Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Lafa-Gur Sharci oo Ku Saabsan Muranka Xisbiga Kulmiye

30 September, 2025
Image
Lafa-Gur Sharci oo Ku Saabsan Muranka Xisbiga Kulmiye
Share

Nidaamka Xisbiyada badan ee Somaliland waxa waajibiyay qodobka 9aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo Dastuurku sheegay in faahfaahinta uu xeer qeexi doono. Xeerka ka abuurmay qodobka 9aad oo la yidhaahdo ‘Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda; Xeer Lr. 14’ waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay labo jeer waana xeerka hadda dhaqangalka ah ee Xeer Lr. 14/2023 oo si fool-eri ah wax-ka-bedel iyo kaabis loogu sameeyay oo uu dhaqangalay 2024kii, iyada oo isla sannadkaa lagu galay doorashadii isku sidkanayd ee Ururada/Axsaabta iyo Madaxtooyada. Haddaba, Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo ka mid ahaa saddexdii xisbi ee ku soo baxay doorashadaa kana mid noqday xisbiyada qaran, 10ka sanno ee soo socda, ayaa beryahanba uu muran xooggani ka dhex taagnaa, kaasi oo salka ku haya qabashada Shirweynaha Xisbiga oo muddaysnaa 4ta Oktoobar, 2025. Ha yeesho e, shirar isdabajoog ahaa oo u socday hoggaanka Xisbiga iyo siyaasiyiin damac leh oo danaynayay inay u tartamaan hoggaanka xisbiga ayaa ku biyo shubtay in Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, uu dib u dhigo Shirweynihii Xisbiga, isaga oo warqad ku taariikhaysan Ogosto 2025 dib ugu dhigay Shirweyanaha Xisbiga muddo 2 sanno ku dhaw. Guddoomiyuhu waxa uu go’aanka dib u dhigista u cuskaday dood ay yeesheen xubnaha guddida fulinta, xubno ka mid ah kaadirka iyo haldoorka xisbigu. Waxa uu, sidoo kale, u cuskaday qodobka 16aad ee dastuurka xisbiga Kulmiye, qodobada 26aad faqradiisa 3aad, qodobka 40aad faqradihiisa 1aad iyo 3aad, iyo qodobka 51aad ee Xeer Lr. 14/2023, sida ku xusan warqadda ka soo baxday xafiiskiisa, 6dii August 2025.

Haddaba, qodobada uu guddoomiyuhu cuskaday ma yihiin kuwo waafaqsan go’aankiisa dib u dhigista Shirweynaha Xisbiga Kulmiye? Guddoomiyaha xisbigu awood sharci ma u leeyahay in uu dib u dhigo shirweyne? Xubnaha aan ka midka ahayn hoggaanka, guddida fulinta iyo goleha dhexe ee xisbiga ee ku doodaya inay xaq u leeyihiin inay shir qabtaan ma haystaan qodobo sharci oo ay cuskadaan? Sidoo kale, xubnaha kooban ee hoggaanka, guddida fulinta iyo goleha dhexeba ka tirsan ee ku doodaya inay shir qaban karaan ma jiraan qodobo sharci oo taageeraya doodooda? Xeer Lr.14 ma caddaynayaa qaabka shirweyneyaasha loo qabanayo iyo qodobada sharci ee loo raacayo? Arrimaha kor ku xusan ayaynu si faahfaahsan ugu sharrixi doonaa maqaalkan.

Ugu horrayn, dib u dhigista shirweynaha ee guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ma waafaqsan yahay shuruucda dalka? Si aan weydiintaa warcelin ugu helo, aan soo qaadano Xeer Lr. 14/2023 oo nidaamiya xisbiyada/ururada siyaasadda ee Somaliland. Qodobka 2aad ee Xeer Lr. 14/2023 waxa uu sheegayaa ‘Xeerkan waxa lagu dhaqayaa diwaangelinta, ansixinta, dimuqraadiyadaynta iyo nidaaminta ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland (Qodobka 2 (1), Xeer Lr. 14/2023.)

