Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Loobbiyada Muqdisho iyo Hargeysa ee ku Xeeran Trump oo ku Loollamaya Irridda Badda Cas

2 January, 2026
Image
Loobbiyada Muqdisho iyo Hargeysa ee ku Xeeran Trump oo ku Loollamaya Irridda Badda Cas
Share

Waxa ismaandhaaf xooggani ka dhex jiraa kooxaha cadaadiska iyo galaangalka ee Washington, iyagoo isku haya codsiyada iska soo horjeeda ee Federaalka Soomaaliya iyo gooni isu-taagga Somaliland. Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay dhaliilo kulul kala kulmaysaa xubno ka tirsan Jamhuuriga Maraykanka, oo Washington ka codsanaya in ay aqoonsato goonni-isu-taagga Somaliland, iyagoo xukuumadda Soomaaliyana ku eedeynaya fashil amni iyo mid maamul. Xubnahani waxa ay ku doodayaan in Somaliland, oo ku taalla Gacanka Cadan oo aad ugu dhow marinka Baab al-Mandab ee Badda Cas loo maro, uu booskeedan juquraafi yahay mid beddeli kara Jabuuti oo hadda ah dalka uu ku yaallo saldhiga Maraykan ee ugu weyn qaaradda Afrika. Sidoo kale, waxa Maraykanka u fududaanaysa helidda dekedda iyo madaarka Berbera oo lagu tiriyo garoonnada ugu dheer gobolka. Kooxahan taageersan aqoonsigu waxa ay ku doodayaan in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, oo 26-kii Diisambar la shaaciyey, uu kordhinayo suurogalnimada in uu Maraykankuna aqoonsado.

Haddana, sidaas oo ay tahay, waxa jira dabarro dhawr ah oo xannibaya siyaasadda Maraykan ee Somaliland ku wajahan: aqoonsiga Somaliland waxa uu ka dhiganyahay xidhiidh u jaridda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu Maraykanku dedaallo badan ku bixiyey la dagaallanka argagixisada gobolka. Sidoo kale, Maraykanku waxa halis gelinayaa isku dhaca dalal iyo ururro aad uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland, sida Turkiga, Shiinaha, iyo ururro soo saaray mawaaqif diiddan sida Midawga Yurub iyo Midawga Afrika.

Maraykanka gudihiisa, taageerayaasha Donald Trump waxa ay jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ku tuhmayaan in ay ka faa’idaystaan musuqa adeegyada lagu maalgeliyey barnaamijka Medicaid oo ay baadhayso Wasaaradda Caddaaladdu. Qaar ka mid ah kooxahaasi waxa ay ku doodayaan in musuqa iyo xatooyada lacagahan lagu dhalanrogo Kiiniya, ka dibna loo adeegsado maalgelinta hawlgallada Alshabaab ee ka dhanka ah Muqdisho. Trump waxa uu si gaar ah u carrabaabaa xildhibaanadda xagjirka ah ee Ilhaan Cumar, isagoo ku baaqay in Soomaaliya loo tarxiilo.

Ilhaan waxa ay eedaymaha kaga jawaabtay in ay codsatay maxkamadaynta dambiilayaasha ku lugta leh dhaca iyo musuqa lacagtaas, se waxa kale oo ay ku adkaysatay “kalsoonida weyn” ee ay ku qabto in la xidhiidhinta arrintan ee argagixisada aanay waxba ka jirin. Sidoo kale, waxa ay deeddifaysay tilmaanta Trump uu Soomaalida ku sifeeyey “qashin”, iyadana sidoo kale ku sifeeyey “qof liita”. Maamulka Socdaalka iyo Cashuuruhu waxa ay baadhitaan weyn ka wadaan Minnisoota, iyagoo raadinaya Soomaalida aan sharciga ku joogin Maraykanka.

Arrinkan waxa mid kakan ka sii dhigaysa shaqada Roger Stone, oo ka mid ah dadka ugu dhow uguna daacadsan Trump, olole weyna ugu jira danaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Stone waxa uu heshiis kula shaqaynayaa Shirkadda Arsenal ee Arrimaha Bulshada iyo Dawladda, ahna shirkad fadhigeedu yahay Firjiiniya oo uu madax ka yahay ninka Jamhuuriga ah ee Christopher Neiweem. Heshiisyada kale ee shirkaddan waxa ka mid ah heshiis qiimahiisu yahay 525 kun oo doollarka Maraykanka ah, si loogu buunbuuniyo ololaha madaxnimo ee ganacsadaha Kiiniya, Jimi Wanjigi ee 2027-ka. Waxa kale oo ka mid ah heshiisyo kale oo ay la galeen kuwa u ololeeya Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Koonfurta Sudan, Riyaak Mishaar iyo Teny Dhurgon (AC Vol 66 No 3, Washington lobbyists win African clients as Trump consolidates power).

Heshiiska shirkadda Arsenal la gashay Soomaaliya waa mid qiimahiisu yahay 528 kun oo doollarka Maraykanka ah, iyadoo shirkaddu heshiiska la gashay Daahir Cabdi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, sida ku xusan faylka sharciga diwaangelinta wakiillada ajaanibta ah. Walow heshiiska la galay 18-kii Diisambar, haddana ka shaqayntiisu waxa ay bilaabantay bishii Aktoobar.

