Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Kol aan Kaambooni Tegay

19 June, 2024
Image
Doontii safarka
"Doontu waxay biyaha u kala dhanbalaysaa tabta col bulsho isku duubnayd ku dhex dhacay" (Sawirka: qoraaga)
Share

Waa dabayaaqadii Diseenbar 2023. Waxaan guriga ka baxay aroor hore oo godka ay biyaha ku jiraan iyo ka ay ka sii baxayaan dirqi lagu kala garanayo. Bishan iyo tii ka horraysay waxaa magaalada Kismaayo maansheeyay biyaha roobka ee El Nino oo bahda cimilada dersa ay ku sheegeen inay toban laab ka biya badnayd dayrtii Biyabadan ee sagaashameeyadii. Wax aan luuqyada ka dusaba, waxa aan isa soo taagay isgoyska xaafadda Farjanno oo uu gaari bas ahi igu sugayay isbitaalka Saahid hortiisa oo halkaa ku yaallay.

Waxaan ahay safar; safar kedis ah oo cid kale daaye, xataa xalay fiidkii uusan qorshaha iigu jirin inaan beri subax baxayo. Sideedana, safarku kala xamaasad badan e, midka bilaa qorshaha ahi, sida uu qabo filasoofarkii Shiinayska ahaa Laozi, waa uu ka xiise badan yahay midka la qorsheeyo.

Waxaan galay baskii oo ay labo qof iiga horreeyeen marka laga tago darawalka iyo kirishboygiisa. Daqiiqado kooban oo aan meesha taagnayn ka dib waa aanu dhaqaaqnay. Waxa aanu sii marnay dhawr meelood iyo guryo aannu ka sii qaadnay dad kale oo safarka qayb ka ahaa. Qiyaastii waxa aannu gaaraynay toban qof. Dhammaantood waxay shaqaale ka yihiin hay’ad caafimaad, aniganna fursad kedisa oo safar-shaqo ayaan ka helay. Waxaan u jahaysanahay Jasiiradaha Jubbada Hoose ee deegaanka Joorreey illaa Raaskaambooni; Hooyadii iyo Hoygii Islaamiyiinta.

Sideedaba kolka la aadayo jasiiradaha Jubbada Hoose labo qaab ayaa loo aadaa. In doon laga raaco xeebta Calanley oo toos magaalada doon looga baxo, iyo in alaabta iyo agabka musaafuriinta la saaro doonta, deedna ay iyada kaliya baxdo, halka dadkuna ay gaari raacayaan oo ay doonta uga sii hormarayaan degaanka Fuumo oo kismaayo 36KM ka jira jihada koonfur. Annagu waxa aannu qaadannay tan dambe oo intaan alaab iyo wixii boorso ee aan wadannay saarnay doonta ayaa naaqudaha iyo caawiyihiisa dhaqaajiyeen, halka annagana aannu baskii isku gurnay oo aan magaalada kaga baxnay. Halka la isugu imaanayo waa degaanka Fuumo.

Waxaan cagta saarnay dhanka koonfureed ee magaalada iyo laamiga dheer ee ka soo billowda dekedda Boosaaso ee gobolka Bari, kuna dhammaada garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo. Markaan in door ah Baarcaleen dhaafnay oo ah bar-baaritaankii ugu dambaysay, ayaannu dhanka bari uga degannay laamiga. Saacad kadib waannu joognay degaanka Fuumo oo xeebta kulaalaya. Waa degaan kooban oo guryihiisa la tirin karo, waxaana ku yaalla hal masaajid. Doonnidii diyaar bay ahayd oo waa ayba naga soo hormartay. Markiiba waxa aannu ku wareegnay doontii, waa ayna dhaqaaqday.

Billowga hore waxa ay doontu u dhawayd xeebta, se marba marka ka dambeeya waxa ay aadaysay dhanka badweynta ilaa markii dambe aan weynay dhulkii oo afarta jihaba ay biyo noqdeen. Waxaan doonta ku saarannahay toban qof iyo labada doonta wada. Sida uu naaquuduhu nagu amray, waannu is qaybinnay oo qaar dhexda ayay fadhiisteen, qaarna horay, halka qaar kalena xagga dambe fadhiisteen. Sababtu waxa uu ku sheegay isu dheellitirka doonta iyo wanaajinta socodkeeda.

