Tuesday 9 December 2025
Dhammaadka bishii Maaj, Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), oo ahaa wasiirkii difaac ee ugu dambeeyey nidaamkii milatariga ahaa ee Soomaaliya, ayaa geeriyooday, isagoo ka tagay dhaxal godobaysan oo aan cidina ka xisaabin intii uu noolaa. Geeridiisu waxa ay gunaanad u tahay cutub balan iyo bayhoof ku suntan oo ku jira sooyaalka Soomaalida, iyada oo caddaaladdii la laalay, dhibbanayaashii falalkiisuna dibad wareeg ka yihiin caddaaladdaas.
Moorgan, waxa uu summad iyo astaanba u ahaa wax kastoo la xidhiidha kelitalisnimadii Siyaad Barre iyo dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyey dhicitaankii nidaamka. Laakiin haddana, dalka iyo dadka Soomaalidu waa kuwo aan weli awoodin in ay xaqiiqada wajahaan, sooyaalkana ka run sheegaan, oo waxa ay dhex heehaabayaan dib u heshiisiin maqaarsaar ah iyo kala xigsashada shakhsiyado la mid ah Moorgan. Haddiiba arrin sidan yahayna, caddaaladdu Soomaaliya keliya uma aha arrin akhlaaqeed oo lagama maarmaan ah, ee sidoo kale waxa ay gungidh u noqonaysaa xasuus-wadareedka bulsho iyo ka hortagga xadgudubyo mustaqbalka dhaca.
Moorgan waxa uu Qardho ku dhashay 1949-kii, toddoba sanno ka dib madaxbannaanidii, 1967-kiina waxa uu ku biiray Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu tababarro heersare ah kusoo qaatay Midawgii Soofiyati iyo Maraykanka, isagoo ku takhasusay hoggaanka iyo istiraatiijiyadda millatariga. Waxa uu ahaa nin ku raadaysmay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo ka warqaba qodobbadii la isku hayay ee Dagaalkii Qaboobaa salka u ahaa, iyo isbeddelkii jar iska xoornimada ahaa ee Soomaaliya halmar kaga wareegtay Moosko, Galbeedkana ugu xidhatay, ka hor intaanay ugu dambayn dhicin. Wax alla waxii tababar ciidan iyo mabaadi’ lasoo baray waxa ay ugu dambayn isugu soo biyo shubteen dalka gudihiisa, oo halkii Jamhuuriyadda lagu difaaci lahaa, isla shacabkeedii lagu gumaaday.
Xilligii Kacaanka, Moorgan waxa uu soo qabtay xilal hoggaamineed oo uu ka hayay Gobollada Dhexe iyo Waqooyiga dalka, ka hor intaanu noqon wasiirkii difaac ee ugu dambeeyey nidaamkii Siyaad barre, oo soddogna u ahaa. Xidhiidhkan qoys ee uu Siyaad Barre la lahaa waa mid dhaxalsiiyey kaalin adag, awood badanna gacanta u geliyey, una sharciyeeyey, isagoo marka horeba ka tirsanaa nidaam ku dhisan hadba inta qofku qabiil ahaan kuu jiro.
Dhicitaankii xukuumaddii dhexe ee 1991-kii kaddib iyo baxsashadii Siyaad Barre, Moorgan sida saraakiishii la midka ahayd ma dhuuman, ee waxa uu bilaabay dib u qaabaynta hadhaagii Siyaad Barre, isagoo isugu geeyey Jabhaddii Waddaniga Soomaaliyeed (SNF). Waa jabhad dambiyo dagaal ka gashay dadka deggan labada webi ee Jubba iyo Shabeelle, oo ay ka mid yihiin dilal, kufsi, burburinta nidaamyadii waraabka beeraha iyo boobka bakhaarradii dalagga. Falalkani waa kuwa ka qaybqaatay in macaluushii 1992-kii bilaabanto, oo ahayd macaluul indhaha dunida soo jeedisay. Macaluusha Baardheere waxa ay ahayd masiibo weyn oo galaafatay nolosha dad ku dhow 300,000 oo qof, oo badankoodu ka tirsan beesha Digil iyo Mirifle, waxaana sababay taatikooyinkii cunaqabataynta iyo ciqaabta ahaa ee jabhadda SNF ee Moorgan adeegsatay. Sida uu xaqiijinayo Alex de Waal, macaluushani waa musiibadii ugu weyneyd intii dagaalka sokeeye socday. Dhibta macaluusha waxa sii labajibbaaray hoggaamiyaha dagaal ee kale, Maxamed Faarax Caydiid, oo jabhaddiisu boobtay gargaarkii bani’aadamnimo ee qaybta ka ahaa hawlgalkii Rejo Soo Celinta ee Maraykanku hoggaaminayey.
