Sunday 15 February 2026
Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, waxa uu 29-kii bishii Diisember ee 2025 la kulmay Raysalwasaaraha Israa’iil, Binyaamin Netanyaahu, iyagoo ku kulmay goob dalxiis oo ku taalla gobolka Falooriida, si ay isula eegaan qaababka loo fulin karo “Qorshaha Nabadda” iyo u gudbidda “Marxaladda Labaad” ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa. Marxaladda koowaad ee xabbad-joojintu waxa ay dhaqan gashay 10-kii Oktoobar, 2025, ka dib laba sanno oo ay Israa’iil xadgudubka wadday, waana xabbad-joojin salkeedu yahay “Qorshaha Nabadda” ee ka kooban labaatanka qodob, oo uu Maraykanku dejiyey, dhammaan shuruudihii Israa’iilna koobsatay.
Qaar ka mid ah weriyayaasha Israa’iil, ka hor kulankii Trump iyo Netanyaahu, waxa ay xusayeen in uu noqon doono kulan adag, sababtoo ah Netanyaahu ayaa carqaladaynaya u gudbidda marxaladda labaad, halka Trump uu ka shaqaynayo samaynta “Guddiga Nabadda” ee uu shaaciyey in uu madax u noqon doono, sidoo kalena uu ku mashquulsanyahay samaynta “xukuumad farsamo” oo cusub oo ay yeelato Qasa, ciidamo nabad-ilaalin oo caalami ahina ilaaliyaan. Iyada oo uu Trump u degdegayo gaadhidda marxaladda “Xammaas ka dib”, oo aanu rabin in lagu hakado qaddiyadaha adag sida hub-dhigista, isagoo ka duulaya ku qanacsanaantiisa in kusii jiridda xaaladda taagan ay Qasa ka dhigayso goob xuddun u ah dagaallo, sidoo kalena ka dhigayso goob caqabad ku ah sii wadidda xidhiidh la samaynta Israa’iil, iyadoo laga shidaal qaadanayo habraacyada “Heshiiska Ibraahiimiyada”, siiba xidhiidh la samaynta Sacuudiga, Netanyaahu waxa uu ku dhegganyahay go’aan ah in xabbad-joojin kasta oo lala galo Xamaas ama Xisbullaah aanay sii socon karin, oo kooxahani iskood aanay hubka u dhigi karin. Intan waxa dheer, waxa soo baxaya khilaafyo dheeraad ah oo u dhexeeya Waashinton iyo Telaabiib, kuna saabsan arrinka Suuriya; oo waxa jira warbixino sheegaya in Netanyaahu uu Trump ka codsaday sii joogtaynta cunaqabatayno saaran Suuriya, se codsigiisa la diiday. Trump waxa uu 19-kii Diisember saxeexay go’aanka cunaqabataynta lagaga qaadayo Suuriya, ka dib markii Koongaraysku saxeexay.
Khilaafyada ka sokow, haddana Trump iyo Netanyaahu waxa ay ku dedaaleen hoos u dhigidda khilaafyadaas intii kulanku socday, walow saxaafaddu markasta soo hadal qaadaysay. Trump waxa uu ku nuuxnuuxsaday in guulaha uu kasoo hooyey Bariga Dhexe sababtooda ay leedahay wadashaqaynta ka dhaxaysa isaga iyo Netanyaahu, waxaanu hadalka ku adkeeyey in aanu “ka werwersanayn wax alla waxa ay Israa’iil samaynayso”, sidoo kalena ay dhaqan galisay qorshihii xabbad-joojinta ee Qasa “boqolkiiba boqol”.
