Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad
Title

Liibiya iyo Xuquuqda Aadamaha

27 June, 2025
Image
Liibiya iyo Xuquuqda Aadamaha
Share

Shantii sanno ee u dambeeyey (2020 ilaa 2025) Liibiya waxa laba jibbaarmay hoos u dhaca xaaladaha xuquuqul aadame, kaddib markii ay faafeen xadgudubyada ay gaysanayaan kooxaha hubaysan iyo dhinacyada amniga. Waa xadgudubyo koobsanaya xabsi qasab ah, jidhdil, afduubasho, xadgudub jinsi iyo dil, xadgudubyadan oo laga dhex gaysto xabsiyo rasmi ah iyo kuwo sharcidarro ah oo dad lagu hayo. Khubarada Qaramada Midoobay waxa ay xaqiijiyeen in kooxaha amniga iyo kooxaha kale ee hubaysan in ay si weyn ugu kacaan dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah aadamaha kuwaas oo loo gaysto muwaaddiniinta iyo tahriibayaasha dalka ka gudba. Khubaradani waxa ay si degdeg ah ugu baaqeen in wax la iska wayddiiyo joojinta xaaladdan taagan iyo sida fudud ee looga baxsado dambiyada la galay.

Hawlgalka xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xaqiijiyey xadgudubyo ay ka midyihiin cabudhinta bulshada rayidka ah, afduubasho, dil iyo xadhig  aan sharci ahayd. Waa xadgudubyo nidaamsan oo kooxo isku xidhani fuliyaan, waana arrin ka markhaati kacaya taagdarrada qaanuunka iyo sida ay u badanyihiin kooxaha hubaysan ee xadgudubka wada iyaga oo aan wax ciqaab ah aan ka cabsanayn.

Liibiya waxa ay la daaladhacaysaa deggenaansho la’aan siyaasadeed iyo nabadgelyo, laga soo bilaabo bishii Febaraayo ee 2011-kii. Xaaladdu waxa ay kasii dartay sannadihii u dhexeeyey 2020 ilaa 2025, kaddib markii ay dalka kala qaybsadeen laba maamul oo loollan ku jira, awooddii haayadaha dawladeedna hoos u dhacday. Walow xabbadjoojin lagu heshiiyey bishii Oktoobar ee 2020-kii, oo la isla afgartay in hoos loo dhigo khilaafka hubaysan, haddana weli dalku waa uu kala qaybsanyahay, dagaalna waa uu ka socdaa, waxaana iska garab jira laba xukuumadood oo is awood le’eg (xukuumad dunida laga aqoonsanyahay oo Daraabulis ka jirta, waana xukuumadda uu madaxda ka yahay Cabdixamiid Dabaybah iyo xukuumad kale oo ay ansixiyeen golaha baarlamaanka ee mandiqadda bariga oo uu madax ka yahay Usaama Xammaad). Waxa intan dheer in jabhadaha hubaysani awood ballaadhan ku leeyihiin gobol kasta. Xaaladdan dambe waxa dhaliyey maqnaanshaha korjoogtayn dawlad dhexe ah oo lagu sameeyo haayadaha amni iyo dambiyada la gaysto. Sida ay xaqiijiyeen kooxda hawlgalka xaqiiqoraadinta ee Qaramada Midoobay raacsan, oo lasoo gabagabeeyey bishii Maaris ee 2023, dhinacyada rasmiga ah iyo jabhaduhuba waxa ay gaysteen xadgudubyo waaweyn oo xuquuqda aadamaha ka dhan ah.