Waxaan qotonsanahay afaafka hore ee doonnida, meel ma haysto oo jawiga baddu waa mid imika deggen. Sidii oo aan duuli rabo ayaan labada gacmood dhinacyada u taagay, intaan indhaha iyo bishimaha isku qabtay ayaan neecawda dhabanaysa si xoog ah sanka sidii daroogadii uga jiiday; waxaa markiiba xasuustay oraahda qoraagii iyo badmaaxii weynaa ee reer Faransa, Alian Gerbeault oo ahayd: “Waxaan rabay xorriyad, hawo furan iyo socdaal, waxaana intaas ka wada helay dusha badweynta!” Waa runtiiye, bal sawiro safarka gaariga ee huurka iyo cariiriga ah, ama safarka diyaaradda ee guuxa matoorkeedu madaxa kaa galayo iyo kursiga nafarqaadka ah ee aadan dhinac isuga dhaqaajin karin.

Waxaan kala qaaday indhihii, waxaana dibnahayga ka sii daayay neef diirran oo in cabbaar ah sidii sigaarkii aan sambabbada ku hayay. Sideedaba dunidu waa buug, kuwa aan safrinna waxay nolosha ka akhriyeen hal bog oo kaliya, sida uu qabo filasoofka reer al-Jeeriya ee Saint Augustine. Dadka qaar ayaa mooda akhriska inuu yahay oo kaliya buug la kala furo, balse, sidaa ma aha arrinku. Inaad safarto, qof barato, shaqo cusub ka hawlgasho iyo waxyaabo kaleba waxa ay la mid yihiin adiga oo buuggaag akhriyay.

Imika waxa aan sii soconnaa wax saacad ku dhow, waxaana gaarnay jasiiraddii u horraysay oo ah Kooyaame; dhanka barriga waxaa ku beegan tuulo yar oo Jiroole la yiraahdo. Kooyaame, waa jasiirad qadiimi ah oo lagu sheego inay ka da’ weyn tahay Kismaayada ay hoostagto oo ay 45 KM u jirto. Wax ku dhow toban qarni inay da’ ahaan gaarto oo Sayid Barqash yimid ayay tebiyaan dadka degaanka oo Baajuun u badan. Inay mar ahayd saylad lagu kala iibiyo dadkii Afrikaanka ahaa ayay sidoo kale sheegaan dadka reer Kooyaame.

Doonleydu waxa ay leeyihiin ereybixinno u gaar ah. Metalan, halka aannu jamal ka dhahno iyo jasiirad, waxa ay iyagu adeegsadaan dhagax iyo jasiir. Waxaan markii u horreeyay ka maqlay barbaarkii caawiyaha u ahaa naaquudaha isaga oo leh: waa kaas jasiiirka Kooyaame, fiiriya dhagaxaas weyn gadaashiisa, oo la macne ah; waa taas jasiiradda Kooyaame, fiiriya jamalkaas weyn ee gadaasheeda ah. Sidoo kale, doontu waxay u adeegsadaan matoor, oo metelan hakii uu ka dhihi lahaa doon baan soo raacay, waxa uu ka oranayaa matoor baan soo raacay.

Dookhu waa cajiib, dadkuna waa ku kala geddisan yihiin, waana qayb ka mid ah quruxda iyo farshaxanka dunida. Marka la joogo safar iyo socdaal, qofba qaab ayuu jecel yahay inuu u safro; socdaalkuna waa saddex nooc. Inaad hawada ku safarto oo ay diyaaradi kula haaddo, inaad dhulka ku safarto oo aad gaari ama tareen raacdo ama inaad badda ku safarto oo aad doon ama markab fuusho. Aniga, dookhayga safar waa nooca dambe. Robert Henri oo ahaa macallin jaamacadeed iyo farshaxmiiste Ameerikaan ah oo ku waalnaa safarka badda ayaa mar la su’aalay sababta uu u jecel yahay. Waxa uu ku jawaabay: “Sababtoo ah waxay leedahay awood dahsoon oo naga dhigi karta inaan ka fikirno waxyaabaha aan jecelnahay inaynu ka fikirno.”

