Monday 20 April 2026
Xilli indhaha dunidu ku jeedaan dhibaatooyinka ka taagan Bariga Dhexe, Geeska Afrikana waxa ka jirta dhibaato aan ka halis yarayn ta Bariga Dhexe, walow tebinta warbaahinta caalamiga ahi ka sii jeeddo. Ku dhawaad laba sanno ayaa laga joogaa Heshiiskii Biritooriya ee ay kala saxeexdeen Dawladda Federaalka Itoobbiya iyo TPLF, ujeedkiisuna ahaa in lagu soo afjaro dagaalkii dhiigga badani ku daatay ee deegaanka Tigrayga. Laakiin, hadda, waxa muuqda ifafaalaha ah in heshiiskaasi hal bacaad lagu lisay noqdo, ballanqaadyadii nabadduna isku beddelayaan loollan siyaasadeed oo hor leh, oo gundhiggiisu yahay isku maandhaafka wadahadallada iyo damaca Itoobbiya ee marinka badda.
Burburka luuqadaya ee ku socda Heshiiskii Biritooriya waxa uu meesha ka saaray deggenaanshihii la saadaalinayey; waxaanu albaab cusub u furay isbahaysiyo cusub, dib u soo cusboonaanta ismaandhaafka iyo soo ifbaxa kala qaybsanaan hor leh. Waxa dib u soo cusboonaaday khilaafkii Addis Ababa iyo Asmara oo salka ku haya khilaafka xuduudda iyo ku loollanka cidda awoodda gobolka yeelanaysa. Xaaladdan cakiran oo jirta, deegaankii Tigraygu waxa uu galay hubanti la’aan siyaasadeed; oo nabaddii la rabay lama helin, hoggaankii deegaanka dagaalka geliyeyna waxa ay u kala jabeen dhinacyo, kala qaybsanaantooda gudeed awgeed.
Heshiiska Biritooriya ee la saxeexay bishii Noofambar ee 2022-kii, waxa lagu tilmaamay hindise siyaasadeed oo lagu soo afjaray dagaalkii ba’naa ee labada sanno socday, waxaana abuurantay rejo laga qabay xallinta khilaafka siyaasadeed iyo in deegaanku ku soo laabto noloshii dabiiciga ahayd. Nasiibdarro, waxa markiiba caqabad la kulmay fulinta qodobbada heshiiska; hawlgalka hub ka dhigista ciidamada Tigrayga, bixitaanka ciidamada Eretariya iyo xal ka gaadhidda gobollada la isku haysto dhammaantood waa qodobbo aan fulin, walow ay warqadda heshiiska ku qornaayeen. Waxa kale oo aan horumar la taaban karo laga samayn faylasha caddaaladda, wadahadallo qotodheer iyo dib u dejinta barakacayaal milyan ka badan oo teendhooyinka qaxoontiga weli ku sugan, cuntaduna suququl ku tahay.
Walow uu Midawga Afrika korjoogtaynayey heshiiska, haddana guddida loo xilsaaray may lahayn awoodda fulinta qodobbadan, dhinaca kalena, beesha caalamka, oo uu Maraykanku ugu horreeyo, waxa ay ka gaabiyeen in ay dhinacyada cadaadis ku saaraan fulinta qodobbada heshiiska. Waa waxa sababay in dhinac kastaa doorto qaybta (heshiiska) ee ay dantu ugu jirto, waxaana wiiqantay kalsoonidii, meeshana waxa ka baxay isla xisaabtankii.
Xaaladda cakiran waxa sii labajibbaaray go’aankii Guddiga Doorashooyinka ee Itoobbiya ee ay aqoonsiga kala noqdeen xisbiga TPLF, waxaanu noqday go’aan dhirbaaxo ku ah dhinacyadii dedaalka ugu jiray wadahadallo siyaasadeed. Kala tagsanaanta ballanqaadyadii Biritooriya iyo waaqaca dhabta ah ee la waajahay dagaalka dabadii. Waxa burburtay himiladii ahayd in deegaanka Tigraygu dhibta ka bixi doono, himiladaas na booskeeda waxa buuxiyey niyadjab.
