Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Korriinka Nafsad-Bulsheed ee Qofka

6 December, 2024
Image
psycho-social
Getty Images
Share

Shakhsiyadda qofka ee nafsad-bulsheed waxa inteeda badan xukunta waayo-aragnimada dahsoon ee qofka, waa noloshii uu soo maray ee aanu in badan xusuusnayn ama la falgashay midda aanu xusuusnayn.
Nafsadyahan Maraykan ah oo la odhan jiray Eric Erikson ayaa ka mid ah dadka sida faahfaahsan u fasiray qaabka ay shakhsiyadda qofku ku sameysanto iyo heerarkeeda.

Sida uu qabo Eric, waxa shakhsiyadda qaabeeya isdiiddooyin u qorqora qofka kolba sida ay u kala xoog bataan;
1. Sannadka koobaad, waxa uu ilmuhu si buuxda ugu tiirsan yahay cidda daryeesha, waxba isagu isuguma filna waanu dareensan yanay. Isdiiddada ugu weyn ee uu la dhaqmayaa waa ‘in uu dunida isku halleyn karo iyo in kale’ maaddaama oo aanu isagu waxba qabsan karin. Dabcan, dunidiisa oo dhani waa hooyadii ama ciddii halkaa ugu jirta. Jawaabta ay ciddaasi siiso ayaa go’aamisa in uu noqdo qof cid aamini kara, isku halleyn kara oo rejo qab leh. Metalan, marka uu ilmuhu ku jiro xaalad walaac ee uu ooyayo, marka ay hooyadii degdeg ugu timaaddo waxa ay siisaa farriin ah in uu isku halleyn karo, haddii ay ka raagto laakiin ugu dambeyn u timaaddo, isku halleyntii waa ay yareysay, se waxa uu baranayaa rejo ah in ay marleyba imanayso. Haddii ay imanba waydo, markaa dunidu isku halleyn iyo rejo toona ma leh. Marxaladdan waxa waayo-aragnimadiisa nolosha saameyn ku leh hooyada.

2. Da’da 2 – 3 sannadood, waa marka uu ilmuhu baranayo in uu iskii wax u sameyn karo oo uu madaxbannaani jidheed tijaabin karo, isdiiddada ugu weyn ee uu maareynayaa waa ‘in uu waxan uu awoodo yeeli karo iyo in kale’. Ugu yaraan waxa uu markan xukumi karaa saxarada iyo kaadida. Mar kaste oo uu hubiyo in uu sameyn karo iyada oo aanay waxba kaga iman, waxa uu dareemaa madaxbannaani iyo go’aansi. Mar kaste oo marxaladdan lagu cabudhiyana waxa uu dareemaa yaxyax iyo ceeb. Haddii ay waalidku si xun ugu rabbeeyaan xakameynta kaadida ama saxarada waxa uu hadhaw noqon doonaa qof aan isku tiirsanaan karin oo mar kaste cid kale ka suga in ay u go’aan gaadho. Ogobey, haddii aan la jiheynna waxa uu noqon karaa qof aan cidna u aabbeyeelin ee waxa uu doono sameeya. Marxaladdan waxa waayo-aragnimadiisa nolosha ku soo biira aabbihii oo isna saameyn ku leh.

3. Da’da 3 – 5 sannadood, waxa uu la dhaqmayaa isdiiddo ah ‘in uu waxyaabaha ku xeeran, wax ka tijaabin karo oo eegi karo sida ay u dhacaan iyo in aanu awoodin’ ~ In uu wax ku dhiirran karo iyo in kale. Waxa laga yaabaa in uu arko dahabka hooyadii, ka dibna uu suuliga ku rido; yoolka qudha ee uu leeyahay waa in uu isla helay walax iyo god, ka dibna uu ku tijaabiyay. Waxa la mid ah waxa ay ubadka da’dani sameeyaan oo dhan. Haddii ay falcelin xun kala kulmaan, waxa ay ka dhaxlaan qoomamo, sidaa awgeed waxba kuma dhiirradaan. Dabcan, haddii la jiheyn waayana waxa uu ilmuhu noqdaa mid aan xeerin dareenka dadka iyo falcelintooda ee waxa uu doono yeela (antisocial). Haddii si fiican loo hago oo looga caawiyo in uu isdiiddooyinkiisa xalliyo, waxa uu bartaa in uu wax u sameeyo una abuuro ‘ujeeddo’ oo uu noolaado nolol ujeeddeysan. Markan waxa waayo-aragnimadiisa nolosha qayb ka ah qoyska oo dhan.

4. Da’da 5 – 13 sannadood, waa waqtiga dugsiga e, waxa uu ilmuhu maareynaa isdiiddo ah in uu sameyn karo waxa ay ubadka la da’da ahi sameeyaan ama qaarkood xirfadda u leeyihiin sida noocyada ciyaaraha, waxbarashada … haddii uu ku guuleysto waxa uu ku noqdaa qof karti iyo xirfad leh (ama u diyaarsan in uu noocyo kala duwan oo xirafeed yeesho). Haddii uu ku guuldareysto, waxa uu noqdaa qof iska qaba cuqdad ah in aanu u dhigmin asaaggii (inferiority). Markan waxa waayo-aragnimadiisa nolosha qayb ka ah dugsiga.