Dalka oo xaaladdan ku jira, jabhadaha hubaysan iyo kooxo amniga dalka ka shaqeeyaaba waxa ay si sharcidarro ah u xidheen kumannaan qof, oo dadka qaar sannado badan lagu hayay goobahaas iyada oo aan wax sharci ah la marin, lana soo bandhigin xeerjabinta dadkaas lagu haysto. Afduubashada iyo xadhiga sharcidarrada ahi waxa uu gaadhay tobanaan suxufiyiin iyo siyaasiyiin ah laga soo bilaabo 2020-kii, dadkaas oo loo xidhay aragtiyahooda siyaasadeed ama u dhaqdhaqaaqa arrimo bulsho, amaba xitaa ku abtirsiga gobollo iyo beelo gaar ah. Walow ay nabadgelyada guud ee dalku soo hagaagayso waxii ka dambeeyey sannadkii 2020-kii, oo dad badan oo gudaha dalka ku barakacay ku noqdeen guryahoodii, haddana waxa cirka isku shareeray isbeegsiga kooxaha hubaysan, waana arrinka keenay in dad badan oo rayid ahi dhibbane u noqdaan.

Maamullada jiraa waxa ay xukuumadahooda kusoo dareen hoggaamiyayaashii jabhadaha oo ay weliba maalgelin ku sameeyeen, halkii lagala xisaabtami lahaa. Qodobkani waxa uu kooxaha hubaysan siiyey awood dheeraad ah oo weliba sharci ah, waxaanu ku dhiirrigeliyey si joogtaynta xadgudubyada iyaga oo aan ka cabsan ciqaabmarin. Dhinaca kale, dawladdu waxa ay ku fashilantay ilaalinta kooxaha jilicsan; oo waxa weli sii socda xadgudubyada loo gaysto, iyaga oo aan helin gabbaad ay ka hoos galaan xadgudubka. Dadka ugu nugul waa dadka laga tirada badanyahay iyo barakacayaasha oo la kulma midabtakoor iyo in laga hor istaago helidda adeegyada aasaasiga ah. Arrimahan oo isku dhammi waxa ay ka qaybqaateen abuuridda deegaan xuquuqda aadamuhu ku taagdarantahay, oo ay hoos u sii dhacayaan ixtiraamkii aadamannimo iyo sarrayntii qaanuunku.

Xadgudubyada goobaha dadka lagu xidho

Goobaha dadka lagu xidhaa, ha ahaadaan goobo rasmi ah oo dawladdu maamusho amaba goobo qarsoon oo kooxaha hubaysani maamulaan e, waa meelaha xuddunta u ah xadgudubyada ugu halista badan ee Liibiya ka dhaca. Si xeerka baal marsan ayaa dad badan loo xidhaa, iyada oo aan xitaa wax tuhun ahi jirin, mana jirto maxkamadayn . Kumannaan dad ah ayaa la qiyaasayaa in ay sannado badan ku jiraan xabsiyada Liibiya, iyada oo aan marna la iswayddiin sababta xadhigooda.

Galbeedka Liibiya, xabsiyo badan ayaa gacanta ugu jira kooxaha hubaysan oo magac ahaan hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo ta Difaaca, se iskood awood u leh. Dhinaca bari, ciidamada Liibiya ee taabacsan Khaliifa Xaftar ayaa gacanta ku haya xabsiyo doora, dad rayid ah ayaana lagu maxkamadeeyey maxkamado milatari, weliba si ka baxsan dhammaan halbeegyadii caddaaladda. Labada dhinacba, waxa la xaqiijiyey xadgudubyo iyo jidhdil maxaabiistaas loo gaysto, si xunna loola dhaqmo muddada xadhigooda. Hawlgalka xaqiiqo raadinta ee taabacsan Qaramada Midoobay waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan jidhdil iyo maxaabiista oo ciqaab adag loo marsiiyo inay qirtaan dambiyo aanay gelin, waxa kale oo la xaqiijiyey dad xabsiyadaas ku dhex dhintay sannadkii 2024. Warbixino kale ayaa soo bandhigay maxaabiis si badheedh ah loo toogtay iyada oo aan xitaa wax sharci ah la eegin, dadkaas oo xabsiyada lagu dhex toogtay, amaba iyaga oo xabsi kale lagu wareejinayo la beegsaday. Iyada oo ay dambiyadani dhacayaan, haddana ma jirto wax dabagal ah oo xukuumadeed. Xadgudubyada waxa u dheer maxaabiista xaaladaha xabsiyada oo ah xaalado aan ku habboonayn maxaabiis, sida nadaafad darro, cidhiidhi iyo daryeel la’aan sababta in caafimaadka maxaabiistu liito, kuwo kalena u naf waayaan daryeel la’aanta caafimaad.

