Tuesday 15 September 2026
Iyada oo ay Xukuumadda Soomaaliya ee xilligani ku jirto marxalado kala-guur ah oo isku dhex jira; siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa ay haddana qaadaysaa tallaabooyin u muuqda in ay hal mar wada fuuli rabto labo faras. Dhawaan, Raysalwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa labadii Ogost Laascaanood ku tagay socdaal daaran xoojinta joogitaanka Muqdisho ee deegaanka bariga Sool waxanu ka furay xero ciidan oo taabacsan ciidanka Soomaaliya. Tallaabadani waxa ay siddaa tilmaamo siyaasadeed iyo kuwo amni oo gaar ah oo ku wajahan Somaliland oo ay magaaladani u tahay qayb ka mid ah dhulkeeda kuna adkaysanayso xaqa ay u leedahay maamulkeeda.
Bookhashada Raysalwasaaraha waxa si cadho leh u eedaysay Somaliland, oo u aragtay xadgudub toos ah oo loo gaysanayo madaxbannaanideeda, sidoo kalena ku tilmaantay tallaabo sii hurinaysa ismaandhaafka. Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxa ay xaqiijisay in xukuumaddu ay qaadan doonto: “tallaabooyinka sharciga ah ee qaran, ee ku waajibka ah”, iyadoo ka jawaabaysa tallaabadan. Somaliland waxa ay Midawga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur-goboleedka IGAD ugu baaqday inay cambaareeyaan dhaqdhaqaaqyada Soomaaliya.
Bookhashadan Raysalwasaare Xamse, oo ahayd tii saddexaad ee uu Laascaanood ku yimaaddo laga soo bilaabo bishii Abriil ee 2025, waxa ay ahayd bookhasho ka duwan labadii hore oo iyagu xoogga saarayay dhagaxdhigga mashaariic horumarineed laguna soo bandhigay arrimo ku saabsan is dhaafsiga maxaabbiista, iyada oo uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya ka shaqeeyay in maxaabiis ka tirsan ciidanka Somaliland laga sii daayo Laascaanood. Ha yeeshee, bookhashadan ugu dambaysay waxa ay joogitaankii Soomaaliya ka beddeshay joogitaan leh weji siyaasadeed iyo mid horumarineed, oo waxa ay ka dhigtay joogitaan millatari. Sidaas oo ay tahay, lama oga lamana soo bandhigin baaxadda saldhiggan cusub amaba shaqooyinkiisa rasmiga ah iyo tirada ciidamada uu fadhiga u noqonayo. Waxa kale oo aan caddayn in saldhiggani uu fadhiisin cusub u noqonayo ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo inay tahay tallaabo lagu qarinayo in ciidamada SSC-Khaatumo lagu darayo ciidanka Xoogga Soomaaliya.
Sannadkii 2023 ayaa ay Laascaanood ka baxday gacanta Somaliland, ka dib dagaallo bilo socday oo u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo ciidan beeleedyo deegaanka ah oo markii dambe isu beddelay nidaam siyaasadeed oo deegaanka ah oo taageero ka helay xukuumadda federaalka ee Muqdisho. Bookhashada Xamse waxa ay kusoo beegantay xilli maamulkaasi waajahayo mawjad kala goosasho siyaasaded ah oo uu wajahayo maamulka siyaasadeed ee ay aqoonsatay ee ka dhisan Laascaanood, arrinkan oo bookhashadiisa ka dhigay mid dhaafsiisan xadhig ka jarka fadhiisinkan ciidan, kana dhigay bookhasho lagu xoojinayo joogitaanka Muqdisho iyo taageerada saaxiibbadeeda deegaanka.
Ka hor intaanu Raysalwasaaruhu soo gaadhin Laascaanood, waxa is casilay shan xildhibaan oo ka mid ah baarlamaankii loo dhisay ‘Waqooyi-Bari Soomaaliya’ waxaanay tageen Hargeysa, iyagoo halkaa ka shaaciyey inay ka tanaasuleen mashruucii Soomaali Weyn, oo ay dib ugu soo laabteen taageeradoodii Somaliland. Is casilaadahani waa kuwo leh muhiimado gaar ah, sababtoo ah qaar ka mid ah xildhibaannada is casilay waxa ay ka tirsanaayeen kacdoonkii 2023 ee Somaliland lagaga soo hor jeeday. Sidaa darteed, bookhashada Raysalwasaare Xamse waxa ay timi xilli shakhsiyaad siyaasadeed oo kacdoonka qayb ka ahaa ay dib ula safteen Hargeysa.
