Skip to main content

Friday 16 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Kiiska Madaxbannaanida Koonfurta Yaman

3 January, 2026
Image
Kiiska Madaxbannaanida Koonfurta Yaman
Share

22-kii Maaj, 1990-kii, shakhsiyaad awood leh oo ka tirsanaa Xisbigii Hantiwadaaga ee xukumayey Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Yaman, waxa ay doorteen in ay jabkii Midawga Soofiyati ku waajahaan la midoobidda nidaamkii milatariga ahaa ee ka talinayey Jamhuuriyadda Carbeed ee Yaman. Isbeddelkan degdegga ahi waxa uu sababay in ay ka tanaasulaan damacyo aydhiyoolajiyadeed oo uu xisbigu hore u lahaa, siiba garabkiisa xagjirka ahi, oo u ololaynayey aragtiyo kacaan oo waaweyn, sida “xorraynta Cummaan iyo Khaliijka” iyo in Waqooyiga Yaman lagu soo daro Hantiwadaagga Koonfurta.

Ka dib labaataneeyo sanno oo kolkaa laga joogay markii Yamanta Koonfureed ay xornimada ka heshay Ingiriiska, waxa ay markan kalena si sahlan ugu gacan gashay Waqooyiga. Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, oo madaxweyne u ahaa Waqooyiga, ayaa go’aamiyey dagaalkii 1994-kii, isagoo shaaciyey in awood lagu soo celiyo Koonfurta, kolkaasna idaacadda dalku baahisay heesaha Ayuub Dariish, iyagoo u dabbaaldegaya dib u soo noqoshada Cadan.

Laga soo bilaabo maalinkaa, halganka Koonfurtu ugu jirtay dib u goosasho waxa uu soo yeeshay wejiyo dhawr ah. Waxa markii hore soo ifbaxay dedaallo nabdoon, ka hor intaan dedaalladaasi wejiyo siyaasadeed yeelan, ka dib markii la aasaasay Golaha Kalaguurka ee Koonfurta, sannadkii 2017-kii, oo fagaare u noqotay xubnaha Koonfurta ee u dedaalaya dib ula soo noqoshada madaxbannaanida dalkooda.

Ka arrinsiga go’aanka masiirka Koonfurtu lama bilaaban samayntii Golaha Kalaguurka Koonfurta, ee waxa uu soo maray heerar kala duwan. Shirweynaha Wadahadalka Qaran (2013 – 2014) waxa lagu go’aamiyey qaddiyadda Koonfurta, oo loo arkay “qaddiyad siyaasadeed oo caddaaladeed”, waxaana lagu qiray in midawgu ka dhex dhacay laba dawladood oo labaduba madaxbannaani haystay – Koonfurta iyo Waqooyiga – midawgaas la isla oggolaana dumay ka dib dagaalkii 1994-kii iyo falalkii ka dambeeyey ee siyaasadaha fogaynta ah ahaa. Hase ahaatee, qiraalkani waxa uu ahaa mid aan xalal dhab ah bedka keenin, ballanqaadyadii cudurdaarka, magdhowga iyo saami-qaybsiguna waxa ay noqdeen uun kuwo aan warqadihii lagu qoray aan soo dhaafin, arrinkan oo sababay in Koonfurtu ku gude jirto dawlad dhexe oo fashilantay oo ay maamulaan reer Waqooyigu.

Soojeedinta “dawlad fedderaal ahi” waxa ay noqotay soojeedin aan buuxin karin xuquuqda Koonfurta, waxaanay u muuqatay uun soojeedin looga dan leeyahay in qaddiyadda Koonfurta meesha lagaga saaro, siiba in federaalayntu ay soo bandhigtay in Koonfurta loo qaybiyo laba gobol oo federaal ah, waana go’aan loo arkay in si badheedh ah lagu wiiqayo jiritaanka Koonfurta iyo sooyaalkiisa midaysan.

Wafdigii Koonfurtu, oo uu hoggaaminayey Maxamed Cali Axmed, waxa uu diiday qodobbada kasoo baxay Shirkii Wadahadalka Qaran, siiba hannaanka federaalaynta ee lixda gobol. Tan beddelkeeda waxa ay keeneen hannaan ah in laba gobol uun loo federaaloobo (Waqooyi iyo Koonfur), wafdiguna ugu dambayn waxa uu doorbiday in uu ka baxo shirka, si aanay u qaadan go’aan wiiqaya hanka la soo noqoshada dawladnimada Konfurta.

Tallaabadii Xuutiyiintu xukunka kaga tureen Cabdirabbi Mansuur Haadi sannadkii 2014-kii, waa tallaabada sida kama dambaysta ah usoo afjartay midnimadii Yaman. Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iiraan, waxa ay qabsadeen haayadihii dawladda ee Sanca, waxaanay soo rogeen qaab kooxeed xukunka keligood ku koobaya, arrinkan oo dhinaca Koonfurta aanay sinaba ula qabsan karin.

Haddii aanu Cabdirabbi Mansuur Haadi ahayn nin Koonfurta kasoo jeeda, sidoo kalena dagaalyahannada Koonfurtu aanay si mitidnimo ah ula dagaallamin Xuutiyiinta oo ay ku jabiyeen dagaalkii Cadan, iyagoo taageero ka helaya Imaaraadka iyo Sacuudiga, sidoo kalena aan kooxaha argagixisada ah aan laga qabsan lahayn Mukalla, waxa ay u badan tahay in mashruuca Xuutiyiinta ee Iiraanna waddaa uu gaadhi lahaa Koonfurta Yaman, weliba iyadoo kooxo Shiico ahi ku xoogganyihiin dhinacyada Koonfurta ee sunnigana ah.