5. Da’da 13 – 21 sannadood, markan waxa uu ilmuhu bartay wax aanay waalidkii aqoon, ama waxa uu cid kalena la sameeyaa kuna farxaa wax aanay waalidkii sameyn, sidaa awgeed waa uu yar quudhsadaa waalidkii ama doqonsadaa. Waxa uu u arkaa in ay yihiin kuwo aan waxba laga baran karin oo isagu dhaamo. Waa uu ku fallaagoobaa, waana marxalad uu maareynayo isdiiddo ah ‘in uu yahay qof leh hayb gaar ah oo kaalintiisa hela iyo in kale’. Waa marka uu dookhyadiisa nolosha oo dhan bedbeli karo, waana marxaladda ugu adag ee ay waalidka isla dhib mutaan. Haddii loo diido in uu qof gooni ah noqdo waxa uu hadhaw noqdaa qof aan meel loogu soo hagaago iyo wax loogu yimaaddo midna lahayn, qof aan la tirsan karin oo aan wax uu iskii uga soo baxo lagu halleyn karin. Marxaladdan waa mid uu rabo in waayo-aragnimadiisa noloshu ay ka baxdo waalid, qoys iyo dusgi intuba, waxa se aameynta ugu badan ku leh inta asaaggiisa ah oo aanu inta badan ku dooran in ay isku dugsi yihiin e, uu ku doorto inta ay muujiyaan madaxbannaani iyo fallaagonimo.

6. Da’da 21 – 39 sannadood, waa mar uu qofku gaadhay in uu isu aqoonsado hayb gooni ah oo gaar u taagan, waa uu hubiyay. Waxa uu markan la dhaqmayaa isdiiddo ah ‘in uu boggii hooyadii dib u heli karo iyo in uu cidloodo’. Waxa uu markan aad u raadiyaa lammaane. Haddii uu ku guuleysto waxa uu noqdaa ‘qof jacayl’. Haddii uu ku fashilmana waxa uu noqdaa qof gooni socod ah oo dareen xidhan. Ogobey, waxan oo marxalado ahi waa ay isku dul dhismaan, oo metalan ilmo sannadkii koobaad ku soo bartay rejo la’aan iyo in aan dunida la isku halleyn karin, waa ay adag tahay in uu marxaladdan jacayl ugu dareemo si fiican ama lammaanehiisa isku halleeyo.

7. Da’da 39 – 65 sannadood, waxa uu qofku la nool yahay isdiiddo ah ‘dadka kale daryeel oo wanaaaji iyo maxaa kaa galay’. Mawqifka ay shakhsiyaddiisu qaadanaysaa waxa ay ku xidhan tahay dhanka uu marxaladihii hore ka soo koray waayo-aragnimada nolosha ee nafsaddiisa saameysay. Haddii uu hore uga soo koray dhanka togan, waxa uu markan noqdaa qof samefale ah oo dadka kaalmeeya, isaga oo aan ka fileyn abaalcelin. Waxa laga yaabaa in uu qoyskiisa ballaadhan taageero, ubad wax baro, dhaqaale ku bixiyo baahiyaha guud, deeqsi noqdo. Haddii kale oo ay marxaladaha hore u soo mareen si taban, waxa uu noqdaa qof canaad ah oo aan soo dhaweyn lahayn, waxba aan bixin, xitaa aan talo waayeel siin karin faca soo koraya iyo xitaa ubadkiisa. Waxa uu ka xanaaqaa carruurta agagaarkiisa ku ciyaaraysa iyo dhalinyarta madadaalada ku jirta oo uu u arko dad ku faraxsan wax laga xumaado oo ah nolosha.

8. Da’da 65 – Dhimashada, waxa uu qofku ku nool yahay kaydkii nafsaddiisa ee hore, waxa uu maareynayaa isdiiddada ah in uu ahaado qof gob ah, hufan oo sarriigasho leh iyo in uu noqdo qof wax kaste ka quustay. Iyada oo ku xidhan, sida ay nafsaddiisu ugu soo dhisantay marxaladaha hore, waxa uu noqdaa qof faraxsan oo facyowga soo koraya la faraxsan, iyaguna ay dugsadaan oo aanay ka muuqan werwer uu ka qabo noloshiisa soo gaabanaysa. Waa murti miidhan. Ama, haddii ay nafsaddiisu si taban hore ugu soo dhisantay, waxa uu noqdaa qof ku nool quus iyo caalwaa, dadka ku xeeran waa ay is dhibsadaan, waxaana laga yaabaa in uu balaayo iyo cabasho uun ka sheekeeyo.
Sida ka muuqata sharraxaaddda Erikson, nafsadda qofku waa wax socda oo mar kaste dhismaysay laakiin isku xidhan.