Thursday 15 May 2025
Waa lixda bisha Janaayo, Nayruush cusub ayaa bilow ah— oo ay maalintiisii lixaad tahay, macno weyn oo sidaa u sii ridan aniga iima samaynaayo, waxa uun buu ila mid yahay sidii kuwii hore ee bilaabmay kaddibna— sida kii lix maalmood ka hor dhammaaday oo kale u galbaday.
Maanta iyana waa maalin Axad ah, maalmihii hore ee usbuuca waxba kagama duwana ee, waa isla sidii ay Sabtidu ahayd oo kale, bal u fiirso, waa tabtii Axaddii hore ay ahayd oo kale! Wax la timaami karo oo macne samaynaya ama aan samaynayn kagama duwana.
Alla maya, waxa jira hal shay oo maalintani ay kaga duwantahay maalmihii kale ee Axadaha ahaa ama maalmihii kale ee bishan Janaayo! Markii hore kagama ay duwanayn, se waa duwanaansho hadda uun si kedis ah u yimid.
Maalimihii hore ma aanay jirin aroor uu roob ka da’ay magaalada, hadda se roob cad-caddays ah ayaa ku tiixaaya maagalada iyo aniga korkaygaba, waa roob kedis ah oo hadda uun soo daatay, wax badan oo qoyaan ahi igama muuqdo, marka laga tago dhibcaha yaryar ee shaadhkeyga isku sharraxay.
Waxa aan dhankayga ka raacay dadkaa ka ordaya roobka, keligay ma aha ee dhammaan dadka aan la noolahay ayaa sidaa ah oo dhanka loo bato ku xooma, aniguna—haddii aan wacyi ahay, waxa aan ka abuurmay falalka iyo ereyadda bulshada aan ka dhashay, sidaas ayuu wacyigaygu ku dhismay oo dhankii la eegaba waxa aan la mid ahay uun bulshadaydda.
Makhaayad kuraas guduud iyo cagaar isugu jirtaa ay dhex daadsantahay ayaan gundhada u galay, waa meel deggan oo aan roobka kaga dhuuman karo. Doorasho wanaagsan ayaan sameeyay kolkii aan go’aansaday in aan halkan ka soo galo roobkan aanan garanaynin ujeeddo aan uga ordaayo. Keligay ma aha, oo waa tii la odhan jiray “Wixii qayrkaa qabo, qosolkaa ku dhan!” ayeeyday ayaan ka maqli jiray hadalkaas, waa se suuragal waxa ay ula jeedday iyo waxa aan anigu ula jeedaa in ay kala geddisanyihiin, “Hadal waa margi” ayaan gudahayga iska idhi— kolkaas ayaan indhaha mariyay makhaayadii aan fedhiyay.
Darbiyadeeda waxaa lagu xardhay, midab sibidhi ah iyo liidad cad oo dhexda kaga suntan. Derbi walba waxaa sudhan afar ama saddex farshaxan oo ashqaraar ah, derbiga iga soo hor jeeda ayaan aad indhaha ugu raajiyay. Jaantus farshaxan ah oo laga sawiray magaalo aanan garanaynin magaalada ay tahay, magaalo nalal badani ka ifayaan oo xilli aan maqaariib ku qiyaasay ku jirta, dabaqyo dhaadheer oo aad u dhuudhuubanina badhtamaha iyo koonayaasha kaga yaalaan. Waa magaalo aad u cammiran.
Waxaa ku xiga farshaxan kale oo khariirad ah, markiiba indhahaagu waxa ay qabanayaan qaaradda dhextaalka u ah meerahan. Waa qaaradda Afrika, qaarad hodan ah se dad sabool ahi ku noolyihiin!
Bal u fiirso geeskeeda—waa; carwadii dhimashada, bandhigga geeridda. Tartanka aakhiro ayaa ka socda, kolkii lagu fashilmey tartanka dunida. Sidan ayuu ku sifeeyey Ibraahin-Hawd.