Iyada oo aan heshiiskii yeelan midhodhal, waxa sidoo kale wiiqantay sharcinnimadii TPLF oo khilaaf gudeed hadheeyey. Xisbigan oo sannaddo badan fagaaraha siyaasadeed ee deegaanka hoggaaminayey, dadkii deegaanku waxa ay bilaabeen in ay ku tuhmaan tayadiisa, waxaanay ka keeneen wayddiimo ku saabsan metelaaddiisa. Waxa dhaliilo la kulmay hoggaanka xisbiga, saluugga soo ifbaxayna waxa uu wiiqay in aragti midaysan lagu galo wadahadalka lagu la jiro xukuumadda Federaalka. Khilaafka gudeed waxa uu bannaanka u soo baxay kolkii “maamulka ku meelgaadh ah” loo sameeyey deegaanka Tigrayga, waxaana loollan ka dhex qarxay dhinacyada xisbiga, arrinkan oo sababay in ay dib u dhacaan qodobbo lagu ballansanaa. Bishii Ogos ee 2024-kii, Debretsion Gebremichael ayaa ku baaqay in la qabto shirkii 14aad ee TPLF iyada oo aan aqoonsi laga haysan Guddiga Doorashooyinka ee Itoobbiya, se waxa shirkaas qaaddacay Getachew Reda, oo ay la jiraan xubno kale oo muhiim ahi.
Garabka Getachew Reda oo dib u habayn ku baaqay, waxa uu taageero ka helay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo qurbojoogta Tigrayga, waxaanu ku dedaalay in isbeddel lagu sameeyo kootada TPLF ee soo jireenka ah, hase ahaatee, olole garabka kale qorsheeyey ayaa kooxdan lagaga saaray xisbiga, waxaana sii labajibbaarmay deggenaansho la’aanta gudaha xisbiga iyo maamulka ku meelgaadhka ah.
Loollanku kuma koobnaan xubnaha is haya, ee si guud waxa u abuurmay laba aragtiyood oo kala istiraatiijiyad ah: garab raba in la baabi’iyo kootaysiga dawlad-deegaanka iyo dib ugu laabashada xidhiidhka Federaalka, iyo garab taageersan habkii soojireenka ahaa ee xisbiga. Garabka hubaysan ee TPLF laftiisa waxa soo dhexgashay kala qaybsanaan, oo Getachew Reda waxa uu la saftay Jeneraal Tsadkan Gebretensae, oo ku baaqay fidinta xukunka iyo ka qaybgelinta dhinacyada. Dedaalladii dhexdhexaadintu waa ay guuldarraysteen, bishii Abriil ee 2025-kiina, garabka Debretsion Gebremicheal, oo ay taageerayaan xubno kale oo milatari ahi, waxa u suurogalay in ay qabsadaan maamulkii ku meelgaadhka ahaa, tallaabadan oo dadka ka soo horjeedaa u arkeen afgambi qarsoon.
Getachew iyo kooxdii taageersanaydba waxa ay u baxsadeen Addis Ababa, waxyar kaddib na waxa soo baxay warbixinno sheegaya in ay dhaqdhaqaaq hubaysan ka wadaan deegaanka Canfarta, oo awoodo kalena dabada ka riixayaan. Labada dhinacba waxa ay iswaydaarsadeen dhaliilo; Debretsion waxa uu Getachew ku canbaareeyey in uu TPFL kala jabinayo, halka Getachew-na uu Debretsion ku dhaliilay in uu Eretariya la shaqaysto.
Abiy Axmed, waxa uu Getachew Reda u magacaabay La Taliyaha Arrimaha Bariga Afrika, Jeneraal Tadesse Werede-na waxa uu madaxweyne ku meelgaadh ah uga dhigay deegaanka Tigrayga, isagoo isku dayay in uu xakameeyo khilaafka sii baahaya. Laakiin, kala qaybsanaantii waa ay sii socotay, garabkii Getachew-na waxa ay shaaciyeen xisbi cusub, bishii Juun 2025-kii, oo ay u bixiyeen “Isbahaysiga Dimuqraaddiga ah ee Tigreega”, xisbigooduna waxa uu markiiba aqoonsi hordhac ah ka helay Guddiga Doorashooyinka. Kala qaybsanaanta ka sokow, waxa TPLF cambaar ku noqday musuqmaasuq gudaha deegaanka ah, oo ay ka mid tahay shabakad tahriibisa dahabka deegaanka. Xilligan oo uu xidhiidhka Itoobbiya iyo Eretariya cakiranyahay, deegaanka Tigreegu waxa uu la daalaadhacayaa kala qaybsanaan gudeed iyo qalalaasaha gobolka si guud uga taagan oo isbiirsaday.