Moorgan, waxa loo garan ogyahay “hiliblihii Hargeysa”, iyadoo loogu bixiyey saxariirka iyo gumaadka uu Hargaysa ka gaystay iyo duqayntii magaalada. Isaga ayaa qoray warqadda ay Human Rights Watch ay ku magacawday “Farriintii Geerida”, bishii Jeenaweri ee 1987-kii. Waa farriin sir ah oo uu u diray Siyaad Barre, oo jaangoynaysa siyaasadda gumaadka iyo xasuuqa dadka deggan Hargeysa iyo Burco.
Moorgan, ma ahayn sarkaal keliya fuliya awaamir xaga sare kaga timi, ee waxa uu qayb ka ahaa istiraatiijiyadda kooxda talinaysaa soo maleegto, oo xasuuqa iyo dil-wadareedkaba u arkaysay jidka ugu habboon ee dadka kasoo horjeeda lagu gumaadi karo, siyaasaddooda lagaga takhallusi karo, ee kelitalisnimadana lagu sii adkaysan karo.
Walow ay ururro badan, sida Human Rights Watch, ay qirayaan dambiyadiisa, haddana Moorgan weligii laga lama xisaabtamin falalkaas, gudaha dalka iyo dibaddiisa midna. Se cagsiga arrinkan, xukuumadda Soomaaliya waxaabay tacsi rasmi ah ka dirtay geeridiisa, hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliyana waxa ay si gaar ah u direen tacsi. Waa wax muujinaya wacyi la’aanta lodka talinaya ka haysata anshaxa iyo masuuliyadda sooyaalka. Sharfidda dambiile-dagaal waa in la dafiray xuquuqdii dhibbanayaasha.
Sheekada Moorgan waxa ay shabbahdaa amaba tahay xaaladda uu Paul Riccoeur uu ku sheegay “saamaxaadda fudud”, oo ah isa saamixidda la sameeyo iyada oo aan dambigii la qiran, masuuliyadna la qaadan, laguna hoos dhuunto isla heshiin ama ilaalinta deggenaanshaha guud. Habkan saamaxaadda ahi waxa uu hor joogsaday dhabaynta caddaaladda iyo nabad kama dambays ah oo laga gaadho siyaasadda Soomaalida. Caddaaladda dhabta ahi waxa ay rabtaa wax is wayddiin loo simanyahay iyo in si qayaxan dambiyada loo qirto.
Markii taliskii Siyaad dumay, dagaal-oogayaal badan, sida Moorgan, waxa ay hoggaanka u qabteen kaalmo hoggaamineed oo cusub oo ay beelahooda ka dhex heleen. Moorgan waxa loo xilsaaray in uu la taliyaha amniga ka noqdo Buntilaan, oo ah waxa tilmaamaya sida arrimaha ciidamada iyo siyaasaddu isula falgaleen marka la joogo nidaam-beeleedyada.
Laga soo bilaabo Jarmalka waxii Naasigii ka dambeeyey, ilaa laga soo gaadho Koonfur Afrika kaddib Midabtakoorkii, tijaabooyinka caddaaladdu waxa ay muujinayaan in aan isa saamaxu macno ku fadhiyin haddii aan lagu salayn qirashada dambiyada la galay, oo aan dhibbanayaasha mudnaanta la siin, tagtadoodiina meesha laga saarin, isla tagtadaas iyadoo laga dhimbiil qaadanayana aan caddaaladda la waajihin. Marka Soomaaliya la joogo, dhaqankani ma jiro, jidkanna lama maro, xasuus-wadareedka dadka waxa kootaystay hormuudka siyaasadda beelaha oo uga faa’idaysta marinhabaabinta xaqiiqooyinka, isla xisaabtankana ka doorbida dafiraadda.
