Tuesday 19 May 2026
Gaana waxa ay bishii hore u dabbaaldegtay xuska sagaal iyo lixdanaad ee xornimadeeda kasoo wareegay, dabbaaldeggan intii lagu jirayna, Madaxweynaha hadda John Dramani Mahama, ayaa maqaal aragtiyeed ku faafiyey wargeyska The Guardian, isagoo xusay geesinnimada aasaasayaashii dalka, iyo dooddii uu Kawaame Nakruuma uu ku adkaysan jiray ee ahayd: in madaxbannaanida siyaasadeed dhantaalan tahay haddii aanu la socon isbeddel ku yimaadda nidaamyada caalamiga ah ee qaabeeya dhaqaalaha dalalka, xadeeyana heerka fursadahooda. Haddaba, waa kuma Kawaame Nakruuma?
Kawaame (1909 --1972) waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka xuddunta u ah sooyaalka fekerka siyaasadeed iyo falsafadeed ee qarnigii 20aad, sooyaalkiisuna waxa uu kulmiyey xagasha aragtiyeed iyo waxqabadka taariikheed. Waayo-aragnimada Kawaame waa mid dhaafsiisan xuduudda hoggaamin siyaasadeed, oo waa mid sal u noqotay mashruuc feker oo abbaarayey dib u dhisidda wacyi Afrikaan, xilli lagu jiray u kala guurkii gumeysiga iyo gumeysiga ka dib; qiimaha mashruucan feker waxa uu la gaar yahay in uu ahaa mashruuc xornimada u arka hawl dhinacyo is dhamaystiraya leh oo koobsanaysa sees siyaasadeed, mid dhaqaale iyo sees aqooneed, oo aan kala maarmi karin.
Sidaas darteed, sooyaalka feker ee Nakruuma waxa loo tixgelin karaa dhaqdhaqaaq kala heerar ah, oo ka samaysmay marxalado isxigxigay, laga soo bilaabo samaysankii aragtiyeed ilaa dhaliishii ahayd seeska gumeysiga cusub. Dhaqdhaqaaqani waa mid soo bandhigaya isku sargo’naanta khibradda qofeed iyo isbeddelladii sooyaal ee waaweynaa, oo uu fekerku ka dhex samaysmay.
Wacyiga Nakruuma waxa uu ku dhex abuurmay gumeysigii tooska ahaa ee Gaana haystay, isagoo waxbarashadiisa ku qaatay haayado waxbarasho oo ka dhex jiray kana mid ahaa nidaamkii gumeysiga. Laakiin ku dhex samaysankaasi uma horseedin la falgelidda gumeysiga, ee waxa uu keenay inuu yeesho wacyi naqdineed, siiba kolkii uu xilli hore oo noloshiisa ah la falgalay afkaarihii qawmiga ahaa ee Afrika. 1935-kii ayaa uu u wareegay Maraykanka, waxaana mar kale u furmay heer feker oo intii hore ka ballaadhan, oo waxa uu dhex jibaaxay darar kala duwan oo aqooneed sida falsafadda, cilmigabulshada, dhaqaalaha iyo laahuutka.
Markan waxa uu ku raadaysmay aragtiyii W.E.B. Du Bois iyo Marcus Garvey, isagoo qoraalladooda ka helay sawir isku xidhaya khibradda Afrikaanka qaaradda ku dhex nool iyo khibradda madawga qurbaha ku sugan. Wacyigiisan waxa sii qotodheereeyey ku milanka tooska ah ee waaqacii bulsheed ee ka jiray Haarlem, oo ay ku hirdamayeen ololayaasha feker iyo khibradaha maalinlaha ah ee midabtakoorka iyo kala sarrayntu. Marxaladdan kolkii uu marayey, waxa usoo baxay sawir ah in arrinka Afrika uu qayb ka yahay nidaam caalami ah oo kala sarrayn iyo ismaquunin ah, oo dhaafsiisan xuduudaha jiquraafi.
Jidkan feker waxa uu hayay ilaa uu Landhan yimi, kana qayb galay Shirweynihii Afrika ee 1945-kii, kolkan ayey u usii caddaatay fekradda midnimada Afrika oo mashruuc siyaasadeed ah, isla jeerkan ayuu soo dhiraandhirriyey sawir dhaafsiisan dawlad waddani ah, oo gaadhsiisan heer qaaradeed, iskuna xidhaya madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada dhaqaale iyo xor noqoshada aqoon ahaan.
