Sunday 15 February 2026
Su’aalaha in badan aan is wayddiiyo waxa ka mid ah: faragelinta shisheeyaha iyo cadaadiska sokeeyaha maxaa ka dhexeeya? Inta badan dalalka “dunida saddexaad” lagu tilmaamaa waxay sheegtaan in ay la dagaallamayaan imbiryaaliyadda caalamiga ah ee gumaysiga noociisa cusub ee reer Galbeedku gadhwadeenka ka yihiin, hasayeeshee waxay taa ugu marmarsiyoodaan dulminta dadkooda iyo cabbudhinta muwaaddinka. Waayo? Si dawlad Muslin ah, ama Afrikaan ah ama Carab ah ay uga hortimaaddo gardarrada caddaanka iyo colaadda Yurub iyo Maraykanku lallabayaan, ma in ay bulshadeeda baddo intii isticmaarku yeeli lahaa baa? Tusaale ahaan, kooxaha argagaxisada ahi waxay ku andacoodaan in ay ka gam’i waayeen gumaadka laga soo agaasimay Waashintoon, Landhan, Baariis, Baarliin, iyo Baraasalis ee lagu beegsanayo walaalaha Ciraaq, Soomaaliya, Liibiya, Yaman, Shaam, ilaa buuralayda Afqaanistaan iyo Baakistaan. Qacda hore waa erayo xaqiiqo (la buunbuuniyay) ku dhisan: wixii ka dhacay Kaabuul ilaa abu-Qurayb ilaa seelooyinka Guwaantanaamo ama bannaanada Maali ilaa badhtamaha Muqdisho waxay ahaayeen duullaan qaawan iyo anafo loo badheedhay. Laakiin taas si aad uga hortagtid ma waxaad u baahan tahay in aad layso oo baaddo isla dadkii aad sheeganaysay in aad difaacaysid?
Maanta waxaynu markhaati ka nahay xasuuqa telefishannada laga wada fiirsanayo ee sida tooska ah loo wada arko ee loo gaysanayo Falasdiiniyiinta, qulqulatooyinka iyo axmaqnimada lagu furay Soodaan, baaxaadegga la baday reer Liibiya, waxa Faransiisku ka waday Maali iyo Burkiina Faaso, iyo dulmiyada la debciga ah ee quwadaha shisheeye ay dunida koonfureed ka gaysanayaan. Waxaynu wada daawanaynay Maraykanka oo xeer iyo xakame kasta oo adduunku mar uun ixtiraami jiray inta uu ka tallaabsaday saqbadh u daatay oo mirasho ku soo qafaashay madaxweynihii Finusuweela. Israa’iil waxay isku mar duqaysay Suuriya, Lubnaan, Yaman, Gadar, ilaa Eeraan. Ciidammada qalaad ee jooga Soomaaliya waxa laga soo weriyaa dil, dhac, iyo kufsi ama denbiyo kale oo ay shicibka u gaystaan (kuwa Afrikaanka ah, duqaymaha Maraykanka, kuwa Turkida, intaba). Waxaas oo dhami waxay dhacayaan muddo yar gudaheed. Dabadeed waxaynu isla oogsan karraa in imbiryaaligu uu dhibishaxanayo oo kibrayo, una baahan yahay cid kibirjebisa. Waxa laga yaabaa in aynu u guuxno cid kasta oo diiday tidhaahda. Waxa tusaale fiican ah waxa loo yaqaan Xulafada Iskacaabbinta (resistance axis) ee ay Eeraan hoggaamiso.
Cunaqabataynaha Maraykanka iyo xulafadiisa Midawga Yurub ay ku soo rogaan dunida ay sannifsan yihiin waxaynu aragnaa in ay khasaare weyn gaadhsiiyaan danyarta iyo inta nugul. Bilmetel, sannaddii hore deraasad ballaadhan oo arrinkan u dhabbagelaysa oo lagu faafiyay majaladda The Lancet ayaa lagu ogaaday in dad ka badan nus-malyuun qofi ay sannad kasta u dhintaan sababo xidhiidh toos ah la leh cunaqabataynta iyo risiqmaanica reer Galbeedka. Waa tiro u dhow inta ay dagaalladu inaga dilaan sannad kasta. Kolkaa marka ay dawladaha aan reer Galbeedka ahayni ka cabanayaan xayiraadaha iyo “dagaalka dhaqaale” ee lagu hayo, cidla’ ka ma ooyayaan ee dhab ahaan wax baa ka jira. Laakiin maxay u dan leeyihiin?
Ururrada iyo waddamada isu taaga ama isu bahaysta diidmada gumaysiga cusubi badanka waxay inagu beerlaxawsadaan weedho iyo halkudhegyo haddii keligood lagu qiimayn lahaa ka dhigi lahaa gobannimaddoon iyo xaqudirir. Laakiin marka aynu afduubashadii Maduuro canbaaraynayno, ma waxay ka dhigan tahay in aynu iska cafinayno dhibtii uu dadkiisa ku hayay? Kolka aynu leennahay Eeraan waa laga gardaran yahay ee weerarka iyo baadda ka daaya, ma waxaynu ku qasbannahay in aynu ka aamusno halaagga ay duubcaddu dadka reer Faaris ku haysay tan iyo 1979-kii? Kolka aynu u jeedno in Xuutiyiinta, al-Qaacida, al-Shabaab, Daacishtii wiiqantay, Xamaas, Xisbullaah, iyo ururrada aan dawladda ahayn ee la nooca ahi in ay dhab ahaan soo qaadanayaan tusaalayaal ay wax ka jiraan si ay u bannaystaan “jihaadkooda” ka dhanka ah “isticmaarka dunida gumeeyay,” ma waxay ka dhigan tahay in ay taasi u jarayso taageeradeenna innaga oo ogsoon in ay dhab ahaan yihiin kooxo jid kasta oo macquul ah u mara gaadhista yoolkooda siyaasadeed ee huwan magaca diineed?