Abiy Axmed waxa uu shaaciyey bishii Aktoobar ee 2023-kii, in helitaanka Itoobbiya ay hesho marin badeed oo toos ahi lagama maarmaan u yahay jiritaankeeda. Bishii koowaad ee 2024, Itoobbiya waxa ay isafgarad la saxeexatay Soomaalilaan, kaas oo dhigayey in Soomaalilaan ay Itoobbiya siiso marin ay badda u marto, dhankeedana ku beddelato aqoonsi buuxa. Is afgaradkani waxa uu dhaliyey walaac dalalka gobolka ah; Soomaaliya ayaa marka koowaadba u aragtay in Itoobbiya meel kaga dhacday madaxbannaanideeda dhuleed, dalalka kale ee Eretariya, Masar iyo Jabbuuti ayaa sidoo kale ku gacansaydhay isafgaradkaas, Sacuudigana waxa lagu qabtay shir degdeg ah, waxaana ka soo baxay bayaan lagu sheegay in la ilaaliyo madaxbannaanida dalalka, waxa se uu ahaa bayaan si maldahan ula hadlayey Itoobbiya.
Walow dhexdhexaadintii Turkigu ay dejisay khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobbiya, haddana Addis Ababa kamay laaban aragtideeda badda ku saabsan. Kaddib markii khilaafkii Eretariya iyo Itoobbiya soo labakacleeyey, labada dalba waxa ay iswaydaarsadeen tuhunno ah faragelin iyo xadgudub. Damaca Itoobbiya waa mid garabsocda istiraatiijiyadda Imaaraadku ka leeyahay Badda Cas, oo waxa ay u muuqataa in Itoobbiya noqotay garab cusub oo hirgelin kara ismeelaynta cusub ee Imaaraadka, kaddib markii Imaaraadku ku hungoobay saldhigashada Jabbuuti iyo Eretariya. Khilaafkan cusub ee Eretariya iyo Itoobbiya u dhexeeya, waxa doorkan udubdhexaad u ah magaalada Casab, halka ay Badme udubdhexaadka ugu ahayd dagaalkii hore ee labada dal dhexmaray.
Markii uu Abiy Axmed xilka qabtay 2018-kii, waxa uu si lama filaan ah heshiis dalalka Khaliijku dhexdhexaadinayeen ula gaadhay Eretariya, heshiiskaas iyo tanaasulkaasna waxa uu ku mutaystay abaalmarinta Noobasha ee Nabadda. Laakiin is af garadkaasi waxa uu u muuqdaa mid taatiko, oo uu kol haddii Tigray ku kacsanyihiin, ay tahay in uu furimaha yaraysto. Heshiiskaas labada dal meesha ka baxay kolkii la saxeexay heshiiskii Biritooriya, oo Asiyaas ayaa shaaciyey in arrinkaasi dhicisoobay. Xuduudda labada dal waa la xidhay, duulimaadyadii waa ay istaageen, iskusocodkii oo dhammina waa uu go’ay, oo kalsoonidii in ay burburtay baa muuqatay. Waxa la aaminsanyahay in Asiyaas uu Abiye hore ugu soo bandhigay marin badeed, se uu ka laabtay kaddib kolkii la isku maandhaafay dagaalkii Tigreega.
Labada dhinac waxa ay hadda galeen loollan cusub, oo Asmara waxa ay taakulaysaa jabhadaha Oromada, Amxaarada iyo garab ka mid ah Tigrayga, Itoobbiyana waxa ay shidaalisaa mucaaridka Eretariya. Waxaa soo ifbaxay dhiirrigelinta isku soo dhawaynta labada shacab ee Tigrayga iyo Eretatariya, oo loollanka socda qayb ka ah. Waxa kale oo ka mid ah in Eretariya iyo Tigraygu jidadka mara xuduudka furaan iyada oo aan xukuumadda federaalku waxba kala socon. Eretariya dhammaan waxyaabahan waa ay shidaalisaa, waxaanay ballaadhinaysaa awooddeeda, iyadoo ka faa’idaysanaysa kala qaybsanaanta Itoobbiya, sidaasna waxa ay ku noqonaysaa wadnaha loollanka socda.
Dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan waxa uu sii cakiray xaaladda gobolka. Eretariya waxa ay kaalmaysaa al-Burhaan, halka Abiy Axmed isbahaysi la yahay Imaaraadka oo garabsiiya xoogagga Dagloo. Dhinaca kale, Tigraygu waxa ay xidhiidh wacan la leeyihiin Kharduum. Arrimahani waxa ay inoo caddaynayaan sida isbahaysiyada gobolka ka jiraa ula falgaleen kala qaybsanaanta gudeed ee Itoobbiya.
Marka aynnu eegno deegaanka Amxaarada, isagu ah udubdhexaadka kacdoonka hubaysan ee Itoobbiya ka jira. Malleeshiyaadka Faano waxa ay diideen in ay ka baxaan gobolladii la isku haystay, go’aanka hub-dhigistana waxa ay u arkeen xeelad lagu wiiqayo. Markii uu sii ballaadhay dagaalka ay kula jireen dawladduna, jabhadda waxa ku timi kala qaybsanaan gudaha ah. Sidoo kale, waxa samaysmay isbahaysiyo taatiko oo aan la filayn; sida iskaashiga Faano iyo Jabhadda Xorraynta Oromiya, iyo wadahadallo u qabsoomay Faano iyo Tigrayga, se haddana waa isbahaysiyo aad u tabcaan ah, oo markiiba burburay, kaddib kolkii ay ka horyimaaddeen caqabadaha isir iyo siyaasadeed ee marka horeba dhinacyadan u dhexeeyey.