Stone waxa lagu yaqaanaa khibraddiisa sare ee arrimaha siyaasadaha qalloocan iyo dhagaraha la maleego. Faylka Sharciga Diwaangelinta Wakiillada Ajaanibta ah waxa Stone ugu qoran in uu yahay “khabiir siyaasadeed, lataliye, iyo hoggaamiye olole”. Shirkadda Arsenal waxa ay sheegaysaa in ay mudnaanta siin doonto dedaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagala shaqaynayo iskaashiga amni, ganacsi iyo horumarinta dhaqaale. Libta degdegga ah ee ololahani keenay waxa ka mid ah in janaalka Newsmax ee muxaafidka ahi uu waraysi ku martigeliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan Soomaaliya la gashay Arsenal waxa uu soo gabagabaynayaa heshiiskii hore ee qiimahiisu dhammaa 600 kun oo doollar oo ay Soomaaliya la gashay sannad ka hor kooxda BGR oo, iyana, ahayd shirkad ka shaqaysa loobbiga siyaasadeed oo uu maamulo Madaxa Maamulka Shirkadda iyo Guddoomiyaheeda Bob Wood iyo La-aasaasihiisa Ed Rogers, oo labadooduba ka tirsan Jamhuurigii xilligii Ronald Reagan.

Trump waxa uu cafis u fidiyey Stone, saaxiibka taariikhiga ah iyo lataliyaha Madaxweynaha Maraykanka, bishii Diisambar ee 2020-kii, ka dib markii 40 bilood uu u xidhnaa eed ah in uu carqaladeeyey baadhitaankii uu waday dambibaadhe Robert Muller ee ku saabsanaa faragelintii Ruushka ee doorashooyinkii madaxnimo ee Maraykanka, sannadkii 2016-kii.

Stone waxa uu ka tirsanaa kooxda ololaha ee doorashadii Trump ee 2016, se xil rasmi ah kama uu qaban xukuumadda. Intii lagu jiray muddo-xileedkii Trump ee hore, Stone wax uu galaangal u samaynayey Shirkadda Capstone Financial Group oo ah shirkad fadhigeedu yahay Buffalo, oo dunida u suuq gaysa xoolaha Afrika. Stone, sidoo kale, waxa ay shaqadiisu xoogga saartay millitariga iyo siyaasadda dibadda ee Maraykanka iyo, sidoo kale, iibka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Shaqadii uu Stone u hayay Muqdisho waxa carqaladaynaya go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar waxa uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu xidhiidh la leeyahay Heshiisyada Ibraahiimiga, oo ah heshiisyo diblumaasiyaadeed oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyey, sidoo kalena saxeexay 2020-kii, muddoxileeddii hore ee Trump. Waa tallaabo dib u furtay xidhiidho diblumaasiyadeed oo dhex mara Israa’iil iyo dalalka Waqooyiga Afrika iyo Carabta, sida Marooko iyo Imaaraadka Carabta.

Sannadkan hadda dhammaaday, Maraykanku waxa uu kooxaha hubaysan ee Soomaaliya la beegsaday 111 duqaymood oo cirka ah, sida ay xusayso New America Foundation, oo ah xarun cilmibaadhiseed madaxbannaan oo fadhigeedu yahay Washington. Duqaymahan badankooda waxa lala beegsaday kooxo ka tirsan Alshabaab iyo Daacish. Weerarradani waxa ay noqdeen kuwo sidii hore aad uga fudud tan iyo markii uu Wasiirka Difaaca, Pete Hegseth, uu meesha ka saaray xeerarkii shardiga ka dhigayay in Guriga Cad waafaqo duqaymaha ka baxsan goobaha dagaalka tooska ahi ka socdo, inta aan la fulin.

Maamulka Trump waxa kale oo uu ismaandhaaf kala dhexeeyaa Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, oo isku khilaafsan arrinka ku saabsan maalgelinta Hawlgalka Midawga Afrika ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya. Saaxiibbada Trump waxa ay ku adkaysanayaan in Maraykanku qaato maalgelinta qaybta u badan ee tababbarka ciidamada oo la rabo in ay dhaliso in Ciidanka Qaranka Soomaaliya uu hawlgallada la wareego sannadka 2029-ka. Shirkadaha Muqdisho ka soo horjeeda waxa ka mid ah Nestpoint Associates, oo ka mid ah shirkadaha cusub ee loobbiga, si dhowna ugu xidhan Trump. Netspoint, oo fadhigeedu yahay Texas, waxa ay heshiisyo la talin oo qiimahoodu dhan yahay 90 kun oo doollar la gashay xukuumadaha Burundi iyo Somaliland. Heshiiska Burundi waa mid u baahan shaqo kooban oo siyaasadeed, iyadoo Netspoint ka shaqaynaysa in ay masuuliyiinta Burundi ka caawiso helitaanka fiisaha gelitaanka Maraykanka. Heshiiska shirkaddani la gashay Somaliland waa in ay “istiraatiijiyad dhammaystiran u dejiso helidda aqoonsi” ka yimaadda Maraykanka. Bilihii Oktoobar iyo Noofambar, masuuliyiinta Netspoint waxa ay la kulmeen shaqaalaha Xisbiga Jamhuuriga ee Koongarayska ku sugan.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, oo ah aqoonsigii u horreeyey ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay siiyo Somaliland, waxa uu dhiirrigelinayaa shirkadaha loobbiga ee kasoo horjeeda Soomaaliya, siiba kuwa ololaha ka dhex wada xubnaha Jamhuuriga. Koongaraysku xilligan waxa uu darsayaa laba hindise-sharci oo taageeraya madaxbannaanida Somaliland, oo uu ka mid yahay hindise-sharciyeedka “Madaxbannaanida Somaliland” oo uu Koongarayska hor keenay xildhibaanka Jamhuuriga ah ee Scott Berry, sidoo kalena taageero ka helay Safiir Tibor Nagy iyo ninkii hore usoo noqday Ergaygii gaarka ahaa ee Gobolka Saaxil ee Afrika (Sahel Region) iyo dalalka Harooyinka, J. Peter Pham (AC Vol 66 No 2, America first but Africa where?).

Qormadan waxa laga soo turjumey halkan.