Saturday 13 June 2026
Maalmahaan malaayiin Muslimiin ah ayaa ku mashquulsan gudashada waajibaadka xajka oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee Islaamka. Muslimiinta oo idil waa isku raacsan yihiin waajibnimada iyo fadliga xajka. Xadiis nebiga laga wariyo oo fadliga xajka ka hadlaana wuxuu yiraahdaa: “Xajka mabruurka ahi ma laha abaalmarin aan ka ahayn jannada /الحج المبرور ليس له جزاء إلا الجنة”.
Culumadu waxay tilmaamaan in xajku uu kulansado ummuuro badan oo diin iyo adduunyo isugu jira, oo dhinac waa cibaado diimeed iyo tijaabo ruuxi ah, dhanka kalena waa bandhig ganacsi iyo shirweyne ummadeed. Ducadii nebi Ibraahim uu Alle ku baryey, markii uu afadiisa iyo inankiisa Maka oo cidla geeri go’an ah dejiyeyna, waxay ahayd: Rabbiyow reerkayga waxaan dejiyey tog aan beer iyo biyo lahayn oo u dhow aqalkaaga xurmada leh, ee Rabbow “Quluubta dadka ka dhig mid xaggooda u hiloowda, mirana ku arsaaq bal in ay shugriyaan /فاجعل أفئدة من الناس تهوي إليهم وأرزقهم من الثمرات لعلهم يشكرون”.
Duquusta ama shacaa’irta xajka ee la sameeyo muddada lagu guda jiro booqashada goobaha barakaysan waa hawl ay ku filan tahay in inta la noolyahay oo dhan hal mar oo keliya la sameeyo, balse macnaha iyo nuxurka xajku waa arrin loo baahan yahay in inta la noolyahay oo dhan si joogto ah loogu sugnaado. Sidaa darteed, wadaaddada suufiyadu, tan iyo waa fog, waxay kala soocaan labo nooc oo xaj ah, oo ay ugu kala yeeraan: xajka sharciga iyo xajka xaqiiqada.
Xajka sharciga ahi waa in Maka la tago, iyada oo si muuqata loo fulinayo manaasikta iyo arkaanta ku xusan fiqiga Islaamka. Xajka xaqiiqaduna waa in xuska iyo xusuusta Rabbi si joogto ah qalbiga loogu hayo, oo laga dhabeeyo ujeeddadii asal ahaan cibaadada loo jideeyey. Xajka fuqahadu waa xaj jirka laga xajiyo, kan suufiyaduna waa mid qalbiga laga xajiyo. Xajka fuqahadu waa meel la tago, xajka suufiyaduna waa meeqaan la gaaro. Waa meeqaan la gaaro oo ah in Alle la booqdo, oo marti loo noqdo (=وإلى الله المصير).
Xajku waa socdaal Maka lagu tago, iyada oo toogta iyo muraadku ay Alle yihiin. Wadaaddada suufiyadu waxay qabaan in hawlaha xajka la qabto oo dhammi ay u taagan yihiin macne maldahan oo sarbeeb ama xus iyo astaamayn leh. Taa awgeedna, aan loo baahnayn in erayada oo qura la eego, balse loo baahan yahay in la tixgeliyo nuxurka dhabta ah ee erayada ka gadaaleeya. Ujeeddada xajka loo jideeyey waa in uu qofka xajinaya si buuxda u beddelo – kor iyo hoosba – oo uu soosaaro qof cusub oo ka duwan midkii jirey xajka ka hor, oo denbi iyo dulmi daahir ka ah, lana moodo in hadda uun ay hooyadiis dihatay. Xuska Eebbe denbiga wuxuu u tirtiraa sida dabku uu cawska u gubo (=والذكر نار لا تبقى ولا تدر).
Maka waa jiho iyo qiblad, laakiin hadafku waa xiriirka Rabbi. Suufigii Ibnu Cadaa’ullaahi Iskandari waxaa laga hayaa in uu yiri: “Ma uusan xajin ruuxa xajkiisu uu ka badan waayo in uu safray oo keliya, xajkiisuna safarkiisa kama badan midka uu dhaqankiisa beddeli waayo.” Xadiis nebiga loo tiiriyo, isla markaana macnihiisa uu quraanku xoojinayo baa wuxuu leeyahay: “Ruuxa salaaddiisu ay ka reebi weydo xumaanta iyo munkarka, salaaddiisa kama dheefo waxaan ka ahayn in uu Alle ka fogaado /من لم تنهه صلاته عن الفحشاء والمنكر لم يزدد من الله إلا بعدا”.