Qodobkan, waxa ku jira dimuqraadiyadaynta iyo nidaaminta xisbiyada siyaasadeed, iyada oo ay halkaa ka caddahay in loo raacayo qodobada la xidhiidha dimuqraaddiyada xisbiyada dhexdooda looga baahan yahay, isaga oo xeerku meelo kale oo aynu xusi doono kaga hadlay in xeerkan dabar, korjoogtayn iyo horumarin u yahay axsaabta qaranka.

Sidoo kale, qodobka 3aad, faqradiisa 4aad waxa ku qoran Xisbiyada Qaranka iyo ururada waxa lagu maamulayaa si waafaqsan xeerkan, isla markaana aan ka soo hor jeedin shareecada Islaamka, Dastuurka Qaranka, xeerarka dalka iyo heer-hoosaaydayada xisbiyada ama ururada.

Khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye waxa uu ka dhashay dib u dhigista uu Guddoomiyeha Xisbigu ku sameeyay shirweynihii qorsheysnaa 4ta Oktoober oo uu kordhiyay muddo labo sanno ku dhaw. Muranka ugu weyni waxa uu daaran yahay sharcinimada go’aanka Gudoomiyeha iyo xilkan laftiisa oo tartan loogu jiro. Haddaba, siyaasadi ha joogto e, maxaa sharci ah?

Guddoomiyaha Kulmiye awood ma u leeyahay inuu shirweyne dib u dhigo?

Haddaba, aynu eegno qodobka 16aad, xeer-hoosaadka xisbiga Kulmiye, ee uu xigtay guddoomiyihu, si uu dib ugu dhigo shirweynaha xisbiga. Qodobka 16aad ee dastuurka xisbiga Kulmiye waa sidan: “Fadhiga ugu horreeya ee shirweynaha waxa lagu dooranayaa shir-guddoonka shirweynaha oo ka kooban guddoomiyaha shirweynaha, guddoomiye kuxigeenka koowaad iyo ka labaad iyo xoghaynta shirka”.

Qodobka uu cuskaday guddomiyuhu awood uma siinayo inuu shirweyne dib u dhigi karo guddoomiyaha xisbigu. Sidoo kale, ma taageerayo awoodda guddoomiyaha ee la xidhiidha go’aanka dib u dhigista ee uu qaatay Ogos 2025.

Bal aan eegno, qodobada Xeer Lr. 14 ee uu u cuskaday guddoomiyuhu dib u dhigista shirweynaha. Qodobka 26aad, faqradda 3aad Liisanka xisbinimo waa toban (10) sannadood oo ka bilaabanta taariikhda Guddidu bixisay liisanka”.

Qodobkan faqradaha ku xiga qaar baa sheegaya in aanay 10 sanno ahayn muddo xileedka liiskanku ee uu si toos ah (automatic) ula kordhayo haddii loo kordhiyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha.

Sidoo kale, Qodobka 40aad ee Xeer Lr. 14 oo si guud uga hadlaya Shirweynaha Xisbiyada/ Ururada, waxay odhanaysaa farqadiisa 1aad sidan; Xisbigu/ururku waa inuu yeesho shirweyne caadi ah, shantii sannadoodba hal mar”. Halka isla farqadda 3aad ee qodobkaasi u dhigan tahay sidan: “Xubnaha ergada ka qaybgalaysa shirwaynaha ururku waa in ay yihiin xubno diwaangashan oo ka mid ah ururka/xisbiga oo ku jira diwaanka xubinimada ee ay hayso guddidu”.

Bal aan isla eegno isna Qodobka 51aad ee Xeer Lr. 14 oo ka hadlaya Xaaladda kala guurka (transitional clause), wuxuu dhigayaa qodobkani sidan soo socota: “Xisbiyada la siiyay shahaadada xisbinimo sannadkii 2012 iyo ururada la diwaangeliyay sannadkii 2022, waxa lagu dhaqaya axkaamkta qodobka 26aad ee xeerkan”.

