Monday 7 September 2026
Waxa aan badiyaa la kulmaa cid quudhsata aqoonta aadanaha oo ku sheegta in aanay waxtar u lahayn dunida maanta oo horusocodkiisana kaga qayb qaadanayn wax-ku-darsi dhab ah. Shaki kuma jiro in caalamka maanta ay wax iska beddeleen oo waxa fiiro goonni ah yeeshay laamaha sayniska, tiknoolajiyadda, injinneerinka, iyo xisaabta, halka ay tixgelinta aqoonta aadanuhu hoos u dhacday. Walow dhankaa loo jihaystay yahay mid maangal ah marka aynu ka fiirinno in shaqooyinka maaddooyinkaasi yihiin kuwo dakhli badan oo sugan oo horumarka mustaqbalkuna ku xidhan yihiin, hase yeeshee aqoonta aadanuhu waxa ay door laxaad leh ka ciyaartaa inta la malaynayo, sida shaacsanaha ah, in ka badan.
Haddii aanu la tacaaddufayn diktoorku oo naxariis u muujinayn bukaankiisa muxuu qiimo leeyahay? Muxuu se noqonayaa qiimaha injinneerka aan lahayn anshaxa aan oggolaanayn in uu ka gudbo xuduud cayiman kolka uu wax daahfurayo? Waa maxay se qiimaha uu yeelanayaa shakhsiga u fekeraya sida loojigga ah ee aan lahayn dareennada u suuragalinaya in uu ku raaxaysto noloshiisa gaarka ah?
Aqoonta aadanuhu waxa ay ina bartaa naxariis, anshax, iyo in kale oo badan, balse marka aynu nolosheenna ka saarno, waxa aynu luminnaa qayb mudnaan u leh is dhexgalkeenna. Waayo, waxa aynu nahay shaki la'aan noole bulshaawi ah, oo xidhiidhka iyo isku xidhnaantu ay tiir asaasi ah u yihiin jiritaankeenna. Gaar ahaanna marka dhakhtarro iyo kalkaalisooyin la yahayna aad buu muhiim ugu yahay arrinku in aad bukaanka la dareen noqoto oo waxa ay deraasaduhu sheegayaan in hab-la-dhaqanka naxariista leh ee bukaanku ay saamayn togan ku yeelato in ay caafimaadaan.
Dhanka kale, haddii aynu ballaadhinno adduun-araggeenna, waxa aynu garawsanaynaa mudnaanta aqoonta aadanuhu ugu leedahay qaabaynta wacyigeenna akhlaaqeed. Suugaanta iyo falsafaddu, tusaale ahaan, waxa ay ina baraan masuuliyadaha ina saaran maaddaama oo aynu nahay halabuurro. Bilmetel sheekada Frankenstein oo injinneer kasta u ah tixraac asaasi ah, waxa ay soo bandhigaysaa cashar digniin u ah halista in la curiyo shay aynaan xakamayn karayn keliya rabitaankeenna ku saabsan in aynu tijaabinno xuduudda dabeecadda.
Horumarka xawliga ah ee ay tiknoolajiyaddu samaynayso aawadeed waxa ay tajribooyinka iyo korukacaa jiraa inagu keenayaan walaac xeeldheer oo waxa ay dib inoogu celinaysaa digniinihii ay aqoonta aadanuhu muddo hore soo jeedisay. Miyuu jinsiga basharku horusocod degdeg ah samayn karaa isaga oo aan ka fekerin cawaaqibta ka dhalan doonta?
Horumarka kas-gacmeedku sameeyay aawadiis oo u saamaxday ardayda in ay ku kaaftoomaan soo koobidda maqaallada iyo maaddooyinka waxbarashadooda, kana dhigtay in ay ka maarmaan ku tiirsanaanta fekerkii lafaggurka ahaa iyo xirfadihii akhriska, waxa muhiim ah in aynu xusno in aan wax loo akhrinayn in laga helo natiijooyin sarsare ama lagaga gudbo fasal. Waa hawlgal aqooneed oo xeeldheer oo kobcinaya kartida la dareen noqoshada iyo fahmidda, waxana ay ka qayb qaadanaysaa xirfadaha fekerka naqdiga ah. Marka lafagur lagu samaynayo waxqabadka suugaaneed, ardaygu ma baranayo habka loo la xidhiidho dadka kale keliya, balse sida oo kale wuxuu baranayaa sida loo la dhaqmo mawaaqifta kakan ee murugsan, oo aanay jawaabtu noqonayn mid cad.
