Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Labakaclaynta Budhcad Badeednimada ee Badda Indiyaanka iyo Gacanka Cadmeed

29 August, 2026
Image
Labakaclaynta Budhcad Badeednimada ee Badda Indiyaanka iyo Gacanka Cadmeed
Share
Isbeddelka Amniga Gobolka Indiyaanka

Horraantii 2000 illaa 2012-dii oo ahaa xilliyadii budhcad badeedda Soomaaliya ay cirka maraysay, waxa sameysmay ciidamo iyo xoogag iska caabbineed oo ay dawladaha maslaxdaha ka leh gobolka iyo kuwa gobolka dhacaba ay iska kaashadeen in lagu dhiiirritiro kor u kaca iyo xoogeysiga kooxaha hubaysan ee bartilaameedsanaya maraakiibta. Waxaana muuqatay in hawlgalladaasi ay waxtar ballaadhan oo togan ka geysteen yareynta iyo caabbinta weerarrada iyo guud ahaan awoodda hawlgal ee kooxahaas.

Intii u dhexeysay 2012 illaa 2019, waxa ay budhcad badeedu ku guuleysatay laba weerar oo keli ah. Middaas oo muujinaysa waxtarka hawlgalladaas iyo sida ay u yareeyeen budhcad badeedda; waxaana middan kaabay in muddo dheer ka dib, firaaqa amni ee ka jirey dhinaca xeebaha Soomalilaan, Buntilaan iyo Koonfurta Soomaaliya ay wax iska beddeleen, kadib aqoonsigii dawladda Muqdisho ee 2012kii iyo kaabayaashii kale ee suurtagaliyay in la dhiso oo la horumariyo awood-dhiska hawlgallada badda iyo ciidamo xeebaha u gaar ah, sida PMPF ee Buntilaan (2010-11), EUCAP Somalia (2012), iqk.

Marxaladdan kala-guurka ah ee uu isbeddel ku dhacay amniga badda ee gobolka waxa ay ku lug lahayd dagaalkii Qasa ee qarxay Oktoobar 2023. Dagaalkaasi waxa uu abuuray furimo ballaadhan oo wejiyo badan leh iyo isbeddello amni oo ka soo cusboonaaday Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe. Bil ka dib, ururka Ansaar Allaah (Xuutiyiinta) waxa ay bilaabeen bartilmaameedsiga maraakiibta Israa'iil ee maraysa Badda Cas iyo marinka Baabul Mandeb, si loo abuuro cadaadis keensan kara xabbadjoojin ka hirgasha Qasa. Waa isla sababtan midda suurtagallisay in Noofembar 2023 uu dhaco isbeddel la xidhiidha dhinaca weerarrada badda iyo soo noqoshada kartida budhcad badeedda ee Geeska Afrika.

Waxa arrintan kaaliyay markii uu bilaabmay dagaalka ka dhanka ah Iiraan ee gilgilay xasilloonida marinka Hormuus, waxa ay ballaadhisay firaaqa amni oo ay ka faa’iidaysteen kooxaha budhcad badeedda iyo ururrada aan dawliga ahayn ee gobolka ka jira, sida Xuutiyiinta Yaman, al-Shabaab, Daacish, iqk. Culayska fuulay marinnada Hormuus iyo Baabul Mandab waxa ay dib u soo kiciyeen baahida loo qabo marinnada kale ee badda Indiyaanka iyo Cidhifkii Rejawanaagga (Cape of Good Hope), isla markaana waxa uu kordhiyay suurtagalnimada haliso amni oo ka soo cusboonaada galbeedka badda Indiyaanka.

Waxa ay arrintani abuurtay in ciidamadii u xilsaarnaa la dagaalanka budhcad badeedda oo muddo ku jirey fadhiidnimo ay xoogga saaraan oo ku mashquulaan ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo mudnaan siinta marinka Hormuus, laakiin, dhanka kale waxa ay suurtagallisay in ay budhcad badeedu heli karto firaaqo masaaxadeed oo ay wax ku sameyn karaan. Waxa arrimahan kaaliyay qodobo kale oo la xidhiidha, sida hawlgalkii Hillaac ee ay dabayaaqadii 2024 ay Buntilaan ku qaadday ururka Daacish (ISIS), kaas oo badi ciidamadeedii, sida PMPF, Daraawiish, Ilaalada Madaxweynaha iyo maleeshiyada qabiilladaba u leexiyay dhinaca dhulka buuralayda ah ee ay ka socdaan hawlgallada argagixiso la dirirku.