Haddaba, dhammaan qodobada sare ku xusan ee uu cuskaday guddoomiyuhu meelna kagama taal awood uu dib ugu dhigi karo shirweyne xisbi. Sidoo kale, ma xoojinayso dooda dib u dhigista shirweyne xisbi.

Bal aan eegno awoodda guddoomiyaha ee dastuurka xisbiga Kulmiye siiyay guddoomiyaha in ay ku jirto inuu dib u dhigi karo shirweyne. Qodobka 19aad waxa uu leeyahay:

“Guddoomiyaha xisbigu waa madaxa iyo hoggaanka guud ee xisbiga, wuxuuna xisbiga ku leeyahay awoodaha soo socda:

  1. Waa guddoomiyaha goleha dhexe iyo guddida fulinta

  2. Isagoo ka tilmaam qaadanaya go’aanada shirweynaha, kuwa goleha dhexe iyo go’aanada guddida fulitn,a wuxuu jiheeyaa dhamaan hawlaha xisbiga iyo siyaasadda guud ee xisbiga,

  3. Wuxuu ka masuul yahay hantida xisbiga wuxuuna dalban karaa hantidhawre mar kasta oo loo baahdo, ka dib marka ay sidaa go’aamiyaan guddida fulintu,

  4. Wuxuu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista shaqaalaha xarunta dhexe,

  5. Wuxuu magaca xisbiga ku metelayaa heshiisyada xisbigu la gelayo dhinac kale,

  6. Wuxuu awood u leeyahay dhamaan hawlaha kale ee uu siinayo dastuurkan; xeerarka iyo xeer-hoosaadyada goleha dhexe”

Waxa halkaan ka cad inaanu guddoomiyaha xisbigu lahayn awood uu dib ugu dhigo shirweyne xisbi oo muddaysan. Sidoo kale, qodobada Xeer Lr. 14 ee uu cuskaday guddoomiyuhu midna ma taageerayo awoodda uu dib ugu dhigay shirweyanaha xisbiga Kulmiye ee qorshaysnaa inuu dhaco 4ta October 2025, iyada oo la tirinayo shirweynihii ugu dambeeyay oo dhacay 4tii October 2020. Marka la raaco Xeer Lr. 14, qodobkiisa 40aad, faqradda 1aad waxa uu leeyahay xisbigu/ururku waa inuu yeesho shirweyne caadi ah, shanti sannadood ba hal mar. Sidoo kale, qodobka 40aad, faqradda 7aad waxa ay leedahay:

Ururka/xisbiga ku qabsan waaya shirweyanaha shanti sannadoodba hal mar, waxa hoggaankoodu waayayaan sharcnimada xilalkooda, waxaana shirweynaha xisbiga/ururka qabanqaabinaysa Guddida, saddex bilood ka hor muddada dhamaadka liiskanka xisbi/urur. Iyada oo ka duulaysa xeer-hoosaadka ururka/xisbiga iyo xubnaha ururka/xisbiga ee diiwaangashan.

Guddida faqradda sare ku jirta waxa loola jeedaa Guddida Diiwaangelinta ee lagu sheegay qodobka 5aad ee Xeer Lr. 14/2023. Haddii uu xisbi/urur muddadaas ku qabsan waayo shirweynaha, sida ku cad Xeer 14, hoggaanka xisbi/urur waxa uu waayayaa sharcinimada xilalkiisa.

Marka la akhriyo xeerarka xisbiga iyo kuwa qarankaba, Guddoomiyeha Xisbiga Kulmiye awood sharci uma leh in uu dib u dhigo shirweyne, waana in uu muddadiisa ku qabto shirka. Haddii uu ku qaban waayo, waxa uu waayayaa sharciyadda xilkiisa waxana shirweyneha xisbiga qabanqaabin doonta Guddida Diiwaangalinta ee Xisbiyada/Ururada

Dhanka kale, qodobka 40aad, faqraddiisa 3aad waxa ay leedahay: Xubnaha ergada ka qaybgalaysa shirweynaha ururku waa in ay yihiin xubno diiwaangashan oo ka mid ah ururka/xisbiga oo ku jira diiwaanka xubinimada ee ay hayso guddidu.