Hadalkiisan dambe waa mid si cad uga hor imanaya waaqaca, se waa caddayn in maamulkiisu diyaar u yahay in uu cudurdaar u sameeyo dhammaan tallaabooyinka Israa’iil, oo xitaa waxa uu ku celceliyey baaqa uu Madaxweynaha Israa’iil ugu baaqayo in la soo saaro cafis Netanyaahu lagaga dhaafayo qaddiyadaha musuqa ee loo haysto, sababtoo ah waa “raysalwasaare geesi ah oo xilli dagaal ku jira”. Waa hadallo laga fahmay in ay yihiin taageero siyaasadeed oo toos ah oo uu Trump siinayo Netanyaahu iyadoo sannad doorasho lagu jiro. Netanyaahu sidoo kale waxa uu Trump u sheegay in la siin doono “Abaalmarinta Israa’iil”; oo ah abaalmarinta dhaqan ee ugu sarraysa dalka, Trump-na waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee aan Israa’iili ahayn ee abaalmarintan hela siddeetanka sanno ee dalkani jiray.
Ku kala duwanaanta qaddiyadaha qaar ee u dhexeeya Trump iyo Netanyaahu waxa loo arkaa arrimo farac ah oo ku hoos jira isbahaysigooda istaraatiijiga ah iyo aragtida midaysan ee ay ka haystaan gobolka iyo dunidaba, kuna dhisan siyaasadaha awoodda. Markii lagu gudojiray shir-saxaafadeedka ay wadajirka u qabteen, Netanyaahu ma dhibsan kolka uu Trump ku tilmaamayo in uu yahay “nin mararka qaar “dhego adag”, oo waa tilmaan labadoodaba u dan ah doorashadooda. Si kasta oo ay ahaataba, waa laba nin oo is waafaqsan. Tilmaanta Trump uu Netanyaahu ku tilmaamay waa mid si cad u soo bandhigaysa xaaladda ka taagan Qasa iyo Daanta Galbeed, iyo doonista Israa’iil ee ah inay duullaan milatari ku qaaddo Iiraan iyo Xisbullaah, walow ay waxyaabo yaryar ku kala duwanyihiin, halka kala aragti duwanaan xooggani ka muuqato faylasha la xidhiidha Turkiga iyo Suuriya.
Arrimuhu kolka ay sidan yihiin, laba aragtiyood oo fasiraya xidhiidhka ka dhexeeya Trump iyo Netanyaahu ayaa jira. Aragtida koowaad, oo ah ta saxnimada u dhowi, waxa ay bedka keenaysaa in labada dhinac heer iswaafaq ahi u dhexeeyo, iyadoo Maraykanku uu kaalmo buuxda siinayo dedaallada Israa’iil uga dan leedahay “beddelidda Bariga Dhexe”, iyadoo ka duulaysa caqliyadda ah in ciddii awood lihi xaq u leedahay in ay awooddeeda keento, oo ay maamusho gobollo iyo mandiqad taag daran. Sida aragtidan waafaqsan, Israa’iil waxa ay ka shaqaynaysaa arrinta Iiraan, xilli dunida Carbeed ku mashquulsantahay loollankeeda gudeed, waana waxa u saamaxay, walow oggolaansho Maraykanna ku jiro, in ay ku xadgudubto “marxaladdii koowaad” ee xabbad-joojinta Qasa.
Arrinkan waxa caddayn u ah sida uu Trump ugu nuuxnuuxsaday in ay Israa’iil fulisay ballankii xabbad-joojinta, iyadoo haddana ay Israa’iil si maalinle ah u wadday xadgudubyo lagu beegsanayey rayidka ama lagu burburinayey dhismayaasha iyo kaabayaasha inta ka hadhay, iyo in ay weli sii waddo xannibaadda saaran marinnada dhulka, siiba marinka Rafax, oo weli xidhan. Sidoo kale, waxa ay weli diiddantahay gargaarka aadame ee lagamamaarmaanka ah, weliba xilli duruufo cimilo oo adagi jiraan. Aragtida kale waxa ay ku doodaysaa in Waashinton ay doorbidayso in ay taageero shaacsan u muujiso Israa’iil, se shirarka albaabbadu u xidhanyihiin, sida shaacsan cagsigeeda, aanu haysan khiyaarro badan oo uu ku diido codsiyada Maraykanka, halka taageerada maldahani ay leedahay qiime siyaasadeed uun.