Muslimiin u badan wadaaddada suufiyadu, xajka iyo siyaarada Xaramka uma aqoonsana in ay yihiin hawl u gaar ah ummadda Islaamka, balse waxay u arkaan cibaado soo taxnayd tan iyo sebankii nebi Aadam iyo weliba ka hor. Nuxurka xajkuna waa in Alle qalbiga lagu hayo iyada oo lala kaashanayo in la xusuusto falalkii anbiyada oo ay Aadan, Ibraahim iyo Muxamed ugu horreeyaan iyo malaa’igta abuurka aadamiga ka horraysay. Xajku waa xusuus iyo male’awaal maanka dib loogu celinayo afcaashii anbiyadii Alle iyo aadamiga isbaray.
Male’awaalku meel maran kama dhasho ee waxaa xukuma waaqica oo bidhaan u bixiya, xusuustuna waxay maanka ku soo celisaa sawirro caqliga lagamamaarmaan u ah. Dhaqamada iyo ruuxaaniyaadkuna waxay ku taagan yihiin mala’awaal ka dhashay erayo lagu hadlay ama la qoray ama fal la sameeyey. Waxaa lagu dooday in duquusta la sameeyo iyo baraarugsanaantu ay yihiin nuxurka male’awaalka iyo quruxda. Gabyaagii reer Isbeyn ee Federico García Lorca (1898-1936) waa kii yiri: “Male’awaalku wuxuu dulsabbeeyaa duquusta (=shacaa’irta), sida caraftu ay u dulsabbayso ubaxa.” Male’awaalku wax jirey buu macne cusub oo cuddoon u yeelaa.
Ma halkii dharaartii
Casar himamow xiga
Dad Hargeysa soo maray
Hadyada iigu dhiibaa?
*** *** ***
Ma hillaacii karantaa
Boorama ku hooroo
Hoobaan caleenliyo
Dhirta ubax hadoodilay!
Ma hibaaq udgoon iyo
Manka heega saaroo
Ka hirayaa kaymaha!”
*** *** ***
Ma haarihii kalgacalkaan
Hibashada xasuustoo
Anigoon hadlayn bay
Naftu hees I leedahay!! (Maxamed Cali Kaariye iyo Axmed Cali Cigaal; Dad Hargeysa soo maray).
Ruuxa xajinayaa wuxuu dhex maquuranayaa male’awaal ku dhismaya xusuuso la xiriira waxyaabo uu maqlay ama uu arkay. Magaca Carafo waxaa laga soo qaatay erayga carabiga ah ee ‘carafa /عرف’, oo macnihiisu uu yahay wuu aqoonsaday. Sida wadaaddada suufiyada qaarkood ay qabaanna, Carafa waa goobtii ay ku kulmeen ee ay isku aqoonsadeen Xaawo iyo Aadan kaddib markii jannada laga soo saaray. Istaagidda Carafa -oo ah tiirka xajka ugu weyn- waxay ka dhigan tahay in hadda Alle la hor istaagan yahay, aakhiran loo hor istaagi doono si la mid ah sidii Aadan iyo Xaawo ay Carafa isaga soo hor baxeen, oo fool ka fool ay isu hor joogsadeen. Ilaah goob gaar ah ma joogo ee Carafa waa uun in Alle la xasuusto. Maanka iyo laabta ayaana ah halka Alle lagu garto, laguna jeclaado (=ما وسعتني أرض ولا سماء ووسعني قلب عبدي المؤمن).
Dhagaxtuurka iyo gawraca Mina ka dhacaana waxay u taagan yihiin Sheydaan la dirir, ikhlaas iyo adkaysi. Mina waa meeshii nebi Ibraahim uu joogay kolkii uu u hoolladay in uu Alle darti wiilkiisa u gawraco. Dhagax-tuuridda Mina laga sameeyaana waa astaan lagu muujinayo go’aan adaygii nebi Ibraahim uu muujiyey iyo siduu isaga caabbiyey Ibliiskii u taagnaa in uu shaki ka geliyo hawshii uu u qalab qaatay ee ahayd in uu Alle darti inankiisa yar u sadaqeeyo. Waa tilmaan tusinaysa fikradda “Iimaan ku Boodka /Leap of Faith” ee faylasuufkii Soren Kierkegaard uu nebi Ibraahim ku sifeeyey. Waa fal lagu muujinayo dagaalka naf iyo sheydaan lagula jiro -waa haddii ay labo kala yihiine.
Qalbigaaga nugulkiyo
Naawada Ibliiskiyo
Nacasnimada ka ogow!!!
Isla tabtaas, xoolaha Mina lagu qalaa waa astaan lagu muujinayo ikhlaas iyo nafhurnimo u dhigma midkii nebi Ibraahim uu ku damcay in uu inankiisa ku bireeyo, ee Rabbi uu ku furtay wankii uu samada ka soo hibeeyey. Falkaas oo Ibraahim uu ku mutay abaalmarinta in uu noqdo ‘Wadeyga Alle /خليل الله’ (=Khilaaf baa ka jira wiilka Ibraahim uu gawrici lahaa, oo Muslimiintu waxay qabaan inuu ahaa Ismaaciil, halka Yahuudda iyo Kirishtaanku ay ka qabaan inuu Isxaaq ahaa). Shacaa’irta xajku qofka Muslimka ah waxay ku xirtaa nebi Ibraahim oo Kacbada tiirarka u taagay, arrinkaas oo ka maragkacaya xiriirka ka dhaxeeya nebiyada. Waxaana in la tilmaamo mudan, in nebi Muxamed uusan sheegan inuu la yimid diin cusub, balse doorkiisu uu ahaa cusboonaysiinta iyo dhammaystirka diimihii anbiyadii Alle ee isaga ka horreeyey.
