Tuesday 6 October 2026
Sida la sii qiyaasayay, waxaa markii lixaad, bartamaha bishii April, xilka madaxtinnimada dalka Jabuuti isu caleemasaaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tan oo ka dhigan dib-isu-doorashadiisii shanaad ka dib markii xilka Madaxweynanimo loo caleemasaaray gugii 1999-kii, doorasho uu kaga guulaystay Musharrax Muuse Axmed Idiris oo uu dhowr bilood ka dib, la wareegiddiisii xilka, xabsiga u taxaabay.
Madaxweyne Geelle tan iyo imaanshihiisii xukunka, waxa uu qabtay shan doorasho oo uu shantaba isagu isu caleemasaaray madaxtinnimada dalka. Sannadkii 2005-tii ayuu markii u horraysay qabtay doorasho aan cidina kula tartamin oo uu helay 100% codadkii doorashada oo dhammaa 144,433 Cod! Haa. Ha ka shakin. Waxaan ku iri doorasho aan cidina kula tartamin!
Ka dib u dhaarintiisii xilkan, waxa uu Madaxweyne Geelle fagaare ka caddeeyay in muddo-xileedkani noqon doono kiisii u danbeeyay oo uusan dib ugu soo tartami doonin xilkan, isaga oo xaqii dastuuriga ahaa ka dhigaya wax uu ugu asxaan samaynayo dadka. Nasiibdarro, lix sano ka dib, sannadkii 2011, waxa uu Madaxweyne Geelle qabtay doorasho xisbiyo badan oo uu kula tartamay musharrax Maxamed Warsame Raage taas oo uu mar labaad Madaxweyne Geelle ku guulaystay natiijo 80.64% ah codadkii la dhiibtay. Inta aan doorashadani dhicin, sanadkii 2010, waxa uu Madaxweyne Geelle wax ka baddalay dastuurkii dalkaas, si uu u xalaaleeyo ku fariisashadiisa kursigan markii saddexaad, isaga oo ku qortay in madaxwaynaha la dooran karo wax ka badan laba goor iyo in mudda xileedka madaxwaynaha, oo horay u ahaa lix sano, noqon doono shan sano.
Mar kale sannadkii 2016-kii ayuu qabtay doorasho ay kula tartameen musharrixiin dhowr ah oo uu ugu tugtugroonaa musharrax Cumar Cilmi Khayre, taas oo uu ku guulaystay natiijo 87% ah. Shan sano ka dib, sannadkii 2021 ayuu haddana Madaxweyne Geelle qabtay doorasho uu kula tartamay musharrax Sakariye Ismaaciil Faarax oo uu markiisii shanaad ku guulaystay natiijo 97.30%. Wax ka baddallo badan oo uu ku sameeyay dastuurka Jabuuti ka dib, maalinnimadii Jumcaha 10 April 2026, ayaa Madaxweyne Geelle ku guulaystay dib-isu-doorashadiisii shanaad oo uu kula tartamay Musharrax Maxamed Faarax Samatar taas oo uu helay natiija 97.01% guud ahaan codadkii la dhiibay.
Sida muuqata, wax ka badan rubuc qarni uu toddobaatan iyo siddeed sano jirkani kursiga fadhiyo, weli kama xiisadhicin oo waxa uu u dhiirranyahay sidii oo uu kursiga korayo markiisii u horraysay. Waxaa laga diwaangaliyay hadallo qosol iyo maad leh oo uu Madaxweynuhu caqliga dadkiisa iyo guud ahaanba dadwaynaha dunida ku caayayo. Waxa uu goobo badan ka sheegay in uu iska tagi lahaa xilkan; oo aanu wax xiisa ah u qabin, laakiin, maadaama ay shacabkiisu ka codsadeen oo yiraahdeen “Aabbow noo joog” uu amarkooda qaatay, sidaasna uu markiisii lixaad uga arriminayo dalka.
Haddaba, waxaa iswaydiin leh, muxuu ilaa haarkaas Madaxweyne Geelle iyo kalitalis kastaa dadka uu la hadlayo doqommo uga arkaa? Maxaa ka run ah hadalkiisa ah amarkiinnaan qaatay? Xiriir noocma ah baa ka dhexeeya nidaamka kalitaliska ah iyo lexjeclada tirada badan ee uu sheego in uu u qabo dadkiisa?
