Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Laascaanood ma badbaadin kartaa han Xamse horey u lumiyay?

10 April, 2025
Image
Xamse Cabdi Barre
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeedinaya shirweynaha 78-aad ee Qaramada Midoobay. 23 Sebtambar 2023. (Xuquuqda sawirka: KENA BETANCUR/AFP via Getty Images)
Share
Booqashada Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood waxay u muuqataa mid uu ku doonayo in uu ku xoojiyo booskiisa siyaasadeed, balse, waa khatar sii fogeyn karta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Booqashada la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa abuurtay xiisad iyo golaaftan siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumadda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada Soomaaliya, taas oo sii murjin karta xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo guud ahaan colaadaha iyo kala qaybsanaanta ragaadiyay Soomaaliya.
  
Dhanka kale, booqashadan oo xambaarsan farriimo siyaasadeed iyo kuwo amni oo is burinaya, ayaa si weyn uga cadhaysiisay madaxda sare ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan oo u arka tallaabadan daandaansi iyo isku day hor leh oo lagu sii hurinayo colaadda ka taagan gobolka Sool, taas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaalilaan.    

Booqashadan oo ay sheegtay xukuumadda Xamse inay qayb ka tahay dedaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku muujinayso taageerada ay u hayso maamulka curdinka ah ee SSC-Khaatumo, ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay qabashada wada tashi qaran oo lagaga arrinsanayo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya oo uu mugdi badan ku gadaaman yahay.    

Sidoo kale, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalisay su’aalo badan oo la xidhiidha ujeeddadeeda dhabta ah iyo farriimaha ay xambaarsan tahay. Ma tahay booqashadani safar shaqo oo caadi ah, oo lagu qiimaynayo xaaladaha amni iyo adeeg ee magaalada? Mise waa qorshe xeeladaysan oo uu Xamse ku doonayo inuu dib ugu hantiyo miisaan siyaasadeed uu lumiyay saddexdii sano ee la soo dhaafay? Maxaa lagu fasiri karaa buunbuuninta aan caadiga ahayn ee lagu lifaaqay booqashada Laascaanood? Ma waxaa jira qorshe uu Xamse ku doonayo in lagu dhiso muuqaalkiisa siyaasadeed, si uu isu muujiyo inuu yahay matalaadda rasmiga ah ee beelaha Daarood ee dowladda federaalka? Mise waa jawaab dadban oo uu kaga hortagayo eedeymaha sheegaya in xilkiisu yahay mid muuqaal ah oo aan lahayn awood dhab ah?

Intaa ka sokow, booqashadani ma tahay xeelad lagu fashillinayo dadaallada dib-u-heshiisiinta qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?
Ma laga yaabaa in loo adeegsado sidii loo carqaladeyn lahaa shirweynaha qaran, iyadoo meesha laga saarayo saameynta madaxda Jubbalaan iyo Buntilaan, lana keenayo hoggaan aan rasmi ahayn sida madaxweynaha Khaatumo?

Waxa jira su’aalahan iyo kuwo kale oo muhiim ah oo dul hoganaya booqashada Xamse ee Laascaanood. Warbixintan waxa aynu ku falanqeyn doonnaa ujeeddooyinka qarsoon ee booqashada, saamaynta siyaasadeed ee laga filan karo, iyo suurtagalnimada isku dayga Xamse ee dib-u-qaabaynta miisaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay aan ku suntaneyn wax awood siyaasadeed ah, sidoo kalena aan lahayn wax midab iyo han siyaasadeed oo illi-qabatay ah, kaas oo ka baxsan hanka iyo damaca madaxweynaha xilka u igmaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa Xamse u soo jiidday dhalleecayn siyaasadeed iyo mid bulsho oo uga imaanaysa siyaasiinta iyo wax-garadka beelaha uu ku matelo xilka xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dhalleecayntaas oo gaadhay mararka qaarkood in lagu sifeeyo ereyo ay ka mid yihiin «marxuumka siyaasadda», «xerowgii Xasan Gurguurte» iyo weedho kale oo dhammaantood ka turjumaya quudhsi iyo liidasho uu ka dhaxlay hagrashada iyo han la’aanta siyaasadeed ee uu la darsay.

Marka xaalku sidaa yahay, booqashada Xamse ayaa loo arkaa gilgilasho siyaasadeed oo uu ku muujinayo awooddiisa kuna soo bandhigayo shacbiyadda uu ku dhex leeyahay beelaha uu xilka ku metalo.

