Wednesday 19 November 2025
Khilaafkii ka dhex jiray xubnaha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland, kuna saabsanaa qabashada Shirweyneha Xisbiga, ayaa u gudbay marxlad hor leh, ka dib markii uu Guddoomiye Xigeenka 4aad ee Xisbigu sheegay in garabkiisu qaban doonaan shirweyne, haddii uu Guddoomiyuhu ku adkeysto qorshihiisa. Maxamuud Sacad (Saajin) oo doorashadii hore Xisbiga uga tartamay Madaxweyne Xigeenka Somaliland ayaa ku eedeeyay hoggaanka Xisbiga ee hadda, Maxamed Kaahin in uu taladii maroorsaday oo aanu ka talogelin go'aannadii muhiimka ahaa sida go'aankii dib loogu dhigay shirweyneha.

Dhanka kale, Guddoomiye Maxamed Kaahin ayaa sharci darro ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan xubnaha Xisbiga ee uu hoggaaminayo Guddoomiyeha 4aad, waxana uu tilmaamay in aanay xubnahaas qaarkood ka tirsanayn Xisbiga, isaga oo ugu baaqay Xukuumadda iyo laamaha amniga in ay tallaabo ka qaadaan ciddii isku dayda in ay shirqabato.
Khilaafka Kulmiye ayaa in muddo ahba hurayay, iyada oo ay dhinacyadu isku maandhaafeen muddeynta shirweyneha oo hore loogu muddeeyey bishan Oktoober, laakiin uu mar dambe dib u dhigay hoggaanka Xisbigu, muddo ku dhaw labo sannadood. Muranka shirweyneha ka dhashay ayaa waxa uu salka ku hayaa loollan dhanka awoodda ah oo ay xubno gaar ahi ku doonayaan in ay qabtaan hoggaanka Xisbiga, iyaga oo beddelaya midka hadda. Toddobaadkii hore ayaa Hargeysa laga qabanqaabiyay isu soobaxyo lagaga soo horjeedo hoggaanka Xisbiga ee hadda iyo dib u dhaca shirka, waxaana isu soobaxaa xoog uga hortimid xukuumadda Somaliland iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ah.