Ma malayn kartid waxa dhaqaale loogu deeqo geeskaa yar, haddana dadkiisu waa ka arradanyihiin, aheey ah! Indhahaan kala booday farshaxankaas inkaaran oo waxa aan iska sii milicsaday kuwo kale.
Sida kan ugu kooneeya ee fardaha lagu xardhay, gebi ahaan wuxuu ka kooban yahay laba midab; cagaar iyo caddaan oo keli ah, waa midabka nabadda iyo midabka jacaylka iyo anshaxa. Mid kale oo isna midabbo badan oo aanan fahmin waxa looga jeedo iyo ujeedka uu halkan u sudhanyahay ayaa ku xiga, waa farshaxan ujeeddo la’aan u ah sida dadka Geeska ku nooli ujeed la'aanta u yihiin oo kale!
Roobkii ayaa xoog isu soo taray, tiixii ayaa mahiigaan isu beddelay, noola kasta halkii ugu dhaweyd ayuu ka jirsaday, illaa cadceeddii booskeedii ka soo dhaqaaqday oo ay makhaayaddii aan fadhiyay noogu soo gashay—waa cadceeddii oo kulaylkeedii roobkii demiyay oo aan lahayn wax ilays ah oo badan, markii ay soo gashayba iyada oo wejigeeda nabadi ka muuqato ayay meel aan iga fogayn kursi ku fadhiisatay keddibna dib u ruqaansatay, kama jeedsan oo waxa aan u daawanaayay si aan u eego, eegmo u dhiganta cimrigayga oo dhan, laga soo bilaabo maalintaan jeclaystay in aan cadceedda arko ilaa iyo hadda.
Cadceeddu aniga iima jeeddo, oo malaha malaayiinta qof ee dunida ku nool igama dhex taqaan ba, in kasta oo dhallaannimadaydii aan ku fekeri jiray; cadceedda iyo dayaxu goor walba halka aad joogtaba, dushaada uun bay taaganyihiin, oo kaama maarmaan!
Fekraddaas dhallaannimo ayaan ku astayn jiray falsafaddayda ah in cadceedda iyo dayaxu si shakhsi ah ii yaqaaniin, dooddaydaasi se maanta ayay jabtay.
Taas beddelkeeda cadceeddu illaa kolkii ay soo gashay ilaa hadda waxa ay ku maqantahay dhankayga bidix, malaha cid ay aqoonsatay ayaa fadhida. Haddiiba aan eegay, waxa dhankayga bidix fadhiyay saddex noole oo aan si hufan u garanaayo; waa Siyaasigii caanka ahaa, wadaadkii magaalada iyo Shaydaan!!, haa shaydaan weeye.
Ha i waydiin sida ay wadaadka iyo shaydaanku isku barteen ee ay cadaawaddoodii u burburtay. Miyaanad ogeyn in aysan kolkii horeba cadaw ahayn ee ay jili-jireen cadaawadooda gaamurka ah, miyaadan xasuusan maalinkii Sabtida, wadaadku markii uu dadka cibaadada ugu yeedhay? Maalintaas wadaadku muu odhan “Shaydaanka iska caydhiya” taas ayaa u sahashay in uu macbadka soo galo shaydaanku.
“Sidee ayaan cadaw isugu noqonnay adiga soo sidan oo dhan gob u ah?!” ayuu shaydaanku warsaday wadaadka, “Adna sidee baan doqonnimadaada u ogaan waayay— aniga oo cid iiga kaa aqoon badani aanay jirin, oo goor iyo allayl dadka kaaga warramaaya, waxa aad tahay iyo waxa aad guddo?!” ayuu wadaadkii si jeesjees ah u waydiiyay shaydaankii— isaga oo gadhkiisii miiqnaa kor u soo xaadhaaya oo afka gelinaaya.
