Friday 17 April 2026
Waxaa si xawli ah isku soo tarayay, mudadii uu socday dagaalka Iiraan, loollan xooggan iyo xusuldoob loogu jiray sidii loo indhosarcaadin lahaa bulshooyinka adduunka, iyadoo la abuurayo sheekooyin (Narratives) aan sal iyo baar toona laheyn, laakiin laga dhigayo kuwo ku qotoma xaqiiqooyin jirta oo ay tahay in la weeleeyo. Haddaba, sheekooyin degdegga loogu abuuro sidan waxa durbadiiba beeniya wakhtiga oo inta badan qofka u fiirsada sida ay wax-u-socdaan waxa uu ogaanayaa in aanay wax badani ka jirin waxan ay warbaahintu sheegeyso. Dhanka kale, waxaa laga yabaa in badan oo ka mid ah bulshooyinka u nugul sheekooyinkaasi in ay ka soo qaadaan mid xaqiiq ah oo ay si fudud u qaataan wararkaas ku tiri-ku-teenta ah.
Xilliga dagaallada waxa dhibbanaha koobaad noqota xaqiiqda, dib ayaana loo curiyaa xaqiiqo-beenaad lagu dhisayo danaha cidda markaa awooda leh ama loollanka ku jirta. Waxa aan ognahay dagaalkii ay Mareykanka iyo xulafadiisu ku qaadeen Ciraaq, sannadkii 2003-dii ee ku dhisanaa been si xeeladeysan loo falkiyey oo aheyd “Burburinta hubka wax gumaada ee Ciraaq” iyada oo loo gogolxaadhay muddo dheer sidii loo aamini lahaa sheekadaas. Laga soo bilaabo 2001-dii, markii weerarkii diyaaraddaha loo adeegsaday uu ka dhacay Manhattan, waxa uu George W. Bush xoog iyo xeelad isugu geeyey in uu gado sheeko ku saabsan “Isbaheysiga Sharka” oo ah waddamo ay ku jiraan Ciraaq, Kuuriyada Woqooyi iyo Iiraan, iyo dhanka kale, isaga ama iyaga oo ah “U idmanaha/yaasha ilaalinta samaha adduunka”. Sheekadii hubka wax gumaada ee Ciraaq waxa ay markiiba noqotay mid aan la sal iyo raadi lahayn, se lagu gaadhay yoolkii loo falkiyay.
Dhanka kale, waxa muuqanaysa in dagaalka 28-kii February bilowday uusan ku dhisneen sheeko sugan, waxa ay labada dhan ee dagaalka abaabulay, waa Maraykanka iyo Israa’iil e, si isbarbaryaac ah u abuurayaan sheeko isbedbedelaysa oo si fudud u beenooweysa, halka Iiran u muuqato inay sheekadeedu heleyso weeleyn iyo dheg-uraaracin, waxayna mar walba oo dagaalku sii socda ka dhigaysaa Iiraan mid sheekadeedu sugan tahay oo guuleysan karta.
Dagaallada casriga ah keliya laguma kala adkaado rasaasta iyo diyaaradaha, balse waxaa qaabeeya curinta sheeko u adeegaysa danaha waddankaas, sax ahaanteeduna daruuri maaha e waa in ay sheekadaasi suuq hesho oo ay ku qancaan malaayiinka ay khuseyso. Faafinta sheekada dagaalka waxaa kaalin laxaad leh ka qaadatay tiklinojiyadda oo suuq weyn u yeeshay faafitaankeeda. 7-dii October, 2023, weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’il waxaa ay warbaahinta Israa’il ka faafisay sheeko ah in 40 caruur ah madaxa laga jaray, waxay dhacdadaasi ina tusinaysay sida ay sheekadaasi uga faa’ideysteen Ciidanka Israa’il oo ay ugu gogolxaadheen gumaadkii ay u geysteen shacabka reer Gaza, muddo lix bilood ah ayay qaadatay in arrintaas la buriyo, sida uu wargeyska Faransiiska laga leeyahay Le Monde sheegay.
Bilowga dagaalka Iiraan lagu qaaday waxaa faafay xogo u badnaa war-saxaafadeed uu si toos ah u baahinayey Madaxweyneha Maraykanka, Donald Trump, waxana ay mid weliba ku saqiireysay baraha bulshada una horseedeysay falanqeyn maadeysi ah iyo ku jeesjeesid lagu wajahayay haddalada aan dhabta iyo xaqiida ku dhisneyn ee uu Trump jeediyey welina uu jeedinayo.
28 Febuary: Bilowgii waxa ay sheekada uu Trump sheegay ahayd in ay Iiraan awoodeedii dagaal oo dhan ay wiiqeen oo ay shacabku xor yihiin, “Waxaanu burburinay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan, .. waxaanu shacabka Mareykanka ka difaacaynay Iiraan”. Haddana, waxa ui, 22-kii March, sheegay haddal intaas hore oo dhan lid ku ah: “In Iiraan haysato 48 saac sidii ay marinbiyoodka Hormuz u furi laheyd, haddii kale Mareykanku uu burburinayo warshadaha tamarka iyo shidaalka oo ay k jiraan kuwa nukliyeerka” taasoo ka dhigan inuu burinayo hadalkii xamaasiga ahaa ee uu maalintii oo dagaalku bilowday sheegay, welina Iiraan haysato awoodeedii nukliyeerka, oo aanu Maraykanku guulo uga gaadhin, sidii uu sheegay.
