Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Khaliijka iyo Yurub: Isbeddelka Jihada Tahriibka

17 March, 2026
Image
Khaliijka iyo Yurub: Isbeddelka Jihada Tahriibka
Share

Doonyaha geerida ee u jihaysan Yurub, kana tallaaba Badda Medhitareeniyanku, hadda ma aha kuwa keliya ee metela sheekada socdaal ee Afrika. Isbeddelka jiquraafi-siyaasadeed iyo bani’aadamnimo awgii, jiheeyaha tahriibayaasha Afrikaanka ahi hadda waxa uu u jeestay bari iyo Khaliijka Carbeed, isagoo ka tanaasulaya riyadii Yurub, oo hoos u dhacay dabarrada socdaal iyo cadaadisyada dhaqaale ee qaaraddii guunka ahayd ka bilaabmay awgood. Sida waafaqsan xogaha Qaramada Midoobay, tirada socotada caalaamiga ah, kuwo sharci ah iyo kuwa aan ahaynba, waxa ay gaadhay 304 milyan oo qof badhtamihii sannadkii 2024, waana tiro sheegaysa heerka kor u kac caalami ahaan.

Tirooyinkan badan waxa ku hoos duugan isbeddello qotodheer; warbixinaha Ururka Caalamiga ah ee Socdaalku waxa ay muujinayaan in jidka Badda Cas iyo Gacanka Cadan uu noqday jidka tahriib ee ugu dhaqdhaqaaq badan dunida. Sannadkii 2024 oo keliya, waxa la diwaangeliyey tiro ku dhow 446.194 oo xaalad tahriib ah, kana yimi Bariga Afrika, oo u socda Khaliijka Carabta. Boqolkiiba 96 dadkaasi waxa ay ahaayeen Itoobiyaan. Ka sokow halisaha badan ee galaaftay tiro aan ka yarayn 558 qof oo tahriibe ah isla sannadkaas, haddana tobanaan kun oo qof baa magansada hubanti la’aanta, iyagoo raadsanaya fursad shaqo iyo nolol tooda hore dhaanta.

Yurub: Dhibaatooyin gudeed iyo adkaynta xuduudaha

Sannadihii dambe, Yurub waxa ay la kulantay isbeddello dhaqaale, bulsho iyo jiquraafi-siyaasadeed oo qotodheer, si toos ahna uga turjumaysa siyaasadaha qaaraddan ee la xidhiidha socdaalka sharcidarrada ah. Laga soo bilaabo kolkii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn qarxay bishii Feebarweri ee 2022, qaaraddu waa ay gashay mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu kakanaa tan iyo Dagaalkii Labaad. Dagaalkani waxa uu sababay kor u kac aan hore loo arag oo sicirka tamarta iyo cuntada ah, iyo korodhka heerka sicirbarar, waana wax si dhab ah u saameeyey nolosha maalinlaha ah ee qofka Yurubiyaanka ah. Sii labajibbaaranka shaqo la’aanta iyo hoos u dhaca heerarkii horumar ee dalal badan, aragtida guud waxa ay noqotay mid ka dayrisa soo dhawaynta mawjado cusub oo socoto ah.

Xaaladdan oo jirta, waxa soo baxay siyaasado Yurubiyaan ah oo sidii hore kaga ad’adag socdaalka sharcidarrada ah oo ka imanaya Afrika. Halkii ay Yurub sannado badan ka ahayd jihada ugu wanaagsan ee tahriibayaasha, wixii intaa ka dambeeyey waxa muuqda isbeddelka jihada la doorbidayo. Sida waafaqsan xogta Wakaaladda Yurub ee Ilaalada Xuduudaha iyo Xeebaha, xeebaha Yurub waxa sannadkii 2022 soo gaadhay 330 kun oo tahriibe sharcidarro ah, waana tiradii ugu badnayd ee la diwaangaliyo tan iyo sannadkii 2016, hase ahaatee, tiradani waxa ay bilwaday hoos u dhac, labadii sanno ee 2023 iyo 2024, natiijo ka dhalatay adkaynta ilaalinta jidadka kasoo gudba Midhitareeniyanka iyo Balkaniska, sidoo kalena uu dheer yahay iskaashi adag oo lala sameeyey dalalka waqooyiga iyo galbeedka Afrika, si ay uga hor tagaan tahriibayaasha ka hor intaanay Yurub soo gaadhin.