“Oo hee?!Sidee baad taas ku odhan kartaa wadaadow?!” ayuu ugu warceliyay “Waar anigu cadaw kuuma ihi ee adiga iyo Ilaahay baa isku liddi ah, aniguna Ilaahay baan raacay”. Markii uu wadaadkii sidaa ugu jawaabayba waa kuwii kala dhaqaaqay ee odaygii duqa ahaa sheekadoodii ka jiidhay “Wadaad ii sheeg weedho wanaagsan oo aan shaydaanka kaga badbaado” ayuu odayga duqa ahi waydiiyey wadaadkii isaga oo gacanta bidix adhaxdiisa ku haya oo kuur-kuursanaaya, markaas ayuu shaydaanku si degdeg ah u dhaqaaqay isaga oo dhoosha ka qoslaaya “Cajuuskan anigaanba rabin’e muxuu iiga cabsanba?” ayuu sii yidhi isaga oo wadaadka iyo duqa ku sii dhego-hadlaaya.
Cadceeddu waxa ay hilmaantay in ay shaqooyinkeedii maalinlaha ahaa qabsato, roobkii mar hore ayuu qaaday, gacliyaheedii Dayax oo isna saacad ka hor roobka ka soo xerooday ayaa agteeda fadhiya, dee miyay aragtaaba miiskaas albaabka dheegiisa yaalla ee Wadaadka, Siyaasiga, iyo Shaydaanku fadhiyaan bay ku faruur xidhantahay ba’e! Sidee wax u jiraan?!
“Waan ku salaamey marwo”, ayuu Dayaxu ku yidhi Qorraxdii isaga oo garabka xoog u riixaaya, ogaan buu u daan-daansanayaa, hal mar bay ku soo naxday oo dhankiisa u boodday “Dayax!, ma adigii baa?!, goormaad se timid?” ayey ku tidhi inta ay fallaadho cirka u tuurtay oo ay isla boodday, “Muddo ayaan kula fadhiyay, imaad se arkaynin oo xerta halkaas fadhida ayaad sheekadooda la haysatay” ayaa uu ku yidhi.
Waxay haystaan sheeko fiican oo isugu dhacsan, mar waxay xamanayaa kuwo ka mid ah xiddigaha. “Malayki habeen dhawayd inta ay sakhraantay ayey Marin-caanoodka laga soo qaaday iyada oo gataati dhacsan oo jir-jir cadka u taalla”, ayuu dayaxu ku leeyahay iyana qosol bay indhuhu dibadda joogaan oo ay la qufacaysaa!
Muddo haddii ay fadhiyeenba oo kolna iyagu sheekaysanayaan, kolna saddexdii noole ee albaabka dheegiisa fadhiyay eegayeen, waxa qaaday roobkii oo cod sare ugu yeedhay “Hooyaay, waan dhamaaday ee cid waliba booskeedii ha ku noqoto, hana iga raalli ahaato ciddii aan shaqadooda ka joojiyay ama aan wax yeello u gaystay. Tani waxa ay ahayd shaqadeyda”, cid waliba waxa ay u qaylisay kor iyada oo leh “Dhib ma laha rooboow waxba namaad yeelin”, marka laga reebo saboollada oo iyagu nacdal kala dul degay roobka iyo saddexdii noole laba ka mid ah.
Dayaxii iyo Cadceeddii waxa ay go’aansadeen in ay baxaan mar haddii roobkii qaadday, shaqo badanina ay u taallo sidii caadada ahayd.
Kadinka ayay xoogeey ku yar hakadeen oo Cadceeddii ayaa saddexdii noole kor istaagtay “Siyaasi daacad ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba jecel ayaad tahay, ma sheegi karo sababta ay dadka saboolka ahi kuu nacdalaayeen, runtii waa kuwo wax ma garato ah oo aan waxba ka aqoonin dadnimadaada iyo mid kale toonna. Waan jeclahay wadaadkan kula fadhiya, wuxuu si dhab ah u rumeeyay Ilaahiisa, marka aan indhaha ka qaadoba waxa uu quudinayaa hablaha yaryar ee aan cid wax siisa haysan. Balse maxaa noolahan foosha xun idiin keenay?! Miyaanu ahayn Shaydaan? Meel aan laga necbayni ma jirto, hana ogaado in samada laga necebyahay in ka badan inta dhulka laga necebyahay!!” ayay cadceeddii ku dhawaaqday inta ay gacmaha xoog ugu xejisay miiskii dhex yaallay saddexda noole!
