Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Kulanka Saddexda Tiir ee Sayniska, Falsafadda iyo Suugaanta

28 April, 2025
Image
Rigor of Angels
Share
Marcelo Gleiser: bare sare oo ka dhiga fiisigiska, xiddigmaalka iyo falsafadda dabeecadda jaamacadda Dartmouth ee ku taalla Maraykanka. Tiroba shan buug ayuu daabacay. Wax ay asaaskeeda dhigeen isaga iyo Adam Frank boloogga 13.8 kaas oo taabacsan degelka Big Think, iyaga oo u kuurgalay kor u qaadista quruxda aqoonta, fiisigiska gaar ahaan.

Waa halkee soohdinta fahankeenna dunidan ee suuragalka ah ee aynu gaadhi karnaa? Yididdiiladeenna ah in aynu ogaal iyo aqoon dhammaystiran u yeelanno waqiceennu ma mid suurogal ah baa, oo laga salgaadhi karo? mise waxa jira xuduudo lamadhaafaan ah oo aynaan ka gudbi karin mar kasta oo aynu isku dayno soo taabashada gunta xaqiiqada dunida? William Egginton oo soo saaray buuggan aynu ka waraysan doonno, waxa uu kulan mala’awaal ah isugu keenayaa mufakiriintii hormuudka u ahaa laamaha aqoonta: waa qoraagii reer Arjantiin ee Jorge Luis Borges, fiisigisyahankii reer Jarmal ee Werner Heisenberg iyo filosoofkii reer Jarmal ee Immanuel Kant. William Egginton waa bare culuumta bulshada ah, madaxna ka ah maxadka Alexander Grass ee culuumta bulshada oo ka tirsan jaamacadda Johns Hopkins.

Marcelo Gleiser: Buuggaagani waxa uu kulminayaa saddex ka mid ah dadkii hormuudka u ahaa laamaha aqoonta ee fiisigiska, suugaanta iyo falsafadda, waana saddex laamood oo aan inta badan lasoo wada gudbin, meel qudhana la isugu keenin. Waxa muuqata in uu jiro qorshe aad isugu keentay laamahan oo aad ku salaysay buuggan. Waxaanan hubaa in qorshaha buuggani ku jaango’anyahay mashruuc fekereed oo maskaxdaada ku kaydsan. Haddaba, ma caddayn kartaa sababta kugu dhalisay in aad kulan mala’awaal ah ku kulmisid saddexdan hormuud, se habkee kulmintani usoo bandhigaysaa yoolasha aad ka lahayd soo saaridda dhiganahan?

William Egginton: buuggani waxa uu ka dhashay tobannaan sanno oo akhris, dhigid iyo feker ah, oo aan ku bixiyey isla falgalka cajiibka ah ee ka dhexeeya suugaanta, falsafadda iyo sayniska. Waa hubaal in waxa maskaxdayda ku uruuray ee ku saabsan isla falgalka iyo isa soo gelidda saddexdan laamood, koobsanayo mufakiriin iyo qoraayo saddexdan ka badan; markii se aan u arkay inay habboontahay in aan mashruucaas feker u beddelo buug, waxa i horyimi wayddiimo u baahday inaan ka jawaabo kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: sidee ayaan u habeeyaa buuggaas koobsan kara isla falgalka saddexdaas laamood ee aqoonta ah? Wa’ayo shakhsiyadaha ugu wanaagsan ee kala meteli kara saddexdan laamood iyo isla falgalkooda? Immisa qof baan se buugga ku ururin karaa?

Billawgii, markii aan ku hawlanaa dejinta qaabka buugga, waxa aan damacsanaa waa uu ka ballaadhnaa sida ugu dambayn buuggu noqday. Markii koowaad waxa iga dhex guuxaysay fekrad ah in aan tebiyo sheekooyin ku saabsan shakhsiyado cayiman, anigoo u dan leh in aan soo koobo aragtiyahooda, se judhiiba waxa i qabsatay caqabad ah in ay jiraan sheekooyin aad u badan oo ay tahay inaan dhammaan tebiyo. Waxa aan qorsheeyey in aan qoro buug koobsanaya laba iyo toban qof, qof kastaana cutub gaar ah udubdhexaad u yahay. Feker dheer kaddib waxa aan dareemay in buuggaasi noqonayo mid filiqsan, oo aan abbaarin fekradda seeska ah ee aan rabo inaan wax ka qoro, ahna sida saddexdaas laamood isula falgalaan, laan kastana hannaankeeda gaarka ah wax isaga wayddiiso xaqiiqada jiraalka. Intaas kaddib waxa aan awood u yeeshay in aan xakameeyo filiqsanaantaas, oo aan tirada soo koobo, saddex qofna ka dhigo. Waxa aan ku qancay in qayaxnaanta fekraddu ka mudantahay shakhsiyado badan oo laga sheekeeyo.