Run buu sheegay oo waxaan xasuustaa mar ay doonnidu si xawli ah u socotay inaan eegay biyaha iyo sida awoodda leh ee ay u kala jeexayso. Waxaan ka fikiray xaalka biyaha iyo doonta. Biyuhu waa dhibco isu tegay sida bulshadu u tahay qofof isu tegay. Sida bulshadu xidid, xiriirro, iyo derisnimo u dhexmarto ayay biyahana u dhexmaraan. Waxaan ka fikiray biyaha ii muuqdaa inay ahaayeen qoysas meel deggan oo qaar is dhaleen, qaar is qabaan, qaar wada dhasheen, halka kuwo kalen xiriiro kala geddisani ka dhexeeyaan.

Sida ay isaga deggenaayeen ayaa doontii aan saarnaa oo maqiiqani ka dul dhacday dhibcihii is dugaashanayay ee muddada dheer wehelka isu ahaa, deedna midba meel ayay ka tuurtay oo halkii dhibic ka ridday badweyn kale iyo dhibco kale oo aysan aqoon. Kolkaa doonta waxay biyaha uga dhigan tahay sida bulshada wakhtiga iyo waayaha uga dhigan yihiin oo ah in wakhtiga iyo waayaha uu dad wehel isu ahaa kala geeyo oo midba dal iyo degaanno kale ka rido. Ama waxay biyuhu doonnida u arki karaan sida bulshadu u aragto Malakulmawtka, oo ka qaada wehelkooda iyo kuwa ay jecel yihiin.

Hadda laba saacadood iyo bar ayaannu sii soconnaa. Waa duhur salaaddii la eedaamayo. Waxa aan soo gaarnay jasiiradda Madhawa oo 93 KM Kismaayo u jirta, waxa aannu horray u soo marnay tiro jasiirado iyo degaanno ah oo qaarkood laga guuray. Istaanbuul ayaa ka mida degaannada aan soo marnay oo dhanka barriga ah, iyo jasiiradda Juwaay oo laga guuray iyada. Qof ka mid ah rakaabka oo jasiiradaha middood naga soo raacay ayaannu isaga iyo alaabtiisa ku dajinnay Madhawa, deedna horay ayaannu safarkayagii u sii wadannay iyada oo sidii caadada ahayd doonnidii kala jeexayso biyihii, sida wakhtiga iyo waayuhu bulshada u jeexjeexo.

Qiyaastii markaannu labaatan daqiiqadood ka sii maqnayn Jasiiradda Madhawa, waxaa noo soo muuqday degaanka Kudhaa oo badda kulaalaya. Waa aannu ka sii gudubnay. Balse  xoogaa kolka aan soconnay ayaannu dareennay in jawigii badda uu inyar inyar isu beddelayo. Doonnidii ayaa gariir daran iyo khal-khal billowday. Markiiba naaquuduhu wuxuu amray ciddii taagnayd inay fadhiisato oo qof waliba uu meel si xoog leh u qabsado. Isbeddelka yimid waxa uu ku sheegay baddii oo kacday iyo inay doontu dhexmarayso laba jamal oo aad u waaweyn oo biyaha iyo hirkoodu sidii kubbaddii isu dhiidhiibayaan, doontuna ku dhex dheelliyayso.

Dhabtii inta ay ilbiriqsiyadaasi cabsi ahaayeen waxaa iiga badnaa inta ay cashir ahaayeen. Thomas Monson oo ahaa wadaad Ameerikaan ah ayaa laga hayay, “Ma hagi karno oo ma hagaajin karno dabaysha, balse, waxaan hagi karnaa oo aan hagaajin karnaa shiraacyada iyo matoorka doonta!” Waxaan aad ula dhacay sida xirfadaysan ee uu naaquduhu wax u maareeyay ee baddii iyo biyihii kacsanaa nooga badbaadiyay. Tusaale wax laga barto ayay ii noqotay. Ficillada dadka iyo dhaqannadooda ma hagi karno oo ma hagaajin karno sida aanu dabayshaba u hagi karin una hagaajin karin naaquuduhu, balse, waxaan awood u leennahay oo aan maarayn karnaa falcelinteenna iyo dareenkeenna gudeed, sida naaquuduhu u hagay matoorka iyo isteerinka doonta.