Mashruuca feker ee Nakruumah waxa uu heer sare oo bisayl ah gaadhay marka uu soo saaray buuggiisa aynnu maqaal hore ku gorfaynnay, ee uu cinwaankiisu yahay: “Consciencism: Philosophy and Ideology for Decolonization”. Waa buug aan u arko inuu metelo iskudayga u gundhigidda habraac falsafadeed oo lagu daweeyo dhibaatada wacyi ee bulshooyinka Afrika ee gumeysiga ka dib. Waa buug ka waxqabadkiisa ka ambaqaadaya soo bandhigidda ilaha kala duwan ee dhaqanka Afriki ka samaysmo, sababtoo ah dhaqanka Afrika waxa ku kulma ilo kala duwan oo qaabeeya: laga bilaabo, dhaqanka soojireenka ah, dhaqanka Islaamka ilaa laga soo gaadho dhaqanka Kiristaanka ee ku xidhan khibraddii gumeysiga.
Nkrumah waxa uu soo bandhigayaa qodobka ah “falsafadda damiirka”, oo uu u arko istiraatiijiyad fekereed oo u dan leh dib u qaabaynta unugyadan kala duwan, lana mideeyo. Waa istiraatiijiyad rabta in la isku soo xooriyo ilahaas kala duwan, oo kala duwanaanshahoodaa loo beddelo midnimo oggolaata dib-u-dhiska ahaanshaha kooxeed.
“Falsafadda damiirku” waxa ay u dhaxaysaa falsafad iyo aydhiyoolajiyad, oo waxa ay kulansatay abla’ablaynta aragtiyeed, iyo ka shaqaysiinta aragtida iyo hagidda; islafalgalkanina waa mid ka muuqda sida ay ugu dedaashay soo gudbinta tafsiir waaqiya, iyo inay ololaha siyaasadeed u jihayso dhabaynta xornimada. Islafalgalkani waa mid awood gaar ah siiyey, kana dhigaya wax la baadhi karo xuduudaheeda aragtiyeed iyo aqooneed.
Si ka duwan aqoonyahanka Waqooyiga Afrika ee wax kuso bartay dugsiyada Galbeedka intii gumeysigu joogay, kuwaas oo u dabranaaday habraacyadooda aqooneed, una dhow qaabka aqoonyahankii galbeedka iyo Koonfurta Afrika, oo isku dayay inay dhexgalaan oo ay fahmaan asalka gumeysiga, saamayntiisa iyo qaababkiisa, mashruuca aragtiyeed ee Nakruuma waxa uu isu beddelay fulin siyaasadeed laga bilaabo markii uu Gaana kusoo laabtay 1947-kii, waagaas oo uu gudagalay qabanqaabin urur, oo uu ka qayb qaatay aasaaska Xisbigii Midnimada Bulshada. Halgankiisu waxa uu ku tiirsanaa istaraatiijiyadda “shaqada togan”, oo ah in bulshada la wacyigeliyo, lana adeegsado hababka suurogalka ah ee gumeysiga lagu cadaadin karo, arrinkan oo ugu dambayn sababay madaxbannaanidii 1957-kii, tan oo u suurogalisay inuu aragtiyihiisa ku dabbaqo heer dawladeed.
Fikradiha Nakruuma waxa ka mid ahaa in la dhiso toobiye horumar oo ku salaysan faragelinta dawladda, isagoo sawirro kasoo dheeganaya hantiwadaag waafaqsan xaaladda Afrika. Mashruucani waxa uu ahaa mid ku xidhan fekradda madaxbannaani dhaqaale, oo uu u arkayey shardiga dhamaystiranka madaxbannaanida siyaasadeed. Hase ahaatee, tajribadan waxa kasoo ifbaxay dhibaatooyin gudeed, siiba arrimaha la xidhiidha maaraynta kala duwanaanta bulsheed iyo dhisidda haayado siyaasadeed oo xasilloon.