Isxulafaysiga Ururrada Islaamiga iyo Shabakadaha Budhcad Badeedda

Isxulafaysiga maslaxadeed ee ururrada aan dawliga ahayn ee gobolku waa daahiro kale oo soo korodhay. Waxa soo if baxay jiritaanka heshiis rasmi ah oo dhexmaray xulafada Al-Qaacida ee Soomaaliya, ururka Al-Shabaab iyo ururka Xuutiyiinta ee Yaman, kaas oo leh wejiyo badan oo murugsan, sida tahriibinta tignoolajiga iyo hubka, isdhaafsiga tababbarrada iyo in si wadajir ah loo carqaladeeyo maraakiibta badda maraysa. Maaddaama oo ay Xuutiyiintu weerarayaan marinnada Badda Cas iyo Baabul Mandabka, sidaas oo kale ayay Al-Shabaab oo ku daaban budhcad badeedu, taageero kala duwanna helaysa ay u carqaladeynayaan galbeedka badda Indiyaanka. Waxa muuqata in qorshahaas uu hore u socday, haatanna la dareemay culayska iyo saameynta uu abuuray iskaashigani.

Sida ay sheegeen kooxda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabagalka Cunaqabataynaha, Al-Shabaab iyo Xuutiyiintu waxa ay isla afgarteen dhawr qodob: in Al-Shabaab la siiyo hub, tignoolajiyad, tababbarro iyo taageerada ay u baahan tahay, taa beddelkeedana ay kor u qaaddo dhaqdhaqaaqyada budhcad badeedda ee Soomaaliya oo ay lacagaha madax furashadana ah ka ururiso maraakiibta. Ururka Al-Shabaab waxa uu danaynayaa in uu wax ka beddelo farsamadiisa dagaalka isaga oo bilaabay adeegsiga daroonta, in kasta oo weli adeegsigani ku kooban yahay dhinaca xuuraanka, sahaminta iyo fidinta warbaahinta, laakiin waxa isa soo taraysa in uu u gudbo heer hawlgal.

Iskaashigan farsamo waxa uu suurtagaliyay in budhcad badeedda laga kaalmeeyo sahaminta maraakiibta. Xarunta American Security Project, waxa ay tilmaamaysaa in budhcaddu heshay qalabyo GPS oo heer sarreeya oo fududeynaya in la raacdeeyo oo lagu bartilmaameedsado maraakiibta, halka mararka qaarkoodna ay Xuutiyiintu toos ugu soo wargeliyaan maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed. Sida uu xusay kuxigeenka hawlgalka Midowga Yurub ee Atlaanta, Vice Admiral Ignacio Serrano, budhcad badeedu waxa ay adeegsanaysaa telefoonnada sataylaatka ah iyo hub culus; middan oo loo tiirinayo in ay ku lug leedahay kala iibsiga hubka iyo farsamada ee dhexmaray Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab. Jariiradda Africa Defence Magazine, oo wareystay agaasime xigeenka sirdoonka PMPF ee Buntilaan, Mohamed Muse Abdulle, waxa uu tilmaamay in budhcad badeedda qaarkood ay tababbar ku soo qaateen Yaman iyo in tignoolajiyadda cusub ee ay haleen suurtagalinayso in ay weerarro ku qorshayn karaan meelo ka durugsan xeebta Soomaaliya.

Al-Shabaab waxa ay muddo dheer xidhiidho iskugu jira iskaashi iyo wax is dhaafsi la leedahay shabakadaha budhcad badeedda, shabakadaha hubka ka ganacsada, iyo shabakadaha wax afduubta ee Soomaaliya. Sida oo kale, Al-Shabaab waxa ay muddo dheer dhaqaale iyo dakhli ka soo xareyn jirtey afduubkashisheeyaha oo ay lacago madaxfurasho ah ka qaaddo.