Labada jamal wax yar bay nagu qaadatay ka dhexbaxoodu; markiiba waxaan dareennay deggenaanta doonta, walow aysan noqon sidii aan labada saacadood ku soo soconnay. Waan istaagay, balse sidaydii hore gacmaha ma taagi karo oo waa inaan meel xajistaa. Waxaan eegay gadaal, waxaa ii muuqday labadii jamal oo sii fogaanaya; waxaan eegay horay iyo hareeraha, waxaan bad iyo cir ahayn iima muuqan. Sidoo kale waxaa meel fog iiga muuqday hirar cadcad oo u legdamaya sida barbaar geeljirayaal kibirsan ah oo aaran jooga.

Waxaan maskaxdayda ku soo wada xaadiriyay deggenaantii aan ku soo jirnay, kacsanaantii noogu xigtay iyo dhexdhexaadnimada aan hadda ku jirno, iyo hirarkii meesha fog iiga muuqday, waxaana maankayga ku soo dhacay hadalkii farshaxamiistihii weynaa ee reer Netherland Van Gogh oo ahaa: “Qalbiga qofku waa sida badweyn, waxa uu leeyahay hirarkeeda oo kale, duufaanteeda oo kale, deggenaanteeda oo kale, moolkeeda oo kale, iyo luulka gudaheeda laga helo oo kale!”

Fanaankani waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa qalbiga qofka iyo badweynta oo haddii baddu duufaan leedahay, qalbiguna waxa uu leeyahay dareenka carada oo duufaanta u dhigma; haddii ay baddu leedahay deggenaan, qalbiguna dulqaad ayuu leeyahay; haddii ay baddu leedahay mool, qalbiguna waxa uu leeyahay gun dheer oo aan sahal lagu gaari karin; haddii ay baddu soo tufto cambar iyo luul oo laga helo, qalbiguna waxa uu soo tufaa oo laga helaa cishqi aad u qotodheer oo aan ka yaraysan qiimaha iyo qaalisanaanta luulka. Dulsaarnaanta doontu ma ii ahayn safar oo kaliya ee waxa ay iila mid ahayd aniga oo hadba dhinac markaan eego aan rogayo bogag ka mid ah buug abaaday oo xikmado iyo cashirro nololeed ay ku duugan yihiin.

Imika waxa aannu sii dhaafnay degaanka Buurgaabo oo isna kulaalaya badda. Buurgaabo waxay Kismaayo u jirtaa 130 KM, taa macnaheedu waa inaan u soo dhawaannay halkii aan u soconnay.

Istanbuul, Kudhaa, iyo Buurgaabo oo ahaa deegaannadii xeebta iyo badweynta hindiya kulaalayay ee aan soo dhaafnay waxay caan ku wada yihiin wax ay u yaqaanaan reer xeebeedka Khoori-badeed aad u qurux badan. Khoorigu, haddaan si kale u dhigo waa gacan badeed ka soo baxa badda oo barriga soo gala. Gacan-badeedkaasi muuqaal ahaan waa sida wadda-xaafadeed u socota sida kaadida dibiga oo kale, waxaana dhinacyada ka jira geedo iyo hawd, illeen barriga ayuu dhexsocdaaye.

Haddaba, guud ahaan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Joorreey ee hoostaga degmada Badhaadhe waxa uu leeyahay saddex Laagood. Waxayna kala yihiin Lagta Buula-xaaji, Lagta Caanoole iyo Lagta Hoolaa-wajeer. Laag kasta waxa ay ku darsantaa, marna iyada ku darsama Khoori-badeed ama gacan-badeed. Laagta koowaad oo ah Buula-xaaji waa carra-cad yara hawd ah, waxa ayna ku darsantaa, marna ku soo darsama Khooriga Istanbuul oo ah jasiirad u eke, Laagta labaad oo ah Caanoole iyadu waa carra-madow ka hawdsan laagta kale, waxa ayna ku darsantaa, marna ku soo darsama Khooriga jasiirad u ekaha Kudhaa, Laagta saddexaadna oo ah Hoolaa-wajeer waa carra-madow iyo hawdkii dhabta ahaa, waana halka ay ka billaabato kayntii badda-madow ahayd, waxa ayna ku darsantaa, marna ku soo darsama Khooriga Buurgaabo oo ah jasiirad u eke.