Sidoo kale, culumadu waxay sheegaan in marka qofka xajka ama cumrada gudanayaa uu kacbada ku dawaafayo (=ku wareegayo), ay u dhiganto ama ay metalayso falka malaa’igtu ay ku dul dawaafaan carshiga Eebbe, oo waxaa la simaa kacbada dhulka ku taal iyo carshi cirka ama samada yaal.
Ruclaha iyo socodka lagu maro Safa iyo Marwa dhexdooduna waa xusuus lagu noolaynayo orodkii iyo socodkii Marwo Haajir ay labada buurood dhexdooda ku martay iyada oo baadigoobaysa biyo ay siiso wiilkeeda yar. Kolkii iyada oo fara maran ay ku soo laabatay kobtii ay uga tagtay wiilka yarna, waxay aragtay cunuggii oo baahi iyo oon la booyaya, oo lugta dhulka la dhacaya iyo biyo ka soo burqaday bartii uu cirbaha la dhacayey, Sam-Sam. Waa biyo macaan oo dadaal iyo orod badan kaddib laga helay dhul lamadegaan ah, oo biyo iyo baad aan looga baran.
Bartii biyuhu ka soo butaaceen waxay noqotay ceelka Samsamka ee ilaa maanta la intifaacsado. Biyuhuna waa tilmaan u taagan nolol iyo nadaafad. Waxayna ka qaybqaataan dahaarada iyo denbi-dhaafka xajka iyo cumrada loo tiiriyo.
Ruclaha iyo socodka la isku beddelayaana waxay u taagan yihiin quustii iyo niyadjabkii ku sii kordhayey Haajir jeerkii ay biyo raadinta ku jirtey. Halgamaagii reer Iiraan ee Cali Shariicati (1933-1977) Haajir wuxuu ku tilmaamay in ay tahay halyeeyadda udubdhexaadka u ah xajka iyo guud ahaan towxiidka. Sida ay Shariicati la tahay, Haajir waa astaan u taagan halgan, iimaan iyo gobannimadoon. Xaaji walbana waxaa waajib ku ah in uu ummuurahaas Haajir uga daydo, oo uu kaalin ka qaato halganka loogu jiro raadinta caddaaladda iyo sinnaanta.
Docda kale, xajku wuxuu astaan u yahay doolaalka, qaxa iyo musaafurinta. Maxaa yeelay, Aadan iyo Xaawo Carafa waxay tageen kaddib markii jannada laga saaray. Sidaas si le’egna, Haajir waxaa Maka loo musaafuriyey markii Saara oo ahayd minweyntii nebi Ibraahim ay masayrtay. Erayga ‘Hijro’ ee afafka carabiga iyo cibriga ku jira ee laga soo qaatay magaca ‘Haajir ama Hagar’, asal ahaan macnihiisu waa baxsasho, qaxid, cayrin, doolaal, …iwm.
Sowkii Nebigu yiri
Haddaad nolosha qawaddaan
Nabad gala ee haajira! (Axmed Saleeban Bidde iyo Axmed Cali Cigaal; Waa la isu soo noqon).
Labada qeyd ee cad ee ragga xajinaya ama cumraysanayaa ay xirtaanna waa astaan lagu muujinayo muuqaalka ay dadku yeelanayaan maalinta qiyaame marka qabriga la iska soo saaro. Waxaana jira Muslimiin badan oo labada qeyd ee ay ku xajiyeen u kaydsada si loogu kafno kolka ay geeriyoodaan (=Nusuusta diintu waxay sheegtaa in maalinta xashriga ay dadku qaawan yihiin oo ay qatan yihiin. Hase ahaatee, mararka qaarkood waxaa laga afgobaadsadaa in Alle qaawanaan la la horistaagan yahay).
Iyada oo kooban, xajku min bilow ilaa dhammaad wuxuu xanbaarsan yahay sarbeeb iyo macnayaal maldahan oo ka bilaama abuuriddii koonka, kuna dhammaanaya soo bixidda qiyaamaha. Lab iyo dheddig kuu doono ha ahaadee, qofka xajinayaa waxa uu metalayaa doorar ay kala mataleen Aadan, Ibraahim, Haajir, iyo malaa’ig ku khasban in Alle iyo sheydaan ay mid raacaan. Male’awaalka caynkaas ah baa ah garbaha qofka mu’minka ahi uu ku haado ee uu ku tago dhulka barakaysan, wadaaddada suufiyaduna ay jecel yihiin in ay Alle ku gaaraan kaddib kolka ay ruuxdooda daahiriyaan.