Dadka xadgudubyada xabsiyada ugu nuguli waa qaxoontiga iyo tahriibayaasha, oo dadka aan Liibiya u dhalan ee xabsiyadan ku xidhani waxa ay waajahaan duruuf aad u qallafsan oo aan aadame u dulqaadan karin. Kumannaan tahriibayaal ah ayaa lagu hayaa goobahaas dadka lagu xidho, kaddib marka lagu soo qabqabto isku daygooda in ay ka tahriibaan Badda Midhatareeniyaanka ama lagu dhex qabto inta ay dalka joogaan, siiba gobollada xuduudda ku yaalla. Dadkaasi waa dadka ugu daran ee la kulma noocyada kala duwan ee xadgudub ah sida jidhdil, si fudud oo nafta loo dhaafiyo, xadgudub jinsi iyo in si qasab ah loogu xamaasho. Tusaale ahaan, nuskii hore ee sannadkii 2021-kii, ciidamada ilaalaha xeebaha (oo Midawga Yurub kaashanayaa) waxa ay qabteen 15 kun oo qof oo badda isku dayay in ay maraan, dadkaasna waxa si qasab ah loogu soo celiyey Liibiya, inta ugu badanna waxa gundhada loo dhigay xabsiyo ku yaalla Daraabulis. Sida ay xaqiijisay Amnesty Internal, dad xabsiyadaas galay waxa ay qireen noocyada kala duwan ee jidh dil ee loo gaystay, sida garaacid iyo duruufo xabsi oo aan aadamaha ku habboonayn, waxa kale oo dadkaas la wayddiiyey madaxfurasho, oo ah in ay isku furtaan lacag ama ku shaqaysi. Ma aha wax meelo kooban ka dhacay, ee waa xaalado si guud uga jira goobaha dadka lagu xidho, kuwa rasmiga ah iyo kuwa jabhaduhu haystaanba.

Arrinka ugu xumi waa in inta badan goobaha lagu xidho tahriibayaasha ay gacanta ugu jiraan kooxaha hubaysan, oo maalgelin ka helaya xukuumadda lafteeda. Tusaale ahaan, waxa la xaqiijiyey in 2021-kii la qabqabtay tahriibayaal badda ku safrayay, laguna xidhay goobo sir ah oo malleeshiyaad gacanta ku hayaan, se Wasaaradda Arrimaha Guduhu taageeraysay. Tahriibayaashaas waxa lagu xidhay teendhooyin cidhiidhi ah oo aan lahayn hawo ku filan, si maalinle ahna loogu shaqaysto tahriibayaashaas, is mar ahaantaana xadgudub jinsina loo gaysto. Waxa la waayay boqollaal tahriibayaal ah oo badda laga soo qabtay, kuwaas oo aan la aqoon meesha ay ku dambeeyeen, waxaana laga cabsi qabaa in dadkaas laga ganacsaday amaba si qasab ah loogu qarinayo goobo lagu xidhay. Dambiyadan abaabulan ee qaxoontiga iyo tahriibayaashu kula kulmaan Liibiya waxa ay khubarada Qaramada Midoobay ku sheegeen dambiyo aadamnimada ka dhan ah, oo addoonsi iyo jidhdilba koobsanaya.

Kaalinta Malleeshiyaadka

Malleeshiyaadku waxa ay kaalin mug leh kaga jiraan xadgudubyada xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee sannadihii dambe la gaystay, dhinac kasta oo dalka ahba ha ka dhacaane. Kooxahan hubaysani waxa ay ku daba leeyihiin maamullo u adeegsada jidhdilka iyo beegsiga cidda ay is hayaan. Galbeedka dalka waxa ka jira kooxo xoog badan oo hubaysan, xadgudubyo waaweynna gaysta. Amnesty International waxa ay xaqiijisay in qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha malleeshiyaadkaas mushahar loo qoray, wax la xisaabtan ahna aan la samayn, arrinkanina sii laba jibbaarayo xadgudubyada iyo in si fudud looga baxsado ciqaabta.