Dabadeed markii aan ku qancay in aan dhimo tirada dadka buuggu koobsanayo, waxa aan qorsheeyey in uu taariikh-nololeed u noqdo hal qof oo dhammaan laamahaas meteli kara, waana Boethius, filosoofkii reer Giriig. Ma aaminaysaa in Boethius kaalin aan toos ahayn ku leeyahay mid ka mid ah cutubyada buuggan? Se qorshihii Boethius ma hirgalin, sababta oo ah filosoofkan waa qof beri hore noolaa, waxaana ka soo wareegay wakhti dheer oo waa qof aad uga fog curintii cajiibka ahayd ee fiisigiska qarnigii 20aad, oo aan doonayey in aan buugga laga waayin. Markaas ayaa ay fekrad wanaagsani igu soo dhacday: sannado ka hor waxa aan wargeyska New York Times ku qoray maqaal gaaban oo aan kaga hadlayey saddex qof oo hormuud ah, waa Borges, Heisenberg iyo Kant. Markaas ayaan is waydiiyey sababta aanan saddexdan qof udubdhexaad uga dhigin buuggayga, weliba iyada oo saddexduba koobsanayaan qodobbada aan rabo inaan buugga kusoo uruuriyo.

Fekradda asaasiga ah ee mar walba noloshayda i hortaallay, xiise weynna aan u qabay waxa ay ahayd inaan soo bandhigo sida u kuurgalka xeesha dheer ee dhib jirta lagu sameeyaa u keento ama uga dhashaan aragtiyo waaweyn oo xeeldheer, cidda u kuurgalkaas samaynaysaa laanta aqooneed ee ay doontaba ha ka tirsanaato e. Haddaan u dhigo qaab fahanka soo dhawaynaysa, u kuurgal iyo baadhid fudud oo culuumta bulshada ama fanka ah ayaa shidaaliya, oo ibofur u noqda aragtiyo waaweyn oo sayniska ah, cagsiguna wuu dhacaa.

U kuurgalkan aan saddexda laamood ee aqoonta ah ku sameeyey ee aan buuggaygana gundhigga uga dhigay, waxa aan aaminsanahay in ay caddayn u tahay hadalkaas aan kor ku xusay. Akhrinta qoraallada Borges, ka shaqaysiinta waxyaabaha uu Kant u adeegsaday fekerka iyo waxyaabaha uu Borges wax iska wayddiiyey ayaa igu hoggaamiyey in aan fahan xeeldheer ka qaato masalooyinka sayniska ah ee Heisenberg curiyey. Waxa aan si weyn u aaminsanahay in fahankayga waxqabadka Heisenberg uu wanaagsanaaday kaddib markaan akhriyey qoraallada Borges iyo Kant, sayniska Heisenberg keenayna sidan oo kale uma fahmeen haddii aan keligii ku gaabsan lahaa.

MG: Sidee buuggaagu usoo bandhigayaa wareerka aadamaha ka haysta jiritaankiisa, se habkee usoo tebinayaa walaaca jiraal ee aadamuhu ka keenay ogaalkiisa in wakhtigu soconayo, oo ugu dambayn la dhammaanayo? Si kale haddii loo dhigo, qaabkee buuggaagu uga hadlayaa xaqiiqada ah in aan la waarayn?

WE: waxyaabaha aan buuggayga dhexdiisa ku nuuxnuuxsaday waxa ka mid ah wax aynu ku magacaabi karno “baaxadda jiraalka”, oo ah waxa saddexdaas aqoonyahanba soo jiitay, ee mid walba ku riixay in uu ka gungaadho isaga oo aan ka dhex baxin dagalkiisa aqooneed. Saddexdan mufakir, dhammaantood waxa ay xiiso u qabeen in ay ka salgaadhaan dabeecadda jiraalka iyo jawaab u helidda wayddiimahooda, mid sheekooyinka uu tebinayo kusoo bandhiga, mid masalooyinka falsafadeed ku lafagura iyo mid isleegyo xisaabeed u adeegsada soo dhiraandhirnta natiijooyin la fahmi karaba.

