ee uu talada qabanayo madaxweyne ka socda Bariga Afrika waxa ay ka dhigantahay fursad weyn oo kor loogu qaadi karo arrimaha gobolka ka taagan gaar ahaan xaaladdaha amni, xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo arrimaha amni ee Moosanbiig, Soomaaliya iyo Suudaan.

Odhinga iyo Maxamuud Yuusuf

Rayla Odhinga, siyaasiga reer Kiiniya waxa lagu sheegaa in uu ka mid yahay murashixiinta ugu cad cad ee u taagan booska Madaxweynaha Koomishanka, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir, haddii uu ku guulaysto waxa uu noqon doonaa qofkii ugu da’da weynaa ee xilkan qabta. Odhinga, waxa uu leeyahay rikoodh siyaasadeed oo dheer. Waa mid ka mid ah siyaasiyiinta  Kiiniya ee ugu caansan labadii rubuc qarni ee u danbeeyey. Shan jeer ayuu u tartamay madaxtinimada Kiiniya isaga oo aan marna ku guulaysan, waxaanu Raysal wasaare noqday  2008 ilaa 2012, sidoo kale waxa uu taageero mugweyn ka haystaa mucaaradkiisii hore iyo madaxweynaha hadda Wiliyaam Ruuto oo tirsanaya in guushiisu ay ka caawin doonto dedaallada loogu jiro hoggaaminta dib u hagaajinta haayadeed ee Midawga taas oo uu hoggaankeeda hayey tan iyo shirweynihii hore ee bishii Febarwari 2024 isaga oo beddelay Pual Kagame Madaxweynaha Ruwaanda oo hawshan waday  ilaa iyo sannadkii 2016.

Waxaa isagu na tartan xoogan la yimid Yuusuf Maxamuud, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, waxaana suuragel ah in uu ku guulaysto mansabkan, Yuusuf, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay marashaxa keliya ee ka mid ah afarta murashax ee haya jago sare, halka tartamayaasha kale ay huwanyihiin sifo ah, mas’uuliyiin hore. Da’ ahaan waa 54 jir, waxaanu wasiirka arrimaha dibadda ahaa tan iyo sannadkii 2005, taageero aan xuduud lahayn ayuu ka haystaa Madaxweyne Cumar Geelle. 

Kolka la barbar dhigo labada murashax ee Odhinga iyo Yuusuf, jaaniska Anil Kumaarsinge marashaxa Moriishas iyo Rijaadh Randrimandru oo ah murashaxa Madagaskar waxa u muuqdaa mid hooseeya, halka labada hore ay samaynayaan dedaallo ay taageerayaan dawladahoodu si ay ugu guulaystaan codadka qaaradda, labada kale dhaqdhaqaaqoodu waxa uu u muuqda mid gaabinaya. Odhinga iyo Yuusuf qaababka ay ugu jiraan hanashada mansabyada ugu muhiimsan Midawga Afrika waa ay kala duwanyihiin, si la mid ah sida ay ugu kala duwanyihiin dawladaha la filayo in ay mid walba badhitaaraan. Midka koowaad(Odhinga) ayaa isu muujinaya in uu yahay mid ka mid ah garabka mideynta Afrika ama dhaqdhaqaa Pan-Africanism isaga oo sawiraya dhaxalkii aabbihii, hoggaamiyihii Afrika Jaramogi Oginga Odhinga.

Waxayna u badantahay Odhinga in uu taageero ka helayo dawladaha kala ah Tansaaniya, Yugaandha iyo iyo Koonfurta Suudaan kuwaas oo hoggaamiyayaashoodu ka soo qayb galeen xafladdii uu ku shaaciyey marashaxnimadiisa taas oo uu maalgeliyey Madaxweyne Ruuto. Xafladda, dhinacooda waxa ka soo qayb galay Raysal wasaaraha Burundi, Wasiiru dawlaha arrimaha dibedda ee Ruwaanda iyo shaqsiyaad Afrikaana oo caan ah.

Odhinga, si ka duwan inta tartanka kula jirta waxa uu muhiimad weyn siiyey warbaahinta iyo soo bandhigista barnaamijkiisa siyaasadeed isaga oo ku soo bandhigay munaasibad isla markaas na warbaahinta kula falanqeeyey Caasimadda Itoobbiya. Xafladda waxa uu kaga dhawaaqay barnaamijkiisa siyaasadeed bishan Nofember. Waxa kale oo la gaar yahay mshruuc weyn oo lagu daabacay boggiisa qaabilsan ololaha. Dhanka kale, shaqsiyada loollanka ugu adag la galaysaa waa Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu raacay hab kale oo uu xoogga ku saarayo hubinta codadka waddamada, waxaanu u muuqda mid aan daneyn u hayn warbaahinta si uu uga hadlo murashaxnimadiisa, mana qaban wax isu imaatin ah si la mid ah Odhinga. Dadka qaar waxa ay ku tilmaameen “Nin qabow” waxaana laga yaabaa sababtu in ay tahay codka oo ku kooban dawladaha xubnaha ka ah midawga la si la mid ah Midawga Yurub.