Xorraynta Cadan waxa ay goolad muhiim ah oo qotodheeraysay wacyiga reer Koonfurka Yaman u yeesheen lagama maarmaannimada dib ula soo noqoshada dawladnimadoodii. Hase ahaatee, Cabdirabbi Mansuur Haadi ayaa ku guuldarraystay ka faa’idaynta fursaddaas taariikhiga ah, isagoo tan beddelkeeda isku dhiibay saamaynta awoodaha siyaasadeed ee ku xeeran. Kooxo ayaa ku dhiirrigeliyey in uu dib u soo celiyo adeegsiga hadalladii madhnaa ee Wadahadalka Qaran, iyagoo iska indho tiraya xaqiiqada in dagaalku xaaladdii beddelay, oo Koonfurtuna hadda madaxbannaantahay, meesha keliya ee xukuumadda sharciga ahi fadhiisan kartana tahay.

Nasiibdarro, qaar ka mid ah reer Koonfurka Yaman oo galay kaalintii wafdigii hore ee Koonfurta ku metelayey Shirka Wadatashiga Qaran ee Sanca, waxa ay ka qayb qaateen xoojinta qorshayaasha gobollada Federaaliga ah ee Koonfurta loo qaybiyey, iyagoo sidan ku xoojinaya sheekada madhan ee ku saabsan mustaqbalka Koonfurta, isla markaas na arrinkan dhaafsaday metelaad iska mala’awaal ah iyo dano kooban.

Dagaalku waxa uu baabi’iyey dhammaan habraacyadii hore ee siyaasadeed. Reer Koonfurka Yaman waxa ay ku dedaaleen in ay arrimaha hoggaamiyaan samaynta maamulkii iskii u taagan, walow ay joogto yihiin isku dayada lagu faragelinayo, lagu wiiqayo ama lagu cadaadinayo himiladooda.

Abriil 2022-kii, Shirkii Labaad ee Riyaad waxa uu si rasmi ah qaddiyada Koonfurta ugu aqoonsaday qayb ka mid ah wadahadallada xabbadjoojinta, waxaanu siiyey habraac wadaxaajood oo u gaar ah. ka sokow dib-u-dhaca iyo ballanqaadyada madmadowgu ku jiro, haddana Shirku waxa uu Golaha Kalaguurka Koonfurta u aqoonsaday cidda sida sharciga ah u metesha shacabka Koonfurta, hoggaanka Golahaasna waxa lagu soo daray Golaha Hoggaaminta Qaranka.

Saddexdii sanno ee la soo dhaafay, horumarrada ka dhacay gudaha Golaha Kalaguurka Koonfurtu waxa ay beeninayaan mala’awaallo laga haystay, waxaanay soo bandhigeen sida ay Koonfurta uga go’antahay qaddiyaddu, iyadoo Guddoomiyaha Golaha, Caydaruus Subaydi iyo labada hoggaamiye ee Abu Sahra al-Maxrami iyo Faraj al-Baxsaani ay beesha caalamka u soo bandhigeen in qaddiyadda Koonfurtu udub-dhexaad tahay, oo aan la qarin karin amaba aan faylalka aan muhiimka ahayn lagu dari karin.

Maanta, iyadoo Golahani uu maamulka gacanta ku hayo, tallaabada xigtaa waa sii qotodheeraynta madaxbannaanida maamul ee Koonfurta iyo ballaadhinta iskaashiyada gudeed, si ay gogoldhig ugu noqoto xorroobid dhammaystiran. Waa arrin u baahan dhisidda haayado dawladeed – kuwo fulin, sharcidejin, garsoon iyo kuwo adeeg-bulsho oo awooda in ay khayraadka si daahfuran u maamulaan, sidoo kale waa wax u baahan dib u soo celinta qaabdhismeedkii ciidamada amni iyo milatari, iyadoo laga duulayo habraaca Koonfur midaysan. Waa wax sidoo kalena u baahan in qaybaha kala duwan siyaasadda iyo beelahaba laga qayb geliyo, si loo dammaanad qaado sharciyad dhaafsiisan hoggaanka.

Waxa intan garab socon kara, in la joogteeyo wadatashiga gudaha Koonfurta, iyo in aragtida siyaasadeed ee Golaha Kumeelgaadhka ah ee Koonfurta loo beddelo gundhigga dastuurka dalka lagu dhisayo. Marka dhinaca dibedda la eegana, waxa waajib ah in la ballaadhiyo metelaadda siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed ee Koonfurta, si waafaqsan mabda’a sinnaanta ee Golaha Hoggaaminta, iyo in sidoo kale la xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo nabadgalyo ee lala yeelanayo dhinacyada habboon heer gobol iyo heer caalamiba leh, si arrinkani gogoldhig ugu noqdo aqoonsi caalami ah oo si tartiib ah ku yimaadda.

Madaxbannaanida Koonfurta Yaman ma aha arrin caaddifadeed ama codsi si kedis ah lagu khasbanaaday, ee waa mashruuc siyaasadeed oo waaqic ahaan u jira, sooyaal leh, doonis shacabna leh. Si kasta oo caqabado u jiraanna, ma jirto maalin maanta kaga habboon gaadhista yoolkaas. Madaxbannaanida Koonfurta Yaman waxa uu kordhinaysaa xasilloonida, waxa ay ka hor tagaysaa in xagjirku boos ka helo, waxaanay xoojinaysaa isbahaysiga Dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka, xidhiidhada Koonfurta iyo Yamantana waa ay midho dhalanaysaa.

Qormadan waxa laga soo turjumey halkan.