Siday doontaba ha ahaatee, waxaa jira labo nooc oo iimaan ah oo aad u kala duwan. Labadaas nooc ee iimaanka ahi waxay kala yihiin; iimaanka wadaaddada taqliidiga ah iyo iimaanka suufiyada waaweyn ee diimaha kala geddisan. Waa laba iimaan oo ku kala abtirsada diinta qalbiga iyo diinta faqiiha ama mawlaca. Diinta qalbigu waxay ku dhisan tahay Xadiiska faraya in aan laabteenna la tashanno, oo waxay noo sheegto aan ku go’aan qaadanno (=إستفت قلبك، ...وإن أفتاك الناس وأفتوك).
Sawirka faylasuufyada iyo suufiyadu ay Alle ka haystaan wuu ka duwan yahay midka wadaaddada caqiidada iyo fiqiga ka looxjiitay ay Alle ka bixiyaan. Sidaa darteed, xiriirka suufigu uu Alle la leeyahay wuxuu ku dhisan yahay gacalo, halka xiriirka wadaaddada taqliidigu ay Alle la leeyihiin uu ku salaysan yahay cabsi. Ilaaha suufiga iyo faylasuufku waa Ilaaha jacaylka iyo caashaqa, halka ilaaha wadaaddadu uu yahay ilaaha ballanqaadka iyo handadaadda (=الرغبة والرهبة).
Ugaasyada tasawufku ma qabaan in iimaanku uu noqon karo badeeco laga ganacsado oo ciqaab iyo abaalmarin (=janno iyo naar) lagu qiimeeyo. Eebbaha koonka iyo wax walba oo kale uumayna uma qalmo in loo sawiro sida in uu yahay ganacsade wax isdhaafsi ku mabay, oo ciddii caabudda janno ku abaalmariya, ciddii inkirta oo caabudi weydana cadaab ku hubsada. Cibaadada cabsida ku dhisani ma aha cibaado ee waa addoonsi, gobtuna cabsi iyo abaalmarin midna kuma xadreeyaan. Haweenaydii suufiyadda ahayd ee Raabica al-Cadawiya oo arrinkaan erayo caan ah ku sheegtayna waa tii tiri:
ربي ما عبدتك طمعا في جنتك ولا خوفا من نارك
وإنما عبدتك لأنك تستحق عبادة
... ... ...
يا رب…
إن قوماً عبدوك رجاء جنتك فتلك عبادة التجار
وإن قوماً عبدوك خوف نارك فتلك عبادة العبيد
وإن قوماً عبدوك لأنك أنت الله فتلك عبادة الأحرار
Gabyaagii Abii Calaa al-Macarri isna buuggiisa ‘Lisuumiyaat /لزوميات’, wuxuu ku sheegay in uusan Alle u caabudin abaalgud uu ka sugayo, balse uu u caabudo weynayn iyo qaddarin uu u hayo darteed. Sababta uu sidaas u yeelayaana waa in uu diintiisa ka ilaaliyo in ay noqoto mid ku dhisan ganacsi, dhabar iska dharbaax iyo laaluush, wuxuuna yiri:
وأعبد الله لا أرجو مثوبته لكن تعبد إعظام وإجلال
أصون ديني عن جُعل أؤمله إذا تعبد أقوام بأجعال
Iimaanka wadaaddadu waa iimaan ku qotoma duquus iyo in la fuliyo wax waa hore buug lagu qoray ama cid laga maqlay, halka iimaanka suufiyada iyo falsafaddu uu yahay iimaan ballaaran oo ku salaysan raadinta runta iyo maangalnimada. Iimaanka wadaaddadu waa iimaan qabiilaysan oo gaalaysiiya cid kasta oo ka aragti duwan wadaadka, halka iimaanka suufiyadu uu ka leeyahay dulqaad uu dadka oo dhan ku aqbalo, Alle iyo uunkiisna isu daayo.
Iimaanka wadaaddada diimuhu waa iimaan muuqda oo istustus iyo ha la i arko aan ka marnayn, halka iimaanka feylasuufyada iyo wadaaddada suufiyadu uu ka yahay dareen qarsoon oo ku kooban qofka iyo waxa uu rumaysan yahay. Maxaa yeelay, feylasuufyada iyo suufiyadu waxay qabaan in aysan jirin cid Alle aqoon gaar ah u leh, oo lagu khasban yahay in aragtideeda la qaato. Iimaanku ma aha cilmi iyo farsamo la barto ee waa qanaaco qalbiga laga helo. Wadaaddada diimaha ku takhasusay kama iimaan badna habraha Allahood Alle yahay ee alifka iyo usha aan kala aqoon. Waayo Ilaah waa ka sarreyaa male-awaalkeenna iyo sawir kasta oo ruux bani’aadam ahi uu ku saaweeyo (=ليس كمثله شيء).
