Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Kolka Shacabku Dulmi Dugsado

30 July, 2026
Image
Kolka Shacabku Dulmi Dugsado
Share

“Xilna damaq ninkuu dhibo

doqon huruda yeelkeed.”

—Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam

Dadku inta uu dunida guudkeeda saarnaa laba qaybood ayuu kala ahaa. Koox talada haysa oo dadka cabburisa, ku amar ku taaglaysa iyo koox kale oo taas ka gedoodsan, ka biyadiidsan, oo dhacsashada xaqeeda halgan dheer iyo rafaad badan ugu jirta. Kooxda labaad halgankoodu haddii uu joogsado waxay ummadu gacanta u galaan xorriyad-darro iyo addoonsi aan la arag. Labadaas loollankooda ayey nololi ku jirtaa oo bulsho ku tisqaaddaa. Abwaan Hadraawi waa kii lahaa:

Inta qaran dhiskiisiyo

Dhidibkiisu taagnaa,

Dheeraad nin dooniyo

Nin ku dhega xaqiisoo

Dhacsanaayay baa jiray.

Mufakirkii iyo halgamihii reer Maraykan Henry David Thoreau, oo caan ku ahaa difaaca xorriyadda, caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha, ayaa xabsiga loo taxaabay dabshidkii 1846-kii, ka dib markii uu diiday in uu bixiyo canshuur uu rumaysnaa in ay dawladdu u isticmaalayso addoonsiga dadka madow iyo dagaalkii Maraykanku ku hayey dalka Meksiko.

Muddadii uu xirnaa ayaa ku dhiirrigelisay in uu qoro maqaalkiisii caanka noqday ee Civil Disobedience, ee la daabacay sannadkii 1849-kii, kana mid noqday qoraallada ugu saamaynta badan ee ka hadla caasinimada madaniga ah iyo iska-caabbinta dulmiga.

Maqaalkaa waxa ku jirtay oraah saamayn weyn ka tagtay oo macnaheedu tahay: “Dawladdu kolka ay si gardarro ah u xirto qofka xaqa u hadla, hoyga rasmiga ah ee qofka gobta ahi waa xabsiga.” Kolka dawladdu sharciga u adeegsato dulmi iyo gardarro, beegsatana cid kasta oo tacaddigeeda durta, xabsigu wuxuu isu beddelaa astaan sharafeed, halka xorriyadda iyo bannaanku noqdaan golaha ina gumeedka.

Maqaalkaas waxa la sheegaa in uu markii dambe saldhig u noqday halgannadii nabadeed ee Mahatma Gandhi iyo Martin Luther King Jr.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), isaga oo ka warramaya qiimaha iyo culayska ay leedahay u guntashada xorriyadda iyo karaamada ummadda, wuxuu sheegay in halgankaasi aanu ahayn mid lagu gaaro raaxo iyo nasasho. Marar badan, ayuu xusay in habeenno badan uu ku waabariisatay saamalayl, isaga oo hurdo ka soomay, qalin iyo warqadna isla raadsaday, si uu cod ugu noqdo dadka.

Hadraawi wuxuu caddeeyay in dedaalkaas iyo dhibtaas oo dhan uusan u gelin xil, xoolo ama maamuus, balse uu u arkayay waajib ummadeed iyo masuuliyad damiirkiisu saaray. Wuxuu rumaysnaa abwaanku in uu yahay caroogga damiirka ummadda iyo qareenka dadka tabarta daran.

Aragtidaas ayuu si qurux badan ugu cabbiray maansadiisa “Bulsho”, isaga oo leh:

Bulshooy adigay boqraday,

Beerkayga adaa gogladay,

Bogeyga adaa huwaday,

Wadnaha adigaa barkaday,

Bishmaha adigaa furfura,

Markii lagu bililiqaysto,

Markii baaqagu yeedho,

Ayaan boholyoow gabyaa,

Dareenku baraarugaa.

Abwaanku hawshaas culus ayuu si mutadawacnimo ah u huwaday, isaga oo aan cidna abaal, maal ama mansab uga doonayn. Hase yeeshee, intaas loogama harin. Waxaa lagu abaalmariyey xarig, isaga oo muddo ku qaatay xabsiga taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxa keliya ee lagu eedaynayay waxay ahayd in uu ka hadlay danta ummaddiisa, u hiilliyey dadka dulman, kana hor yimid caddaalad-darrada. Hase ahaatee, marna mabdi’iisii kama tagin.