Hor iyo horraan waxaa muhiim ah in aynu fahanno oo faaqidno unkanka kalitaliska iyo sida uu ku samaysmo si aynu u fahanno adduunaragga iyo habdhaqanka Madaxweyne Geelle iyo sababaha ka danbeeya hadalladiisa maadda leh. Aslanba, sidii uu Abwaan Hadraawi sheegay, kalitaliska ama kalitalisnimadu ma aha wax dhalan ah ee waa halabuur aadane oo ka dhasha falalka iyo go’aannadeenna maalinlaha ah. Dadsameegaasina waxa uu maraa marxalado kala duwan oo hadba ku xiran wakhtiga iyo dedaalka aan ku bixinno abuuriddiisa. Kalitalisnimadu mar waa cad yar oo ku dhex lunsan maanka qofka iyo xiise aan sii ridnayn oo ka dhex guuxaya gudaha hoggaamiyaha. Mar kale waxa ay noqotaa uurjiif aan tabar badan lahayn laakiin jiritaan leh kuna kooban damaca hoggaamiyaha. Mar kale waxa ay isu rogtaa xaqiiqo biya kamadhibcaan ah oo gaarta in hoggaamiyuhu u arko waxa aan isaga ahaynba in aanay jiraal garasho lahayn iyo waaqac danbi lagu muto diidmadiisa.
Marka hoggaamiyuhu talada yimaado, inta badan waa qof caadi ah, oo sida aniga qoraalka qoray iyo adiga akhrinayaba aaminsan in talada lala leeyahay oo dadka mid ka garasho badan, ku la ayni ah iyo ku ka liitaba leeyahay. Waa mid garawsan eelka kalitalisnimadu leedahay iyo in aan ummad dhani hal nin garashadii ku filnayn. Waa mid sida qof kasta oo kale jecel awoodda iyo kursiga, laakiin aan jacaylkiisaasi gaarsiisnayn in uu yahay kan keli ah ee xaqa u leh. Balse, marka talada la tago ayaa wax walba isbaddalaan. Goortaas ayaa hoggaamiyaha kalitaliska noqdaa gacanta u galaa kooxo iyo bulsho aynu ku tilmaami karno farsameeyayaasha iyo abuurayaasha shakhsiyaddiisa cusub. Waxaa u bilowda filin lagu dhalangadiyayo dadnimadiisa. Waxaa u shidma shoow xaqiiqada been u roga, beentana xaqiiqo u baddala. Waxaa lagu baxshaa dedaal madaxiisa manja loogu rogayo. Waxaa loo qaadaa heeso shakhsiyaddiisa lagu buunbuuninayo. Waxaana isku xeera kooxo danlay ah oo durbaanka ay tumayaan ku qariya dulmiga iyo dadnimatirka ay sameeyaan.
Marka hore, hoggaamiyuhu waa ka shakiyaa durbaanka loo tumayo iyo guulwadaynta tirada badan. Waxa uu dareemaa in la dagayo oo cidda u durbaan tumaysaa ay dan ka leedahay. Waxa uu kala hortagaa diidmo xooggan. Laakiin, sidii Soomaalidu horay u sheegtay, dad kaa badan iyo biya kaa badaniba waa ku jiitaane, waa la maquunshaa. Waxaa lagu qarqarsiyaa in beentu run tahay, runtuna been tahay. Dabadeedna waa uu aqbalaa. Sidaas ayuuna hebelkii yaraa ku noqdaa ilaah yar oo dadkaba isagu ka garasho badan.
Sida ay ila tahay, laba arrimoodba qodobkan way sahlaan:
1. Bay’adda uu qofka hoggaamiyaha ahi ku noolyahay; oo ah xabsi u eke ka go’an bulshada, ayna gacanta ku hayaan kooxaha u carbisan uumidda kalitaliska.
2. Xirfadda iyo farsamayaqaannimada kooxahaasi ay u leeyihiin soo saarista kalitaliska oo ah mid aad u sarraysa.
Inta badan, marka hoggaamiyaha la caleemasaaro, waxa uu si kutalagal ah u lumiyaa xorriyaddiisa. Waxa uu galaa xabsi sharafeed ay gacanta ku hayaan kooxaha habmaamuuskiisu. Kulamadiisa, cuntadiisa, jiifkiisa, xogta uu helayo, iyo waxa uu qabanayaba waxa ay noqdaan go’aammo cid kale gaarto. Iyaga oo duruuftaas ka faa’iidaysanaya, waxa ay kooxahaasi hoggaamiyaha ay kalitaliska ka dhigayaan u abuuraan adduun been ah oo ay kaga daahaan adduunka xaqiiqada ahaa. Waxaa la xadidaa quudkiisa xogeed oo lagu koobo mid u adeegaysa hawshooda. ”Dadkaagu waa ku jecelyahay. Way ka ammaan sheeganayaan xukunkaaga. Waxay leeyihiin bal sidee xaalkayagu ahaan lahaa haddii aan eebbe noo soo dirin. Dalka gacan bir ah ku qabo ayay ku leeyihiin. Halkan eeg. Waa meel hebla. Tanna eeg. Waa meel hebla. Waxaa loo bannaanbaxayaa taageeradaada…” Iyo boqollaal weedhood oo been ah baa lagu harqiyaa. Horay uma liqo, laakiin sidii uu Joseph Goebbels sheegay, beentu marka lagu soo celcesho run bay noqotaa, haddii bulsho dhan been lagu soo celceshay ay rumaysatana, hal qofi ma adka!