Si loo xoojiyo isla tallaabadani, waxa ay Muqdisho ka shaqeysay in uu Laascaanood tago ku-xigeenka ergayga Xoghayaha ee QM ee Soomaaliya. Tallaabadan oo lagu sheegay mid bani-aadannimo kama ay madhnayn dejin siyaasadeed oo ay Muqdisho u sameynaysay maamulka ka dhisan Laascaanood oo ay weli sharciyaddiisa rifayaan khudbadaha uu jeediyo Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh, iyo maqaamka siyaasadeed ee lagula dhaqmo, marka ay joogto arrimaha siyaasadaha ee maamul-goboleedyada.
Bookhashadani, sidoo kale, kama baxsana khilaafka guud ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa ee ku saabsan madaxbannaanida iyo aqoonsiga caalamiga ah. Waa bookhasho kusoo beegantay toddoba bilood ka dib aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland, oo ahaa aqoonsi ay xukuumadda Soomaaliya ku tirisay xadgudub toos ah oo lagu sameeyey qarannimadeeda. Maalinkii xigay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka hadlay fadhi degdeg ah oo uu la yeeshay baarlamaanka, waxa uu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay “duullaan toos ah”, baarlamaankuna waxa uu soo saaray go’aan keensanaya burinta aqoonsigaas, waxana arrintaas ku dhisay dhammaan tallaabooyinkii xigay ee uu u qaaday dhanka Somaliland.
Laga soo bilaabo markaas, Muqdisho waxa ay ku dedaashay inay aqoonsiga Israa’iil bixisay ay ka dhigto tallaabo la xidhiidha xaaladda amni ee gobolka oo dhan. Madaxweyne Xasan waxa uu aqoonsiga ku tilmaamay weerar halis gelinaya xasilloonida gobolka, Israa’iilna waxa uu ku eedeeyay inay isku dayayso inay millatari ahaan kaalin ku yeelato Gacanka Cadmeed. Waxa kale oo uu ku dooday in Somaliland oggolaatay inay aqbasho Falastiiniyiinta oo khasab lagu soo raro, oo aqoonsi loogu beddelo Somaliland. Waa eed ay Hargeysa si weyn u deedafaysay. Raysalwasaare Xamse laftiisu, waxa uu xubnaha u dhow Madaxweyne Cirro ku eedeeyay inay qarinayaan waxa uu daaran yahay xidhiidhada lala sameeyey Israa’iil.
Dhanka kale, xoojinta Muqdisho ee furinteeda Laascaanood oo ay hadda u beddeshay mid ciidan waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay sii kordhayaan cadaadisyada siyaasadeed iyo nabadgalyo ee haysta dawladda federaalka Soomaaliya. 31-kii Julaay, oo ah labo maalmood ka hor furitaanka fadhiisinkan Laascaanod, waxa Muqdisho tagay Janaraal Dagvin Anderson, oo ah Taliyaha Hoggaanka Maraykanka Afrika (AFRICOM) waxanu ka digay in sii joogitaanka iyo taageerada Maraykanka ee Soomaaliya ay sii adkaan doonaan, haddii aanay masuuliyiinta Soomaaliya xil iska saarin nabadgalyada dalkooda.
Anderson waxa uu xaqiijiyey in Maraykanku “aanu dhabarka u jeedin” Soomaaliya, laakiin waxa uu caddeeyay inay sii badanayaan codadka Maraykanka kasoo baxaya ee is weydiinaya wakhtiga Soomaaliya ay si dhamaystiran ula wareegi doonto nabadgalyadeeda. Waxa uu hadalkiisa ku daray in horusocod la’aanta siyaasadda Soomaaliya ay keenayso “inay adkayso sii wadidda taageerada”.
Digniinaha Anderson kumay koobnayn kacaankufka siyaasadeed, ee sidoo kale waxa uu tilmaamay guuldarrooyinkii lagala kulmay hawlgalladii millatari ee Alshabaab lagula dagaallamayey. Waxa uu sheegay in deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay hore ula wareegeen ciidamada Danab ee uu Maraykanku tababbaray, ay hadda Alshabaab ay dib u qabsatay.
Guuldarrooyinkan goobaha dagaalka ka dhacay waa dhacdooyin kusoo beegmaya hoos u dhac ballaadhan oo ku yimi maalgelintii caalamiga ahayd ee loogu talagalay nabad-ilaalinta Soomaaliya. Maraykanku waxa uu Midawga Afrika ogaysiiyey bishii Julaay, in wixii ka dambeeya 31-ka Diisambar aanu sii wadi doonin maalgelinta taageerada loojastiga ee ay Qaramada Midoobay siiso ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midawga Afrika, go’aankiisana waxa uu ku sababeeyey in ay Muqdisho ku guuldarraysatay qaadashada xilka ka saaran nabadgalyada dalka.