Mid ka mid ah filimmada aadka aan u xiiseeyo ee, Kooxda Abwaanno Dhintay, waxa ku jirta odhaahdan qaayaha leh: “Gabayga u ma akhrinno oo u ma qorno in uu qurux badan yahay uun. Waxa aynu u akhrinnaa oo u qornaa gabayga maxaa yeelay waxa aynu qayb ka nahay jinsiga aadanaha. Jinsiga aadananahana waxa ka buuxa dareenno. Caafimaadka, sharciga, ganacsiga, iyo injeernimada, kuwaasi waa kuwo sare oo la raadceeyo oo daruurina u ah in la ilaaliyo nolosha. Balse gabayga, quruxda, romaansiyada, iyo jacaylka, kuwaasi waa nolosha macnaha u yeelaya oo inaga dhigaya in aynu nolosha ku dhegno.”
Aqoonta aadanuhu waxa ay inaga dhigtaa in aynu dareenno wax ka baxsan walaxda, oo aynu dhex jibaaxno caalamka fekerka iyo jiraalka. Faa'iidooyinkeeduna ku ma koobna uun laamaha kala duwan ee sayniska, tiknoolajiyadda, injineerinka, iyo xisaabta balse noloshaada maalinlaha ah. Akhrinta majaallada aqoonta aadanuhu, sida falsafadda iyo suugaanta, waxa ay kugu quudinaysaa ruuxda oo waxa ay inagu hubaynaysaa dareenno iyo shucuur ina dareensiinaysa firfircooni iyo ku xidhnaan caalamka inagu hareeraysan ah.
Waxana aan ku baraarugay middaas intii aan ku guda jiray takhasuskayga suugaanta Ingiriisida oo aan kula taliyay saaxiibbadayda oo u badan injinneerro in ay akhriyaan waxqabadka suugaaneed, aniga oo ka doonaya in ay ka nastaan cadaadiska waxbarashada iyo in ay tijaabiyaan dareenno ka duwan tan ay ka helayaan isla'egyada xisaabta iyo fiisigiska ee kakan. Waxana ay xoojinaysaa taasi in ay jirto qiimo weyn oo aqoonta aadanaha ku saabsan balse aynu iska indhatirno, iyo in wax kasta oo aynu qabanayno uu yeesho dheef maaddi ah.
Khibradaha iyo aqoonta qaarna waxa ay hodminayaan nolosheenna oo waxa ay kor u qaadaan adduun-araggeenna, iyada oo aan wax xidhiidh ah la lahayn takhasuskeenna ama shaqada mustaqbalkeenna.
Dhigashada ama xataa ku raaxaysiga aqoonta aadanuha waxa ay door gundhig ah ka ciyaarayaan qaabaynta shakhsiyaddeenna iyo korinta wacyigeenna caaddifiga iyo fekerka ah. Waana wax laga xumaado dhabtii in ay dadka qaar dhayalsadaan iyaga oo ku halbeegaya “dheef-doonnimo”.
In kasta oo horumarka laga sameeyo tiknoolajiyad iyo caafimaad ahaanba tiirdhexaad u yahay dhisidda mustaqbalkeenna, balse ma habboona in uu noqdo halbeegga keli ah ee waxyaalaha lagu qiimeeyo. Waxa lagamarmaarmaanna ah in aynu ruuxdeenna iyo jiraalkeenna ku beerno sheekooyinka, dhaqannada, iyo luuqadaha. Iska indhatiridda funuunta iyo waxa ay inoo soo bandhigayaan ee aragti cuddoon leh iyo waaya'aragnimo insaaninnimo, waxa aynu luminaynaa quruxda dunida.
Waxa laga soo turjumay halkan. Waxana soo turjumay Cabdicasiis Daahir.