Marxaladda u danbaysa ee abuurka kalitaliskimadu, waa in uu aammino dhabnimada ilaahnimadiisa. Markaas ayay wax walba xumaadaan. Markaas ayaa hoggaamiyuhu doqon u ekaadaa, dadka uu la hadlayana doqomo u arkaa. Markaas ayay lexjeclada tirada badan ee kalitalisku sheegtaa dhalataa. Dad badani, waxay u arkaan in uu ciyaarayo ama uu khayaamayo hoggaamiyuhu, goorta uu sheegto in uu iyaga dartood u dhimanayo, balse, xaqiiqdu waxay tahay, in sidaasi ka dhab tahay, oo aan waxba uga hoosayn! Maxaa wacay, waxa ay la noqotaa in uu yahay kan keli ah ee garashada leh. Kan keli ah ee hawshan qaban kara. Kan keli ah ee dadkan badbaadin kara. Dabadeedna waxa uu iswaydiiyaa: Maadaama dadkani yihiin duunyada halkaas ku xaraysan, adiguna aad tahay kan keli ah ee u jidbixin kara, ma sidaas baad uga tagaysaa! Kolkaasuu isaga oo masuuliyad anshaxeed la tiicaya isugu jawaabaa: Allaylehe ha ka tagin. Waxa adduunaraggiisaas sii bila, muuqaallada dhowr guulwade oo is oohinaysa, kuna haya ”Qoodhaa iyo xeradaa aabbo ha naga tagin”!
Arrinta maadda lihi, waa in darajada u danbaysa ee kalitalisnimada, uu kalitalisku cuno abuurihiisa isla goorta uu sidaas farta uga qaado! Goorta ay lexjeclado biyadhigto kalitaliska. Xilliga uu yaqiinsado in aan isaga cid dhaantaa dadkan ka dhalan. Marka uu isku xiro joogistiisa iyo badbaadada dalka ayay abuurayaashiisu ugu muuqdaan kuwo kacaanka ka dheereeyay. Kuwa u socda kursigiisa oo ka dhigan; kuwa ku socda in ay dalka burburiyaan. Markaas ayuu madaxa ka wadajaraa sida uu cid kasta oo kale ugu ciqaabo in ay kursigiisa hunguriyaysay ama ay u hawootay burburinta dalka. Sidaas ayuu ugu danbayn Ilaaha yari ku dilaa kooxihii uumay!
Akhriste, iswaydii sababta madaxweyne Geelle, iyo kaligitaliye kasta marka uu kursiga tagayo uu u yahay qof caadi ah. Qof aanay u qorshaysnayn in uu kursiga iska joogo. Qof afcad inoo leh xillagan baa iigu danbaysa oo waan ka tagayaa, laakiin, muddo kooban ka dib aan u aragno isla kii oo dhanka kale ka miisaya. Isla kii oo ina leh waan joogayaa. Isla kii oo dastuurka u baddalaya damaciisa. Isla kii oo ka xanaaqaya qof caadi ah baa tahay oo dadka waxba ma dheerid. Isla kii oo dad u laynaya kalitalisnimadayda u qurqursama?
Isku soo duuduuboo, kelitalisku waa dadsamee. Innaga ayaa abuurna. Lexjeclada uu sheegtaana waa dhab. Wuu inoo turaa maadaama uu inoo arko—dabcanna aynu isaga dhigno—duunyo aan garasho lagu ogayn oo meel ugu xaraysan. Ha la yaabin. Ha ku qoslin. Hana ka nixin. Waayo, intaas oo dhan isaga macna uma samaynayso; sida aysan adigaba macna kuugu samayseen amaba aadan u dareenteen qosolka, yaabka ama naxdinta ido kuu xaraysan. Ka dhiidhi. Ka gadood. Daaha beenta ah ka rog. Ka dami dhalada uu beenta ka daawanayo. U muuji in aadan lax ahayn. Taas ayaa miyirka ku soo celisa. Taas ayuu ku baraarugaa. Waddadaas ayaana ah tan qura ee kalitalisku wax ku fahmo.