Adkaynta siyaasaha tahriibku keliya kuma koobsan joojinta soogalootiga, ee sidoo kale waxa dheeraa hawlgallo ballaadhan oo tarxiilid ah. tirokoobyada Waaxda Midawga Yurub u qaabbilsani waxa ay muujinanayaan in intii lagu gudo jiray sannadkii 2023 oo keliya, lasoo saaray go’aanno tarxiil oo lagu masaafurinayo in ka badan 420 kun oo socoto si sharci darro ah kusoo galay Yurub, walow aan kala badh go’aannadaas aan la fulin, sababo la xidhiidha arrimo sharci ama loojasti awgood. Waxa dheer, dadka lagu celiyey dalalkooda, diyaarad ahaan ama dhulka la mariyey, wax aay waajaheen duruufo adag, iyadoo ururrada xuquuqda aadamuhu xaqiijiyeen in dadkaasi la kulmeen si xun ula dhaqan iyo xabsi dheer ka hor intaan la masaafurin.

Itoobiya, si gaar ah, waa mid ka mid ah dalalka sida tooska ah siyaasadahani u taabanayaan. Ka dib markii dadkeedu ku bateen tahriibayaasha sharcidarrada ah, Midawga Yurub waxa uu saxeexay sannadkii 2023, heshiis iskaashi oo xukuumadda Itoobiya lala galay, saamaxayana in la dardargeliyo tallaabooyinka dib u celinta qaxoontiga aan sharciga ahayn, sidoo kalena la bixinayo kaalmo maaliyadeed iyo barnaamijyo horumarineed. Heshiiskani waxa uu ka qayb ka ahaa habraac guud oo Midawga Yurub uga dan lahaa in heshiisyo la mid ah lala galo dalalka qaxoontigu ka yimaaddo iyo dalalka ay kasoo gudbaan, sida Tuuniisiya, Liibiya iyo Maali.

Waxa intanba dheer kor u kaca ololaha siyaasadeed ee Yurub ee xidhiidhka ka dhaxaysiiaya qaxoontiga sharcidarrada ah iyo halista kusoo foodka leh nabadgalyada bulsho ama culaysyada dhaqaale. Xisbiyo midigta fog ah oo ka jira dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa ka faa’idaystay cabsidan, si ay shacbiyaddooda u xoojistaan, waxaanay ka dhigteen cadaadis lagu ansixin karo xeerar sii ad’adag. Arrimahan oo isbiirsaday awgood, riyadii Yurub sidii hore mid u fudud ma aha, siibana mid fudud uma aha dhallinyarada Afrikaanka ah ee bilaa shaqada ah, oo hadda keliya adayga gaadhitaanka Yurub aan waajahayn, ee sidoo kalena u bandhigan suurogalnimada soocelinta, xitaa haddii ay ku guulaystaanka gelitaan Yurub.

Arrimahan isbiirsaday awgood, waa gar in jiheeyaha qaxoontiga Afrika isbeddelo, oo socoto badani raadiyaan jidad u buuxiya kuwii hore, kana kharash iyo halis yar, sidoo kalena ka waaqacsan, waana sababta Khaliijka Carabtu u noqday jihada ugu munaasibsan.

Bariga Afrika: Isha qaxoontiga

Ka sokow in Itoobiya hoggaaminayso tirada socotada tahriibaya, haddana Kiiniya iyo Yugaandha ayaa laftoodu kor u kac samaynaya. Dalalkan, oo badiba shaqo la’aan baahsani ka jirto, kala tagsanaanta heerarka dhaqaalena baahsanyihiin, waxa ay noqdeen isha ay ka yimaaddaan socotada sharcidarrada ah ee khaliijka ku wajahani. Waxa muuqata in inta badan Kiiniyaanka iyo Yugaandhiisku ay Khaliijka ku galaan qaabab rasmi ah (heshiisyo shaqo oo ku saabsan martigelinta sida shaqooyinka hudheellada iyo shaqooyinka ganacsiyada tafaariiqda), se haddana tiro badan oo dalalkan ka yimaaddaa waxa ay Khaliijka ku joogaan qaabab aan rasmi ahayn, ka dib marka heshiiska shaqo dhammaado ama shaqo la waayo.