Mar kasta oo ay daahirada budhcad badeedu dib u soo laba kaclayso, waxa aalaaba shidaaliya waxyaabo isku xidhan oo gobolka u leh muhiimad istiraatiijiyeed iyo amni. Bil metel, korodhka kalluumeysiga ee dawladaha iyo shirkadaha shisheeye waxa uu shidaaliyaa in ay soo ifbaxaan shabakado budhcad badeed oo kala duwan, qaarkood waa abaabullo maxalli ah oo dhiidhi waddaniyadeed iyo maslaxado macaashdoon iskugu jira. Waxa se muuqata in korodhka budhcad badeedu ay dhiirritir u tahay kalluumaysiga shisheeeyaha, halka marar kala duwanna ay u dhaqanto ajende dibadeed (sida kan Xuutiga oo kale) oo ujeedkiisu yahay dagaal lagu carqaladeeyo marin biyoodyada ee Geeska, iyada oo loo adeegayo siyaasadaha qaarkood.

Buntilaan iyo U Nuglaanshaha Shabakadaha Budhcad Badeedda

Inta badan, budhcad badeedda Soomaalida waxa saldhig ay ka duulaan ama ay maraakiibta ku xidhaan ah deegaannada Buntilaan iyo Galmudug. Galmudug waa maamul aan weli si fiican u dhismin, mudda dheerna aan jirin, mana leh awood maamul dhexe oo sida Buntilaan wax ka go’aan ama wax ka qaban kara budhcad badeedda. Deegaannada Buntilaan maxaa ku gaar ah? Deegaannada Buntilaan iyo Galmudug waxa ay muddo dheer hoy u ahaayeen shabakadaha budhcad badeedda iyo kuwa hubka, iyada oo Buntilaan loo dhisay ciidamo u gaar ah ilaalada xeebaha oo loo yaqaan PMPF oo wax ka taray hawlgallada Atlaanta ee Midowga Yurub hoggaaminayo, haddana weli wax weyn iskama beddelin marka laga eego dhinaca gudaha Buntilaan. Weerarrada badankood ee hadda ka soo cusboonaaday Gacanka Cadmeed iyo galbeedka badda Indiyaanka waxa ay kooxahani maraakiibta ku xidhaan xeebaha Buntilaan, isla aaggagaas baana saad iyo hub looga daabbulaa.

Dhanka kale, horraantii bisha Julaay ee sannadkan waxa ay Buntilaan diiday in shirkadda kalluumeysiga ee SomTurk ay ka hawlgasho xeebaheeda. Shirkaddan oo ah mid ay shuraako ku yihiin Soomaaliya iyo Turkigu, waxa ay Garoowe ku andacootay in aan laga qeybgalin wadatashiga hawshan. Mid ah ka mid ah maalgeliyayaasha budhcad badeedda oo ku sugan Hul Caanood (Buntilaan, Soomaaliya) oo ay wareystay warbaahinta Reuters, waxa uu u sheegay in ay ka faa’idaysanayaan carqaladaynta Xuutiyiintu ay ka wadaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taas oo maraakiibta u soo leexisay dhinaca Galbeed ee badda Indiyaanka; iyo sida oo kale hoos u dhaca ku yimid hawlgallada badda ee ciidamada caalamiga ah ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya.

Intaa waxa dheer, shabakadaha budhcad badeedda Buntilaan waxa ay leeyihiin weji qabiil. Badi maraakiibta waxa afduubta qabiillo kala duwan, hubaysan oo mararka qaarkoodna isku jifo hoosaad wada ah, sidaa darteed waa ay adag tahay in Buntilaan ay tallaabo ka qaaddo oo waxa laga cabsi qabaa in ay ka dhalato isku dhac qabiileed. Waxa kale oo jirta in marar badan ay shabakadaha budhcad badeedu u yihiin qoysas badan il dhaqaale oo ku noolaadaan. Guud ahaan, Buntilaan marka la joogo haddii ay hoos u dhacaan hawlgallada ciidamada caalamiga ah; ciidamada iyo hay’adaha maxalliga ah ee koobanina ay ku mashquulaan dagaallo, sida hawlgallada argagixiso la dirirka, waxa kordha firaaqyo ay budhcad badeedu ku heli karto masaaxo aamin ah oo ku hawlgasho.