Tusaale kale, waa muuqaal aad u faafay oo 2022-kii lagu dilay wiil dhallinyaro ah waddo weyn badhtankeed, falkan oo ay gaysteen kooxo hawlgal midaysan ka waday Misraatah. Muuqaalka waxa ka muuqda wiilka oo baxsanaya iyo kooxda oo rasaasaynaya. Amnesty International waxa ay falkan ku sheegtay mid muujinaya nidaam la’aanta iyo kala dambayn la’aanta dalka ka jirta, iyo sidoo kale awoodda malleeshiyaadka iyo sida fudud ee cid loogu xadgudbi karo, xisaabtan la’aanna lagu dhaafi karo.

Arrimaha sharci iyo hababka la xisaabtanka

Xadgudubyada xuquuqul aadame ee Liibiya waxa ay keeneen walaac caalami ah, sababtoo ah waa dhaqanno meel ka dhac ku ah qaanuunka caalamiga ah iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Falalka ay ka mid yihiin xadhiga, afduubka, dilka iyo tacaddiga jinsi waa falal loo aqoonsanyahay dambiyo dagaal, siiba marka falalkan si abaabulan oo nidaamsan loo fuliyo, waana waxa sannadihii u dambeeyey ka socda Liibiya, oo ah dal ku jirta heshiisyo caalami ah oo falalkan ku saabsan, sida baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, se awood darrada haayadaha dawladeed iyo liidashada sarrayntii qaanuunka ayaa saamaxay in aan la fulin heshiisyadan, waana wax keenaya in la xisaabtan caalami ah la sameeyo.

Tallaabooyinka caalamiga ah ee la qaaday waxa ka mid ah; in Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay hawlgaliyey hawlgal xaqiiqo raadin ah bishii Juun ee 2020-kii, hawlgalkan oo ujeedkiisu ahaa hubinta xadgudubyada la galay laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii. Hawlgalkan oo saddex sanno socday waxa uu ururiyey qiraallo iyo caddaymo ku saabsan xadgudubyadaas, waxaanay shaqadooda kusoo gabagabeeyeen in kooxaha amniga ee maamulka iyo kuwa hubaysan ee aan rasmiga ahayniba gaysteen dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah aadamaha. Warbixinta waxa lagu xusay magacyada dad iyo haayado, sida ciidamada ilaalada xeebaha. Hawlgalka xaqiiqo raadinta ahi waxa kale oo uu ka cawday in aan loo oggolaan gelitaanka gobollada qaar, amaba in ay bookhdaan meelaha dadka lagu xidho. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa sidoo kale horumar ka samaysay la xisaabtanka xaaladaha Liibiya ka jira, waxaana xannibaado la saaray masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dadka ku lugta leh dambiyada dagaal.

Ururrada xuquuqda ee caalamiga ah ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh iftiiminta xaaladaha ba’an ee ka jira Liibiya. Waxa ay soo bandhigaan xadgudubyada iyo caddaymo, waxaanay ka hawlgalaan difaaca xuquuqdaas lagu tuntay, iyaga oo geeya golayaasha caalamiga ah. Ururradan waxa ugu caansan Human Rights Watch iyo Amnesty International, oo aad uga shaqeeyey Liibiya sannadihii u dhexeeyey 2020 ilaa 2025, soona saaray warbixino kor u qaaday ogaalka caalamku u leeyahay xaaladaha dalkan ka jira.

Xaaladaha Liibiya ka jira ee ah ku xadgudubka xuquuqda aadame, waa xaalado lagaga gudbi karo in meesha laga saaro awoodda malleeshiyaadka, sharcigana la hoos keeno falalkooda. Waxa kale oo waajib ah in dadka xidhan la sii daayo, sharcigana la dhaqangeliyo. Waxa habboon in lala dagaallamo jidhdilka xabsiyada ka jira. Qodob kale oo muhiim ahi waa in la ilaaliyo xuquuqda qaxoontiga iyo tahriibayaasha. 

  • Maqaalkani waa soo koobid iyo turjumaad, halkan ka sii akhri.