Tuesday 14 July 2026
Dhawaan waxa aannu qabannay kulankii ugu horreeyay ee taxanaha cusub "La Sheekaysiga Qurbajoogta " oo ah madal aan ku casuunno qorayaasha iyo sheeko-curiyaasha qurbajoogta, si ay uga xog warramaan wax soo saarkooda, waayo-aragnimadooda, aragtidooda iyo safarkooda.
Kulankii koowaad waxa aanu ku sharafnay Aamina isir oo ah qoraa, sheeko tabiye iyo Podkaster. Waxa aannu kala sheekaysannay isla markaas na ku falanqaynnay arrimo la xidhiidha dhaqanka iyo aqoonsiga, annaga oo dib u milicsannay kaalinta sheeko warintu ku leedahay dhawrista iyo kor u qaadista Soomaalinimada.