Ciddi ma hadal, maqaayadda wixii cid joogtayba waxa ay la qushuuceen weedhaha ka soo yeedhay Cadceedda iyaga oo indho kalgacal leh ku eegaaya Siyaasiga iyo wadaadka, Shaydaankii oo indhaha hoos u takhlaayana nacdalaaya oo waslad xaaraan ah ka soo qaadaya.
Waxaa se hadalkeedii diiday oo afka kaga soo booday saaxiibkeed, Haa dayax ayaa warkeedii diiday oo qaadan waayay, intii ay hadlaysayba way ka muuqatay in aan hadalkaasi mudane Dayax u cuntamin oo uu diiday “Maya; maya, Qorraxeey sidaad moodday ma aha noolayaashani, Hablahan dhallaanka ah ee wadaadku aroortii wax siiyo, habeenkii ayuu qasbaa oo sandulle kaga dhigaa in ay dareenkiisa qaabilaan, bal foolkiisa madoobaaday eeg odaygan shaarbaha miiqaaya, haa siyaasiga, sow siyaasi uun ma ahayn?!. Dhab ahaantii waa siyaasi oo wuxuu aadane ragaadiyay ee uu xoolahoodii dhuunta u dhigtay tiro ma laha.
Maad ammaanteen labadooda midna haddii shaqada cadceeddu ay habeen ahaan lahayd! Waad saxnayd markii aad Shaydaanka nacdalaysay, waxaad se samaysay duudsi iyo xaq darro, oo ma ahayn in aad kuwa kalena xumahooda duugto isagana aad inkaarto,” ayuu Dayax si cadho leh u yidhi inta uu gacmaha si awoodi ka muuqato isugu laabtay oo laabta ku xanjeeyay.
Dhakhso ayay uga bexeen oo shaqadoodii u qabsadeen, Siyaasigii iyo wadaadkiina waxa ay cabsi ka qaadeen dadkii kolkii hore ku faraxsanaa oo hadda se indho cadawnimo ka muuqato ku eegaaya,
“Ka warrama haddaynu dilno saddexdoodaba?” ayuu oday geeska kale fadhiyaa waydiiyey dadka halka mar isku soo xoomay ee kuraastii ay ku fadhiyeen ka soo yaacay “Maya, Shaydaanku waa daacad, laba wajiile ma aha ee yaan loo dhawaanin” mid kale oo dhankayga dambe taagan ayaa odayga ugu jawaabay, laba, saddex, iyo shan kale oo farshaxankii faraska ag taagan baa iyana ku raacay oo leh “Shaydaanku waa shaydaan uun, ma aha laba wajiile, yaan lala hadlin”.
Waxa ay noqotay habeen, siddeed iyo toban saac ayaa ka soo wareegtay markii ay saxmadda iyo qayladu is qabsatay maqaayaddii degganayd ee aan fadhiyay, anna aan ka soo orday.
Ma jecli qaylada iyo dagaalka, caafimaadka uma roona. Korka waxaa saran oo ii muuqda Dayaxii waxaas oo rabash ah bilaabay iyada oo nabadi ka jirto dhulka, sababtu, ma roobka soo dejiyay isaga iyo gaclisadiisaa? Ma cadceedda warka bilawdee afka dheerbaa? Ma laga yaabaa in dayax waxaas u sameeyay hinaase? Maya, maya, ma laga yaabaa in uu ka hinaasay cadceedda iyo sida ay ugu sii dhawaanaysay ee u ammaanaysay, kolkii horena u daawanaysay saddexda noole?!
Ma sheegi karo mana rabo in aan isaga waydiiyo, waa xilli dambe, waxaana suure ah in uu qaylo iyo dood cusub igu bilaabo. Wax kasta waxaa ka muhiimsan nabaddayda gudaha, hadda waa in aan seexdaa.