Sunday 18 January 2026
Kaaral Maarkis, waxa uu male-awaalay in loollanka u dhexeeya dabaqadaha xoogsatada (shaqaaleha) iyo hantiileyaasha loo shaqeeyo, oo ay danahoodu iska soo horjeedaan, ay ugu dambeyn keeni doonaan in dabaqaduhu ay baaba’aan oo garbo siman la noqdo. Waa marka ay dabaqadda xoogsatadu ku baraarugto in ay dhacanyihiin, kaddib na ay kacdoon ku ridaan nidaamka kala-sarreynta ee hantida ku dhisan (hanti-goosad). Waa yoolka ay higsanayso aragtida ku dhisan ‘hanti-wadaagga’ iyo Shuuciyaddu. Waxa uu Maarkis aragtiyeynayaa dabaqado bulsho oo jira oo dhab ahaan col ah, xitaa haddii aanay ku baraarugsanayn, kana dhexeeyo loollan joogto ahi. Sida uu u dhugtay iyo qaabka uu u fasirayba, waa aragti dhab ah oo leh jiraal marag leh.
Aragtidani, marka la joogo bulshooyinka qabiiliga ah ee weliba, reer guuraaga ah, ma laha sal adag oo lagu taagi karo, waayo daqabadda qudha ee ka dhex jirtaa waa qabiilka oo ilaaliya dano jiray, welina jira, oo ka dhexeeya xubnaha qabiilka, si kaste oo ay dhaqaale ahaan u kala durugsan yihiin, iyada oo aan laga doodin ilaa heerka uu dabaqadowga dhaqaale kala durkinayo xubnaha bulshada qabiilka. In kaste oo aanay ahayn tusaale cilmiyeysan, haddana waa kaftan-dhable e, nin ka mid ah bahda caafimaadka oo dhaqaale ahaanna roon ayaa, maalin, waxa ku soo noqnoqday telefoon; waxa uu wayddiinayaa mag degdeg loo rabo oo ku saabsan nin sakhaarad ka soo dhacay oo uu dhaawac weyni soo gaadhay. Ninka dhaawacmay waxa uu ahaa xoogsatada dhismaha waxanu ka soo dhacay, sida aan gadaal ka ogaannay, dhisme uu maamulayay nin ay isku hayb yihiin mihnadlahan caafimaad. Kolkii uu telefoonkii ka dhammaaday oo uu noo sheegay arrinta magta iyo sheekada ninka dhaawacmay, ayaa uu nin kale oo nala joogay oo ilaaqayay wayddiiyay “Oo ma iskaashatada dhismaha ayaa aad ku biirtay?” Waxa ay noqotay su’aal kaftan ah, oo fudud haddana in nuxurkeeda la isla fahmaa ay xogaa waqti ah qaadatay. Ogobey, jawaabtu waxa ay noqotay “Maya e, waxa aan ku jiraa iskaashatada tolka”.
Iskaashatada tolku waa dabaqad aan doorasho ahayn oo ay si dhiig-wadaag ah ugu jiraan xubnaha qabiilka oo dhami. Duruufaha nololeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ay ku sameysanto ama ay asalka ku leedahay, tolnimada qabiilku waa nidaamka ugu habboon ugu na waxtar badan ee wada-jirka iyo iskaashiga bulshada; waxa uu ku habboon yahay bulsho dhisme ahaan fudud, dan ahaan kooban, daruuf ahaanna ay khataro badani ku meersan yihiin oo u baahan xidhiidh caaddifadeed oo xooggan – hilbodirir si ay u sii tamariyaan. Waa nidaam dabiici ah oo ay bulshooyinka qabiiliga ahi ay, in badan, ku soo samatabaxeen. Sidaas oo ay tahay, waxa uu nidaamka qabiilku ku suntan yahay ‘dan yaraan’ waana danta uu ku filan yahay. Ha se ahaato e, bulshooyinka magaalooyinka waaweyn iyo bulshooyinka warshadeed waxa ay yeeshaan dabaqado aad u kala tagsan dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, waana marxaladda ay bulshadu u kala baydhayso dabaqad xoogsato ah iyo dabaqad, iyadu, leh raasamaalka oo loo shaqeeyo.
Xaaladdan ayaa ay muuqdaan dabaqadaha la daraaseeyo, kala danta ah ee loollanku ka dhexeeyo, xitaa haddii aanay dareensanayn, waana sababta ay dadku ugu kala miirmi karaan iskaashatooyin isku ‘dan’ iyo ‘xirfad’ ah oo yeelan kara qaabab adag oo ay ku difaacdaan danahooda iyo xuquuqdooda. Runtii, hannaanka qabiiliga ah, laftiisa, waa laga soo heli karaa xaalado kooban oo ay xirfadaha iyo shaqadu sameeyeen koox daneed is sheegata, ha se ahaato e, waxa ay dantaas lafteedu isu beddeshay tolnimo qabiil oo leh astaamaha aan ku tilmaannay tolnimada qabiil ee dhiigga ah.
Haddaba, dabaqadaha dhaqaale iyo tolnimada qabiil ma wada jiri karaan?