Kaalinta Shiinaha iyo Turkiga ee Badda Soomaaliya

Badhtamihii Julaay waxa ay Soomaaliya iyo Shiinuhu kala saxeexdeen heshiis lagu ballaadhinayo sektarka dhoofinta badeecadaha badda, sida kalluunka ku jira xeebaha Soomaaliya oo uu suuqyada Shiinaha ku galo cashuur-dhaaf. Turkiga laftiisu waxa uu sheegay in bilaha soo socda uu maraakiib kalluumaysi u soo diri doono xeebaha Soomaaliya, arrintan oo ka qeyb ah horumarinta dhaqaalaha buluugga ah. Guud ahaan, Shiinaha iyo Turkigu waxa ay hormuud ka yihiin galaangalka xeebaha Soomaaliya ee la tacalluqa dhinaca istiraatiijiyadda dhaqaalaha buluugga, sida kalluumaysiga, shidaalka iyo gaasta.

Dhanka kale, Turkiga oo bilaabay sahaminta qodaalka ee shidaalka Soomaaliya, waxa uu markabka qodaalka ee Cagri Bey oo ay wehelinayaan saddex ka mid ah maraakiibta ciidamada badda ee Turkiga oo kala ah TCG Goksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartin oo ka qeyb ah hawlgal loogu magacdaray “Somalia Naval Task Group” oo ka dhashay iskaashiyadii difaaca ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, si gaar ahna loogu xilsaaray in ay ilaaliyaan sahaminta tamarta ee uu Turkigu ka wado badda Indiyaanka. Sidan si la mid ah, Shiinuhu waxa uu bilaabay in uu maraakiib dagaal u soo diro xeebaha Soomaaliya si ay uga qeybqaataan amniga maraakiibta ee maraya biyaha caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Shiinuhu waxa uu hawlgalladan ka qeybqaadanayay illaa 2008dii oo ahaa xilliyadii ay cirka marayeen weerarrada budhcad badeedu ay ka gaysan jireen badda.

Waxa ay u muuqataa in korodhka kalluumaysiga iyo sahaminta shidaalku ay yihiin qodobbo ku u qaadi kara sameysanka budhcad badeed rabta qafaalashada maraakiibtaas, iyaga oo ay riixayaan damac lacageed ama dhiidhi ka dhan ah dhaqdhaqaaqyadaas shisheeye. Sida oo kale, waxa lama huraan in laga eegi karo suurtagalnimada dhinacyo istiraatiiji ah, maaddaama oo aynu haddaba aragno iskaashiga maslaxadeed ee Ansaara Allaah iyo Al-Shabaab in uu kiciyay budhcad badeed; in sidaas oo kale masaalix dibadeed ay kicin karaan wax maxalli ahaan u muuqda budhcad badeed Soomaali ah.

Jadwalka Dhacdooyinka Weerarrada Badda

Korodhka weerarrada budhcad badeedu waxa ay ku kalllifaan maraakiibta, dawladaha iyo shirkaduhuba in ay kor u qaadaan heerka ilaalada amniga ee gaarka ah, saamiyada caymiska iyo ka diyaargarowga khataraha uu heerkooda dhicitaan sarreeyo. Horraantii 2010kii waxa ay weerarrada budhcad badeedu u dhici jireen si toddobaadle ah ah, iyaga oo sannadkaas oo qudha afduubtay tiro dhan 53 doomood iyo dad gaadhaya 1,181 maxbuus. Dhanka lacagaha, intii u dhexeysay 2005 illaa 2012 waxa budhcad badeedda loo siiyay madax-furasho ahaan lacag lagu qiyaasay $339 milyan illaa $413 milyan.

Marxaladdan labakaclaynta labaad, intii u dhexeysay 2024 illaa 2025, weerarrada badaha iyo dhaca hubaysan ee caalamku waxa ay kordheen 17% oo u dhiganta tiro dhan 146 dhacdo illaa 171 weerar. Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (International Maritime Organization - IMO), saddex bilood gudahood waxa xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed laga diiwaangeliyay afar iyo labaatan isku day weerar iyo dhac iskugu jira oo lagu qaaday maraakiibtii maraysay marinnadan. Intii u dhexeysay Abril iyo Meey ee 2026, waxa ay budhcaddu afduubteen saddex markab oo siday saliid iyo bacrimiyayaal kiimiko ah oo kala ah MT Honour 25, Eureka iyo Sward, kuwaas oo ay weli saaran yihiin afar iyo afartan badmaax oo xaaladdooda laga dayrinayo.

