Friday 12 December 2025
Layla Abu calaa waxa ay ku dhalatay Qaahira, waxayna ku barbaartay Khartuum, dabadeed sannadkii 1990-kii Suudaan waxa ay uga guurtay dhanka Iskootlaan halkaas oo ay ku bilawday wax qorista. Abu calaa waa hal-abuurad, iyo qoraa masraxa iyo sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraagii ugu horreeyey ee ku guulaysta abaalmarinta Kiin ee la guddoon siiyo qorayaasha Afrika ugu wanaagsan, iyada oo ku heshay qisadeeda gaaban ee “Madxafka”. Buugagga iyo Sheekooyinka kale ee ay qortay waxa ka mid Turjumaanka (1999), Minaarada (2005), Dhawaaq Shimbireed (2005), waana wax soo saar isku dhafa oo ay kaga warramayso waayo-aragnimada haweenka Suudaan ee qurbaha gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska.
Dhiganayaasha kale ee ay qortay Layla Abu calaa waxa ka mid ah Noofalkeeda ugu danbeeyey “ Ruuxa Wabiga “ oo dib u milicsanaya cahdigii mahdiga iyo dagaalladii waagaas. Buuggan oo kolkii hore Ingiriisi ku soo baxay waxa carabi u turjumay Bare sare Bardleding Al-Haashimi sannadkii 2024-kii waxaana lagu daabacay Dar Al-musawarat, Khartuum. Tan iyo 2023-kii Layla Abu Calaa waxa ay noqotay xubin ka tirsan “Ururka Boqortooyada ee Suugaanta “ waxaanay ku guulaysatay billado dhawra ah oo ay ka midyihiin “ Scottish Book Awards” iyo Saltire Fiction Book of the Year Award”. Bishii Luulyo, waxa la guddoon siiyey abaalmarinta “PEN pinter” oo ah billad uu bixiyo Ururka ENGLISH PEN.
Layla, waraysigan waxa ay kaga warramaysaa wax soo saarkeeda iyo sidii ay ku noqotay qoraa. Habka ay u dhisto sheekooyinka, kacdoonkii Suudaan, waxa ay u aragto geesinnimada iyo naf hurka iyo waayo-aragnimadeeda la xidhiidha qurbaha.
Layla: Basharku waa cajiib kolka ay joogto khiyaamaynta nafta iyo wax ka diidisteeda. Sidoo kale waa cajiib kolka ay timaaddo iska hor dhaqaajinta waxa aan u qalmin. Weligayba waxa aan rumaysnaa sheeko fanneeddu in ay tahay barta aan kaga hadli karno waxyaabaha aan lagu dhex faaqidi karin bulshada. Waxa aan qaxoonti ku ahaa boqortooyada Ingiriiska, waxaana maankayga ka dhex guuxayey dareenno isku dhafan, bahdil iyo hogasho, haddana dareen fursadeed, mahadnaq, cabsi iyo war war la xidhiidha mustaqbalka ubadkayga. Inkaste oo qoxoontiga ila midka ah ay iga la sinnaayeen dareenkan haddana ma ay rabin in ay si furan uga sheekeeyaan. Sidoo kale ka sheekaynta hilawga dalkii hooyo waxa loo arkayey naf jeclaysi. Sidaas awgeed sheeko faneeddu waxa ay leedahay goob lagu sheego lagu na iftiimiyo xaqiiqooyinka jaadkaas ah. Sheekadu waxa ay ka tallaabi kartaa oo ay dhaafi kartaa xarriijimaha rasmiga ah, xeeladaha warbaahinta iyo xitaa jawaabta saxda ah ee wayddiini leedahay. Xaqiiqadu badanaa waa waxa dagganaansho la’aanta inoogu wacan. Waa wax muuqata haddana qarsoon.
Abu Calaa: Maanta qorayaasha geesiyaasha ahi waa suxufiyiinta Falastiiniyiinta ee naftooda halista u geliya,una dhinta sidii ay u soo tabin lahaayeen xasuuqa lagu hayo Qasa. Wariyeyaashani waxa ay wax ku soo tabiyaan duruufaha ugu adag, haddana waxa ay dhawraan heerarka mihnadeed ee ay leeyihiin xaaladaha aadka u kakani. Shaqadooda suxufinimo waxa qiimaha u yeelaya ma aha oo keliya soo ban dhigista iyo tabinta deg degga ah ee sidoo kale waa in ay yihiin goob joogayaal iyo isha koowaad ee diwaangelinta dhacdooyinka taariikhiga ah. Waxa jira qaar ka mid ah qoraayada Suudaan oo kolkii uu dagaalku bilaabmay aan ka cararin maktabadoohooda gaarka ah, siina joogay Suudaan si ay u ilaaliyaan Maktabadahaas. Mawqifkaas ayaa isna ah mid geesinimo leh. Xasuus qorka qorayaashaasi waxa uu noqon doonaa marag leh ahmiyad ballaadhan gaar ahaan sidii ay ahayd noloshu intii lagu jiray dagaalka.