1-dii March, waxay sheegadii dagaalka bilowga aheyd “Nukliyeerka ayaanu bur-burinay” noqotay “In hogaamiyeyaasha la laayo” ayuu ahaa ujeedka dagaalka taasoo ka dhigan in guul laga gaaray dagaalka, 13 March ayuu, haddana, yiri Trump: “Taliska Iiraan wuu hoobanaya, waxaa laga yaabaa inuusan degdeg ku dhicin, balse waa uu dumayaa” sida uu haddalkiisa maadda u yahay waxaad moodaysaaba in aad daawanaysid maadeysiga gole-ka-fuulka ah “Stand-up Comedy” oo bilaash ah.
20-kii March, wuxuu soo bandhigay inay Iiraan ka ganacsato shidaalka; “Kama soo horjeedo inay iibiyaan saliiddooda. Waxaan rabaa inay noqdaan waddan qani ah, laakiin uma oggolaan doonno inay lacagta u isticmaalaan argagixisada. Haddii ay furaan Marinbiyoodka Hormuz, way iibin karaan saliidooda ...” Waa isla sagii lahaa taliska argagixisada ayaanu burburinaynaa, haddana wuxuu u qirayaa si toos ah inay ganacsi sameyn karaan, oo aan weli la wiiqin!
Maalin weliba waxaa laga diiwaangaliyey Trump sheeko ka duwan middii uu maalmihii hore sheegay, taasoo ka marag kacaysa in aanu jirin qorshe istiraatiiji ah oo dhaafsiisan haddaladan isburinaya ee uu mar walba la hortaagan yahay warbaahinta, waxaana muuqata in, sidii looga bartay, hay’adaha qorsheeya dagaalada ee Mareykanku aanay wax hindisa ah ku laheyn ujeedka dagaalka ee mar walaba isbeddelaya ee uu ku eeg yahay aragtida shacbawiga ah ee ku dhisan waxa loo bixiyay Taraaambiyada – Trumpism.
Waxaa iyaguna sheeko-beenaada maalinlaha loo soo bandhigo ee dagaalka qayb weyn ka ah Israa’il oo khibrad weyn u leh sidii bulshada reer Galbeedka looga gadi lahaa in ay “dhibane” u yihiin Iiraan, aynna ku dhex noolyihiin bulsho iyo deegaan cadow u ah, waxayna loobiga Israa’iil ee Mareykanku odorasayaan in wacyiga bulshada Mareykanku uu kor u kacay, oo ay abuurantay mawjad looga soo horjeedo ururka ilaaliya danaha Israa’iil ee “AIPAC” oo ka dhexshaqeeya laamaha go’aan-gaarista Mareykanka. Waxa arrintaas xoojinaysa falcelinta togan ee ay heshay waraaqdii iscasilaadda ee uu qoray Joe Kent oo ahaa Maamulaha Xaruunta Heer Qaran ee La-dagaalanka Argagixisada - NCC, iyo ereyadii ka dhanka ahaa Israa’iil ee uu jeediyay kuwaas oo caddeen u ah in sanadaha soo socda aanu Mareykanku taageero indho la’ sii siin doonin Isaraa’iil ama ay hoos-u-dhacayso taageeradiisu.
Bilowgii dagaalka, waxaa labada garab ee dagaalka ka dhanka ah Iiraan bilaabay ay ka hadlayeen in “Iiraan ay sharuud la’aan isdhiibto – in la rido taliska.” Muddo kooban ka dibna waxa laga hadlayaa “in la xakameeyo suuqa adduunka – ka hortaga kororka saliidda adduunka – maya e, in Iiraan loo ogolaado ka ganacsiga saliidda” taasoo ka dhigan in ay sheekada Mareykanka iyo Israa’iil hagaastay, oo Iiraan oo laga dilay maqaawiirtii taliskeeda uu, haddana, weli hanaankii dawladnimo shaqaynaayo oo, weliba, markii loo taagwaayeyna laga dalbanayo inay si kumeelgaar ah ka ganacsan karto waxsoosaarkeeda tamarta.
Tehran waxay adeegsatay farsamooyinka ku dhisan garaadka macmalka ah - AI, oo waxay sheeko-beenaad muuqaal ah ka sameysay in ay qarxisay markabka qaada diyaaradaha ee USS Abraham Lincoln, taasoo beenowday markiiba, muuqaalka dhabta ahna wuxuu ahaa Markab quusayay oo dhacay sannadkii 2006-dii. In badan waxa macne-tirey sheekooyinka ay falkiyaan Mareykanka iyo Israa’il wiiqayna saameyntooda gudaha Iiraan waa maqnaanta Internetka oo laga jaray, halka muuqaalada ay curiso Iiraan ay toos u gaarayaan muwaadiniinta labadan waddan, taas oo shaki ku abuurtay dadkii taageersanaa dhaqdhaqaaqa MAGA ee Maraykanka oo isweydiinaya, waxa ay ka faa’ideyaan dagaalkan guuldarada ku socda!