Dunida oo dhan meelo badan oo ka mid ah ayaa ay ka jiraan bulshooyin qabiili ah iyo magaalooyin waaweyn oo leh dhaqannadii bulsho warshadeed. Haddana, isqaadashada labada nidaam waxa ay ku shaqeeyaan kala tun roonaanta. Haddii uu dhaqanka bulshada warshadeed xooggan yahay, isaga ayaa noqda astaanta guud ee bulshada, nidaamka qabiilka ee laga awood badan yahayna waxa uu noqdaa tilmaanta bulsho kooban oo qayb ka ah dal leh dawlad u adeegta, isla markaana maamusha, bulsho dabaqado ah oo warshadeed. Goobaha ay bulshada qabiiliga ahi kaga nooshahay dalkaasi, sida badan, waa goobaha ugu dib-dhacsan oo danaha nololeed ee ka jiraa ay, badanaa, ku sar go’an yihiin danaha kooban ee bulshada qabiiliga ahi ku baraarugsan tahay.
Haddii gibilka guud ee bulshada dalku uu yahay mid ku dhisan nidaamka tolnimada qabiil, waxa ku adkaata in ay dhisaan dawlad (nidaamka maamul ee bulshooyin kala duwan heerka gudban ee dabaqadeed iyo heerka joogga ee haybta isir – horizontally and vertically). Dhab ahaan bulshadaas, qabiilka ayaa u dawlad ah oo u buuxiya in badan oo ka mid ah baahiyaha nidaamsanaanta ee ay ku baraarugsan yihiin. Taariikhda marka gadaal loo raaco, bulshooyinka ku dhisan tolalka qabiil waxa ay awoodaan duminta dawladaha iyo ilbaxnimooyinka, uma se suubbana in ay mid curiyaan, haddii aanay, iyagu, isbeddelin dhaqan ahaan iyo dhisme ahaanba.
Haddaba, waxii ka dambeeyay gumeysigii baahsanaa ee Reer Yurub, iyo dagaalladii waaweynaa ee dunida, waxa abuurmay sansaan caalami ah oo ku dhisan in dunida oo dhami ay dawladowdo, iyada oo aragtida dawladdaasi ay tahay middii ka hanaqaadday meelaha ay ku xooggan yihiin bulshooyinka leh dabaqadaha adag iyo warshadaha. Arrintaasi waxa ay keentay in bulshooyin badan oo si xooggan ugu dhisan nidaamka qabiilka, oo ay gumeysteen dawladihii doolka ahaa, ay isku dayaan in ay hantaan dawladnimadii gumeysiga ku timid, iyaga oo aan dhaqan ahaan iyo dhisme ahaan midna u diyaarsanayn. Waa ay jileen dawladdii, iyaga oo ku nool duruufihii dawlad la’aanta ee qabiilka oo dhan, waxana ka dhalatay; waxa uu Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) u bixiyay “Dawlad dawlad la’aaneed” oo ah hadoodil dawladeed oo ay gudihiisa ka socdaan nidaamyadii tolalka iyo shuruudihii nololeed ee ku lammaanaa oo dhan. Waxa loogu yeedhay dawladnimada casriga ahi waxa ay ka dhalatay, kuna dhisan tahay bulshooyinka u sameysan dabaqadaha dhaqaale, waxana ay maareysaa loollanka dabaqadahaas bulsho. Ha se ahaato e, Nidaamka dawladnimo ee u hadoodilan bulshooyinka qabiil, oo tusaaleyaasha ugu cad ay ka mid yihiin kuwa Soomaalidu, ma laha dabaqado dhaqaale oo dhismay oo loollama. Taas beddelkeeda waxa uu leeyahay tolal loollama, loollanka tolalkana waxa lagu maareyn jiray nidaamka qabiilka. Sidaa awgeed, waa dawladnimo ku dhisan sababihii dawlad la’aanta.
Waxa, haddaba, wayddiin ah; dawladnimada lafteedu ma u rogi kartaa bulsho ku dhisan nidaam qabiil mid ku dhisan dabaqado dhaqaale iyo bulsho ku dhisan xidhiidho dhaafsan kuwa dhiigga? Sida ay ila tahay, dawladnimada casriga ahi, iyada oo ku xidhan sida loo maamulo, iyo adkeysiga ay u yeelato sababaha dawlad la’aanta ee ku lammaan qabiilka, waxa ay dedejin kartaa in ay bulsho qabiileed isu beddesho bulsho reer magaal oo leh dabaqado bulsho oo gudub ahaan u kala sarreeya una loollama. Ha se ahaato e, xilliyada kala-guurka waxa, iyana, suuragal ah in ay bilowdaan loollanno dabaqadeed oo ku dhisan raasamaalka iyo suuqa hantigoosadka, ha se ahaato e, waxa ay u badan tahay in loollankan dabaqadeed lagu maareeyo nidaamkii tolalka oo nuxur ahaan burinaya shuruudaha uu ku dhisan yahay loollanka dabaqadaha dhaqaale. Waa mid la mid ah in arrimaha tolalka lagu maareeyo nidaamka dawladnimada ee hadda oo ay nuxur ahaan isdiiddan yihiin. Soomaalidu waxa ay, hadda, maraysaa marxaladdaas kala-guurka u eeg oo isugu jirta ‘dawlad dawlad la’aaneed’ iyo dabaqado dhaqaale oo sameysmaya se lagu maareynayo nidaamkii tolalka oo, in badan, ay hantigoosadku ku daneystaan.