Taariikhda casriga ahi waxay marag u tahay in dadka damiirka leh aan lagu aamusin karin xabsi iyo cabburin. Kacdoonnadii loo bixiyay Gu’gii Carabta (Arab Spring) waxay rideen talisyo muddo dheer ku dhisnaa cabburin, halka dhaqdhaqaaqyo kale oo ka dhacay qaaradda Aasiya, sida kacdoonnadii Bangladesh, ay muujiyeen in marka dadku u midoobaan difaaca xorriyadda iyo caddaaladda aanay jirin awood si joogto ah u hor istaagi karta rabitaankooda. Taariikhdu waxay xasuustaa kuwii xaqa u istaagay, halka ay hilmaanto kuwii xoogga iyo cabburinta ku faanay.

Akhriste, waxaa adag in la dafiro xaqiiqda ah in maanta degaan kasta oo Soomaaliyeed ay joogaan bulsho ka cabanaysa hoggaan ku sifoobay musuqmaasuq, boobka hantida dadweynaha, ku tagrifalka awoodda iyo ka leexashada waajibkii loo igmaday. Cabashadani ma aha mid ku kooban gobol ama maamul gaar ah—waa dareen guud oo muddo dheer ka dhex guuxayay bulshada Soomaaliyeed.

Natiijada ka dhalatay maamul-xumadaas waxay noqotay in ka badan rubuc qarni uu shacabka Soomaaliyeed la nool yahay colaado, saboolnimo, barakac iyo burbur hay’adeed. Kumannaan qof ayaa gaajo ugu naf waayay dalkooda gudihiisa, kumannaanna kale waxay ku geeriyoodeen badaha iyo saxaraha iyaga oo ka cararaya nolol ay ka quusteen. Ma aysan ka cararin dalkooda, ee waxay ka cararayeen duruufihii ay abuureen hoggaamiyayaal ka hormariyay danahooda gaarka ah dantii ummadda.

Bulshadu waxay habeen iyo maalin Alle ka baryaysaa in uu ka dulqaado dhibaatada haysata. Hase yeeshee, Eebbe wuxuu bani’aadamka siiyay caqli, damiir iyo awood uu dulmiga isaga difaaco. Ducadu waa cibaado, balse isbeddelku wuxuu u baahan yahay dad ka dhiidhiya dulmiga, xaqana u istaaga. Ummad kasta oo aamusta dulmiga indhahoodu qabanayaan iyaga oo aan far dhaqaajinayn, taasi waxay ka dhigan tahay in dulmiga la waarinayo oo xididdo adag loo aasayo.

Halkaa waxa ka dhasha bulsho dulmiga qaayibta oo talisyada qooqaaga ah isu dhiibta. Taariikhdu waxay marag u tahay in aysan jirin bulsho xorriyad, caddaalad iyo dawladnimo ku heshay aamusnaan iyo faro maran.

Isbeddel kasta oo waara wuxuu ka bilowdaa dad diida in ay caadi u qaataan dulmiga, kuwaas oo codkooda mideeya, si nabad ahna u muujiya diidmadooda. Marka bulshadu ka gudubto cabsida, oo dhiirato, dulmi-faluhu wuxuu bilaabaa in uu lumiyo awooddiisa.

Sidaas awgeed, qof kasta wuxuu leeyahay door uu ka qaadan karo dib u soo noolaynta caddaaladda. Looma baahna in qof walba noqdo siyaasi, halgame ama hoggaamiye. Waxaa ku filan in uu noqdo qof runta sheega, dulmigana diida. Xitaa haddii uu maalin kasta hal eray oo xaq ah ku qori karayo baraha bulshada, ama uu codkiisa ku difaaci karayo caddaaladda meel kasta oo uu joogo, taasi waxay ka dhigan tahay jid lagu xaqiijinayo gobonnimo bulsho, sinnaan iyo dad diyaar u ah ilaalinta sharaftooda.

Runta hal qof ku dhawaaqo waxay dhiirrigelin kartaa boqollaal kale. Marka codadka damiirka leh ay bataan, dulmiguna wuu yaraadaa; marka caddaaladda loo midoobana, guusheedu waxay noqotaa arrin waqti uun sugaysa, ee ma aha arrin la iska wayddiinayo in ay iman doonto iyo in kale.

Waxaan rabaa in aan halkan ku dul istaago hal su’aal oo mudan in qof kasta oo Soomaali ahi iswayddiiyo: Maxaa sababay in dawlad- xumadu inagu raagto? Haddii aynu wada ognahay in hoggaamiyayaal aan daacad ahayn ay inoo horseedeen musuqmaasuq, eex, dulmi iyo burbur, maxaa weli loogu dulqaataa? Maxaa bulshada u diidaya in ay iska leexiso hoggaamiye kasta oo ku tagrifala awoodda loo igmaday?

Waxaynu maalin kasta maqalnaa eedeymo la xiriira madaxda dalka. Madaxweyne hebel wuxuu boobay hanti dadweyne, wuxuu geystay tacaddiyo, xilalkii qarankana wuxuu ku koobay ehelkiisa iyo kooxdiisa. Haddii aynu si qotodheer u fikirno, waa hal qof oo keliya. Muxuu haddaba bulshada inteeda kale uga awood batay? Maxaa u saamaxaya in uu xukunka ku nagaado?