Borges, waxa uu sheekooyinka kusoo bandhigaa iyada oo shakhsiyadaha sheekada ee uu abuuray waajahayaan aaminaadaha aynu ku waajahno dunida iyo fasirkeeda, waxaanay wax iska wayddiiyaan aaminaadahaas, oo ay isku dayaan burintooda ama lafagurkooda. Kant waxa gundhig u ah faallaynta shekigelinta iyo in aan la isku hallayn yaqiinta caqlaaniga ah ee aaminsan in aynu dunida wax kasta ka ogaan karno, sababtoo ah aragtiyaheenna iyo dunidu waa wax lammaan, oo hal sees leh. Heisenberg laftiisu waxa uu ku dedaalay u kuurgalidda dabeecadda lafteeda.

Saddexdan u kuurgal ee ay sameeyeen saddexda qof ee kala laamaha ahi waxa ay igu dhaliyeen inaan is wayddiiyo: waa maxay saamaynta ay ku yeesheen dadkii dhex galay saddexdooda iyo laamahooda kala duwanba , ee dabadeed fahmay dooddooda ah in aynaan dunida si fudud oo aan is dhibid u baahnayn ku fahmi karno, se ay innagu waajib tahay in marka hore la sameeyo habraac fahanbixineed, si fahanku u suurogalo.

Si dunida loo fahmo, suurogal maaha in wakhtiga kaalin hoose la siiyo ama dhinac la iska dhigo. In wakhtiga la iska indhotiraa waa sidii oo la iska indhotirayo waxii shardiga u ahaa in dunida la tijaabiyo, waxna laga ogaado. Aadamuhu dunida ma soo koobi karo, se keliya waxa uu wax ku ogaan karaa wakhtiga is dhimaya. Dunidu way is dhimaysaa ilbidhiqsi, maalin iyo sannad kastaba. Go’aan kasta oo aynu qaadanno waxa ku lammaan mid kale oo aynu luminnay, oo aynaan tijaabin, lana soo celin karin. Tijaabooyinkaas aynu luminnay wakhtiga socda awgii, waa tijaabooyin aynaan qaadan, oo aan jirin, habka kaliyee ay u jiraanna ay tahay marka aynu ka qoomamaynayno go’aanka kale ee aynu qaadannay.

MG: Akhristaha u kuurgala buuggaaga waxa u caddaanaysa in mawduuca gundhigga u ah yahay loollanka ka dhexjira rabitaankeenna in aynu wax ogaanno iyo xiisaha aynnu u qabno in aynu gaadhno jawaab kama dambays ah oo ina shaafisa , iyo dhinaca kale suurogalnimo la’aanta gaadhitaanka jawaabahaas. Ma suurogalbaa in aynu ka rejo dhigno isku daygeenna gaadhitaanka jawaabahaas kama dambaysta ah, mise waxa aynu nahay noolayaal ku dhex harraadan wayddiimo jiraal oo aan laga salgaadhayn, kuwaas oo ku qasban in ayna nasan ?

WE: Heisenberg baa qodobkan si ka ballaadhan labada kale uga hadlay. Mid ka mid ah buugaagtiisa waxa uu ku yidhi: “Awoodda aadamuhu u leeyahay in uu wax fahmaa soohdin ma laha, se waxyaabaha kamadambaystooda ah kama hadli karno”. Waxa ay ila tahay in Heisenberg uu faalladiisan u jeeday waxa uu ku arkay soohdinta aqoonta aadamaha. Dedaalka aynu ugu jirno inaynnu wax ogaannaa kuma dhammaan karo keliya inaynu ogaannay xuduudda waxa aynu ogaan karno. In dunida si dhammaystiran loo bartaa waxa ay ka dhigantahay in la gaadhay waxyaabahaas kama dambaysta ah (macnaha wax ka baxsan dhammaan xuduudda aadamaha). Waa hab la mid ah sida dadka diimuhu eebbe ugu sawiraan mid koobsan kara waxa jiraba, billaw ilaa dhammaad. Waxa cad in tilmaanta sidan ahi weligeedna aanay waafaqi karin aqoonta aadamaha. Tamar uma haynno in aynnu yeelanno aqoon aan xayndaab lahayn, oo aan wax gaabis ahi ku jirin, sababtoo ah gaabiska iyo garasho la’aanta ayaaba ku lammaan jiritaankeenna.