Marka aan leeyahay ku darsantaa, iyadane ku soo darsama, waxaan ula jeedaa in lagahani ay leeyihiin ilo biyo macaan oo barriga ah oo marka ay baddu caari tahay ay biyaha macaanka ahi badda ku darsamayaan, halka marka ay badda soo buuxsantane isku qasmayaan ama laga itaal roonaanayo biyihii macaanaa.
Haddaba, Khooriga-badda ee Buurgaabo ee ku dara ama ku soo darsama Laagta Hoolaa-wajeer waa Khooriga ugu dheer oo qiyaastii 60 illaa 70KM ayuu badda barriga uga baxaa.

-Laagta Buula-xaaji. Sawirka waxa qaaday Yaxye Xuseen.

Laagta labaad ee Caanoole ee ku darsanta, marna ku darsama khooriga Kudhaa waxyaabaha lagu garan og yahay waxaa ka mid ah inay mucaskar u ahayd jabhaddii al-Furqaan, oo ay dadku u garan og yihiin jabhaddii Caanoole. Waxay ahayd mid kamida jabhadihii Islaamiga ahaa ee dalka ka hanaqaaday 2006-dii. Waxaana urur iyo magac ahaan lagu dhawaaqay October 2007-dii, iyaga oo magaala madax ka dhigatay Kudhaa oo kulaasha badweynta Hindiya. Jabhaddan ayaa beel ahaan u badnayd beelweynta Harti, waxaana hoggaan u ahaa Mukhtaar Abuu Cali, waxaana ku xigay Maxamed Mirre oo hadda ah Amiirka Maktabka Maaliyadda ee ururka al-Shabaab. Jabhaddan ayaa hoostagi jirtay ururka al-Ictisaam, iyada oo laga hagi jiray dabaq ku yaalla degmada Madiina ee magaalada Muqdisho, jabhadan iyo ururo kale oo Islaami ahba.

Bishii February, 2009-kii ayay jabhaddani qayb ka noqdeen midowgii Xisbul Islaam oo ay saddex jabhadood oo kale kula bahoobeen. Saddexda kale ee qaybta ka ahaa midowgii Xisbul Islam ayaa kala ahaa; Jabha al-Islaamiyah, Garabka Maxkamadaha Islaamka ee Asmara iyo mucaskarka Raaskaambooni. Waxaana guddoomiye u noqday Dr Cumar Iimaan Abuubakar, iyada oo uu kuxigeen u noqday Sheekh Xasan Turki. Saddex bilood kadib waxaa guddoomiyanimadii iska casilay Dr Cumar Iimaan, iyada oo xilkii loo magacaabay Xasan Daahir Aweys. ugu dambayn, jabahddii Caanoole waxay ka baxeen oo mareen halkii iyo jidkii ay martay Xisbul Islam.

Sidoo kale, Laagta Caanoole waxaa lagu xusuustaa inay ahayd halkii uu diyaaradda ka raacay Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii uu ahaa Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga.

Imika waxaan maraynaa deegaanka Manaraani oo kala barta Buurgaabo iyo Kaambooni, waxayna dhinac kasta u jirtaa 30 KM. Doonnida waxaa saaran baco iyo boorsooyin kala duwan oo ay ku jiraan qalab duubitaan, dhar, laabtoobyo iyo agabyo kale. Inta la hadlayo waxaa ka badan inta la aamusan yahay. Badanka waxaa la xiran yahay jaakadda badbaadada. Anigu se ma aan xiran, oo sida Ryunosuke ayaan qabaa inaan ahay qayb ka mid ah badweynta. Qof kastaa waa uu fikirayaa oo qiyaastii waxa uu ku dhexfoofay dunidiisa u gaarka ah ee dahsoon. Naaquudaha iyo caawiyihiisa waxa ay iskala socdaan indhaha oo hadba tilmaamo iyaga u gaar ah oo ay isla fahmayaan ayay isa siinayaan. Tusaale, kolka doonta meel laga leexinaya, markay wax soo kordhaan iyo marka si xawli ah loogu sii dayn rabo horteeda.
“Soo uma jeeddaan anteenada—waa Raaskaambooni” ayuu la soo booday caawiyihii barbaarka ahaa isaga oo fartiisa hortiisa ku fiiqaya. Waa aan eegay, waxaa meel fog iiga soo muuqatay guryo iyo anteenadii shirkadda Hormuud. Waa Raaskaambooni. Ilbiriqsiyadaas waxaan dareemay dareenno isku dhafan oo danayn gundhig u ahaa.