Maamul kelitalis ah oo dadkiisa ta ay taagaanba jebinayay fac ilaa fac, ayaa laga yaabaa in uu soo fuulo tareenka isticmaardiidka iyo xorriyad-jecesha adduunyada. Sidee baynu labadaa u kala sooci karraa?
Dhanka kale, kolka aynu mucaaradayno ama si toos ah uga hor imanayno nadaamyada qooqay ee dalalkeenna, ma waxay ka dhigan tahay in aynu hoosta ka gallo oo imbiryaaliga Galbeedka, sida Bahlawiga uu dhalay Shaahii Eeraan ama Maariyada mucaaradka Finusuweela ee dhowaan Abaalmarinta Nobeesha la siiyay ee labadooduba u dhaqma sidii oo aanay waddamadooda u damqanayn ee ay danaha Maraykan tabta baqbaqaaqa ugu subcinayaan?
Qoraaga iyo caalinka bulsho ee Saakir al-Nuur ayaa dhowaan qoray maqaal aad iiga fekersiiyay. Wuxuu ku daray:
“Si aynu u fahanno xaaladdan cakiran, waxa habboon in aynu ku laabanno su’aal qaabdhismeed ahaan fudud laakiin cidhibteedu jaangooyo leedahay: horta maxaynu imbiryaaliyadda u diidnaa, sideedaba? Waxaynu u diidnaa maaddaama ay ku dhisan tahay jujuub iyo sandulle dhakada la iskaga keeno, qiimaha dheeriga ah oo la daldasho, karaanka umadda oo la yaraysto, iyo jidadka horumarka lagu gaadhi lahaa oo la awdo. Haddii udubdhexaadka naqdinteennu uu kaa yahay, waxa lagamamaarmaan noqonaysa in aynu isla su’aashii ku rogno talisyada ay u taagan yihiin halkudhegyada isticmaardiidku: ma waanay qudhoodu ku camalfalin cadaadis iyo sandullayn? Miyaanay sharciyaddooduba ku dhisnayn xoog iyo muquunin, oo aanay la’ayn metalaad iyo kaqaybgal guud?”
Kolka la soo ururiyo, masaladu waxay taagan tahay labo daraf: aynu kelitalisyada iyo argagaxisada u adeegsanno ladagaallanka gumaystaha cusub, iyo aynu cududda imbiryaaliga ku dhirbaaxno nadaamyada xun iyo xagxunjirka. Qoraaga buugga Meaning of Marxism (2006), Baawl Damaato, wuxuu u fiirsaday dhaqdhaqaaqyada iyo xukuumadaha sheegta qoomiga iyo waddaniga ee dadweynaha jibbada gumaysi-la-dirirka ku mideeya. Burjuwaasiga waddaniga ahi marka uu kuugu baaqayo in aad safka soo gasho oo “khilaafka gudaha” iska indhatirto si kumeelgaadh ah, maaddaama la gaadhay xilligii aynu “ul iyo diirkeed” noqon lahayn ee aynu “cadawga debadda” u bahoobi lahayn, sida uu qoraa Damaato ina fahansiinayo (isaga oo Faraanz Faanon laftiisa ku waafaqaya), waxa run ahaan laga shaqaynayaa ma aha nacab laga adkaado ee waa in xukunka ay sii joogaan oo sii cimridheeraystaan. Dantooda ayaa ka gashay, ee ma kala jecla.
Cid alla ciddii ku kacsan nadaamyadaa xun ee sokeeyuhuna, sida aynu taabannay, ma aha in ay shisheeye u xiiseen. Tusaale ahaan, dadweynaha maanta ku muddaharaadaya taliska wadaaddada ee Eeraan, macnaheedu ma aha in ay doonayaan in waddankooda uu Maraykanku ka taliyo ama in ay, sida loo malaynayo, ku soo noqoto boqortooyadii arxanka darrayd ee Shaahtooyadu.
Abbaarta kolka aynu soo xoorinno, halganka dhabta ah ee gobannimaddoonku wuxuu ku jiraa in aan la kala dooran labo hab oo wada xun, oo iyada oo belo laga ordayo aan afka looga gelin mid aan ka waabay yarayn. Haddii aynu ka gilgilanno dilka maatada iyo rayidka ee diyaaradaha Maraykanka ama Turkiga, macnaheedu marra ma aha in aynu iska wada xaadirinayno xeryaha halaagga diineed ee Jilib. Masaafo aad u badan baa u dhexaysa. Islaxisaabtanka iyo qaanuunka oo la xoojiyo, talawadaagga oo lagu mintido, iyo xushmaynta nafta insaanka oo la weyneeyo ayaa ka mid ah. Maxaa yeelay waa raasamaal aynaan la’aantii samatabixi karin.