17kiii Ogos, waxa ay hay’adda ilaalada xeebaha iyo badda ee Ingiriiska (Coastguard and Maritime Agency - MCA) qeybteeda u qaabilsan xogsiinta iyo hagista hawlgallada ganacsiga ee Bariga Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas oo loo yaqaan (UK Maritime Trade Operations - UKMT) waxay soo tebisay in markab kaargoo ah oo u dhowaa aagga xeebta Marraya ee gobolka Bari ee Buntilaan ay qabsadeen budhcad-badeed. Markabkan oo lagu magacaabo M/V LUTUF oo ku soconayay calanka Kamaruun. 27kii Julaay, markabkii afraad oo lagu magacaabo Asana oo ku soconayay calanka Tansaaniya ayaa ay budhcaddu ka soo afduubteen aagga Yaman, waxa ayna ku soo xidheen xeebta Eyl ee Buntilaan.

19kii Ogos, waxa duqeyn lagu diley afar xubnood, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo lagu eedaynayay in ay ka mid ahaayeen siddeedii qof ee afduubtay markabka M/V LUTUF. In kasta oo qaraabadoodu ay diideen ku luglaanshahan, iyaga oo sheegay in ay ahaayeen kalluumaysato rayid ah. Kooxdu waxa ay afduubka markabka u adeegsatay isla markab ay hore u afduubteen oo lagu magacaabo MV Sward. Istiraatiijiyadda in la qabsado markab ama doon weyn si loogu ugaadhsado maraakiibta kale waa mid ay budhcad badeedu u leedahay waaya-aragnimo muddo dheer, taas oo ay 2010kii ay ku ugaadhsan jireen inta u dhexeysa Mosaambiik oo koonfurta Afrika ah illaa Cumaan oo Gacanka Carabta dhacda.

Sida xogaha qaarkood tilmaamayaan, duqeyntan waxa loo aaneynayaa in ay fulisay diyaarad bilaa duuliye ah oo laga leeyahay Turkiga, maaddaama oo ciidamada badda ee Turkiga iyo maraakiibtiisu ay ka ag dhowaayeen aagga lagu haysto markabka. 23 Ogos, isla mar kale waxa la duqeeyay doon u dhoweyd aagga Jiifle ee gobolka Nugaal, Buntilaan, kadib markii la isku dayay in markabka MV/ LUTUF loo soo dhaweeyo xeebta Jiifle. Duqeyntan waxa ku dhintay sagaal qof oo saarnaa doon ka soo baxday deegaanka xeebta ee Dhiinowda-dhig. Dawladda Turkiga oo wax laga wayddiiyay duqeyntan waxa ay sheegtay in aanay wax xog ah ka haynin, taas oo aan muujinaynin wax diidmo ah oo ku saabsan duqeynta ama in ay qaateen wax masuuliyad ah.

Markabkan M/V LUTUF waxa uu hub iyo qalabyo loo adeegsado wada-xidhiidhka iyo satalayaatka u siday saldhigga Turkiga ee Muqdisho. Arrintani waxa ay muujinaysa korodhka halisaha la xidhiidha in la bartilmaameedsado maraakiibta sidda hubka iyo agabka ciidanka; halka dhinac kale ay abuurayso suurtagalnimada weerraro istiraatiiji ah oo aan ujeedkoodu ahayn keliya macaashdoon ama carqaladayn. Warar soo baxaya waxa ay tilmaamayaan in kooxda markab haysata ay dalbatay madax furasho gaadhaysa $2 milyan, laakiin ma cadda in wax wadahadal ah bilaabmay.

20kii Ogos, markabkii lixaad ee la qabsado oo lagu magacaabo M.T. Sibu 1 oo ku soconayay calanka Eritariya ayaa ay budhcad badeedu ka soo afduubteen Bariga al-Mukulla oo dhacda Yaman, waxaana la geeyay xeebaha Buntilaan.

Iskaashiyada Amniga Gobolka ee Kordhaya

Dhawrkii sannadood ee u dambeeyay ee ay soo baxday nuglaanta amni ee badaha gobolku, sida oo kalena ay kordheen khilaafyada juquraafi-siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed, waxa isa soo tarayay heshiisyada iyo is-afgaradyada la xidhiidha difaaca, amniga, dekedaha iyo badaha. Jeenaweri 2024, Itoobiya iyo Soomalilaan waxa ay wada saxeexdeen is-afgarad ku saabsan dekedaha iyo xeebaha. Ogos, 2024, Soomaaliya iyo Masar waxa ay kala saxiixdeen heshiis difaac oo xoogga saaraya wadashaqeynta amniga, sida la dagaallanka Al-Shabaab iyo ISIS. Ogos 2025, waxa ay Bakistaan iyo Soomaaliya wada saxeexdeen heshiis difaac oo xoogga saaraya dhisidda ciidanka Soomaaliya, kaalmooyinka farsamo, tababbarrada iyo in ay helaan qalab casri ah.