Iimaanku ma aha aqoon la barto oo leh xeerar dadka oo dhan isku si u qabta. Iimaanku waa nooc caashaqa ka mid ah, caashaquna ma laha xeer xakameeya. Iimaanku waa ka baxsan yahay moorada aqoonta iyo caqliga. Mana jiraan cilmi, diin iyo falsafad Alle si dhab ah dadka u bari kara. Iimaanku ma aha duquus iyo shacaa’ir ay dad badani isugu yimaadaan, balse waa tajribo qofeed oo ka dhalata ruuxa laabtiisa gudaheeda. Iimaanku waa qanaaco iyo xiriir gaar ah oo ka dhaxeeya qofka iyo ilaaha uu rumaysan yahay (=Akhriste marna ha hilmaamin in fahanka diinta iyo fikradda ilaahnimadu ay isla dhalan rogaan isbeddelka aadanaha ku yimaada, oo dunida oo dhan fahanka hadda diimaha laga haystaa waa ka duwan yahay kii kun sano ka hor laga haystay, sawirka Alle laga qaatana waxaa xukuma wacyiga dadka).
Xajka xaqiiqada ee wadaadda suufiyadu ay ka hadleen, waxaa tusaale looga dhigan karaa buugga uu qoray suugaan yahankii Abu Xayaan al-Tawxiidi (922-1023) ee cinwaankiisu yahay “Maan Ka Xajinta Marka uu Ciriiryoomo Xajka Sharcigu /الحج العقلى إذا ضاق الفضاء عن الحج الشرعي”.
Buuggaan oo dhumay, oo aan laga hayn wax dhaafsiisan magaciisa, waxa uu ka mid yahay arrimaha Tawxiidi uu ku mutay gaalaysiinta qaar ka mid ah wadaaddadii ay isku samanka ahaayeen, waxaana loo badinayaa in colaaddii wadaaddadu ay buuggaan u qaadeen ay ka danbayso in idil ahaanba buugga la waayo. Maadaama aan buugga lahaynna, dhab ahaan cidina ma hubto waxa Tawxiidi uu ka wado xajka caqliga ah? Waxaase jira tilmaamo laga fahmi karo ujeeddada qoraaga, oo ah in cibaadaadka uu xajku ka midka yahay laabta iyo maanka oo keliya laga gudan karo iyada oo aan la samayn dhaqdhaqaaqyo iyo meelo la tago toona. Oo bilmatal, waxaa suurogal ah in caqliga iyo ruuxda qofku ay Maka tagaan, isaga oo aan jir ahaan Maka u tagin. Waxaana la yiraahdaa “Ruuxii goobta seegaa, goorta ma seego /من فاته المكان لم يفته الزمان”. Waayo nuxurka dhabta ah ee cibaadadu kuma jiro qaabka loo samaynayo cibaadada iyo dhaqdhaqaaqyada lala imaanayo, balse wuxuu ku jiraa akhlaaqda iyo iimaanka laga dheefayo.
Waddada Eebbe loo maro jir laguma gaaro ee qalbiga ayaa lagu gaaraa, oo qofku niyaddiisa wanaagsan ayuu ku gaari karaa wax uusan camalkiisa ku gaareen. Nebigana (scw) waxaa laga wariyaa xadiis uu saxaabadii ka qaybgalay duullaankii Tabuuk ugu sheegay in magaalada Madiino ay uga soo tageen duul meel kasta oo ay mareen iyo tog walba oo ay ka gudbeen iyaga la socday. Saxaabaduna kolkaas nebiga waxay weydiiyeen: Rasuulkii Allow ma waxay nala socdeen iyaga oo Madiina jooga? Nebiguna wuxuu ugu jawaabay: “Iyaga oo Madiina jooga bay idinla jireen, cudurdaar baa dabray/وهم بالمدينة، حبسهم العذر”.
Waxaa xusid mudan, in Tawxiidi tan iyo dhallinyaronimadiisii uu xiriir wanaagsan la lahaa wadaaddada suufiyada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin boqorrada ifka iyo ugaasyada aakhiro. Dhigaallada ka hadla taariikh-nololeedkiisuna waxay qoraan in sannadkii 353 ee taariikhda hijriga uu Maka xaj u tagay isaga oo lugaynaya. Maalmihii uu hawsha xajka ku gudo jireyna wuxuu Maka kula kulmay koox suufiyo ah oo uu tilmaan uga bixiyey buuggiisa ‘Ishaaraadka Ilaahiga Ah /الإشارات الإلهية’, oo uu ku yiri: “wejiyadoodu waxay ahaayeen kuwo ku bishaaraynaya kheyrka la raadiyo, dhaqdhaqaaqooduna mid ka tarjumaya xaqa ah waxa ugu danbeeya ee lagu dadaalo gaariddiisa, erayada afkoodu ku hadlayaana waxay ahaayeen kuwo waano u ah cid kasta oo maqasha.”