Miisaaniyaddii hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya waxa horeba hoos loo dhigay 25%, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ay ka doodeen in la xidho xafiiska taageerada loojastiga ee Muqdisho dhammaadka sannadkan, waxana xaraash lagu yaboohayba qalabkii xafiiska. Waa arrin soo gabagabaynaysa kaalintii Midawga Afrika ka hor muddadii loo qoondeeyey ee saddexda sano ahayd. Waxa intan dheer in ururka Alshabaab uu weli gacanta ku hayo gobollo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, sidoo kalena ay baro kantarool oo uu leeyahay ku fidsanyihiin hareeraha Muqdisho.
Maalin uun ka dib hadallada Anderson eek u saabsan Soomaaliya, Sarkaal lagu magacaabo Claude K. Tudor, oo ah taliyaha hawlgallada gaarka ah ee taliska Maraykanka ee Afrika, ayaa Madaxweyne Cirro kula kulmay Hargeysa, 1-dii August. Waxa ay qaadaa dhigeen nabadgalyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo xafiiska Madaxweyne Somaliland uu ku tilmaamay kulan istiraatiiji ah oo ay labada dhinacba muujiyeen danaynta ay u hayaan ballaadhinta iskaashiga difaaca.
Ha se ahaatee, shardi ma aha in kulankani ka tarjumo isbeddel ku dhacay go’aanka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland, oo bookhashada Tudor waxa ay ka mid ahayd safarro uu gobolka ku marayay, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland oo iyagu xubno ka ah Federaalka Soomaaliya. Sidaas darteed, bookhashada lafteeda lagama dhigi karo astaan sheegaysa in siyaasaddii Waashinton ee ku aaddanayd aqoonsiga Somaliland ay is beddeshay.
Siyaasad ahaan, bayaanka Somaliland soo saartay labadii August waxa uu ka tarjumayaa isbeddel ku yimi tebinta xukuumadda Cirro ee la xidhiidha Laascaanood. Hoggaanka xisbiga Waddani oo xilligii dagaalku socday, 2023, u arkayay kacdoonka Laascaanood gardarro gudaha ah oo aanay saamayn ku lahayn faragashi dibadeed waxa uu, tan iyo markii uu xisbigu talada dalka qabtay, beddelayay aragtidiisa waxanu si isa soo taraysa dagaalka Laascaanood ugu tilmaamayay wax ka dhashay dhinacyo deegaanka ah oo la shaqaysanaya dhinacyo dibadeed oo ay ka wakiil yihiin, sidoo kalena Muqdisho ay taageero siinayso. Ha yeeshee, weli xukuumaddu waxa ay mudnaanta siinaysaa wadahadalka iyo isweydaarsiga maxaabbiista, iyadoo ka fogaanaysa isku dhac ciidan. Si arrintaas loo gaadho, waxa ay dhistay guddi nabadeed waxana ay hawlgalisay odayaal ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ka hawlgalay, iyada oo dhanka kalena isku-dayday qabsoomidda kulamo heersare ah oo ay la yeelato dhinaca Laascaanood, waxa ay se dadaalladani u muuqdaan kuwo ka tallaabsan la’ kaalinta Muqdisho oo ah in ay xoojiso saameynteeda Laascaanood oo ah u kaadhka ugu mudan ee ay Somaliland kula dagaallamayso.
Muqdisho oo culayso amni, kuwo dhaqaale iyo qaar siyaasadeed oo cakiran wajahaysa una baahan hadda in ay awood iskeed ah dib isaga riixdo xoogagga Alshabaab ee dib ula wareegay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Shabeellooyinka iyo Hiiraan, waxa ay haddana doonaysaa in ay gasho dagaallo kale oo isugu jira siyaasad iyo ciidan oo ku wajahan Somaliland iyo Maamulka Puntland. Tallaabooyinka is giijinta istiraatiijiga ah ee ay qaadayso Soomaaliya waxa ay u muuqataa in ay hal mar fuulayso labo faras oo aan isku foof ahayn, arrintaas weyddiin galinaysa kartida iyo suuragalinimada ay ku fuli karto siyaasadahan ku qotoma balaadhinta furimaha colaadaha iyo isku furka galalka siyaasadeed ee kala duwan.