Skip to main content

Sunday 8 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Khilaafka Xisbiga Kulmiye oo Sii Cakirmaya

20 December, 2025
Image
Khilaafka Xisbiga Kulmiye oo Sii Cakirmaya
© Duriyo Films
Share

Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, oo in muddo ah uu ka dhex jiray khilaaf ku saabsan shirweyneha Xisbiga oo uu Guddoomiye Maxamed Kaahin hore u dib ugu dhigay, ayaa u muuqda mid uu khilaafkiisu sii murgayo.

Guddoomiyihii Goleha Dhexe ee xisbiga, Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa maanta [sheegay] in hoggaanka xisbiga ay ka dhammaatay muddadii sharciga ahayd, ka dib 4tii Oktoobar oo ay ahayd in la qabto shirweyneha xisbiga, sidaas awgeedna uu isagu yahay hoggaanka keliya ee uu xisbigu leeyahay, ilaa la gaadhayo shirweyneha, sida uu sheegay.

Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiyeha Goleha Dhexe ee xisbiga oo u muuqday in uu la mawqif yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, ayaa muujiyay in xubnaha xisbiga ee la safan Muuse Biixi ay sii xoogeysteen, iyada oo uu hore u la safnaa xubin hoggaanka xisbiga ah, Maxamuud Sacad Saajin, oo doorashadii horena xisbiga uga tartanay Madaxweyne Xigeen.

Guddoomiyeha Xisbiga ayaa si degdeg ah uga [jawaabay] hadalka Guddoomiyeha Goleha Dhexe, isaga oo sheegay in uu xilkiisii hakiyay. Maxamed Kaahin ayaa ku eedeeyay Guddoomiyeha Goleha Dhexe in uu sharcigii jabiyay iyo in uu ka qaybgalay shirar sharcidarro ah, isaga oo tilmaamayay kulamo ay yeesheen garabka taageersan Madaxweyne hore, Muuse Biixi.


Dhanka kale, Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Anisixinta Xisbiyada Qaranka ayaa isla maanta soo saartay go'aan ay ku oggolaatay muddeynta shirka Goleha Dhexe ee Kulmiye oo uu hoggaanka Xisbigu u gudbiyay in la qaban doono badhtamaha sannadka dambe - bisha 7aad, 2026. Arrintan ayaa ay dad badan u akhristeen dabacsanaan ay Guddidu u muujisay hoggaanka Kulmiye ee uu hoggaamiyo Kaahin oo ay hore uga diidday go'aankii uu dib ugu dhigay shirka.


Guddidan ayaa hore sharcidarro ugu tilmaantay dib u dhigistii uu shirweyneha ku sameeyay Guddoomiye Maxamed Kaahin, mawqifkaas Guddida oo uu ammaanay Madaxweynihii hore.

Khilaafka Xisbiga Kulmiye waxa uu salka ku hayaa loollanka hoggaanka, waxana uu Madaxweynihii hore riixayaa isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hadda iyo in doorashada soo socota uu xisbigu ku galo qaab cusub oo dhanka deegaannada ah, kaas oo u janjeedha galbeedka, sida ay tibaabaxayaan xogo aan rasmi ahayni.

Hoggaanka Xisbiga ee hadda ayaa, badandkoodu, ka soo horjeeda xisaabtan siyaasadeed ee uu Biixi ka shaqeynayo, iyaga oo u arka in uu duullaan ku yahay xilalkooda iyo kaalintooda siyaasadeed, waxana ay dadaal galinayaan sidii ay isaga caabbin lahaayeen isbeddelka uu riixayo.

Si kasteba ha ahaato e, arrinta ayaa u muuqata hadda in ay u xuubsiiban doonto mid sharci oo gaadha laamaha sharciga,

gaar ahaan tallaabooyinkii maanta dhacay oo uu muranka qayb ka noqday, markii u horreysay, Guddoomiyeha Goleha Dhexe ee Kulmiye, lamana oga tallaabada sharci ee ay qaadan doonaan hay'adaha sharci ee ay khuseyn doonto arrintani oo loo badinayo in ay saameyn ku yeelan doonaan Xukuumadda iyo xisbiyada kale oo dantoodu ku xidhan tahay hadba tubta uu qaado Kulmiye.