Sidoo kale, waxaa barta X ku baahaya muuqaalo tirobeel ah oo laga dhigayo in Tel Aviv burburtay gabi ahaanba, waxaana saddexdii cisho ee ugu horeysay muuqaaladaas ka daawaday barta X oo kaliya in ka badan 21 milyan oo qof, ilaa iyo haddana si xawli ah ayey isku soo taraysaa curinta muuqaal-beenaadyadaas, waxaanna la dhihi karaa Iiraan wacdaro iyo awood qarsoon ayey la soo baxday dhanka abuuritaanka xogaha beenabuurka ah ee lagu muujinayo inay Iiraan aysan aheyn sidii la moodayey.
Dagaalku wuxuu saameyn taban ku yeeshay wadamada Carabta, gaar ahaan wadamada Khaliijka, kuwaas oo ay si toos ah Iiraan u weerartay saldhigyada milateri ee Mareykanku ku leeyahay wadamadaas. Waxay Iiraan bartilmaameedsatay xaruumo dawladeed, iyada oo isku tusinaysa inaysan weerar ku aheyn shacabka waddamada Khaliijka, haddana waxaa si xoogan u soo ifbaxday intii uu dagaalku uu socday in sheekada wadamadaasi aysan saameen ku dhex laheyn loollanka lafajabiska ah ee u dhexeeya ladada dhan ee dagaalamaaya.
Lacagta faraha badan ee ay wadamadaasi ku bixiyeen warbaahintu maysan noqon mid gilgisha aragtida adduunka, waxaana ugu wacan, iyadoo aysan jirin istiraatiijiyad mideysan oo warbaahineed oo wax ka goyn karta dagaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhex aloosan gobolka.
Kala duwanaanta sheekada warbaahinta Khaliijka, iyagoo hal dhacdo u gudbinaya dhawr qaab/sheeko oo kala duwan, ayaa wiiqaysa saameynta ay ku dhexyeelan laheyd gobolka iyo caalamkaba, waxayna loodin kari waayeen sheekooyinka ay sameynayaan Iiraan iyo Israa’iil ee u adeegeya danahooda gaarka.
Sheekada Iiraan waxaa saldhig u ah inay yihiin “dad dulman” oo laga gardaran yahay, ayna ku jiraan xaalad “Iska-caabbin” ah. Waxa ay dagaalkii 12-ka cisho iyo kan hadda socdaaba ka dhigeen waddan saameyn ku dhex leh suuqa curinta sheekooyinka iyo dacaayadaha, dagaalkan cusubna waxa ay ku wajahayaan oo ay ilaa iyo hadda iskacaabinayaan waddanka ugu xooggan adduunka oo dhan oo ah Mareykanka, haddana weli ismadhiibin oo iskacaabintii ayey ku jiraan, taasii waxay ka marag kacaysaa sida uu Mareykanku ugu sirmay awoodda Iiraaniyiinta oo waxa markii hore u muuqatay in si fudud lagu jabin karo taliska. Haddii uu imika istaago dagaalku waxaa guul gaaraya taliska Iiraan oo loo arkayo wadanka ugu xooggan gobolka mar hadii uu ka badbaaday gulufkii lagu soo qaaday ee ay sida xooggan isaga kaashadeen Maraykanka iyo Israa’iil.
Dagaalkan socda wuxuu toosh ku ifiyey in cududdu kaliya aysan ku filnayn helida libinta dagaalka, balse ay lagamaarmaan tahay inaad leedahay awood aad ku suuqgeysid sheekada u adeegaysa danahaaga jiritaan, baraha bulshaduna waxay xorriyad siiyeen in loo simanyahay suuqaas, farriimo lid isku ahna ay dhexmushaaxayaan, dadkuna ay si siman ula falgalayaan, waxaana meeshii ka baxday aragtida halka dhan ah ee wadamadu marin jireen warbaahintooda rasmiga ah. Si fudud ayuu muuqaal yar iskugu beddeli karaa mid bixiya sheeko macne yeelan karta oo burinaysa mid ay dal kale ku bixiyey malaayiin doollar.
Kuma filna kaliya inaad “saxan tahay” oo “xaq-ku-adimaysid” markaad arrin ka difaacaysid masraxyada adduunka, balse waxaa macne u yeelaya ama macne tiraya sida aad u tabinaysid sheekadaada, waxaa tusaale inoogu filan sida ay sheekada Israa’il uga dhex gadantay Mareykanka ee ay u noqotay mid muqaddas ah oo mudan in loo dagaalamo loona huro wax naf iyo maal.