Abu Calaa: Waxa aan u malanayaa dhiirrigelintayda in aan ku masaali karo sidii barkad leh saddex xagal. Xagal waa Islaamka halka labada xagal ee kale kale na yihiin Iskootlaan iyo Suudaan. Waxaan si joogta ah ugu kala guur guuraa saddexdaa xagal. Walow ay caddahay sohdinta saddexda xagal haddana xagal kastaa waa mid aan lahayn dhammaad oo qoto dheer. Waxa jira waxyaabo doora oo dareen ahaan I soo jiita. Waxa kale oo jira siyaabo badan oo aan la soo koobi Karin oo aan wax uga qoro Islaamka, Suudaan iyo Iskoodlaan. Hillawga iyo barakaca ayaa iyagu na door weyn ku leh wax qoristayda. Baryahan danbe waxa aan xoog uga fekerayey gabawga iyo sidii waayeelku dhan isugu ururin lahaa si dhallinyaradu masaraxa u soo fooshu. Tan qudheedhu waa qaab ka mid ah barakaca.
Abu Calaa: Intii suuragel ah, waxa aan ka dheeraadaa ka falcelinta qoraallada iga dhanka ah sida in aan galo sharraxaad, cudur daar bixiyo ama caddayn keeno. Iskuma hawlo in aan iska caabbiyo hadallada iga soo horjeeda iyo in aan ka hor tago sheekooyinka qaldan ee Islaam nacaybka ah. Walow ay shaqadu sidaas ku danbayso. Wax walba waxa aan ku bilaabaa si dabiici ah iyo in aan yeesho hoggaaminta ee aanan noqon falceliye. Badanaa ma jecli in aan eego waxa garabkayga dhaafsiisan, taas baana qoraalka ka dhigaysa mid isku baraarugsan. Had iyo jeeraale muhiim bay ahayd in aan Sheekooyinkayga udub-dhexaad uga dhigo Islaamka, iyo in aan wax ku qoro jilayaal ku dhaqmaya Islaamka. Waxa aan rabaa in aan dibadda keeno in ka badan inta Islaamkusoo bandhigo dhaqan ahaan, waxa aan rabaa in uu ka dhex muuqdo sheekada isaga oo siinaya maangalnimo iyo qoto dheeraan macneed.
Abu calaa: Kolkii ay bilaabmeen dibad baxyadu oo ahayd 2018/2019 ma aan joogin Suudaan, waxaan se kala socday meel durugsan. Waxa uu ahaa waqti yididdiilo iyo niyadsami wata oo aad mooddo in ay darbiyadu dumayaan oo ay Suudaanna ku soo biirayso dunida. Tobonnaan sannadood, waxa Suudaan saarnayd cunaqabateyn, mid ka mid ah natiijooyinkii ugu wanaagsanaa ee ka dhashay Kacdoona waxa ka mid ahayd in cunaqabatayntaas laga dul qaaday, taas baa sabab u ahayd yididdiilo dhaqaale.
Sooyaal ahaan, Suudaanta waxa soo wajahday “Mushkilad haybeed” iyaga oo Afrikaan iyo Carab midkood na noqon, waxaana hadheeyey dhaqammada Masar iyo Suudaan. Kacdoonku waxa uu dhanka kale u rogay gabi ahaanba aragtidaas, oo waxa uu muujiyey Suudaantu in ay leedahay dhaqan iyo taariikh u goonniya, wxaanay dunida tuseen cidda ay yihiin. Sidoo kale, dhallintaasi waxa ay muujiyeen hal-abuurnimadooda iyo sida ay ugu oommanyihiin dawlad dimuqraadiya oo shacabku hoggaanka u hayo. Laakiin riyooyinkaas iyo quruxdaas oo dhami waxa ay noqotay ka kac.
Kacdoonku waxa uu ahaa khatar aan dheef lahayn. Waxaana la galay xaalad daran – dagaal, baro kac iyo macalluul baaxad weyn. Runtii waxa ay ahayd MUSIIBO. Khartuum oo aan ku soo koray hadda waa mid si qunyar ah u soo dhismaysa oo ka soo doogaysa dhaawacyadii ka soo gaadhay dagaalka. Madbacaddayda Suudaaniga ah ee Dar al Musawarat ayaa iyana dib u furtay dukaankeeda buugagga. Faysbuugga isna waxa aan ka daawadaa arday is-dirtay oo nadiifinaysa burburka cisbitaallada, iskuullada iyo jaamacadaha. Dhallinyaradaasi waxa ay Xanbaarsanyihiin niyaddii midaysnayd ee Kacdoonka. Lagama adkaan.