Indhaha Jabuuti iyo murashaxeedu marna kama ay jeedsan dhaqdhaqaaqa Odhinga. Halka ka hore uu safar ku gaala bixiyey, waddamada ka soo qayb galay ku dhawaaqistii murashaxnimada u danbaysay, waxaanu safar ku tagay Koonfur Suudaan balse, sida muuqata kuma uu guulaysan, iyada oo Madaxweynaha Yugaanda uu sheegay in uu si weyn u dhisi doono Odhinga iyo murashaxa Kiiniya. Halka Kiiniya ay jaanis fiican ka haysato bulshoweynta bariga Afrika (EAC), gobolka Koonfurta Afrika, iyo waddamada ku hadla luuqadda Ingiriisida, Jabuuti dhankeeda waxa ay jaanis wacan ka haysataa dawladaha Islaamka ee ka tirsan Ururka Carabka iyo Midawga Afrika oo dhan 27 waddan iyo sidoo kale waddamada ku hadla Faransiiska ee la isku yidhaa Frankfooni.

Rejada iyo waaqica dhabta ah

Odhinga iyo Yuusuf, dhanka aragtida iyo waxa ay rabaan in ay qaaradda ku soo kordhiyaan waxba kuma kala duwana mid walbana waxa uu hadal hayaa dib u habeyn haayadeed oo la xidhiidha  amniga, xasiloonida, saboolnimada, dhallinyarada iyo haweenka. Odhinga waxa uu xoogga saarayaa dhawr mawduuc oo ay ugu weynyihiin labo ciwaan oo kala ah: Dib u soo kicinta ganacsiga u dhexeeya dawladaha Afrika, isbeddel dhaqaale, madaxbannaani maaliyadeed, sinnaanta  iyo simidda labada jinsi iyo ka shaqaynta nabadda iyo amniga, isbeddel dhanka beeraha ah, isdhexgalka qaaradda iyo ka faa’iidaysiga awooddaha dhalliyarada.

Dhankiisa Maxamuud Yuusuf, waxa uu muhiimadda siiniyaa dhawr wax oo ay ka mid yihiin; horumarinta qorshyaasha fulinta tobanka sanno ee labaad higsiga Afrika 2063, xaqiijinta nabad iyo amniga guud ahaan qaaradda, Isdhexgalka dhanka horumarka, garab siinta hindisaha aamusiinta qoryaha, kordhinta iskaashiga urur goboleedyada iyo qaaradda, dhiirigellinta is dhexgalka u dhexeeya qorshayaasha horumarineed ee waddaniga ah iyo higsiga Afrika ee 2063, dhiirrigelinta aragtida Afrika ee wajahidda caqabbadaha isbeddelka cimillada iyo fidinta iskaashiga u dhexeeya ururrada iyo dawladaha waaweyn.

Ballanqaadyadaas aadka u badani ma xanbaarsana afkaar cusub, haayadaha Midawga Afrikana faro madhnaan kama joogaan barnjaamijyo iyo yoolal waxa se ka maqani waa hay’ado wax gal ah oo leh madaxbannaani iyo maalgelin waarta. Mushkiladda Midawga Afrika waxa ay ka soo burqanaysaa isla qaaradda qudheeda. Dawladaha qaaraddu marna ma aqbalin madaxbannaanida Koomishanka, waxayna qabaan cabasho la xidhiidha maamulka maaliyadda ee haayadaha midawga oo keentay in dalalku ku adkaystaan jiritaanka guddida matalaayasha joogtada ah (COREP) kuwaas oo si maalinle ah u maamula arrimaha midawga warbixinna u gudbiya golaha fulinta, iyaga oo ka garab shaqeeya Komishanka.

Caqabbadaha horyaalla Midawga, cilmibaadhe Xamdi Cabdiraxamaan, waxa uu ku soo koobayaa: caqabbado bayrogaraadiya (Xafiisyada), liidasho ama maqnaanshaha doonis siyaasadeed, maqnaanshaha madaxbannaani dhaqaale iyo kalsooni la’aan, isagaa ku tilmaamay Midawgu Afriki in uu yahay “golle fadhiid ah” isaga oo ku celcelinaya isla khibraddii Ururka Midnimada Afrika kaas oo ahaa naadiga dadka waaweyn.

Intaas waxa dheer, waxa jira guulo uu gaadhay Midawgu sida arrimaha nabadda iyo amniga laakiin haddana caqabbadaha la xidhiidha arrimaha qaaradda ayaa u baahan in wax laga qabto si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo higsiyada qaaradda. Felisiti Jaylo oo ka faallootay muhiimadda iyo doorka uu leeyahay Madaxweynaha Koomishanka ee soo socdaa waxa ay tidhi “marka la eego kor u kaca tartanka caalamiga ah iyo hoos u dhaca kaalmooyinka horumarinta, mugga istaraatiijiyadeed ee Midawgu waxa uu ku ekaan doonaa awoodda guddiga si ay u fuliso ballanqaadyadeedii in kasta oo ay xaddidan tahay “.