Arrimaha kulanka lagaga hadlay waa ay kala duwanaayeen, waxaanu ahaa kulan koobsaday: u gudbidda marxaladda labaad ee heshiiska, kor u kaca qalalaasaha dadka la degaameeyey Daanta Galbeed, dedaallada Israa’iil ugu jirto in ay isku soo darto qaybo ka mid ah Daantan, dedaallada hub-dhigista Xisbullaah, faylka Iiraan ee nukliyeerka iyo barnaamijka gantaalladeeda, iyo sidoo kale dhibaatooyinka Israa’iil kala dhexeeya Suuriya iyo Turkiga.
Warar hoose ayaa tibaaxaya in Trump uu oggolaansho aan toos ahayn uu Netanyaahu uga helay in loo gudbo marxaladda labaad ee heshiiska. Waa oggolaansho aan toos ahayn, sababtoo ah Netanyaahu waxa uu weli ku adkaysanayaa in hub-dhigista Xamaas ay shardi u tahay hirgelinta labaatankii shardi ee Qorshaha Nabadda, waxa kale oo uu ku adkaysanayaa in Trump la qaato arrinkan. Waxa suurogal ah in Trump dhawaan shaaciyo bilawga marxaladda labaad ee heshiiska, oo ay ku jirto samaynta “Gole Nabadeed” iyo in fadhigii koowaad ee uu Trump madaxda kaga noqon lahaa la qabto, lana aasaaso xukuumad cusub oo Falasdiini ah, inta lagu gudo jiro Shirweynaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha, oo 23-ka Jeenaweri ka qabsoomaya magaalada Davos.
Walow uu Trump heshiis kula yahay Netanyaahu in hub-dhigista Xamaas ay muddo kooban ku dhammaato, haddii kalena “dhibaatooyin xumi ka dhalan doonaan”, haddana warbixinuhu waxa ay tilmaamayaan in Xamaas la siiyey muddo laba bilood ah in ay hubka ku dhigto, iyadoo halbeegyo qeexanna loo sameeyey waxa looga jeedo hub-dhigista. Ilaa hadda ma jiro heshiis ku saabsan faahfaahino muhiim ah, sida qaabka hub-dhigista, hubka loo jeedo iyo cidda shaqadan fulinaysa haddii ay Xamaas diiddo in ay iskeed hubka u dhigto. Xamaas iyo garabyada kale ee iska-caabbintu waxa ay ku adkaysanayaan in tallaabo kasta oo qaabkan ah aanay fulin karin cid aan ahayn xukuumad Falasdiini ah oo sharciyad u leh metelaadda dalka. Dhinaca kale se, Trump waxa uu tilmaamay in ilaa lixdan dawladood ay Xamaas ku khasbi doonaan hub-dhigista, haddana ma jiraan dalal muujiyey in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka arrinkaa, ama muujiyey inay diyaar u yihiin iska hor imaad hubaysan oo ay la galaan iska-caabbinta.
Arrinka la xidhiidha dib-u-dhiska Qasa, hadalka Trump waxa uu u muuqdaa mid is burinaya, isagoo shaaciyey in uu rejaynayo in dhawaan la bilaabo dib-u-dhiska, ka dib marka hubka laga dhigo Qasa, se haddana isagoo hadalkan kusoo celinaya, kana jawaabaya wayddiin arrinkan la xidhiidha in dib-u-dhisku bilaabmi karo ka hor hub-ka-dhigista waxa uu yidhi: “Waxa aan filayaa in dib-u-dhisku si degdeg ah ku bilaabmi doono […] [Netanyaahu] waa uu rabaa sidaydoo kale”. Masuuliyiin Maraykan ah ayaa tilmaamaya in qorshayaashoodu ku saabsanyihiin bilaabidda mashaariic dib-u-dhis oo toddobaaddo gudahood lagu bilaabo, iyadoo la qirsanyahay in hawsha hub-dhigistu ay qaadan doonto wakhti intaa ka badan. Isburinta hadalka Trump intaas uun kuma eka; oo waxa uu mar kale adkeeyey in uu soo dhawayn karo fikradda ku saabsan “in Falasdiiniyiinta laga raro marinka”, isagoo leh: “U kaadiya aynnu aragno in fursaddaasi suurogasho e”, isagoo ku dooday in kalabadh dadka marinka deggani ay Qasa ka guurayaan haddii fursad loo siiyo.
