Sunday 9 February 2025
Sannadkan dhammaaday waxa uu ahaa sannadkii doorashooyinka Afrika, ku dhawaad saddex meelood oo ka mid ah dawladaha Afrika waxa ka qabsoomay doorashooyinka madaxtooyada iyo xeerdajinta, doorashooyinkaas qaar koodkood waa lagu hunguubay. Dadka u dhuun daloola siyaasadda dawladaha Afrika waxa ay filayeen doorashooyinka ka dib in ay dawladahaas ka dhaci doonaan isbeddello waaweyn oo xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, laakiin nasiib xumo filashadaasi ma ay dhaboobin. Dhanka kale, doorashooyinkani waxa ay meesha ka saareen shakigii laga qabay qaan gaadhnimada dimoqraadiyadda Afrikaanka.
Marka la joogo qabashada doorashooyinka madaxda qaaraddu isku aragti kama haystaan, qaarkood, waxa ay u yihiin hab iyo hannaan ay dib ugu helaan sharciyadda, ogolaanshiiyaha iyo hoggaansamida Jamaahiirta, halka qaarkood ay u tahay hab iyo hannaan dib loogu soo celiyo siyaasiyiinta isla shacabka si ay u qiimeeyaan xil gudashada sannadihii ay talada hayeen iyo muddadii ay wax maamulayeen taas oo haddii shacabku dib u siiyo kalsooniyada ay la mid tahay ogolaansho iyo raalli haddii se si kale wax u dhacaan waa shaqo ka caydhin.
Waxa xusid mudan in doorashooyinkii ka qabsoomay waddamada qaaradda Afrika aanay ka baydhin labadan waji, siiba kuwa ku yaalla dalalka waqooyiga qaaradda iyo sidoo kale koonfurta iyo beriga, xitaa kuwa dhaca galbeedka qaaradda. Dhab ahaanna waxa jira dawlado aan aad loo aqoon oo shucuubtoodu ku dhaganyihiin dimoqraaddiyadda ay dhisteen, wallow ay jiraan waxyaabo badan oo is biirsaday oo ku riixaya ku kufrinta dimoqraaddiyadda, sida shaqo la’aan baahsan, saboolnimo, kala daadsanaan iyo fadhiidnimo dhaqaale, hadddana ku sii dhaganaanta dimoqraaddiyadda waxa ay caddaynaysaa in iniinyaha dimoqraadiyaddu ay ka soo baxaan ciidda qaaradda si aan ka dhicin dunida kale.
Sida la arkay dalal badan oo Afrikaana waxa ka dhacay doorashooyin guud oo uu cimri dherer ka dayayo hadba xisbiga talada kuwaas oo dhacay iyada oo ay jiraan dhaliilo iyo diidmo qayaxan oo ka soo yeedhaya mucaaradka, waxaana jira qodob ay ka midaysanyihiin guud ahaan mucaaradka dalalka Afrika kaas oo ah qabashada tartan aan xor ahayn isla mar ahaantaana aan hufneyn iyo xad gudubyo kale oo doorashooyinka ka dhigay doorashooyinka aan ahayn xalaal.
Doorashooyinka qaaradda ee sannadkan tagay waxa ibo furay Jasiiradaha la isku yidhaa Komoros waa bilawgii sannadka 2024, oo ay dhacday doorasho uu dib isugu boqray madaxweynaha hadda Qasaali Cismaan oo talada sii qabtay ka dib afganbi lagu sameeyey madaxweynihii ku meel gaadhka ahaa Taajdiin maasondi sannadkii 1999. Qasaali Cismaan waxa uu talada sii hayey ilaa laga soo gaadhayey sanadkii 2006 dabadeed wuxu mar kale talada qabtay doorashooyin dhacay sanadkii 2016, mar kale sanadkii 2018 wuxu gabi ahaanba wax ka beddel ku sameeyey Dastuurka si uu u laalo qodobka xadidaya inta jeer ee qofku talada qaban karo, taas oo horseedday xasilooni darro iyo in ay gudho rejadii dimoqaariyadda ee Komoros.
Waqooyiga qaaradda siiba d alka Tuunis waxa ka dhacay doorashooyin dhawr waji leh oo Madaxeynaha talada hayey ku talo dheeraystay, tusaale Cabdi majiid Taabuun oo ahaa murashax madax bannaan waxa uu ku guulaystay doorashooyinkii loo dareeray 17 Semtember isaga oo helay boqollay dhan 94% wadarta codadkii la dhiibtay. Bil kadib, Qays siciid oo ahaa murashaxa madax bannaan ayaa mar labaad ku guulaystay madaxtinimada Tuunis isaga oo helay 90% wadartii codadka, doorashadan oo ahayd tii saddexaad ee madaxtooyo kacdoonkii ka dib.
Meel aan ka fogeyn labadan dal oo ah Jaad 6-dii bishii Maay waxa ka dhacday doorasho u muuqatay mid ay ku xukun dheeraysanayeen qoyska Diibi iyo madaxweynihii hore ee Jaad Maxamed Diibi oo ka sharaxnaa xarakada samatabixinta qaranka ayaa markan wareegii koobaad ba helay codad gaadhaya 61%. Sanadkii 2023 shacabka Jaad waxa ay u codeeyeen dastuur cusub oo sabab u ahaa in la agaasimo lana qabto doorashadii sharci dajinta oo lagu doortay 188 mudane. Sidaas bay Jaad ku qaadday jidka ‘ isku xukunka Distoorka’ rubuc qarni ka dib.