Ujeeddooyinka Qarsoon ee ka dambeeya Booqashada

Si ka duwan sida ay xukuumaddu wax u sheegayso, waxaa jira ujeeddooyin qarsoon oo ka dambeeya booqashada Xamse ee Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin xaqiijinta arrimahan hoose :    

1.    Muujinta Awood iyo Karti Siyaasadeed

Sida muuqata, wuxuu Xamse ka raadinayaa Laascaanood fursad uu ku muujiyo in uusan ahayn kaba-qaad siyaasadeed sida ay ku sifaynayaan nacabkiisu, balse uu yahay nin aqoon leh oo u adeegsan kara awooddiisa siyaasadeed iyo maamul sida ugu habboon, haddii loo baahdana ciddiyo libaax la bixi kara. Falanqeeyayaasha qaarkood waxay rumeysan yihiin in Xamse Cabdi Barre uu doonayo in uu booqashadan uga faa’iideysto sidii uu isu muujin lahaa inuu yahay matalaadda dhabta ah ee beelaha Daarood ku leeyihiin xukuumadda federaalka.
Laascaanood oo beel ahaan xidhiidh dhaw la leh Ra’iisul Wasaaraha, ayaa loo arkaa inay tahay meel uu taageero ka dhisan karo si uu isaga fogeeyo eedaymaha sheegaya in uu yahay asal madoorshe aan wax saameyn ah ku lahayn siyaasadda Soomaaliya.

2.    Fashilinta Shirka Wadatashiga Qaran

Booqashadan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu wado qorshe uu ku qabanayo shir qaran oo     daaran dib-u-heshiisiin iyo dhismaha nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay. Balse, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la rumeysan yahay in uu dareensan yahay in shirkaas haddii uu qabsoomo, uu dhalin karo cadaadis xooggan oo keeni kara in xukuumadda dib loo dhiso ama xitaa isaga laga saaro.
Arrintan waxaa si weyn u wada madaxda Jubbalaan iyo Buntilaan – Axmed Madoobe iyo Siciid Deni – kuwaas oo u arka Xamse in uu caqabad ku yahay isku-dheellitirka awoodda xukuumadda dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu tuhunsan yahay in uu qorsheynayo in uu madasha shirka qaran ka reebo madaxda Jubbalaan iyo Buntilaan, isaga oo raadinaya habkii uu shirka uga qayb gali lahaa Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.
Hase yeeshee, tallaabadani waxay keentay su’aalo sharciyeed iyo siyaasadeed oo la xidhiidha sida Khaatumo – oo aan si rasmi ah uga mid ahayn dowlad-goboleedyada Federaalka – uga qayb geli karto shir qaran oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada federaalka.

Booqashadani yey halis ku tahay?

Sida ay qabaan falanqeeyayaasha siyaasaddu shaqsiga ugu horreeya ee ay saameynta taban ku yeelanayso booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood, ayaa u muuqda in uu yahay Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdullaahi Deni. Booqashadan ayaa loo arkaa inay noqon karto dhabar-jab siyaasadeed oo toos ah, oo ku wajahan qorshihiisa uu ugu tartamayo madaxtinimada Soomaaliya ee 2026-ka.

Haddii safarku guuleysto, taageerana ka helo beelaha deegaanka dega, wuxuu fure u noqon karaa in doorashada xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda beelaha Harti lagu qabto magaalada Laascaanood. Arrintan waxay si weyn u dhimi kartaa saameynta Garoowe, waxayna meesha ka saari doontaa doorkii dhaqameed iyo siyaasadeed ee Siciid Deni ku lahaa hagidda iyo maamullidda geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, taas oo hoos u dhigeysa awooddiisa gorgortan ee heer federaal.

Dhinaca dibadda, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna laga yaabaa in ay noqoto dhibbanaha ugu weyn ee dhaq-dhaqaaqyadan. Talaabo kasta oo lagu yareynayo saameynta Buntilaan iyo Jubbalaan – kuwaas oo xidhiidh dhow oo siyaasadeed iyo dhaqaale la leh Imaaraadka – waxay la micno tahay in la yareeyo saamiga Imaaraadku ku leeyahay siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Ugu dambayn, booqashada Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood waxay u muuqataa mid uu ku doonayo in uu ku xoojiyo booskiisa siyaasadeed, balse waxay khatar ugu jirtaa in ay sii fogeyso khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Waxaa la eegi doonaa haddii booqashadan ay noqon doonto mid uu guul ku gaadho, iyo inay noqon doonto tallaabo dhaawac weyn u geysan doonta wadajirka iyo xasilloonida dalka ee weli qabyada ah.

Qoraallada kale ee qoraaga