MG: Qofka akhriya buuggaaga waxa uu dheehanayaa sida saddexda qof ee ku jiraa ula heshiiyeen lumitaanka shay, waayitaanka noocyadiisa kala duwan: jacaylka oo is waayid ku lammaantahay sida Borges soo bandhigo, hubaal la’aanta Heisenberg iyo in aanuu garaadku lahayn awood aan xaddidnayn taas oo uu Kant rumaysanyahay. Madhnaan, maqnaan ama dhinnaantu waa wax ku lammaan jiritaanka aadamaha, sida muuqata, waana qayb lagama maarmaan u ah tijaabada jiraalka. Ma aaminsantahay in waayitaanku yahay macallinka ugu weyn ee ina baraya sida loo helo macnaha nolosha? Haddiiba aad sidaa qabtidna, ma la odhan karaa buuggaagu waxa uu metelayaa aragti yididdiilo u leh aadamaha, oo caddayn u ah in aadamuhu naftiisa baran karo, oo aqoon ahaan la kobci karo?

WE: Waa la odhan karaa sidaas. Sheekooyinka saddexdan qof, falsafaddooda iyo sayniskooduba waxa ay bixinayaan caddaymo jiraal oo cajiib ah. Mid kasta oo ka mid ahina waxa uu gaarkiisa u sameeyey u kuurgal qotodheer. Suurogal maaha in jacayl jiro haddii aanay jirin suurogalnimo in la is waayo ah, mana jiri karto xaqiiqo biyo kama dhibcaan ahi haddaanay jirin suurogalnimada ah in wax khalad ahi ku jiri karo xaqiiqadaas, mana jiro wax wanaagsani haddii aanay jirin suurogalnimada ah in mararka qaar la dooran karo sharka.

Si ka duwan Sarter, aragtidayda waxa ku gadaaman filasho wacan. Anigoo ah arday wax ka bartay Borges, Kant iyo Heisenberg, waxa aan aaminsanahay in ay kala dhimantahay aragtida ah in dunidu kakantahay oo ay ku dhisantahay xeerar la mid ah kuwa ciyaarta shaxda. Waxa aynnu la kulanno marka aynnu dunida daraasayno, marka aynnu u kuurgalno xidhiidhada dadka ka dhexeeya iyo marka aynnu qiimaynayno waxqabad faneed, dhammaan waa sawirasho aadame iyo wax aadamuhu maskaxdiisa ka keeno, se suuraysigaasi kama dhabnimo liito dedaalkeenna fahanka dunida. Falsafadda weyn ee aan kasoo dhex saaray akhrinta iyo diraasaynta saddexdan qof waa in garaadka macmalka ah iyo aqoonta kaleba marnaba innaga qaadi karin doorashadeenna iyo masuuliyaddeenna koonka.

MG: Aadame ahaan waxa aynu isku hallaynaa in aynnu hubno waxa aynnu samaynayno iyo go’aannada aynu qaadanayno, adiguna waxa aad ku doodaysaa in isku hallayntaasi aanay waaqici ahayn, oo aan loo baahnayn, maxay kula tahay in aad ku taageeraysid hubaal la’aanta?

WE: Sababta oo ah hubaashu waxa ay keenaysaa isla weyni, aragti gaabni iyo in ay innaga soo xidho jidad kale oo feker. Aqoontu waa shaqo la goonni ah u kuurgal, tijaabin iyo gaadhitaanka fasiraado aan kama dambays ahayn. Fasiraadaha aynu bixinno dadbaa u kuurgalay, haddii caddaymo loo helana, waxa aynu ku aqbalaynaa innagoo niyadda ku haysanna in ay tahay fasiraadda ilaa hadda aynu hayno, se haddii kamadambays laga dhigo fasiraad, jid kale uma furna sayniska iyo aqoonta kale, waxaanay ka dhigantahay in aynu soo taabannay kama dambaystii.