Fulintan siyaasadeed waxa ay muujisay xuduudda mashruuca aragtiyeed, sababtoo ah dawladdii cusbayd waxa ay waajahday caqabado la xidhiidha seeska dhaqaale iyo cadaadiska dibadeed (imbiryaaliga ah). Xaaladdan waxa soo ifbaxday dhibaatada xidhiidh ee ka dhex jirta hoggaan dhexe oo xooggan (dawlad gacanta ku haysa wax kasta) iyo ka qaybgalka siyaasadeed (dimuqraaddiyad dadku siyaasadda iyo talada ka qaybgalaan), waana arrin gebi ahaan saameeyey jidkii tijaabadani qaadday.
Buuggiisa “Gumeysiga Cusub”, Nankruuma waxa uu kusoo bandhigayaa abla’ablayn qiimo leh oo ku saabsan marxaladdii xigtay madaxbannaanida siyaasadeed. Waa abla’ablayn ka duulaysa fekradda ah in gumeysigii aanu meesha ka bixin, oo keliya uu dib isugu qaabeeyey habab cusub, siiba dhinaca dhaqaalaha. Hababkaas cusubi waa kuwo ku qotoma gacan ku dhigidda khayraadka iyo in maamulka iyo jihaynta siyaasadaha dhaqaale loo soo maro haayado caalami ah iyo shabakado gudaha dalalka ah.
Mafhuumka “gumeysiga cusub” waxa uu bedka keenayaa habraac lagu fahmo in weli nugaylkii iyo dabadhoonnimadii lagu jiro, waa xaalad muuqa madaxbannaani ka ah. Habraacani waxa uu dawladda waddaniyadeed u arkaa qayb ka tirsan nidaam caalami ah oo kakan, oo ay gacanta ku hayaan awoodo dibadeed, gacan ku hayntoodana u dhex maraya habab aan toos ahayn. Abla’ablayntani waxa ay ku tahay fekradda “qoqobka”, oo ah fikrad tilmaamaysa in qaaradda loo kala jajabiyo dalal yaryar, si ay u wiiqanto awoodda ay u leedahay waajihidda cadaadisyada ka imanaya bannaanka. Shaybaadhkiisa dhaqaale-siyaasadeed waa ka keenay in dib wax la isaga wayddiiyo midnimada Afrika, iyadoo loo arko istiraatiijiyad lagamamaarmaan ah, oo hadal dhaafsiisan, si loo dhiso mashruuc siyaasad ahaan iyo dhaqaale ah is dhamaystiraya. Xaaladdan, midnimadu waxa ay noqonaysaa shardi dib u dheellitiraya xidhiidhada caalamiga ah.
Sooyaalka feker ee Kawaame Nakruuma waa mid ka kooban jid feker oo is dhamaystiraya, kaas kulmisanaya falanqayn ragtiyeed iyo hirgelin aqooneed. Waa mashruuc uu isku dayay in uu dib u dhis ku sameeyo ahaanshaha Afrikaannimo, waana mashruuc xornimada u arkay waa xaglo kala duwan leh, oo koobsanaya xagasha dhaqaale, midda siyaasadeed iyo midda aqooneed ba. Muhiimadda mashruuciisu waa mid ku duugan awoodda uu u leeyahay inuu keeno wayddimo dhab ah oo ku saabsan madaxbannaanida, midawga iyo waxsoosaarka aqooneed ee gumeysiga dabadii. Waa sababta mashruucan ka dhigaysa mid dib u akhrin lagu samayn karo goorkasta , siiba xilligan oo isbeddellada socdaa, weli sii joogtaynayaan ku dabafaylidda iyo kala gacansarraynta oo qaabab cusub ah.
Mashruuca Nakruuma waxa uu furayaa albaab iyo qaab ballaadhan oo looga fekero qaddiyadaha soojireenka iyo xidhiidhka ka dhexeeya fekerka iyo hirgelinta. Qaddiyadda soojireenku waxa ay ka muuqataa raadintiisa ahaansho Afrikaannimo oo madaxbannaan, se haddana su’aal ayaa uu ka keenayaa asalnimada ahaanshahaas iyo soohdinteeda. Soojeedintiisa “falsafadda damiirku” waa mid dhalinaysa in ilo kala duwan iyo fekerro kala duwan la midayn karo iyo in kale, halka mashruuciisu ku dedaalayo isu keenidda kaladuwanaanshahaas.