Faylasuufkii reer Faransiis, Maurice Halbwachs, waxa uu xusayaa in xasuustu keliya ahayn wax la xasuusto, se ay tahay sees bulsheed oo markasta soo cusboonaada. Marka la joogo Soomaaliya, seeskan xasuusta ah waxa ku loollama laba tebinood: midi waa tebin rabta in xaqiiqada la sheego, halka ta kalena arxandarradii kelitalisnimada u geddiso halyeeynimo ay tahay in loo xiiso.
Kala qaybsanaantani waxa ay si toos ah uga muuqataa Soomaalida qurbaha ee Yurub iyo Maraykan ku sugan, oo koox Soomaalidaas ka mid ah isu arkaan dhibbanayaal xasuuq loo gaystay, xasuusihii dhaawacana qurbaha la jooga, halka koox kale oo dambiilayaasha isku beel yihiinna, dambiilayaasha dagaalka u arkaan halyeeyo waddiniyiin ah. Loollankani waxa uu ka muuqdaa doodahooda guud ee ay dhex mariyaan baraha bulshada, oo ku tusinaya barta madaw ee tagtadu ku yeelatay wakhtiga jooga.
Soomaalida marka la dhex joogo, sheekada ku saabsan dib u heshiisiintu waxa ay noqotay qawda maqashii waxna ha u qaban iyo ereyo siyaasiyiintu soo celceliyaan oo aanay waxba ku dhex jirin, kana madhan nuxur dhab ah iyo soohdin anshax. Isa saamixiddu, marka laga yimaaddo ahmiyaddiisa siyaasasdeed iyo anshaxeed, haddana ma aha wax lagu salayn karo waxkasta oo hore ha laga noqdo “xalay dhalay”, taa beddelkeeda waa wax u baahan qirashada dambiyada iyo la xisaabtanka dambiilayaasha. Isdiiddada qaddiyadda Moorgan intan baa sal u ah, oo halkii lagala xisaabtami lahaa, la maamuusay.
Tallaabada u horraysaa waa qirashada gefafka, ugu yaraan. Tusaale ahaan, markii uu madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu cudurdaarka ka bixiyey dambiyadii uu nidaamkii milatarigu ka gaystay Soomaalilaan, waxa uu dhaliisha dhakada ka saaray nidaamkii markaa talinayey, waxaanu ku baaqay dib u heshiisiin Soomaalida la dhex dhigo. Dhinaca kalena, waxa uu hadalkiisa kusoo daray in loo baahanyahay in kooxihii hubaysnaa ee nidaamka la dagaallamayey ay iyaguna is keenaan bedka oo dambigooda qirtaan. Waa hadal uu ku simayo dhibbanayaashii iyo kuwii xadgudubka waday, halkii si toos ah loo qiri lahaa, loona xisaabtami lahaa. Waxa meesha imanaysa wayddiinta udubdhexaadka ah: sidee u dhisan karnaa xasuus la wadaago oo innaga furdaamisa xadgudubkii tagtada, isa saamixiddana kusoo celisa xayndaabka anshaxa, ee aan huwin hu’ga isla safashada?
Tallaabada koowaad waa qirashada dambiyada, oo weliba loo qirto dadkii dhibbanayaasha ahaa. Waa in la yaqiinsadaa in dib u heshiisiintu aanay ahayn jid siyaasiyiintu ku qaybsadaan talada, se ay tahay wax anshaxu waajibinayo si dib loo dhiso bulshada oo xaqiiqada lagu saleeyo. Laakiin Soomaalida maanta joogtaa qiyamkan waa ay macnotireen. Soo dhaweynta hoggaamiyayaasha dagaal oo halyeeyo loo aqoonsaday iyo maamuuska dambiilayaashu waxa ay meesha ka saarayaan helidda caddaalad dhab ah. Iyada oo aan waxba la isu oggolayn, ka sheekaynta dib u heshiisiin keliya waa hadaltiro aan qiimo ku fadhiyin, oo nidaamyadii dambiga gaystay weli caawinaya. Kol haddiiba qaabfekerka lodka siyaasadda Soomaaliya ku jiraa sidan yahay, dood kasta oo ku saabsan caddaaladda iyo mustaqbal la wadaagaa waa uun dhaan dabangaalle.