Sidaas oo kale sannadkan gudihiisa, Julaay, 2026, waxa ay Soomaaliya ansixisay is-afgarad iskaashi oo ku saabsan gaadiidka badda iyo dekedaha oo dhexmaray Masar. 4tii Ogos 2026, waxa ay Bakistaan iyo Soomaaliya kala saxeexdeen is-afgarad iskaashi difaac oo taabanaya dhinacyo badan oo ka kooban difaaca, amniga iyo dhismaha millateriga; iyo sida oo kale argagixiso la dirirka, tababarrada millatariga, iwm. 

Dhan kale, 2dii Ogos 2026, ka dib kulankii dhexmaray madaxweynaha Buntilaan, Siciid Deni iyo Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., taliyaha hawlagallada gaarka ah ee ciidamada Maraykanka ee Africa (SOCAFRICA), waxa ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis amni oo lagu ballaadhinayo saldhigga Maraykanka ee Boosaaso, laguna xoojinayo iskaashiga hawlagallada argagixiso la dirirka iyo ammaanka badda. Khilaafyada amni-siyaasadeed ee ka aloosan gudaha Buntilaan waxa ay dib u dhigi karaan awoodsaarkii ku wajahnaa la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda, sugidda ammaanka xeebaha iyo yareynta fagaagyada amni ee laga faa’idaysan karo. Buntilaan waxa ay bishii hore soo afjartay ciidamadii PSF (Puntland Security Forces) oo ahaa ciidamo ka barbarjira kuwa maamulka dhexe ee Garoowe, iyada oo qabsatay xarumihii ay ku lahaayeen Gaalkacyo, Boosaaso iyo Carmo. Marka loo eego heshiiska cusub ee Maraykanka waxa ay calaamad u tahay in ciidamada amniga ee gudaha Buntilaan ay iskugu ururi doonaan kuwo dawli ah oo meel dhexe laga maamulo.

Intaa waxa dheer, bishan horraanteedii, Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay ka wadahadleen kor u qaadista iskaashiga difaaca, argagixiso la dirirka iyo caqabadaha ka soo cusboonaaday hawlgalka AUSSOM. Maarij, 2026 Shiinuhu waxa uu ballaanqaaday in uu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca la dagaalanka ururrada Al-Shabaab iyo ISIS. Arrintan oo tilmaamaysa in galaangalka Bayjiin ee Soomaaliya uu ka gudbayo marxaladihii hore ee ganacsiga kalluumaysiga, taageerada diblomaasiyadeed iyo danaeynta marinnada gobolka ee kaabayaasha dhaqaalaha, loona gudbayo weji cusub oo amni iyo millateri.

Sidaas oo kale, Julaay, 2025, waxa ay Soomaalilaan iyo Taywaan kala saxeexdeen heshiis ku saabsan iskaashiga ilaalada xeebaha, kaas oo lagu xoojinayo amniga badda iyo ka hortagga budhcad badeedda, kalluumaysiga sharcidarrada ah, isdhaafsiga tabbabarrada, hawlgallada badbaadinta maxaabiista badaha iyo guud ahaan ammaanka badda. Dhanka kale, aqoonsiga wadajirka ah ee Israa'iil iyo Soomaalilaan waxa uu abuuray suurtagalnimada joogitaan Israa'iil oo ka hirgala xeebaha Gacanka Cadmeed iyo Galbeedka Badda Indiyaanka.

