Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Kilibaatra: Boqoraddii isku Darsatay Aqoonta, Shukaansiga iyo Fooxinta

7 May, 2026
Image
Kilibaatra: Boqoraddii isku Darsatay Aqoonta, Shukaansiga iyo Fooxinta
Share

Boqoradda Masar ka soo jeedda ee Kilibaatra ayaa had iyo jeer i soo jiidan jirtay tan iyo carruurnimadaydii, laakiin baaritaanka kaydka taariikhiga ahi wax kale ma soo saarin aan ka ahayn khuraafaad iyo dacaayad Roomaani duug ah. Sidaas darteed, mala-awaalku waxa uu ii noqday jidkii aan kaga xoreyn lahaa halyeeyada eexda haweenka ka dhanka ah ee lagula kacay.

Fooxiso, dhillo, qumayo — si dhif ah ayay haweeney taariikhda ku jirta ula kulantay sumcad dil iyo been-abuur la mid ah kii ku dhacay Kilibaatra-dii toddobaad. Ilo qadiimi ah ayaa dhaawacay dhaxalkeeda iyagoo isku dayaya inay qiimaheeda dhimaan kuna muujiyaan inay ahayd oo keliya haweeney “qalaad ah oo sasabatoole ah”. Laakiin waxa iga farxiya ayaa ah in magaceedu uu ka gudbay dabarradii wakhtiga, isla markaana uu helay aqoonsi iyo caanimo aad uga badan ragii wax ka qoray. Weydii ilmo toban jir ah “Plutarch” madaxa ayuuna foorarin doonaa, laakiin haddii aad weydiiso “Kilibaatra” wa ayo? Farxad buu la soo haliili doonaa.

Aniguba farxad ban la soo haliilay markii macallimaddayda dugsigu iga codsatay inaan sawiro Cleopatra. Gacmahayga yaryari waxay baadheen sanduuqa midabbada, waxayna qaateen midabka bunniga ah ee baarka dhuuxiisu weli hagaagsanaa adeegsi la’aan aawadeed. Wuxuu ahaa midabka ugu cidloda badan sanduuqa midabada; lama adeegsan jirin marka laga reebo sawiridda dhoobada ama jilifta geedaha. Markaas ayaan sawiray weji metalaya muuqaalkayga iyo midabkayga.

Sannado kadib, waxaan bilaabay barashada heerka mastar ee cilmi baadhista Afrikaanka ee Dugsiga Cilmi-baadhista Bariga iyo Afrikaanka (SOAS). Anigoo ah haweeney asal ahaan ka soo jeedda Gaana, Suudaan iyo Biritan, waxaan aad ugu oomanaa inaan magac dhaabo dareennada qalaadnimo ee igu jiray, sidoo kalena waxaan xiisaynayay inaan fahmo sababta keentay anigoo gabadh yar ah oo isu arkaysa mid u dhow Kilibaatra. Xiisahaygu kuma dhisnayn doodda ku saabsan midabka maqaarkeeda — arrintaas dad kale ayaa si badan uga hadlay — balse wuxuu daarnaa sababta aan u dareemayey xidhiidhka naga dhaxeeya. Inkastoo wakhti badani noo dhexeeyay, haddana farqigu uma weynayn sida aan moodayay; wakhtigan dhashay iyo goortii Ahraamta la dhisay anigaa uga dhawaa, kuwaas oo iyada u ahaa raadad duug ah oo shaxan daboolay.

Waxaan ogaaday — anigoo quusay buugtayda — in Kilibaatra ay sidoo kale ahayd “aqoonyahanad” markaana luqado badan ku hadasha; ugu yaraan siddeed luqadood ayay ku hadli jirtay. Qoraallo dambe ayaa sidoo kale tilmaamay xiisaheeda ku aaddan fooxisnimada iyo daaweynta caafimaadka, taas oo badinaysa suurtogalnimada in ay mar uun daabacday cilmi-baadhis iyada u gaar ah. Waxaan daba galay raadadka “halyeeyadda” Kilibaatra qarniyo badan, anigoo doonaya in aan dib u dhiso sheekada nolosheeda. Waxaan leeyahayna “halyeeyad” sababtoo ah dhaxalka Kilibaatra wuxuu dhex galay gabayo, riwaayado, filinno iyo xitaa ciyaaraha fiidyowga, qisadeeduna waxay u kortay si aad uga weyn wixii taariikhdu na bartay.

Elizabeth Taylor ayaa door aan ka yarayn ilihii duugga ahaa ka qaadatay qaabaynta sawirkeeda; maadaama muuqaalkeedii dareenka lahaa ee qurxintii shineemda ugu weynayd xilligaas uu sii xoojiyay halyeeynimadeeda sida haweeney “sasabatoole” iyo “fooxiso” ah — haweenay lacag badan haysata se caqli yar, ilaa heer ay ku mili karto luul qaali ah kaliya si ay martideeda u maaweeliso. Mar kasta oo aan ku sii qoto dheeraado akhrinta ku saabsan Kilibaatra, waxaan ogaadaa in aynaan gebi ahaanba waxba ka aqoon iyada; ilihii asalka ahaa ee xilligeedii jiray waxay ku dhawaadeen inaanay jirin. Xitaa Plutarch — oo qoraalladiisii taariikhiga ahaa ee ku saabsanaa noloshii Antony iyo Caesar ay saameyn ku yeesheen riwaayadaha William Shakespeare — wuxuu qoray sheekadiisa in ka badan boqol sanno kadib geeridii Kilibaatra; sidaas ayay raadadkii aan daba socday waqtiga dhexdiisa ugu lumeen una kala go’een.