Mar walba oo aan u soo dhawaanaynay waxaa dhegahayga soo gaarayay sawaxanka magaalada iyo aadaanka ka yeeraya; waa salaadii casar. Kolka lagu daro saacaddii aan baska soo saarnayn oo uu Fuumo na keenayay, waxaan u soo soconnay lix saacadood; maalin gelinkeed.

Kolkaan xeebta magaalada soo gaarnay, wixii u horreeyay ee ay indhahaygu qabteen waxa uu ahaa labo kuray oo doonni saaran oo markaa isu diyaarinaya inay soo kalluumaystaan, middaa oo markiiba iiga baxday in reer Kaambooni ay badda ku tiirsan yihiin.

Doontii ayaannu ka degnay iyada oo ay alaabtii soo daldaleen rag meesha nagu sii sugayay oo ay hay’adda shaqo wadaag yihiin. Waxaannu raacnay gaari Noah ah oo ay hay’addu leedahay, oo waxa na la geeyay guri, se dadka degaanka ay u arkaan huteel.

Waxaan huteelka ugu tagnay niman kale oo iyaguna sidayada musaafuriin u ahaa. Waxaannu kala degnay qolalkii la noo diyaariyay. Salaadihii ayaan tukannay oo qadaynay, deedna waxaan galabtii la kulannay maamulka degaanka, si aan u wargelinno. Habeenkii markaannu cashaynay ayaannu dajisannay qorshayagii shaqo ee beri, deedna waannu kala seexannay.

Dhammaan kooxda aan isla soconnaa horay ayay u yimaadeen halkan; aniga uun baa ku cusub. Sidaa awgeed, saaka inay qorraxda iigu soo baxdo Raaskaambooni macne gaar ah ayay ii samaynaysay. Qoraayaddii ku caanka ahayd sahaminta iyo socdaalka ee Faransiiska u dhalatay, Mss Freya Stark, ayaa laga hayay: “Inaad kaligaa ka toosto magaalo dhani waa mid ka mida dareennada ugu wanaagsan!” Allaylehe maxay run sheegtay. Dhammaan kuwa saaka ka kacaya Raaskaambooni macne saas ah uma laha oo horray ayay u arkeen, balse, qofka aan arkin ee xiisaynayaa waa aniga.

Raaskaambooni - Hoygii iyo Hooyadii Islaamiyiinta

Deegaanka Raaskaambooni waxa uu dhacaa cirifka koonfureed ee Soomaaliya, ee gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Joorreey. Joorreey waxaa la isku dhahaa dhul gaaraya 360 KM oo iskuweer, isaga oo ka billowda Buula-xaaji oo Kismaayo 80 KM u jitra. Kaambooni waxay hoostagtaa Degmada Badhaadhe oo ay u jirtaa 144 KM, halka ay Kismaayo u jirto 190 KM oo dhanka badda ah, halka barriga uu yahay wareeg dheer oo la jarayo masaafo gaaraysa 280 KM. Kaambooni waxaa lagu sheegaa inay jirto labo qarni iyo dheeraad. 1820-nadii ayaa la sheegaa inay ahayd degaan yar oo ay dad kooban degganaayeen oo xer u badan. Mar walba waxa macnaha u yeelayay waxay ahayd xeebta ay kulaalayso, xuduudka Kiiniya ee u muuqda, iyo kaymaha jiqda ah ee dhanka galbeed ka xiga.

Marka magaaladan la soo hadalqaado waxaa markiiba maskaxda ku soo daadegaysa Islaamiyiintii hoyga ka dhigtay iyo wadaadkii caanka ahaa ee Xasan Turki. Ma fududa in laga hadlo sooyaalka islaamiyiinta koonfurta iyo Kaambooni, iyada oo aan la xusin Xasan Turki iyo kaalintii uu ciyaarayay. Haddaba aynu si kooban sooyaalka odayga isu dultaagno.