Xagasha kale, Muusambiig oo ku taalla Koonfurta beriga Afrika, waxa ka dhacay doorashooyinka madaxtooyada iyo xeer dajinta oo dhaliyey muran iyo isku dhacyo sababay dhimashada 21 qof, waxaana isla oogsaday gadood shacabi oo ka dhan ah qaraarkii maxkamadda dastuuriga ah oo go’aamisay ahaa in jabhadda xorraynta muusambiig ee xukunka dalka haysay ku dhawaad nus qarni ku guulaystay doorashooyinka codad gaadhaya 70% doorashooyinkii dhacay 9 Oktobar, goob joogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahi na waxa ay isku raaceen jiritaanka musuq iyo wax isdabo marin.
Doorashooyinkaas fadhiidka ah ee qaaradda ka dhacay si ka duwan waxa jira doorashooyin taabo gal ah oo ka qabsoomay waddamo ka mid ah qaaradda, waddamaas waxa ka mid ah Moorataaniya oo muddo aad u dheer la daala dhacaysay afganbiyo soo noqnoqday, sanadkii 2019 ayaa kolkii koowaad si salmi ah talada loo la kala wareegay, doorashooyinkii dhacay 29 Julay waxa mar labaad talada ku guulaystay Madaxweyne Maxamed walad Qaswaani, doorashadan ayaa ahayd mid ay si weyn ugu tartameen xisbiyo dhawra kuna guulaystay xisbiga midnimada codad dhan 56%, murashaxa Biiram walad Cabiidi ayaa isna helay codad gaadhaya 17% halka kaalinta saddexaad uu galay Xamaad walad sayid mukhtaar oo ka sharaxnaa xisbiga Dib u habaynta iyo Horumarinta Qaranka isaga oo helay boqollay dhan 13% codadkii guud.
Waddaman waxa kale oo ka mid ah Sinigaal oo guul la taaban karo ka soo hoysay dimoqraadiyaddda iyo doorashooyinka, dirqin iyo isku day kelitalisnimo uu ku kacay madaxweynihii hore Maki Saal ayaa ku dhaamday fashil, doorashooyinkii dhacay bishii saddexaad ee 2024 waxa si weyn ugu guulaystay mucaaradka oo ay horkacayaan Baasiro Faay oo noqday Madaxeyne iyo Cismaan Sanuuku oo qabtay jagada Raysal wasaaraha.
Galbeedka qaaradda, gaar ahaan Gaana waxa ka dhacay doorashooyin taabo gal ah oo si weyn loogu tartamay gaar ahaan doorashooyinka Xeerdajinta iyo Madaxwtooyada, kuwaas oo ay mucaaradku ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah. Gaana doorashadii loo dareeray 7 Diisember waxa ay ku dhamaatay in uu mar kale talada ku soo laabto Madaxweynihii hore Joon Maahama isaga oo helay boqollay dhan 56%, halka murashaxa ku soo xigay oo ahaa ku xigeenkiisa Maxamaduu Bawumiya uu helay codad dhan 41%, dhab ahaanna waxa ay ahayd doorasho si weyn loogu tartamaya oo adag.
Kolkanna waa Koonfurta qaaradda gaar ahaan Koonfur Afrika oo ay ka dhaceen doorashooyinka Baarlamaanku waa markii koowaad ee aqlabiyadda baarlamaanka laga fara maroojiyo xisbiga guunka ah ee Nelson Mandeela doorashinkii dhacay bishii shanaad ee isla sanadka gudihiisa, waxaana sidaas aqlabiyadda ku hantay xisbiyada mucaaradka oo door ku yeeshay dhismaha fulinta. Dabayshii isbeddelka ee ka soo kacday Baratooriya waxa ay si toosa u cago dhigatay Botaswaana oo markii kuwaad talada laga faramaroojiyey xisbi xaakimka oo talinayey ilaa iyo 1965 iyada oo uu talada kala wareegay mucaaradku.
Beriga qaaradda gaar ahaan Soomaalilaan Iyana waxa ka dhacay doorashooyin wax ku ool ah oo kor u qaaday dimoqraadiyadda qaaradda, doorashooyinka oo ahaa qaar isa saaran waxa si weyn guul uga soo hooyey mucaaradka oo hoggaaminayey Murashax Cabdiraxmaan Cabdilaahi cirro oo helay kal badh codadkii la dhiibtay, halka uu kaalinta labaad galay Xisbi xaakimka.
Ugu danbeyn sanadkan dhamaaday, marka la joogo Afrika iyo siyaasadda waxa lagu tilmaami karaa sanadkii doorashooyinka Afrika, doorashooyinkaas oo lahaa wajiyo kala duwan hoggaamiyayaasha mucaaradka ee Botaswaana, Sinigaal iyo Soomaalilan waxa ay u saaaxeen in ay xukunka si salmi ah ula wareegaan.