Trump, waxa uu si cad u muujinayaa in ay jiraan ku kala aragti duwanaan isaga iyo Netanyaahu u dhaxaysa oo ku saabsan Daanta Galbeed, si ka duwan sidii uu ugu dedaalayey in uu muujiyo inay si heersare ah isugu waafaqsanyihiin arrinka Qasa. Ka sokow inay ku kala aragti duwanyihiin Daanta Galbeed, haddana Trump kama codsan Netanyaahu in uu joojiyo degaamaynta dhul-ballaadhsiga ah, kama dalban in uu joojiyo falalka uu ka wado magaalooyinka iyo tuulooyinka Falasdiin. Ismaandhaafka uu xusayaa waa mid ku saabsan habdhaqanka dadka la degaameeyey. Maamulka Maraykanku waxa uu aaminsanyahay in xadgudubyada dadka la degaameeyey u gaystaan rayidka Falasdiiniyiinta ah, xasillooni la’aanta maaliyadeed ee maamulka Falasdiiniyiinta, iyo siijoogtaynta degaamayntu, ay dhammaantood yihiin qodobbo wiiqaya dedaallada loogu jiro in la wanaajiyo xidhiidhada Israa’iil la yeelanayso dalalka Yurub, sidoo kalena ay caqabad ku noqonayaan ballaadhinta “Heshiisyada Ibraahiimiga ah” ee lala galayo dalal Carbeed iyo kuwo Islaam ah. Haddana, siyaasadaha Trump uma muuqdaan kuwo la jaanqaadaya cabsidan. Ka sokow in uu bishii Sibtember ee 2025 shaaciyey in uu kasoo horjeedo in israa’iil lagu soo daro qaybo ka mid ah Daanta Galbeed, isagoo ka jawaabayey dalalkii Yurubiyaanka ahaa ee aqoonsigooda Falasdiin iska soo daba dhacay, haddana tallaabooyinkiisa kasoo bilaabmay muddo-xileeddiisan cusubi waa kuwo hadalkaa uu shaaciyey kasoo horjeeda; oo waxa uu cunaqabataynta ka qaaday xagjirka la degaameeyey, oo maamulkii hore ee Biden saaray, Safiirka Maraykanka u jooga Israa’iilna waxa uu u magacaabay Mike Huckabee, oo aad loogu yaqaan aragtiyihiisa taageersan xagjirka la degaameeyey.
Kulanku waxa kale oo uu lafaguray suurogalnimada in weerarro cusub lagu qaado Iiraan sannadkan 2026, Netanyaahuna waxa uu Trump hor dhigay wax uu ku tilmaamay xogo sheegaya in Iiraan ay mar kale ku dedaalayso dib usoo noolaynta barnaamijkeeda Nukliyeerka, oo hore ula kulmay weerar ay si wadajir ah ugu gaysteen Israa’iil iyo Maraykanku bishii Juun ee 2025, ahaana weerar Israa’iil ku dhaliyey in ay cabsi kaga abuuranto gantaallada Iiraan. Ka dib kulankan, Trump waxa uu caddeeyey in uu taageeri doono weerar ay Israa’iil ku qaadi doonto Iiraan, haddii ay isku daydo in ay dib u dhisto wixii weerarradii hore lagu burburiyey, nukliyeer iyo gantaallaba. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa uu muujiyey danaynta in ay heshiis laga gaadho nukliyeerka oo Iiraan lala galo, halkii dagaal millatari wax lagu xallin lahaa. Waxa kale oo uu ku celceliyey in Maraykanku uu weerarradii hore ku wiiqay awoodda nukliyeerka Iiraan, arrinkan oo si u ah in uu meesha ka saarayo in weli loo baahanyahay weerarro dheeraad ah, haddana se, hadalladiisii dambe ee uu ku adkeeyey in uu diyaar u yahay soo faragelin haddii dibadbaxayaasha Iiraan nidaamku u adeegsado awood, waxa ay fureen fasiraado cusub. Arrinka la xidhiidha Xisbullaah, Trump waxa uu Netanyaahu ku taageersanyahay siyaasaddiisa Lubnaan, oo ay ku jirto tallaabooyinka xukuumadda Netanyaahu qorshaysay inay ka samayso dalkaas.