Deegaanka Oromada isdiiddada ugu weyn ee Itoobbiya ayaa ka taagan. Hadda fagaaraha siyaasadda Itoobbiya waxa hormuud ka ah Oromo, se haddana jabhadda bulshada Oromadu waxa ay dareemayaan in xaqooda hoos loo dhigay, laguna ciyaaray sooyaalka halgankooda. Canfarta laftooda waxa ka dhexjirta jabhad aamusan, se mar uun wax hillaacin doonta. Deegaankani waxa uu martigaliyaa mucaarid Eretariyaan iyo Tigree ah, waxaanay saddex gobol isku haystaan Tigrayga, oo gobolladan ku tilmaama gobollo la xorreeyey, se Canfarta ka xanaajiya.
Khilaafka Canfar iyo Tigree ka dhaxtaagan, waxa soo labeeya in Canfartu dagaal muddo dheer soo jiray ay kula jirtay qabiilka Ciisaha, xabbadjoojin aan cago adag ku taagnaynna uma muuqato mid sii waari doonta. Dhawaan, masuul Canfari ah ayaa goostay, una baxsaday Eretariya, dhaliilana u soo jeediyey dawlad-deegaanka Canfarta, arrinkan oo khilaafaadka guud sii adkeeyey. Xaaladaha cakiran ee jira, waxa muuqata suurtagalnimada in deegaanka Canfartu martigeliyo dagaallada u dhexeeya dhinacyada, oo deegaankani wakiil ka noqdo dhinacyada is haya, laakiin bulshada Canfartu waxa ay dareensanyihiin in horeba inta loogu adeegtay, bar cidlo ah lagaga dhaqaaqay, hoggaankoodana waxa ay uga digayaan in aan khaladkaas hore oo kale la soo celin.
Dhacdooyinku waxa ay muujinayaan in gobolka Geeska Afrika uu fagaare u noqday loollanka dalalka is haya iyo mashaariicda siyaasadeed ee wada qabyada ah. Eretariya iyo Koonfurta Suudaan waa ay go’een, Somaliland-na weli waa bilaa aqoonsi. Waxa gubanaysa Suudaan, waxa dagaallo ragaadiyeen Soomaaliya, Itoobiyana waa ay kala furfurmaysaa. Isbahaysigii Abiy iyo Aasiyaas baa dumay, TPLF ayaa kala jabtay, Eretariyana waxa ay dib usoo ceshanaysaa Tigraygii ay shalay colka la ahayd, damaca Abiy ee badduna, waxa uu sii holciyey uun walaacii iyo qalalaasihii gobolka, halkii uu Abiy laftiisu dhibaatooyinka gudaha xal ugu heli lahaa.
Heshiiskii Biritooriya waxa uu joojiyey dagaalkii Tigrayga, se khilaafkii uma maaro helin. Dagaalkii socday meelo kale ayuu u guuray, dalkoo dhammina qar buu ka laalaadaa. Xitaa haddii aanu dagaal guud oo dalka oo dhan ahu dhicin, haddana deggenaansho la’aanta jirtaa way sii jiri doontaa haddii aan salka khilaafka la xallin. Laga soo bilaabo Boqortooyadii, lasoo maro Hantiwadaaggii, Federaalkii iyo Dib-u-Habayntii u dambaysay, nidaamka siyaasadeed ee Itoobbiya waxa uu ku qotomaa jujuub iyo fogayn, ee kuma qotomo isla qaadasho iyo wax wadaagid.
Sida cilmibaadhayaashu ku taliyaan, nabadda laguma dhiso guulo milatari oo la gaadhay amaba heshiisyo sar-ka-xaadis ah, se waxa lagu helaa doonis siyaasadeed iyo heshiis dhaba. Waxa maanta loo baahanyahay maaha kootaysi, amaba maamul-daadejin maqaarsaar ah, ee waxa la rabaa heshiis bulsho oo cusub oo ku dhisan caddaalad iyo islaxisaabtan. Haddii aan gunta laga soo dhisin, dhibaatooyinka heshiiskaas Biritooriya ka dhashay waa ay sii labajibbaarmi doonaan, oo waxa ay halis gelin doonaan midnimada Itoobbiya iyo nabadda gobolka guud ahaan.