Dadka qaarkoodna waxay isweydiiyaan: Sidee bay ku dhici kartaa in Tawxiidiga xajka lugta ku tagay uu qoro buug ka hadlaya caqli iyo ruux ku xajin?!
Laakiin aqoonyahannada ku xeeldheer qoraallada Tawxiidi waxay rumaysan yihiin in Tawxiidi uu yahay qoraa arrinkaan oo kale uu ka suuroobo. Maxaa yeelay, wuxuu ahaa feylasuuf u samaysan su’aal isweydiinta, wuxuuna lahaa ruux faduuli ah oo cabsi iyo leexleexad la’aan wax walba weydiin uga keenta. Diinta iyo falsafadda ayuu wuxuu iska weydiin jirey su’aalo dhiirran oo u dhigma kuwii nebi Ibraahim ee shaki baxa iyo qalbi qaboojinta looga gol lahaa (=ولكن ليطمئن قلبي). Dhigaalladiisana waxaa ku badan calaamadda su’aasha. Tusaale: Waa maxay riyadu? Waa maxay geesinnimadu? Waa maxay damacu? Waa maxay xasadku? Waa maxay …? Waa maxay …? Waa maxay …?
Sheekooyinka faraha badan ee Tawxiidi laga wariyo waxaa ka mid ah mid ka warranta arrin dhacay saacadihii u danbeeyey noloshiisa. Sheekadaasi waxay leedahay:
Tawxiidi oo ku jira xaalad sakaraad, ayaa koox dad ah oo booqasho ugu yimid waxay bilaabeen in ay u jeediyaan wacdi aakhiro iyo ummuuraheeda ku saabsan, iyaga oo uga dan lahaa in ay ku waaniyaan, towbadana ku xasuusiyaan. Waxay xuseen su’aalaha qabriga ee Munkar iyo Nakiir, iyo weliba xisaabta iyo cabsida aakhiro ka jira. Hayeeshee, Tawxiidi intuu madaxa sare u qaaday, ayuu dadkii wuxuu ku yiri: “War ma waxaad mooddeen inuu iga horreeyo askari ama booliis! War waxaa iga horreeya Ilaah Qafuuru Raxiim ah oo danbi dhaaf badan.” Judhiibana wuu xijaabtay.
Si kastaba ha ahaatee, reer Bari baarihii Faransiiska ahaa ee Lewis Maasiniyoon oo buug caan ah ka qoray suufigii weynaa ee Mansuur al-Xallaaj, waxa uu ku dooday in Tawxiidi uu fikradda buuggaan ka qaatay Xallaaj, oo sheegay in haddii qofka Muslimka ah ay ku adkaato tegidda xajka Maka, uu meel ka mid ah aqalkiisa oo nadiif ah uu u niyaysto in ay la mid tahay dhulka Maka, dabadeedna saddex maalmood uu soomo, niyaddana uu kala yimaado waxyaabaha xujeydu ay sameeyaan maalmaha xajka, xoogaa sadaqo ahna uu masaakiinta siiyo, sidaasna uu xajka ku guto.
Xajka noocaan ah ee kasha iyo maanka laga xajiyo wuxuu la mid yahay ‘dheelmintii nebiga /الإسراء والمعراج’ oo culumo badani ay qabaan in ay ahayd riyo nebigu ku riyooday, balse dhab ahaan aysan jir ahaan ugu dhicin.
Xallaaj (85-922) si xun oo bahalnimo ah ayaa loo dilay, waxyaalaha uu eersadayna waxaa ka mid ahayd fikraddaan ku saabsan maan iyo ruux ka xajinta. Xallaaj xajka wuxuu ka eegay dhanka dulucda iyo ujeeddada ka danbaysa ee loo jideeyey, oo ah in qalbiga la daahiriyo, Ilaaha abuurayna lagu xiro. Waana arrinkaas midka uu tilmaamayo marka uu meerisyada gabayga ah ku leeyahay:
Midka i maagayow ha igu maagin gacaladiisa (=Eebbe)
Haddaad ka arki lahayd waxaan ka arkay ima aad maagteen
Dadku xaj bay leeyihiin aniguna xaj baan aqalkayga ku leeyahay
Dadku xajkooda xoolay ku qalaan, aniguse ruuxdayda iyo dhiiggayga baan bixiyaa.