Soomaalida iyo Eretariyaanka laftoodu waa ka qayb socotadan sharcidarrada ah, welibana safarradoodu waxa ay ku sii tilmaamanyihiin haliso ka badan kuwa kale, marka la eego in badanka safarradoodu kasoo bilaabmaan xeebo aan deggenayn, oo ay ka jiraan kooxo hubaysan, iyo shabakado tahriibin oo socotada ka faa’idaysan kara.

Yaman: Marinka dhiigga iyo ciqaabta

Yaman waa marinka ugu muhiimsan ee loo maro Khaliijka, walow dagaallo sokeeye ka socdaan, xaaladda gudeedna aanay deggenayn. Sida waafaqsan warbixinta Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), bishii Ogos ee 2025, dad gaadhaya 6,985 oo Afrikaan tahriibayaal ah, boqolkiiba 99-na Itoobiyaan ah ayaa gaadhay xeebaha Yaman. Hase ahaatee, Yaman keliya ma aha marin lasii maro oo laga gudbo; ee waa dhul haliso badani ku gadaamanyihiin. Kooxo hubaysan, afduubashada malleeshiyaada, ka faa’idaysiga jinsi iyo ku shaqaysiga khasabka ah, waa haliso dhammaan socotada qulqulaysaa la kulmaan, inta badanna waxa ay u gacan galaan tahriibiyayaal ka raba madaxfurasho si loo sii daayo, arrimahan oo safarkan ka dhigaya mid aan ka halis yarayn iskudayadii lagaga gudbayey badda Midhatareeniyanka.

Warbixinaha IOM waxa ay muujinayaan in sannadkii 2024 ay ku dhinteen safarradan dad gaadhaya 558 qof oo kasoo jeeda Bariga Afrika, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Badda Cas, dhimashooyinkan oo dhacay ka dib qarqoomidda lix doonyood oo duug ahaa. Nuskii hore ee 2025, waxa la diwaangeliyey 348 dhimasho, oo inta badan ah degitaanka doonta ama in magafayaashu toogteen socotada. Waxa intanba dheer xadgudubyo iyo dhac lagula kaco socotada, oo badanka ka dhaca goobo ay ka mid yihiin Jabbuuti, Yaman ama Somaliland. Tirooyinkani waxa ay muujinayaan in safarradani aanay ka halis yaran kuwa Midhatareeniyanka.

U gudbidda Khaliijka

Xoguhu waxa ay tilmaamayaan in Sacuudigu uu yahay jihada rasmiga ah ee inta badan socotadaasi u socdaan. Bishii Sibtambar ee 2024, masuuliyiinta Sacuudigu waxa ay joojiyeen 22,021 qof oo lagu tuhunsanaa arrimo la xidhiidha ka xadgudubka xeerarka joogitaanka dalka iyo shaqada. Dadkaas, boqolkiiba 60 waxa ay ahaayeen Itoobiyaan, boqolkiiba 39 waxa ay ahaayeen Yamani. Bishii Maaj 2025, waxa la tarxiilay in ka badan 11,763 qof toddobaad gudihii, dadkaasna boqolkiiba 62 waxa ay ahaayeen Itoobiyaan. Tirooyinkani waxa ay muujiyaan hawsha masuuliyiinta Sacuudigu ka marayaan xakamaynta qulqulka muhaajiriinta, halka socotadaasi hawl kasta oo ay ku qaadataba galayaan dalkaas.

Imaaraadka, ma jiraan tirokoobyo rasmi ah oo si qotodheer ugu saabsan muhaajiriinta sharcidarrada ah ee ka yimi Afrika, se warbixino kala duwani waxa ay xaqiijinayaan in suuqa shaqada ee dalkaasi uu soo jiito shaqaale badan oo Afrikaan ah, siiba dhinacyada martigelinta iyo ammaanka. Dalal ay ka mid yihiin Kuwayd, Qadar, Baxrayn iyo Cumaan, ka sokow inaanay jirin xogo rasmi ah oo cusubi, haddana waxa jira tiro badan oo shaqaale Afrikaana ah, oo kuwo badani si sharci ah ku joogaan, kuwo kalena si sharcidarro ah, ka dib marka heshiisyadooda shaqo dhammaadeen.