Su’aalahan waxa qarniyo ka hor iswayddiiyey faylasuufkii Faransiiska ahaa Étienne de La Boétie buuggiisa Discours de la servitude volontaire (Eexaysiga Addoonimada), oo Af-Soomaali uu u turjumay Aw-Guudcadde.

La Boétie wuxuu la yaabay sida ay malaayiin qof ugu hoggaansami karaan hal kelitaliye, iyada oo ninkaasi aanu lahayn awood ka badan tan hal qof. Jawaabta uu bixiyey waxay ahayd mid fudud, balse qotodheer: awoodda kelitaliyuhu isaga kama dhalato; waxay ka dhalataa oggolaanshaha iyo adeecidda bulshada. Abwaan Hadraawi muxuu yiri: “Garmaqaatayaashiyo dadkaa beera ruux gudhan.”

Hoggaamiye kasta maalinta uu xilka qabanayo, waa qof caadi ah. Ma laha awood sixir ah, mana aha qof ka duwan bulshada inteeda kale. Waxa awoodda siiya waa dadka doortay, ciidanka gaarka ka haya, janannada amarradiisa fuliya iyo muwaadiniintii canshuurta bixiyey. Haddii silsiladdaas taageerada ahi jabto, awooddii uu ku faanayey iyana way dumaysaa. Waxa soo haraya waa hal qof oo naqan oo aan lahayn tabar uu ku cabburiyo ummad mideysan.

Taariikhda ayaa arrinkan inooga marag kacaysa. Intii lagu jiray kacdoonkii Liibiya, markii taliskii Mucammar Qaddaafi burburay, wuxuu bilaabay in uu ku dhuumaalaysto agagaarka magaalada Sirte. Ugu dambayn, koox ka tirsan jabhaddii kacdoonka ayaa gacanta ku dhigtay ninkii muddo afartan sano ka badan dalka ku maamulayay gacan bir ah.

Dad badan waxay u haysteen in uu yahay hoggaamiye aan la ridi karin, geeridu gondihiisa iman karin, boqortooyadiisuna dhammaad lahayn. Hase yeeshee, markii ay qabteen oo ay garaaceen, isla markiiba dhiig ayaa ka qubtay. Waxay markaas garteen in uu ahaa bini’aadan caadi ah oo—laf iyo uus leh, xanuunka iyo dhaawacana dareemaya sida qof kasta oo insaan ah.

Halkaa marka aad marayso, waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “Godinyahay haddaan barkay kugu jirin ima goyseen.” Macnaheedu waa in innagu is wan jalayno, nafaheenna talisyada u loogayno, taas awgeedna dawladnimo inooga dheer tahay.

Abwaan Gaarriye maansadiisa “Qasab kuma balwayn karo”, isaga oo arrinkaas tibaaxaya waa ka yiri:

Shacbi qawdhamoo kacay

Qarqarsiga hadduu jaro,

Wallee qoofal kuma xidho.

Haddii qoys agoon yahay

Wixiisii rag qaybsaday,

Qaan-gaadhna sara-kaco

Qabyadooda raadshaa,

“Qori, sii!” ha joogtee,

Wallee quuso kuma diro.

Soomaaliyeey, haddii aynu rabno in aynu la jaanqaadno quruumaha dayaxa degay, haddii aynu doonayno in aynu iska tuurno heeryada faqriga, dhisanno dal xor ah oo ku taagan caddaalad, sinnaan iyo nolol sharaf leh, waxa inaga xiga hal arrin oo qura: waa in aynaan u guulwadayn madaxda, waana in aynu baranno tabta looga takhalluso nidaamyada kelitaliska ah ee deegaannadeenna ukumaha dhigtay.

Ma jiro qaran horumara isaga oo sii dugsanaya hoggaan fashilmay, mana jirto bulsho xorriyaddeeda sii haysan karta haddii ay ka aamusto dulmiga, musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda. Dawladnimo waarta kuma dhalato cabsi iyo aamusnaan; waxay ka dhalataa bulsho damiir leh, midaysan, oo la xisaabtanta cid kasta oo talada haysa.

Waxaan ku soo gunaanadayaa tuducyo ka mid ah gabaygii Abwaan Cabdillaahi Suldaan “Timacadde” ee “Qabyo”:

Dawladahani laga qayliyee qaaq wax kaga siiye,

Nin waliba marbuu qaadan jiray qanso iyo leebe,

Qorfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede,

Hayeeshee quluub wada jirtaa qaniya, sheekhoowe.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Mucaarad Dawladdaada