ﺍﻥ ﺍﻟﺤﺒﻴﺐ ﺍﻟﺬﻱ ﻳﺮﺿﻴﻪ ﺳﻔﻚ ﺩﻣﻲ ... ﺩﻣﻲ ﺣﻼﻝ ﻟﻪ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﻞ ﻭﺍﻟﺤﺮﻡ
ﻭﺍلله ﻟﻮ ﻋﻠﻤﺖ ﺭﻭﺣﻲ ﺑﻤﻦ ﻋﺸﻘﺖ ... ﻗﺎﻣﺖ ﻋﻠﻰ ﺭﺍﺳﻬﺎ ﻓﻀﻼ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻘﺪﻡ
ﻳﺎ ﻻﺋﻤﻲ ﻻ ﺗﻠﻤﻨﻲ ﻓﻲ ﻫﻮﺍﻩ ﻓﻠﻮ ... ﻋﺎﻳﻨﺖ ﻣﻨﻪ ﺍﻟﺬﻱ ﻋﺎﻳﻨﺖ ﻟﻢ ﺗﻠﻢ
ﻳﻄﻮﻑ ﺍﻟﺒﻴﺖ ﻗﻮﻡ ﻟﻮ ﺑﺠﺎﺭﺣﺔ ... ﺑالله ﻃﺎﻓﻮﺍ ﻷﻏﻨﺎﻫﻢ ﻋﻦ ﺍﻟﺤﺮﻡ
ﺿﺤﻲ ﺍﻟﺤﺒﻴﺐ بنفسه ﻳﻮﻡ ﻋﻴﺪﻫﻢ ... ﻭﺍﻟﻨﺎﺱ ﺿﺤﻮﺍ ﺑﻤﺜﻞ ﺍﻟﺸﺎﺀ ﻭﺍﻟﻨﻌﻢ
ﻟﻠﻨﺎﺱ ﺣﺞ ﻭﻟﻲ ﺣﺞ ﺇﻟﻰ ﺳﻜﻨﻲ ... ﺗﻬﺪﻱ ﺍﻻﺿﺎﺣﻲ ﻭأﻫﺪﻱ ﻣﻬﺠﺘﻲ ﻭﺩﻣﻲ
Suufigii weynaa ee Ibnu Carabi (1165-1240), isagana waxaa laga hayaa in uu yiri: Xujeydu way khaldan yihiin haddii ay u qaataan in qaddarinta ugu weyn ee Alle loo muujiyaa ay tahay in Xaramka loogu xoomo sida balanbaalista… Dhibka lagala kulmo tegidda Xaramka iyo qurbaanka la qalo ma aha waxa Alle gaaraya, balse Alle waxaa gaaraya qalbiga nadiifka ah.
Sidaa darteed, qaddarinta ugu weyn waxaa mudan qalbiga daahirka ah ee gacalada Alle iyo abuurkiisa la ifaya. Jalaaludiin Ruumina buuggiisa ‘al-Matnawi waxa ku yiri: “Dawaaf kasta oo Guriga (=Kacbada) lagu wareegaa waa dhaqdhaqaaqyo muuqda, laakiin sirta dawaafku waa in aad qalbigaaga ku wareegto adigoo xasuusanaya (=Alle) /كل الطواف حول البيت حركات ظاهرة، ولكن سر الطواف هو الدوران حول قلبك بالذكر”. Hadalkaas waxaa laga fahmayaa in Ruumi uu kacbada u arko in ay tahay summad u taagan qalbiga qofka mu’minka ah, kolka qofkaasi uu qalbigiisa ka xuso kelinimada Eebbena wuxuu noqonayaa mid xaqiijiyey macnaha dhabta ah ee ku duugan dawaafka iyo guud ahaan cibaadad.
Xajka, salaadda, soonka iyo cibaadooyinka kale oo dhan waxa muhiimadda lihi ma aha dhaqdhaqaaqyada jirka laga sameeyo sida; istaag, rukuuc, sujuud, dawaaf iyo cuntada iyo cabidda oo la iska daayo, balse waxa muhiimadda lihi waa iimaanka, akhlaaqda, iyo macnaha ku duugan. Waxa qiimaha lihi waa taqwada iyo in nafta la nadiifiyo (=فإِنَّها مِنْ تَقْوَى القُلُوب).
Salaadda, soonka iyo xajku maxay qiimo leeyihiin haddii aysan qofka ka reebin beenta, khiyaanada, kibirka, xatooyada iyo musuqmaasuqa? In la xado xoolaha dadweynaha baahan, dabadeedna masaajidka safka hore laga fariisto ama kacbada la isku sawiro Eebbe ma lagu raalligelin karaa? Xajka iyo cimrada ma waxaa loo jideeyey in lagu xalaashado xatooyada iyo musuqmaasuqa sannadka intiisa kale lagu kaco? Alle ma dhallaan la dhagri karaa?