Kolkaa, marka la eego, qodobka sare, waxa is weydiin mudan Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo kamid ah siyaasiyiinta damacu kaga jiro hoggaanka xisbiga Kulmiye ma ku jiraa xubnaha xisbiga ee diiwaankoodu yaalo Guddida Diiwaangelinta Asxaabta Siyaasadda iyo Ururada? Haddii laga soo helo diiwaanka Guddida, waxa uu xaq u leeyahay inuu isku sharrixi karo hoggaanka xisbiga, sida ku cad qodobka 11aad ee dastuurka xisbiga Kulmiye ee sheegaysa Xuquuqda Xubinimada. Qodobka 11 (2) inuu wax doorto, lana doorto, waxa loo magacaabi karaa derejo kasta iyo guddi kasta oo xisbiga ah.

Dr Maxamed Faarax oo sheegtay in uu u taagan yahay xilka Guddoomiyeha Kulmiye waxa uu tartanka xilkan xaq u yeelanayaa, oo keliya, haddii uu ku jiro diiwaanka xubnaha Xisbiga Kulmiye ee ay hayaan Guddida Diiwaangalinta Xisbiyada/Ururada, sida ku cad xeerka.

Dastuurka Xisbiga Kulmiye Ma Sheegayaa Habka Xallinta Khilaafaadka Xisbiga Dhexdiisa?

Haa, qodobka 46aad ayaa sheegaya sidan:

  1. Xubin kasta oo xisbiga ka mid ahi waxay xaq u leedahay inay ku doodo in dastuurkii, xeerarkii, go’aanadii ama xeer-hoosaadyadii xisbiga la jebiyay,

  2. Haddii tirada xubnaha dacwoonaysaa gaadhsiisan yihiin 20 xubnood, guddoomiyaha xisbigu waa inuu qadariyaa dacwaddaas una magacaabaa guddi baadhis ah, iyadoo guddidaas la siinayo awoodaha iyo habkii ay ku shaqayn lahaayeen,

  3. Guddida la igmaday ee ku tilmaaman xubinta hore, go’aanka ay soo saaraan wuxuu noqonayaa kama dambays,

Xubnaha kooban ee ay ka mid tahay xubin hoggaanka ah iyo xubanaha kooban ee ku jira Guddida Fulinta iyo Goleha Dhexe, haddii ay aaminsan yihiin in la baalmaray dastuurkii xisbiga, waxa u furnayd, welina u bannaan inay raacaan qodobka sare oo ay hab sharci ah u maraan haddii ay qabaan in dastuurkii xisbiga la jebiyay.

Xalku muxuu noqon karaa?

Xalka ugu macquulsan ee lagu xalin karo khilaafka xisbiga, iyada oo la raacayo hannaanka dimuqraaddiyadda, shuruucda dalka u degsan iyo habsami u socodka hawlaha axsaabta dalku waxa weeyi in maxkamadda Dastuuriga ah uu xisbiga Kulmiye ka dalbado tafsiir sharci. Haddii kale, waxa dhacaysa in xisbigu shirweynihiisa dib ugu dhigo hannaan aan si toos ah ugu caddayn xeerarka dalka iyo dastuurka xisbiga midna oo uu gaadho go’aanka dib u dhigista shirweynaha xisbiga. Xubnaha ku dacwoonaya in la jebiyay dastuurkii xisbiga, iyagana, waxa u furan inay raacaan waddada sharcigu dhigayo. Dr. Maxamed Faarax Xirsi oo ku doodaya inuu xubin ka yahay xisbiga, isna, waxa ku filan in laga soo hubiyo diiwaanka ay hayaan Guddida Diiwaangelintu.