Sababmaa Khaliijku beddel ugu noqday Yurub?

U jihaysiga dhinaca bari keliya ma aha doorasho, ee waa wax jaangooyayaal badani khasbeen, waxaana ugu muhiimsan kharashka safarka. In Midhatareeniyanka laga gudbaa waxa ay u baahan tahay kumanaan doollar, se gaadhitaanka Yaman oo looga gudbo Khaliijku waa wax keliya u baahan kharash boqolaal doollar ah. Waxa kale oo meesha ku jira, tallaabooyinka amni. Yurub waxa ay adkaysay siyaasadaheeda muhaajiriinta aan sharciga ahayn, siiba kuwa Midhatareeniyanka. Waxa kale oo xusid mudan suuqa shaqada. Khaliijku waxa uu leeyahay fursado shaqo oo aan xirfad u baahnayn oo ka badan kuwa kale, halka Yurub tartanku badan yahay, shaqo la’aantuna sii baahayso. Waxa kale oo dheer, isku dhowaanta dhaqan iyo diineed ee bulshooyinkan. Waxa jira isku ekaan luuqadeed iyo diineed oo socotada u sahlaya inay si fudud ugu dhex milmaan nafsad ahaan bulshada kale ee ay u galaan.

Dhinaca kale, meesha kamay bixin safarradii qaxoontiga Afrika Yurub ku tagayeen, se haddana hoos bay u dhacday. Sannadihii 2023 iyo 2024, dalalka Maali iyo Gini ayaa ahaa dalalka ugu sarreeya muhaajiriinta sharciddarada ahi ka yimaaddaan, iyadoo weliba samaysmeen jidad cusub oo sida Badweynta Atlaantiga ah.

Jidadka tahriibka

Jidadka loo maro Khaliijku waa ay kala duwan yihiin: waxa uu ku bilaabmaa safar halis badan oo badda ah oo lagaga gudbayo Baab al-Mandab ama Gacanka Cadmeed, waxa xiga in dhul ahaan la maro Yaman, ilaa la gaadho xuduudda Sacuudiga. Waxa kale oo jira in joogitaan aan sharci ahayn lagu joogo dal ka dib marka qofku kusoo galo si sharci ah, sida fiise bookhasho, heshiisyo shaqo oo dhacay iyo wax la mid ah. Tirooyinka badan ee lasoo bandhigo ayaa ay se ku hoos duuganyihiin dhibaatooyin aadame: qaxoonti iibinaya wax kasta oo ay haysteen si ay u maalgeliyaan safarkooda, dumar la kulmaya kufsi, iyo carruur ehelkooda ku waayaya badda. Ka sokow dedaallada IOM, si loo celiyo qaar ka mid ah muhaajiriinta, haddana weli waxa sarreeya qulqulka socotada, waxaana hooseeya falcelinaha dhibaatadan.

Wayddiinta bedka saarani waxa ay tahay, Khaliijku si dhab ah ma usii ahaan doonaa jihada socotada Afrika u beddela Yurub? Tilmaamaha hadda jiraa sidaas bay tilmaamayaan, se mustaqbalka xaaladdu waa mid saddex qodob ku tiirsan: siyaasadaha khaliijka ee shaqaalaha aan sharciga haysan, xaaladaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee Afrika iyo istaraatiijiyadaha Yurub ee socdaalka.

Socdaalka Afrika ma aha safar riyo lagu rumaynayo, ee waa safar lagamamaarmaan u noqday nolol dad. Laba-daran kala doorashadoodna, socotada Afrika waxa ay Khaliijka u arkeen meesha u dhow, u jaban, uga suurogalsan Yurub, si kastoo jidkaas geeri, dhiig iyo silicba u kulansaday. Inta ay maqanyihiin xalal rasmi ah oo xididka xallinayaa, mawjadaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay sidi doonaan wararka dhiillada leh iyo nolol magan u ah.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.