Gabyaagii carbeed ee Abuu Shamaqmaq meeris gabay ah wuxuu ku sheegay in ruuxa xoolo xaaraan ah ku xajiya, uusan isagu xajin balse awrkii/ratigii uu xajka ku aaday uu yahay midka xajiyey (=Akhriste ogsoonow, in waaga gabayga la tiriyey weli geel la fuuli jirey, sahaydana lagu qaadan jirey):
إذَا حَجَجْت بِمَالٍ أَصْلُهُ دنسٌ ** فَمَا حَجَجْت وَلَكِنْ حَجَّتْ الْعِيرُ
لا يقبل الله إلا كل طيبة ** ما كل من حج بيت الله مبرور
Saxaabigii weynaa ee Cumar bin Khaddaab (RC) isagana waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Kuwa xajiyaa way yar yihiin, kuwa Maka aadaase way badan yihiin /الحاج قليل، والراكب كثير”. Suufigii Abuu Yasiid al-Bastaamina waxa laga maqlay: “Badanaa mid Carafo istaagay, oo aan Alle aqoonsan /ربٌ واقف بعرفة وما عرفه”. Waxay kaloo yiraahdeen: “Kacbadu waa dhagax, laakiin aqalka Alle waa qalbiga qofka mu’minka ah, qofkii qalbi kharriban kacbada la tagaana, aqalka Alle ma uu gaarin.” Sida dhabta ahna, hadda dad badan baa xajka iyo cumrada waxay ka dhigtaan dalxiis iyo wax la isugu faano, oo ka leexiyey qasadkii cibaadada iyo ruuxaaniyadda.
Dhanka kale, maxay noqonaysaa xaaladda kuwa duruufaha dhaqaale xumadu ay ka horistaagaan in ay u safraan Maka si ay xaj iyo cumro u soo gutaan? Denbigooda ma la god galayaan, halka kuwa hantida haysta ee sida fudud Maka iyo Madiino ugu safri karaa ay si sahlan denbiga isaga mayrayaan? Haddii xaalku uu sidaas yahay, caddaaladda Alle maxay ka macne tahay? (=Akhristow Muslimiinta xajiya marna kama badna 3% wadarta guud ee Muslimiinta. Muslimiintuna dadka adduunka waxay ka noqonayaan 25.6%).
Nebiyada waxaa loo soo diray in ay aadanaha u gargaaraan ee looma soo dirin in ay Alle u gargaaraan. Maxaa yeelay, Eebbe cid u gargaarta uma uu baahna, wuxuuna daneeyaa abuurkiisa ee ma daneeyo cibaadadiisa. Sidoo kalena, wuxuu wax ku qiimeeyaa niyadda ee wax kuma qiimeeyo muuqaalka iyo baxaalliga (=إنَّما الأعمالُ بالنِّيَّاتِ وإنَّما لِكلِّ امرئٍ ما نوى).
Culumadu waxay sheegaan in marka qofka xajka ama cumrada gudanayaa uu kacbada ku dawaafayo, ay u dhiganto ama ay metalayso falka malaa’igtu ay ku dul dawaafaan carshiga Eebbe. Ruuxa ku wareegaya meesha uu u astaystay in ay kacbada u taagan tahay, waxa uu niyadda ku hayaa ma ah Maka ee waa Ilaaha kuwa kacbada dawaafayaa ay maanka ku hayaan. Halkii aad anteenno Maka taal Eebbe kula xiriiri lahayd, waxaad heli kartaa anteenno adiga oo minankaaga jooga, oo aan bad iyo buur toona arag, si toos ah tashwiish la’aan Eebbe kuugu xirta.
Anteennadaasi waa qalbigaaga oo Alle xasuusnaada. Jalaaludiin Ruumi oo anteennadaan tilmaamayaana waxa uu yiri: “Waxaan arkay dunida oo amarkaaga kacbada ku dawaafaysa... dabadeed waxaan kugu dhex arkay laabtayda markaas baan bilaabay in aan naftayda ku dul dawaafo” (=رأيت العالم يطوفون حول الكعبة بأمر منك .. ورأيتك في قلبي فقمت أطوف حول نفسي). Waxay kaloo yiraahdeen: Kacbadu waa dhagax, laakiin aqalka Alle waa qalbiga qofka mu’minka ah. Waxa Eebbe daneeyaa waa ololka iimaanka ee ma aha falka la samaynayo laftiisa.
Sheekooyinka wadaaddada suufiyadana waxaa ku badan kuwo ka warrama wadaaddo suufiyo ah oo kharashkii ay ugu talogaleen tegidda xajka sadaqaystay. Waxaana jira qaar inta xajka u qasdiyey dhexda ka soo laabtay, sababta oo ah sahaydii ay xajka u qaateen bay dad baahan siiyeen. Qoraaga Cabdirisaaq Jubraanna run buu sheegay markii uu yiri: “War midkaagan qalbiga qaawanow; Eebbe kacbada ku arki maysid, ma uu aha boqor aad ku dul dawaafaysaan… Eebbe waxaad ka helaysaa agoonta agtooda isaga oo ku dul dawaafaya.”
Noqo xaaji la aqbalo, halkii aad ka noqon lahayd xaaji la yaqaan. Xajkuna yuusan noqon safar la galo, ee ha noqdo nolol cusub oo la bilaabo.