Magaciisa oo dhammaystirani waa Xasan Cabdullaahi Xirsi (Xasan-Turki) waxa uu ku dhashay Qabdidahar 1942-dii. Halkaas ayaa la sheegaa inuu ku barbaaray oo dugsigiisa qur’aan ku dhammaystay. Muqdisho ayuu u soo gudbay oo iskuul ka dhigtay, kadibna Sucuudiga ayuu jaamacad u aaday isaga oo soo bartay kulliyadda shareecada Islaamka.
Xasan-Turki kolka uu dalka ku soo laabtay waxa uu ku biiray ururrada gobanimadoonka ee Soomaaligalbeed, ee Itoobiya la dagaallamaysay. Halkaa ayuu dagaal kula jiray ilaa ay dawladdii Kacaanku dhacday.
Kolka ururkii al-Itixaad is fidiyeen ee Gedo, Jubbooyinka iyo Buntilaan saldhigyo ka samaysteen ayuu odaygu degay Dhoobley. Itixaadkii Buntilaan markii ay Boosaaso gacanta ku dhigeen ayaa la damcay in halkaa loo wada guuro, balse, isagu waa uu diiday oo waxa uu talo ku soo jeediyay inaan laga wada tagin dhulka Jubbooyinka. Se wax yar mooyee intii kale waa ay dhaqaaqeen. Isaguna waxa uu horraantii 1994 u soo dhaqaaqay dhinaca Raaskaambooni isaga oo wata 1500 oo wiil.

Labo sababadood ayaa la sheegaa inuu halkan u danaynayay: Muhiimadda istiraajiyadeed ee ay jabhad ahaan u leedahay iyo inuu yahay dhul tolkii degan yahay oo aan looga adkaan karin. Itixaadkii ku jabay Buntilaan waxaa waa dambe laga sheegaa inay u qireen inuu ka saxsanaa Xasan-Turki kolka uu lahaa yaan Buntilaan la wada tegin oo ha la is qaybiyo. Xasan-Turki, waxa uu ka mid ahaa dhawrka qof ee Soomaalida ahaa ee hor fadhiistay hoggaamiyihii al-Qaacida Usaame Binlaadin.

Billowgii waxa uu degay duleedka magaalada Raaskaambooni, meel 8 KM u jirta oo Oodow la dhaho. Halkaa oo uu ka furay mucaskar, balse, marka uu weynaaday mucaskarkii waxa uu u wareejiyay meel qiyaastii 30 KM u jirta magaalada, oo ahayd goob kaymo badan oo soo jiitay indhaha Islaamiyiinta caalamka. Waxaa goobtaa lagu sheegaa sida ay geeduhu isu dhexgaleen awgeed in mararka qaar aanad cirka iyo qorraxda arki karin.

Walow uu Sheekhu nabad ka dhigay Raaskaambooni iyo degaannada hoos taga iyada oo ay dagaal-beeleedyo ka jiraan Kismaayo iyo Soomaaliyada kale, ayaa haddana UNISOM iyo qabqablayaashu waxay is tusayeen khatarta awoodda Islaamiyiinta ee ka kobcaya bartamaha kaymaha ee cirifka koonfureed ee Soomaaliya.

Labo nin oo uu Maraykanku aad u doondoonayay oo Fasuul Cabdalla iyo Saalax Nabhaan la kala yiraahdo oo al-Qaacida Geeska Afrika u qaabbilsan ayaa lagu sheegay inay Kaambooni ku nool yihiin oo ay ka mid yihiin macallimiinta wax tababbaraysa. Dilka haweeneydii caddaanka ahayd ee hay’adda UMCR u shaqaynaysay iyo dilka David Morris oo New Zealand u dhashay oo u shaqaynayay shirkad UNISOM leedahay ayaa indhaha caalamka ku soo wada jeedisay Raaskaambooni.

Waxaa la sheegaa badi barbaartii Xamar iyo meelo kale oo koonfurta ah ka dagaallamaysay inay ka soo baxeen mucaskarka Kaambooni. Sida loogu sheego inay Addis Ababa ahayd xarunta qorshaha iyo xeelad dajinta sidii lagu baabi’in lahaa Islaamiyiinta Geeska Afrika, si la mid ah ayay Kaambooni u ahayd hoyga iyo hooyada soo saarta hadba barbaar cusub oo maqiiqan.