Sidoo kale taariikhyahannada Suetonius, Appian iyo Cassius Dio ayaa qoray sheekooyinkooda kadib geeridii Kilibaatra, laakiin waxa laga dareemayay sheekooyinkaas in ay lahaayeen laba arrimood oo muhiim ah. Midda koowaad: dhammaantood waxay ahaayeen Roomaaniyiin; sidaas darteed waxay dan weyn ka lahaayeen inay sheegaan in Kilibaatra ay fasahaadisay hoggaamiyeyaashooda, halkii ay ku sifayn lahaayeen inay ahayd haweeney caqli badan oo awood u leh samaynta xulafo istiraatiiji ah. Midda labaadna: waxay ahaayeen rag. Necaybkooda ay haweenka u qabaan ayaa ahaa hubkooga ugu xoogga badan. Waxa aad uga fududayd inay ku tilmaamaan “boqoraddii dhillada ahayd” halkii ay qiran lahaayeen inay mudnayd jacaylka Caesar ama Antony. Cilmi-baadhistaydu waxay igu dhiirrigelisay inaan qoro sheeko taariikhi ah oo ku saabsan boqoradda weyn, laakiin wixii aan moodayay inay noqon doonaan ilo hodan ah ayaa isu beddelay dacaayad siyaasadeed iyo xan qasriyeed duug ah.

Kilibaatra waxay matalaysay wax si buuxda uga soo horjeeday dunidii Roomaanka; waxay ahayd dheddig hodan ah oo fallaago ah. Xitaa qisada “luulka la milay” (taas oo Pliny the Elder uu sheegay qarni kadib geerideeda) waxay ahayd hab lagu ammaano “caqliga Roomaanka” marka loo barbar dhigo “basarxumida” Masaarida. Waxaan sidoo kale garanayay xaqiiqda qadhaadh ee ku saabsan yaraanta ilaha qadiimiga ah ee ka baxsan Giriigga iyo Roomaanka. Haddaan rabay in aan ku daro dhinacyo iyo faahfaahin sax ah oo khuseeya nolosha dhaqammada badan leh ee Kilibaatra, waxay ahayd inaan ka baadho meel ka fog wixii nooga yimid indhaha ragga doonayay inay sumcadeeda dhaawacaan. Laakiin taasi waxay i gelisay jahawareer: xaguu qofku taariikhda ka baadhayaa markuusan raadgurin ereyada qoran? Markaas ayaan fahmay in taariikh “saafi” ahi aanay jirin; taariikhdu — waa sida sheekada — mar walba waxay leedahay “habdhac” gooni ah. Halkaas fikrad ayaa igaga dhalatay: ma isticmaali karaa waayo-aragnimadayda iyo waayo-aragnimada haweenka igu hareeraysan si aan u buuxiyo meelaha bannaan ee sheekada Kilibaatra?

Cilmi-baadhistaydii waxay isu beddeshay gudaha naftayda, waxaanan si degdeg ah u fahmay in buugga aan rabay inaan ka qoro aanu noqon doonin oo keliya sheeko taariikhi ah, balse uu noqon doono “xusuus-qor”.

Sheekadu si degdeg ah ayay ku idlaatay intaas kadib. Kaliya intii lagu jiray tifaftirka ayaan arkay inta ay le’eg yihiin waayo-aragnimadayda gaarka ahi ee ka muuqata bogagga. Tusaale ahaan, halgankeedii bilowga hooyonimadu wuxa uu aad ugu dhawaa waayo-aragnimadayda; sababtoo ah waxaan bilaabay qorista toddobaadyadii ugu horreeyay kadib dhalashada wiilkayga. Inkastoo aanan waligay qaadin culayska maamul dowlad, haddana waan garanayaa dareenka gelitaanka shir ay ka buuxaan rag go’aansaday inay codkayga hoos u dhigaan.

Sheekadayda Kilibaatra way diiddaa aamusnaanta. Waxay u xikmad badan tahay sida ay u xeelad badan tahay, waxayna leedahay maskax aad uga weyn sida dadka kale u malaynayaan. Se mar walba ma lahayn kalsooni ku filan. Isbeddelkan shakiga ilaa geesinimada ahna waa waddo aan si fiican u aqaan.

Waa boqorad ku bixinaysa dadaalkeeda ugu dambeeya duni ay raggu doorbidayaan inay dhegaystaan wiilkeeda shan jirka ah halkii ay iyada dhegaysan lahaayeen. Laakiin xitaa dadaalkaaga ugu weyn wuxa uu u ekaan karaa guuldarro; sidaas darteed waxaan u oggolaaday “Kilibaatra -dayda” inay gefef samayso, sababtoo ah taasi waa ta ka dhigaysa aadane.

Sheekada Cleopatra waa sheekadii aan mar walba jeclaa in aan sheego; sheekada haweeney la takooray, la dulmiyay oo la khald fahmay. Nasiib darro, waa sheeko haween badani si fiican u yaqaannaan, taas oo maanta ka dhigaysa dhaxalkeeda mid ka muhiimsan sidii hore. Inkastoo kumannaan sanno ay ina kala fogeeyaan, haddana labada adduun aad uma kala duwana.

Maalinba maalinta ka dambaysa, waxaan daawanayaa dowladahayaga iyagoo ku sii dhowaanaya bahalnimadii kali-talisnimada ee boqortooyooyinkii hore; halkaas oo xuquuqda haweenka lagu tuntay, dimuqraadiyadduna caqabado badan wajahdo.

Laakiin waxaa jira hal wax oo ay Kilibaatra i bartay: “wakhtigu adkaysiga ma xidho.” Guuleystayaashu way qori karaan taariikhda, laakiin ma awoodaan in ay inaga xadaan xusuustayada. Waynu xusuusan doonnaa, waanan adkaysan doonnaa.