Mawqifka laga istaagayo Turkiga iyo Israa’iil waa qodobka ugu weyn ee kulankan dhexdiisa labada dhinac isku khilaafeen. Israa’iil waxa ay si xooggan uga soo horjeedaa ka qaybgalka Turkiga ee ciidamada nabad-ilaalinta ee Qasa iman doona, waxaanay aad u diiddantahay kaalin kasta oo kale oo uu Turkigu ku yeesho. Sidan cagsigeeda, Maraykanku waxa uu Turkiga u arkaa awood gobol oo aan la iska indhotiri karin, sidoo kalena habboontahay in kaalintiisa la siiyo. Sidoo kale, Trump lama qabo cabsida Israa’iil ka qabto in Maraykanku Turkiga ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35, arrinkan oo meesha ka saaraya kootaysigii Israa’iil ee diyaaradahan, iyadoo weliba tiknoolajiyadda diyaaradahan loo kala duwo dalalka iibsanaya. Warsaxaafadeedka, Trump waxa uu ku sheegay in uu ixtiraam u hayo madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Ordagaan, isagoo hadalkana ku daray in “Netanyaahu laftiisu uu Ordagaan ixtiraam u hayo, oo aanay wax dhib ahi ka dhex dhacayn”, arrinkan oo ah iskuday cad oo uu ku yaraynayey ismaandhaafkooda faylkaas.
Faylka Suuriya se, Israa’iil waxa ay ku doodaysaa in aanay ku kalsoonaan karin Madaxweyne Axmad Sharac, sooyaalkiisii jihaadiga ahaa awgii, waana cudurdaar ay u adeegsanayso iskuballaadhinteeda dhul Cusub oo ay ka qabsato Jawlaan, iyo in ay koonfurta Suuriya ka samayso aag ka caaggan hubka, sidoo kalena sii joogtayso beegsiga saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya. Sidan si ka duwan, Trump waxa uu aaminsanyahay in Sharac lagu kalsoonaan karo, hoggaanka cusub ee Suuriyana albaab u furayo xidhiidh xasilloon oo ay Israa’iil yeeshaan. Netanyaahu waa uu yeelay in dib loo bilaabo wadahadallo lala yeesho Suuriya, se waxa uu muujiyey in Israa’iil ay tahay cidda dhigaysa shuruudaha wadahadalka, isagoo muujinaya in uu Maraykanka wax ku waafaqay, wax badanna ka gaabsanaya.
Ka sokow ismaandhaafka ay soo bandhigeen warbaahin Maraykan iyo Israa’iil ahiba, iyo saadaashoodii ahayd in kulanka Trump iyo Netanyaahu adkaan doono, haddana warsaxaafadeedka labada dhinac wada qabteen waxa uu muujiyey heerka iswaafaq ee labada dhinac, kala aragti duwanaantuna, haddiiba ay jirto, ay tahay tafaasiil ku dhex jira isbahaysigooda guud ee istiraatiijiga ah iyo aragtidooda midaysan ee gobolka iyo dunida, oo ka dhex muuqanaya siyaasadaha awoodda oo labadooduba taageeraan.