Xasan-Turki 2002-dii ayaa uu Maraykanka ku daray liiska argagaxisada, halka 2012-dii uu madaxiisa dulsaaray lacag dhan $3M. Sheekhu muddo 16 sannadood ah ayaa uu Kaambooni joogay. Ugu dambayn waxa uu ku geeriyooday Hargaysa-Yarey, Jubbada dhexe bishii Meey 2015. Waayeelnimadii iyo muddo uu xanuunsanaa ayaa lagu sababeeyay geeridiisa.

Kaambooni imika waxaa gacanta ku haya Jubbaland oo waxay qabatay 2011-kii. Badi dadka ku nool waa Baajuun, waxayna ku tiirsan yihiin oo ku foofaan gunta hoose ee badda. Tirada dadka waxaa lagu qiyaasaa illaa dhawr boqol oo qof. Hal isbitaal, hal iskuul oo siddeedaad ku eg, iyo hal garoon oo hagaajintiisu hadda socoto ayaa ay leeyihiin.
Muxummad Ibraahim Faarax (Muxummad Fanax), waa guddoomiyaha iyo masuulka ugu sarreeyo ee deegaannada Joorreey ee hoostagta degmada Badhaadhe. Maadaama ay Badhaadhe oo ah magaala-madaxda deegaannadan ay AS haysato waxaa Muxummad Fanax iyo maammulkiisa saldhig u ah Kaambooni. Ninka ku xiga waa Maxamuud Maxamed (Maxamuud Dullin), waa taliyaha ciidanka ee u sarreeya deegaannadan.

Marka laga tago inay joogaan ciidanka Jubbaland, sidoo kale, waxaa jooga ciidanka ATMIS, gaar ahaan ciidamada Kiiniya. Waxaa kale oo jooga ciidamo kale oo aan ATMIS ka diiwaan gashanayn oo Kiiniyaan ah. Degmada Kaambooni marka laga tago inay dakhli ka samayso khayraadka badda, sidoo kale waxa dhakhli ka soo galaa qaadka Kiiniya ka yimaadda oo ay canshuur ka qaadato. Weliba waxay Jubbaland deegaankan ugu baxsatay marka ay dawladdii Farmaajo iskudhaceen oo ay xayirtay qaadkii Kiiniya ee diyaaradda ku iman jiray. Kaambooni, labo halgan ayay gundhig u ahayd oo ka soo billowday. Waana halgankii islaamiyiinta ee sagaashameeyadii, iyo halgankii maammul goboleedka Jubbaland ee 2011-kii. Mirihii labadaas halgan weli ma bislaan oo weli waa qayriin. Loollankuna wuu taagan yahay isagoo hir cusub galay hadda.

Intii aan magaalada joogay waxaan galabtii fadhiisan jiray buur dhinaca badda jirta oo aad ka arki karto gabbaldhaca iyo dhammaan magaalada. Halkaas ayay qorraxdu iigu dhici jirtay aniga oo akhrinayay magaalada iyo dhacdooyinkeeda.

Kaambooni

Waxaa jirta galab aan buug sii qaatay. Kolka aan figta sare ee buurta fadhiistay ee aan kala furay buugga ayaan maqlay cida ari hoos daaqaya buurta, shanqarta haweenka quruurux ka guranaya gunta buurta, qaylada carruur barxad aan sidaa iiga sii fogayn ku ciyaaraysa, jabaqda hirarka badda, qorrax sii dhacaysa iyo magaaladii, waxaana soo xasuustay hadalka filasoofarkii Shiinayska ahaa, Laozi, ee ahaa: “Kuwa safarka u qaata buug, u sheega inay labo buug qaateen!”

Laozi waa runtii oo kolka aan eegay degaanka iyo dabiicadda igu harreeraysan waxaan fahmay inuu buug ii furan yahay oo aan akhrinayo, sidaa awgeed kii dhabta ii saarnaa waa aan isku laabay oo inta dhinac iska dhigay oo dhegaha eerfoon gashaday ayaan hees Banaadiri ku tuurtay oo aan ka mid noqday buuggii furnaa ee dabiicadda iyo degaanka ahaa.