In muddo ah, waxa soo baxaya warar tilmamaaya dhammeystirka saldhig ciidan oo ka socda Berbera, in kasta oo aan labada dhinac midna si buuxda u xaqiijin warkaas; haddana waxa jira caddeymo muujinaya gebagabaynta saldhigga oo loo tiirinayo in ay waddo dawladda Imaaraadku, si wadajir ahna u adeegsanayaan Israa'iil. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaalilaan, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo mar laga wareystaysuurtagalnimada saldhiggan, waxa uu sheegay in aan xidhiidhka labada dhinac xad lahayn oo dhan walba la iska kaashan karo. Arrintan waxa walaac ka muujiyay ururka Xuutiyiinta oo ku hanjabay in ay weerari doonaan joogitaan kasta Israa'iil ay ku yeelato Soomaalilaan oo ujeedkiisu yahay saameynta marinnada gobolka.

Dhinac kale, 7dii Ogos 2026, waxa ay Turkiga, Sucuudiga iyo Bakistaan wada saxeexdeen oo dhaqangalay Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka. Heshiiskan waxa uu ku sal leeyahay in lagu dhiirritiro isku day kasta oo gardarro oo saddexdan dawladood ka dhan ah iyo sida oo kale in weerar kasta oo lagu soo qaado midkood uu ka dhigan yahay in saddexdaba la soo wada weeraray. Heshiiskan iyo heshiisyada kaleba waxa ay ka qeyb yihiin hindiseyaasha lagu xoojinayo ammaanka gobolka ee nuglaaday, ha ahaato dawladaha is haya ama kooxaha aan dawliga ahayn ee ka faa’idaystay dheelliyadan.

Heshiisyada iskaashiga amniga iyo difaaca ee gobolka ka soo cusboonaaday waxa ay ka turjumayaan in ay buuxiyaan firaaqa amni ee dawladaha fashilmay ama daciifay ama isku halleyn kari waayay guud ahaan jajabka ku socda nidaamka libraalka ee caalamiga ah, gaar ahaan natiijooyinka ka dhashay is xulafaysiga ururrada aan dawliga ahayn ee khalkhalka geliyay xasilloonida amniga badaha, dagaalka Iiraan iyo khilaafyada siyaasadeed ee waddan kasta oo gobolka ah ka soo cusbonaaday, waxaana loo jihaysanayaa xulafaysi gobol ama iskaashi amni maslaxadeed, si loo gufeeyo baahiyaha amni iyo difaac ee soo cusboonaaday.

Gunaanad

Ugu dambeyntii, ammaanka badda ee galbeedka gobolka Indiyaanka iyo marinnadiisa ugu muhiimsan waxa ay galeen weji cusub oo kalaguur amni iyo awoodeed, arrintaas oo sababtay in uu hoos u dhac ku yimaaddo xasilloonidii jirtey iyo ilaalintii ammaanka badda. Sidaas oo kale, loollanada awooddaha gobol ee shidaaliyay khilaafyada amni iyo juquraafi-siyaasadeed, waxaa firaaqaas ka faa’iidaystay ururrada aan dawliga ahayn ee gobolka ka jira, sida xulafada Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta; iyo dagaalka Daacish ee Buntilaan; kuwaas oo u arkay fursad ay awooddooda iyo saameyntooda kor ugu qaadi karaan. Balse, caksiga waxa muuqata ifafaale togan oo isa soo taraya marka loo eego heshiisyada difaaca, saldhigyada iyo iskaashiyada amni oo noqon kara kuwo hoos u dhigi kara firaaqa amni ee sannaddadii tegay horseeday labakaclaynta maanta jirta.

Laakiin, tani waxa ay ku hirgeli kartaa doonis wadareed oo dawladaha maxalliga ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah ba ay ku raadiyaan in si wadajir ah looga wadahadlo halisaha amni, la diyaariyo istiraatiijiyado amni oo wax tar leh, la tayeeyo ciidamada ilaalada xeebaha, la kordhiyo galaangallada ciidamada ee badda, si loo buuxiyo fagaagyada ammaanka badda. Sidaas oo kale, waxa xusid mudan in xeebaha iyo badda oo keliyi aanay amnidarradu ku koobnayn, laakiin asalkeeda dhulka ka imanaya ee dawladaha iyo maamullada dhaca aaggagaas xil iyo masuuliyad laga saaro in qodobbada bulsheed iyo dhaqan-dhaqaale ee budhcad badeedda shidaaliya wax laga qabto oo lagu soo daro diiradda saaxadeed ee ammaanka badaha.

Qoraallada kale ee qoraaga

Faaqidaad

Awdal iyo Loollanka Istaraatiiji ee Geeska

Faaqidaad

Saylac Waa Mindi Labo Af Leh